Horjoogaha Ururka Xisbul islaam Sh Xasan Daahir Aweys ayaa si aan kala sooc laheyn u Gaalaysiiyay dhamaan Dowladaha Muslimiinta ah ee ka jira Caalamka.
Sh Aweys ayaa laba u kala qeybiyay xaalka ka jira Dunida islaamka.
1- Shucuub Muslimiin ah oo uu ku socdo duulaan kirishtan ah asagoo tusaale u soo qaatay shacabka soomaaliya.
2- Madaxda Shucuubtaas oo Gaalo ah haba sheegtaan muslimiin islamarkaana cadaab iyo dagaal joogta ah ku haya shucuubtaas.
Hadaladan ayaa aheyn kuwa lala yaabo marka loo fiirsho wadaadka dhahay oo aan ka fiican laga fileyn.
Sidoo kale qofka aaminsan Caqiidada Takfiirka-Khawaarijta ayaa waxba laga soo qaadin Muslimiinta uu Gaalaysiiyo maadaama caqiidadiisuba ay ku qotonto ama ku guntantay Gaalaysiinta Muslimiinta.
Sh Aweys ayaa maalintii jimcaha ee shalay sidan ku hadlay asagoo joogay deegaanka Lafoole kuna dhex sugnaa qaar kamid ah Qaxootiga ku soo barakacay dagaalada uu hormuudka ka ahaa.
Sheekha ayaa Qaxootigaas u sheegay in looga baahan yahay sidii ay dunida kaga xoreyn lahaayeen Gaalada oo ay usoo celin lahaayeen khilaafadii islaamka.
Sh Aweys ayaa aad ugu celceliyay in ku dhawaad lixdanka dowladood ee ka jira Dunida islaamka ay ka ridoobeen Diinta islaamka.
Ugu dambeyn waxaa uu ammaanay oo uu barakeeyay oo uu soo dhoweeyay Qarixii waxashnimada ahaa ee Shabaabku ka fuliyeen Magaalada Kampala, Qaraxaas oo galaaftay nolosha dad isugu jiray Muslimiin iyo Gaalo oo aan waxba galabsan.
Sheekha ayaa hadalkiisa ku soo xiray calaacal uu u jeedinayay Al-Shabaab oo uu ku codsanayay in wax la isku darsado oo la midoobo si wadanka looga saaro Gaalada.
Madaxda Caalamka islaamka ayaa ah Madax Muslimiin ah sida Shucuubta ay u taliyaanba ay Muslimiin u yihiin, qaar kamid ah Madaxdaas waa ay ku dhici karaan falal Gaalnimo ah sida shucuubtuba ay ugu dhici karaan falal gaalnimo ah balse lama hayo Maxkamad ama Culumo waaweyn oo isku timid sidaasna ku go’aamisay in Madaxweyne fulaan laga helay shuruudihii lagu gaaalaysiin lahaa lagana waayay arrimihii hor istaagi lahaa in uu ku sii jiro Diinta islaamka.
Laakiinse Takfiirka- Khawaarijta ayaa Gaalaysiiya Muslim kasta oo ku dhaca fal gaalnimo ah ayagoo aan marin wadadii saxda aheyd ee wax lagu gaalaysiin lahaa, qofkuna asaga oo muslim ah islaamkiisuna u jiro ayaa waxaa uu ku dhici karaa ficil gaalnimo ah ayna ugu wacnaan karto arrimo kala duwan oo diinta cudurdaar ku leh sida Jaahilnimo, In lagu qasbay, In uu Waalnaa ama Cabsanaa, Ta’wiil – yacnii asagoo awishay in falkaas uu waji ku leeyahay diinta oo uusan gaalnimo aheyn.
Isku soo xooriyoo, cida la gaalaysiinayo ayaa la rabaa in gaalnimadeeda aysan ku jirin wax mugdi ah oo ummada oo dhan ay ugu ifeyso sida qoraxda.
Dadka ama Madaxda la Gaalaysiinayo ayaa aheyn arrin uu madaxa la gali karo Sh Aweys iyo cid la mid ah oo aanba garaneyn waxyaabihii asaasiga u ahaa diinta islaamka sida farqiga u dhaxeeya gaal iyo muslim iyo macnaha ay leedahay kalimada towxiidka iyo xuquuda uu yeelanayo qofka muslimka ah sida in aan dhiigiisa iyo maalkiisa iyo sharaftiisaba lagu xadgudbin, xadgudubyadaas oo dhan iyo kuwa kaleba ayaa waxaa faraha kula jira Sh Aweys iyo Mooryaan diimeedka uu wato, ayagoo taas ku sii darsaday in ay Diinta ka saaraan Madax Muslimiin ah.
Asc dhamaan umada somaliyeed walalayaal waxan idiin shegaa in ey jiraan siyasad diidan nawada somali siyasad diidan hormarka iyo isku xirnashaha somaliyeed iyo isku midobid hadan rayigeyga inta kabixiyo waxan niyadeyda haba yaratee ugu fikir siiyay sidii loo babi ini lahaay aqonyahanada somaliyed qoom waxa jiro diidayo aqonta dhalinta somaliyed sidii ey ubabi i lahayeen inta aqonta leh iyo inta nawada jecel ma ahan inan anaga is dagaalno ma ahan inan anaga is dhibateyno waa inan isku midownaa oo ahanaa somalidii midowday wallahi somali hadey is racdo qomiyada diidan nawada dalka iyo aqonta umada somaliyeed si ey ubaba aan inta aqonta leh eey iskugu soharaan jahilinta ona kor laga mamusho war somaliyey cirbida nagu tagan aan iska siibno war aan ahano hal rayi aan ahaano hal qawiil aan ahaano somalidii lakasaay wallahi aniga waxan dhashay dagal aso jiro eey nawad jirin waxwalbo waa waxa anaga isku keenay hooy somaliyey dambis kuley ayan ku istagsantihin aan iska qawano 2wada qof oo firkadena diidan wana aqonta nagula dilayo iyo qawiilka war qawil god kulama galayo qawil naar kama badbadinayo qawil diin idiinma noqdo ogada waxad ubahantihiin nawada lagama huran waye ma ahan aqonta wax dhamanayo ogada qalbiga kama tiranto halis raco walalayaal insha’allah allaha natusiyo wadankeno nawad eh asc
Hassan - October 21, 2011
10:29 pm
Asc asxabta shirkada waxan rawaa inaad aqbaar ugudbisaan umada musliminta ah dhamantoda
Hassan - October 23, 2011
7:19 am