Xeeldheeraha Saxaafadda Adduunka e Caanka Ah Raageh Cabdilaahi Oomar Oo Qoraal Dheer Oo Uu Kaga Hadlayo Somaliland Ku Daabacay Wergeyska The Guardian “Jihaadiyiinta Kula Jaarka Ah”
London 8 July10 SMC
|
|

Xeel-dheeraha saxaafadda caalamiga ah ee dunida Raageh Cabdilaahi Oomar ayaa maanta bogga hore ee wergeyska The Guardian ee ka soo baxa dalka ingiriiska wuxuu ku daabacay qoraal far waaweyn ciwaan looga dhigay “Jihaadiyiinta Kula Jaarka Ah” The Jidist Next Door.
Mr. Oomaar wuxuu ku bilaabay warbixintiisa “todobaadkani qaaradda afrika waxaa ka dhacay doorasho u dhacday si nabadgelyo, xor oo xallaal ah, kormeerayaashii caalamiga ahaa ee ku sugnaana waxay isku raaceen inay ahayd mid u dhacday si cadaalad ah, maxaa taasi ka sii yaab badna, Madaxweynahii xilka hayey ayaa aqbalay oo intuu warbaahinta la hadlay yidhi “waan aqbalsanahay natiijadda soo baxday” wuxuuna si aan hore qaaradda looga baran u shaaciyey inuu xilka ku wareejin doono ninka isaga bedelaya oo ahaa ninkii tartanka xooga leh ku dhex maray doorashada waxaa sii xigay in Madaxweynaha la doortay oo ah nin ka soo jeeday xisbiga mucaaridka ah uu hambalyeyey madaxweynaha uu ka adkaaday kuna boogaadiyey hawsha uu qarranka u qabtay.
Waxaa Doorashadani ka dhigay mid layaableh oo mucjiso ku ah dhammaan Afrika oo tusaale ugu isla markaana layaab ku ah dunida galbeedka in ay ka dhacday dal la yidhaahdo Somaliland oo ah jamhuuriyad iskeed isku taagtay oo ka go’day dalkii Soomaaliya 20 sannadood ka hor iyadoo aan hal gini ka helin beesha caalamka weliba kaaga sii darrane hoy u noqotay ugu yaraan 60,000 oo qaxoonti ah oo ka soo cararay dagaaladda aafeeyey Soomaaliya.
Wiig ka hore doorashada ka dhacday Somaliland waxaa u henjabay xukuumadda iyo shacabka Somaliland mid ka mid ah hogaamiyayaasha ururka Alshabaab oo ah qayb ka mid ah ururka Alqaacida ugana wakiil ah dalka soomaaliya isagoo uga digay inaanay dadku tagin goobaha codbixinta, in ka badan 1 milyan oo qof ayaa daadafeeyey ama waxba kama jiraan ka soo qaaday hadalka ka soo baxay hogaamiyaha kooxdaasi kuwaasi oo safaf dhaadheer u gallay inay codkooda dhiibtaan.
Somaliland waxay matalaysa aragti kale ama muuqaal kale oo soomaaliyeed taasi oo xaqiiq ahaan u jira kuna taalla albaabka ku xiga dhulka Soomaaliya la isku odhan jiray oo ay aafeeyeen dagaalo, argagagixiso, gaajo, qax iyo qaxoonti, budhcad badeed iyo weliba qas kii ugu darna ee siyaasadeed, waxaynu helnay qarran aanay shakhsiyaad maamulin ee uu sharcigu hago, halkee ayey afrika ka dhacday dal kuwii xilka hayey inta lagaga adkaaday doorashada ay aqbalaan aan ka ahayn koonfur afrika maanta qaaradda afrika waxay taariikhdu si cad u muujinaysa inay Somaliland labaysay koonfur afrika.
Waxay u ahayd wakhti iyo wacdi taariikh weyn ku leh dadka gobolkaasi oo ay ku suntanayd 50 sanno guuradii Soomaaliya ay xornimadeeda ka heshay gumaystahii oo weliba labadii dhinac waqooyiga iyo koonfurtu ay isku biireen, sannad guuradaasi soomaaliya waxay ugu waabariistay masiibaddii ugu weynayd ee dunidani dal ka jirta marka laga reebo bildhaanta ka hadhay dhulkii Soomaaliya la isku odhan jiray ee nidaamka iyo dawladnimada dimuqraadiyaddu ku dhisantahay ka shaqaynaayo.
Somaliland waa dal ku yaalla cidhifka beri ee qaaradda afrika oo ah dhulkii loo yaqaanay waqooyiga galbeed ee Soomaaliya, ma jiro dal aqoonsaday weli, laakiin dalal badan ayaa u aqoonsaday maamul iskii u madax banaan waxaana ay caasimadda Somaliland ee Hargeysa ka furteen safaarado iyo xafiisyo dawladahaasi u matala Somaliland, waxaa dalkaasi ka shaqeeya sharciga, dimuqraadiyad iyo kala danbayn, waxaa ka jira golayaal ay dadku soo doorteen, ilaa hawl wadeenada dawladaha hoose dadka ayaa soo doortay halkee ayey ka dhacdaa afrika?.
Somaliland waxay xidhiidh dhaw oo sokeeye la leedahay dalka Britain, maaha tobanaan kun oo asal ahaan ka soo jeeda Somaliland oo ku nool Britain balse xaqiiqdu waxay tahay Somaliland waxay ka tirsanayd maxmiyadahii Britain xukumaayey 80 sannadood oo ay Somaliland ahayd Maxmiyad ingiriisku xukumaayey.
Aqoonsi Caalami ah oo dunidu siiso Somaliland wuxuu u noqonaya hadyad barakaysan oo shacabka Somaliland aanay weligood iloobi doonin, waa humaag qarran oo si cad u xaqiijin karta macnaha dhabta ah ee ay leedahay inaad noqoto qof Somalilander ah oo ku soo biira beelaha is aqoonsan ee adduunyada, Somaliland waa qarran gacantiisa isku dhisay isagoo aan shilin dhaqaale ah ka helin beesha caalamka weliba ku hirgeliyey dimuqraadiyad aan afrika oo dhan ka jirin marka laga reebo koonfurta afrika, haddaba dadka reer Somaliland waxay weli fahmi laayahiin oo ay isweydiinayaan sababta dalalka reer galbeedku aanay wax xidhiidh diblomaasiyadeed ah ula yeelanaynin Somaliland iyadoo Soomaaliya ay hoy u noqotay kooxaha argagixisada ah isla markaana ay noqotay xarun tii ugu xumayd ee ammaan darrada adduunyada, xita markaad odorosto ee aad xaqiiqda ka hadasho aqoonsi beesha caalamka ee reer galbeedku hormoodka u yahiin ay Siiso Somaliland wuxuu dawo ama fure u noqon karaa in loo helo xal siyaasadeed arrimaha Soomaaliya.
Dadka reer Somaliland ma jecla waxaanay iska fogaynayaan arrimahani:
Waxay iska fogaynayaan sawirka Soomaaliya ama ka jira magaalada Muqdisho sida ugu macquulsan iyagoo aan doonayn in sawirka halkaasi muqdisho ka jira aanu marnaba tusaale u noqon somaliland, waxay hadda rajaynayaa in waxay xaqa ugu leeyahiin adduunyada kale ay ku helaan waxay iyagu gacmahooda ku samaysteen oo ah sharci, kala danbayn, dimuqraadiyad iyo horumar aan cidna gacan ku siin.
Labaan sannadood ayey beesha caalamku ka aamusnayd Somaliland dafirtay xaqoodii ugu yaraana bal iska dhaaf wax kale ku qiimayn waxday waxay qabsadeen, waxaa haddaba layaab ku ah dadka reer Somaliland gebi ahaanteena layaab qof kasta oo akhrista sheekada ku dayashada leh ee Somaliland ku ah maxaa uu qarran ku kasban karaa aqoonsi caalami ah aan ka ahayn Somaliland, miyaanay dadka dalkaasi kaba badin sharciyan iyo siyaasiyin wixii dal lagu aqoonsan lahaa, iyadoo aynu arkayno in Alqaacida ay qabsanayso Soomaaliya iskama indho tiri karrno Horumarka Somaliland oo ay dhaawici karto Alqaacida, waa in aynu dadka reer Somaliland gacan ku siino sidii ay beesha caalamka ugu soo biiri lahaayeen, maaha in taasi la sugo berri ama sahan danbe waa in imika lagu dhaqaaqo.
Warbixintani iyadoo ku qoran Afka ingiriisiga waxaa qoray
Weriyaha Caanka ah Raageh Cabdilaahi Oomar
Waxaa daabacay Wergeyska caanka ah ee
The Guardian ee ka soo baxa dalka ingiriiska
guji hoos si aad qoraalkaasi oo ingiriisi ah u akhrisato
http://www.guardian.co.uk/commentisfree/2010/jul/06/somaliland-elections-somalia

Waxaa luuqadda afka Soomaaliga ku turjumay
Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)
Coventry City, UK
diridhaba@gmail.com