Sh Maxamed Umal iyo Sh maxamuud Shibile oo Ogolaaday Dastuurka Kufriga ah ee Dowlada Itoobiya. Heshiisna La Saxiixday Itoobiyaankii ay wax ku Gaalaysiin jireen

Filed under: English news,islam |


Sh Maxamed Cabdi Umal iyo Sh Shibile ayaa ah laba sheekh oo kamid ah Culumada Al-Itixaadka ee haatan loo yaqaano Culumada Ictisaamka.
Labadan Sheekh ayaa ku nool dhul Gaalo waa Dalka Kenya islamar-ahaantaana heysta jinsiyada dalkaas ama Baasaboorka Kenyaatiga.
Labadan Sheekh waligood waxba kama sheegin mana aysan La Dagaalamin Dastuurka Kufriga ah ee u dagsan Kenya.
Sidoo kale ma aysan Gaalaysiin Soomaalida Kenyaatiga ah ee xubnaha ka ah Baarlamaanka Kenya iyo kuwa jagooyinka kale ka haya xukuumadaas gaalada ah, iskaba daayee inay gaalaysiiyaanee waxay u ogolaadaan olalaha doorashada inay ka fuliyaan si ay codka dadka Masaajida u helaan!
Sh Umal iyo Sh Shibile waxa ay La dagaalameen Barnaamij kasta oo Nabad ka dhalin kara Koonfurta Soomaaliya.
Waxaa la wada xasuustaa dagaalkii cuslaa ee ay la galeen natiijadii ka soo baxday Shirkii Jabuuti iyo weeraradii aan kala joogsiga laheyn ee ay ku qaadeen wadaadadii ka qeyb galay shirkaas.
Shirkaas Jabuuti oo ahaa mid lagula heshiinayay Dowladii Itoobiya iyo Dowladii TFG-da, sababna u ahaa in Ciidamada Itoobiya wadanku ka baxaan oo ay Koonfurta Soomaaliya ka soo muuqato Rajo Nabadeed.
Caawa oo kale markii Jabuuti lagu doortay Sh Shariif ayaa maalintii ka dambeysaba waxaa Nairobi ka bilowday kacdoon ay horseed ka yihiin Sh Umal iyo Sh Shibile iyo wadaadka kale ee saaxiibkood Xassaan, kacdoonkaas oo ay ku muujinayaan in natiijada ka soo baxday Jabuuti aan la qaadan karin oo waxa halkaas ka dhacay ay tahay Diintii oo Kuraas lagu badashay.
Aad ayaa loo xasuustaa khudbadii caanka aheyd ee Sh Umal furka ku tuurtay markii la doortay Sh Shariif.
Sh Umal ayaa khudbadaas ku dhaleeceeyay si farsameysana ugu gaalaysiiyay raggii xaadiray Jabuuti oo ay ugu horeeyaan kuwa wadaadada ah asagoo hoosta ka xariiqay in lagu dhaartay Dastuur uu ku tilmaamay ilxaadi oo ah meesha ugu sii xun gaalnimada ee aan jiritaanka Allah soo galeyn.
Sh Umal ayaa khudbadaas ku tilmaamay in nimankaaas diinta sheeganaya waa sida uu hadalka u dhigay ay u hogaansameen Gaalo banaankana ay ku tuureen ku dhaqankii Shareecada islaamka ayna sharaf u arkeen in Golaha Ammaanka wad-wado arrimaha soomaaliya.
Balan ayuu sheekhu ku galay in uusan ka fadhiisaneyn oo uusan ka tageyn dalbashada uu dalbanayo in kitaabka Alle la isku xukumo oo asaga un dastuur laaga dhigto, hadaba balanqaadkaas iyo meesha uu ku dambeeyay dib ayaanu kaga sheegaynaa qoraalkan.
Labadan Skeekh si kore iyo si hoosaba waa u barakeeyeen Dagaalka iyo Gaalaysiinta lagula jiray Dowladii Sh Shariif.
Labadan Skeekh aad ayey uga xumaadeen ugana gubteen Dagaaladii dhexmaray Xisbul islaam iyo Al-Shabaab gaar ahaan dagaaldii Jubbooyinka ee lala galay Axmed Madoobe, waxaana ay arrimahaas ka duubeen Muxaadarooyin aad u badan oo ay kaga digayaan daadinta dhiiga muslimiinta, Muslimiintaas oo ay ula jeedaan Xisbul islaam iyo Al-Shabaab sababtuna waa lama haayo meel ay si cad ugu xaaraantimeeyeen Dagaalada ka socda Gobolada Dhexe iyo midka lagula jiro Dowlada KMG.
Labadan Sheekh loogama baran in ay horay u duubaan Muxaadarooyin ka hadlaya dhiiga muslimka iyo dagaalada fitanta ah iyo sixitaanka fahamka jihaadka oo maxey muxaaadarooyinkan u duubi waayeen baryihii Itixaadku ka dagaalamayeen Boosaaso iyo Gedo iyo meelo kaleba! Masa waagaas dhiiga muslimku xaaraan ma aheyn! Masa waagaas ma aysan laheyn aqoon diineed!
Taas waxaa kuu sii dheer in ay jihaad u arkeen dagaaladii Maxkamaduhu la galeen Hogaamiye Kooxeedyadii Muqdisho, marka qeyla dhaantooda ku aadan in aan dhiiga muslimka la daadin ayaa ku beegantay markii shabaabku dharbaaxeen Xisbul islaam, Goboladii Jubbooyinkana ay qiiqeen oo dhibkuna aad ugu soo dhowaaday Kenya.
Tilmaamahaas aan ka soo bixinaya labadan Sheekh iyo waxaad isku fiirisaa meesha uu maanta xaalkoodu marayo iyo waxa ay sameeyeen.
Xiliga La joogo waxaa heshiis ah oo uusan Dagaal ka dhaxeyn labadan Sheekh iyo Itoobiya-Meles Zanawi.
Sida aan ognahay waxaa mar aan fogeyn heshiiyay oo walaaloobay Dowlada Itoobiya iyo Ururka Al-Itixaad garabkiisa ka dagaalami jirtay Soomaali Galbeed.
Garabkan ayaa waayihii dambe ku holwgali jiray Magac lagu qaldayo ummada oo ah UWSLF- Jabhada Xoreynta Soomaali Galbeed.
UWSLF ama Jabhada Xoreynta Soomaali Galbeed wixii ay rabaanba hala baxeenee ee Waa Jabhad Itixaad ah oo ay dhidibada u aaseen rag ay ugu horeeyaan Sh Umal iyo Sh Shibile, haatana labadan sheekh ayaa majaraha u haya waxeyna usha u dhiibteen oo Madaxtinimada Jabhadaas ugu magacaaban Sh Ibraahim Maxamed oo loo yaqaan Sh Ibraahim Dheere.
Sh Ibraahim Dheere kuma dhaqaaqi karo tallaabo aysan raali ka aheyn Sh Umal iyo Sh Shibile iyo Culumada kale ee Ictisaamka ah.
Jabhadan ayaa ku sii gaar ah Ictisaamka u dhashay Beel weyntaas macruufka ah ee degta dhulka baaxada weyn gaar ahaan Soomaali Galbeed iyo Dhulka ay Kenya ka heysato Soomaaliya.
Jabhadu waa jabhadaas ay leeyihiin Sh Umal iyo Sh Shibile waa jabhada 20 sano ku dhowaad dhiig soo daadineysay, dagaalka ay mudadaas wadana lagu sheegay in uu jihaad ahaa oo cidii aan taageerina loo arkayay cid diidan jihaadkii.
Jabhadu waxey qoorta ka jartay boqolaal muslimiin ah oo kamid ahaa soomaalidii la shaqeyn jirtay ama la socotay ama ciidamada u ahaa Dowlada Itoobiya.
Cidii ay jabhadu leyso waxaa loo arkayay daba dhilif gaal ah, jabhadu xabad ayey xalka u arkeysay oo in la xaaltamo oo nabad wax lagu raadiyo ma ogoleyn.
Dhulka Soomaali Galbeed nabad ayaa taalay dadkana laguma qash-qashi jirin diintooda, waxaase balaayadu dhacday markii Itixaadku qoriga qaatay.
Jabhadan Itixaadka ah waxey afka ka sheegan jirtay in dagaalkoodu uusan joogsaneyn inta kitaabka Allah la isaga xukumo oo Soomaali Galbeed helayso madax banaani.
Jabhadan Sh Umal iyo Sh Shibile waxey wacad ku mari jirtay in aan nabad la helayn inta dalkaas maqan iyo dadkiisaba la xoreynayo.
Jabhadu waxey sheegi jirtay in aysan furneyn wado lagula heshiiyo Itoobiya maadaama Dowlada Itoobiya aysan ogoleyn in Diinta islaamka la isku xukumo iyo in Soomaali Galbeed ay ka go’do Itoobiya.
Lagama sheekeen karo colaada iyo Rafaadka laga dhaxlay dagaaladaas mudada badan socday ee har iyo habeen ay barakeyn jireen Sh Umal iyo Sh Shibile.
Sh Umal iyo Sh Shibile waxey ogolaadeen oo ay amar ku baxsheen in Jabhadoodu La heshiiso Dowlada Itoobiya halkaasna uu ku soo xirmo dagaalkii ay jihaadka ku sheegi jireen.
Jabhada UWSLF-Itixaad-Ictisaam- Jabhada Xoreynta Soomaali Galbeed-Jabhada Sh Umal-Sh Shibile, jabhadaas magacyada badan leh waa ay ka tanaaasushay dhamaan mabda’ii ay u dagaalami jireen taasoo ku tusineysa in markii horeba ay kuraas iyo aduunyo u dagaalamayeen.
Sh Umal iyo Sh Shibile oo Qaatay ama Ogolaaday Dastuuradii ay ku sheegi jireen Kufriga iyo ilxaadka!
Heshiiska ay Culumadan qaateen cidna kama qarsoona iyo meesha ay maanta wax marayaan oo Jabhadoodu waxey ku qanacday arrimahan.
1- Waa ay ka tanaasuleen Madax banaani ama in dhulkan Ogaadeenya ay u soo celiyaaan Soomaaliyadii uu ka maqnaa, sidaasna waxey ku qireen in dhulkaas Ogaadeenya uu sharciyan u raacsanyahay Itoobiya…….. Xasuusnow in labadan sheekh marka ay ka hadlayaan arrimaha koonfurta soomaaliya ku baaqaan in Gaalada la iska celiyo oo aan mabda’ooda la qaadan ama loo tanaasulin, oo Sh Shibile mar aan fogeyn ayuu sheegay in dagaalka lagula jiro Amisom uu yahay dagaal xaq ah—-  bal car arka asaga oo ku baaqaya in Soomaali Galbeed laga xoreeyo Kufriga.
2- Jabhadu waxey si toosa oo aan qarsooneyn u qaadatay Dastuurka iyo kamid noqoshada Dowlada Federaalka ah ee fadhigeedu yahay Addis Ababa, oo waxey ogolaaatay ka qeyb galka hanaanka siyaasada ee ku dhisan Dimoqraadiyada….xakamka ugu sareeya ee Itoobiya waa Dastuurkaaas ay dajisteen, wixii xuquuq ah oo ay jabhadu hesho waa wax ay ku heshay dastuurkaas iyo sharcigaas yaala Itoobiya— meeshana waa ay ka baxday Diin loo dagaalamo iyo sharci islaam oo lagu dhaqmo.
3- Waxey qaateen in xabad aysan xal ku jirin oo ay nabad wax ku raadiyaan, nabadna kula dhaqmaan Dowlada Itoobiya, xuquuqdoodana ay ku soo dhacsadaan jidka nabada ayagoo sii maraya dimoqraadiyada iyo ciyaarta siyaasadeed ee Dastuurka Itoobiya ogolyahay….  Qaamuuska Jabhada waa laga tirtiray Magaca Jihaad ama Dagaal, waana tan sahashay in Meles Zanawi uu maanta madaxa ku sito jabhadaas.
Foolxumooyinka iyo Kufriga ay Jabhadan qaadatay looma soo koobi karo tafaasiil ahaan inkastoo tafaasiisha oo dhan ay kuugu filan tahay oo ay soo hoosgaleyso in ay ku qoorta u dhiibteen qawaaniinta iyo sharciyada sheydaaniga ah ee ka dagsan Itoobiya.
Waxaa kale oo xusid mudan in ay haatan dhaqan celin ku socoto Maleeshiyaadkii Jabhada ayadoo loo diyaarinayo in ay kamid noqdaan askarta Itoobiya oo qaar badan oo kamid ah Maleeshiyaadkaas waaba lagu sii dhafay ciidamada waxaaana loo sheegay in dhulku yahay dhulkooda oo ay ka ilaashadaan cid walba oo qalqal galin karta amniga.
Wadaado badan oo daafaha aduunka wax ka gaalaysiin jiray ayaa haatan ku sii qul-qulaya dhulka Soomaali Galbeed ayagoo shirar iyo casho sharaf ku sii yeelanaya Addis ababa! oo maxey ka dooneen Addis Ababa iyo dhulkaas soomaalida ee ku jira Gumeysiga Itoobiya?  Waxey u tageen halkaas in ay sii xoojiyaan nabada iyo dib u dhiska wadanka!
Maxaa Aamusiyay Sh Shibile iyo Sh Umal oo ay uga hadli waayeen foolxumada iyo khiyaanada ay ku kacday Jabhadooda!
Heshiiskan maaha mid cusub oo dhowr bilood ayuu sii marayaa waana loo jeedaa wadaada Itixaadka ah ee ku sii yaacaya Addis ababa si ugu sii hambalyeeyaan Meles Zenawi kadibna ugu sii gudbaan Soomaali Galbeed.
Sh Umal iyo Sh Shibile iyo Sh Xassaan maa codkiina na maqashiisaan.. Masa Gaalnimadu ma taqaan Tolkiina iyo Jabhada UWSLF ee aad madaxda ka tihiin.
Sh Umal iyo Sh Shibiloow waa tii idinkoo aan sugin bilo aad ka hadasheen Dowladii Shariifka islamarkaana aad dastuurkeeda ilxaad iyo gaalnimo ku tilmaamteen! Waa tii aad Ururka Ahlu Sunna ku tilmaamteen suufiyo ay Itoobiya wadato! Waa tii aad taageerteen dagaaladii lala galay Hogaamiye Kooxeedyada! Waa tii aad Miisaanka wax ku saari jirteen la socodka Itoobiyaanka oo aydaan waxba u reeban dadka la heshiiyay Itoobiyaanka!
Akhristow xasuusnow in heshiiskii Jabuuti iyo kan Jabhada UWSLF aysan isku meel soo gali karin oo heshiiska Jabuuti waxaa lagu soo ceshtay calan iyo dhul soomaaliyeed, waxaa lagu saaray Itoobiyaan, laguma qaadan dastuur gaalo, laguma bixin dhul soomaali…  Laakin heshiiska jabhadan ayaa haba yaraatee laheyn wax nacfi ah oo la taaban karo diin iyo duunyaba.
Waa maxay Daliilka ama Xujada ay labadan Sheekh ku qancin karaan dadka ay marin habaabiyeen? 
Maadaama aysan labadan Sheekh aysan ka hadlin is dhiibida ay jabhadoodu isku dhiibtay gaalada ayaa waxaa saxaafada la hadlay wadaadka wakiilka u ah ee Sh Ibraahim Dheere, wadaadkaas ayaa xujo iyo daliil ka dhigtay in Diinta islaamka ay na fartay Gaalada oo lala heshiiyo sida ay noo fartay in lala dagaalamo! asagoo soo qaatay Heshiiskii Sulxul Xudeybiya ee Nabiga SCW la galay Mushrikiintii Qureysheed.
Som uma jeedid wadaad hawadiisa raacay in uusan weynin qiil uu wax ku qasho, labaatan sano lagama maqal ayagoo sheegaya in diintu ogoshahay Gaalada oo lala heshiiyo oo nabad lagu wada noolaado bal xiligii ay dagaalka wadeen ma aysan dhageysan jirin dadka u sheegi jiray in Gaalada lala heshiin karo oo aan xabad lagu raadin wax nabad lagu heli karo.
Yaan loo Fahmin in aan diidanahay nabada iyo Gaalada oo lala heshiiyo oo cid inkiri karta ma jirto in Diintu ogolaatay Gaalada oo lala heshiiyo.
Dagaalkana xili ku haboon ayaa jirta- heshiiskana xili ku haboon balse kuwan sida ay ummada u khiyaameen caadi maaha oo xiliga heshiiska loo baahan yahay ma qaataan! Xiliga dagaalka loo baaahan yahayna ma qaataan.
Caadifad qabiil iyo kooxeysi meel ha la iska dhigo… Walaalayaal Caqligu ha shaqeeye.. Yaan laga been sheegin diinta.
Sh Umal iyo Sh Shibile iyo dhamaan wadaadada kale ee heshiiskan ka soo shaqeeyay waad u jeedaan heshiiska ay qaateen iyo Qodobada ay ogolaadeen.
Hadiiba aad labaatan samo kadib ogolaaneyso in aad Qodobadaas qaadato sow kama aysan habooneyn in aad qaadato ayadoo uusan dhiig daadan oo aysan dadku qixin oo nabadu jirto.
Wixii aad xasuuqi kartaan waad xasuuqteen, wixii aad Gaalaysiin kartaan waad Gaalaysiiseen, Malaayiin lacag ah ayaad ku aruursateen la dagaalanka Itoobiya, Maantana heerkaas ayey mareysaa, Gablan talo aduuney maxey Galaba heer joogtaa.
Labadan Sheekh kama aysan aamusin waxyar iyo wax weyn oo ka dhacay Koonfurta Soomaaliya.. Kamana aysan hadlin in Kenya laga xoreeyo dhulka ay soomaaliya ka heysato, Maantana waa ay ka aamusan yihiin Dhulkii Ogaadeenya oo ay gacantooda ku baxsheen….  Akhristow ii sheeg tafsiirka aad u heli karto hab dhaqanka labadaas sheekh oo aan ka aheyn in ay ku socdaan hawadooda oo aysan u jeedin Gaalada ay Kenya ku wataan iyo Gaalada Itoobiyaanka ah ee ay siiyeen Soomaali Galbeed– Laakin waa ay u jeedaan Gaalada Muqdisho joogta oo Gaalada Muqdisho waa ay ka duwan yihiin kuwa kale oo ayaga waa in la iska celiyo oo lagu jihaado.
Maxaa Koonfurta Soomaaliya u diiday nabada ay labadan Sheekh la galeen Gaalada Itoobiya iyo kuwa Kenya ee ay ku dhex noolyihiin!
Labadan sheekh waxaa ay caaadeysteen in Dowlad kasta oo Koonfurta Soomaaliya la keeno ay dhaliil iyo ceeb iyo gaalnimo farsameysan madaxa uga tuuraan ayna ku doodaan in loo baahan yahay Dowlad islaami ah oo aan loo baahneyn Dowlad Calmaani ah oo Gaaladu wadato.
Shacabka Soomaali Galbeed iyo Shacabka Soomaaliyeedba waa la khiyaanay oo maalina magac jihaad ayaa dhiigooda lagu baneystaay oo mustaqbalkoodii lagu dhumiyay, Maalin kalena kaar nabad iyo heshiis ah ayaa loola soo baxay.
Socon meyso oo Allah mahadii dad badan ayaa soo fahmaya duruusta kala duwan ee labadan sheekh ka aqriyaan arrimaha soomaaliya, darsigooda ku aadan Muqdisho iyo Gobolada Dhexe waa darsi ay ku magacaabeen jihaad iyo Dowlad islaami ah oo la dalbo, darsigooda ku aadan Gudaha Kenya waa mid waligiisba ku dhisnaa nabad, Darsigooda ku wajahan Soomaali Galbeed iyo Itoobiya waa Darsi nabad ah oo ku qotama heshiiska ay haatan galeen.
Qoraalka aad ayuu u dheeraaday oo khiyaanada ka dhacday Soomaali Galbeed ayaa ah mid u baahan boqolaal buug oo hal qoraal laguma soo koobi karo.
Qoraalo badan iyo codad iyo sawiro ku aadan arrimahan ayaa akhristayaasheena u soo gudbin doonaa, oo khiyaanada dhacday maaha mid laga aamusi karo xataa Shabaabkii aad taqaaneen ayaa ka hadlay oo Muxaadarooyin badan ka duubay Foolxumada ay ku kaceen Kooxda Sh Umal iyo Sh Shibile.
Hal waji ayaa labadan sheekh u furan oo ah in ay ummada horteeda ka qirtaan qaladkooda oo ay Allah u towbad keenaan, laakin wax soconaya maaha in dadka lagu gaalaysiiyo magaca Itoobiya kadibna xili la halaagsamay oo dhiig badan daatay lala soo baxo darsi ku saabsan nabada iyo Gaalada oo lala heshiiyo.
Ugu dambeyn ha ogaadaan in labadan sheekh laga hayo dhamaan duruustii iyo hadaladii ay ka yiraahdeen arrimaha soomaaliya oo aysan dadku halmaamin wixii ay ku hadli jireen iyo wixii ay ka oran jireen Itoobiya iyo dadka kaalmeystay ama la heshiiyay.
In aad arrintan ka aamustaan la idinka yeeli mayo oo aduunka kama aysan dhamaan dad xisaabtamaya oo taariikhda dib u fiirinaya.
Bal hadla oo noo sheega in aan isku si loola dhaqmeyn Gaalada aad dhex degan tihiin ee Kenya iyo kuwa aad la heshiiseen oo aad dastuurkooda qaadateen iyo kuwa Amisom ee Muqdisho jooga! Waad ogoshihiin in Kenya iyo Itoobiya lagula noolaado nabad ee maxaa idinka hortaagan in aad ummada ugu baaqdaan in Amisom iyo Dowlada KMG lagula noolaado nabad oo lala heshiiyo.
Ugu dambeyn akhristayaasheena waxaan ka codsaneynaa in ay qoraalo iyo warbixino ka diyaariyaan Musiibada ka dhacday Soomaali Galbeed iyo heshiiska Dastturka Gaalada lagu qaatay ee labadan sheekh hormuudka ka yihiin oo arrintan maaha mid kaliya u taala Webka Miisaanka oo waad aragtaan in Shabaabkii xataa aysan ka aamusin.

Xigasho Miisaanka.com

One Response to Sh Maxamed Umal iyo Sh maxamuud Shibile oo Ogolaaday Dastuurka Kufriga ah ee Dowlada Itoobiya. Heshiisna La Saxiixday Itoobiyaankii ay wax ku Gaalaysiin jireen

  1. subxaannallah kaxishooda culmada sida xidigaha aan u eeganayno balo idinku habsatayeeee

    Aburehan - December 29, 2010
    6:11 am

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

 

منتدى الحمايه تعليم هكر اختراق فيس بوك اختراق اميلات اختراق اجهزه

اختراق مواقع