Paul waa magaca loogu yeero xarshaash badeedka leh 8 lugood iyo 3 wadno kaas oo ku guulaystay in uu saadaliyo dhamaan kulamada dalka Jarmalka iyo isagoo dalka Spain u saadaliyay labadii kulan ee ugu dambeeyay ee la kala cayaareen Jarmalka iyo Holland oo ay uu ku jiray kulankii Finalka koobka adduunka.
Kadib markii Paul uu noqday geesiga u saadaliya koobka adduunka dalka ah horyaalka adduunka ee Spain ayaa carwo ku taala magaalada Madrid oo lagu soo bandhiggo xayawaanaadka ay dalab u dirtay carwada ku taala dalka Jarmalka ee uu ku nool yahay Paul.
Sideed lugoodle Paul ayaa waxaa uu ku nool yahay carwada lagu magacaabo Oberhausen oo ku taala dalka Jarmalka waxaana laga diiday in laga iibiyo carwada kale eek u taala magaalda Madrid ee dalka Spain sida laga soo xigtay afhayeenad u hadashay Carwada Oberhausen oo lagu magacaabo Tunja Munzig.
Mas’uul ka tirsan Carwada bandhigga xayaawaandka ee magaalada Madrid oo lagu magacaabo Javier Diaz ayaa sheegay goor hore in ay wada hadal kula jiraan carwada dhigooda eek u taala dalka Jarmalka laakin warkaan ayaa waxaa la beeniyay maanta.
Taageerayaasha xulka Spain ayaa waxay kusoo qorteen maaliyadooda iyo Koofiyadooda Paul.
***** ***** *****
Kooxda Chelsea ayaa waxay doonaysaa in lacagihii ugu badnaa ku soo iibsato weeraryahanka kooxda Liverpool Fernando Torres.
Naadiga Liverpool ayaa gaashanka ku dhufatay dalab horey ugu yimid Chelsea oo gaarayay 40 Milyan oo gini.
Torres oo 26 jir ah ayaa waxaa uu haatan kasoo kabanayaa dhaawac soo gaaray kulankii Finalka koobka adduunka.
Ku guulaystaha koobka adduunka Torres ayaa waxaa si weyn u jecel bilyineerka kooxda Chelsea Roman Abramovich kaas oo u arka xidigaan in uu yahay mid ku haboon weerarka kooxda.
Kooxda ku cayaarta Stamford Bridge ee Chelsea ayaa waxay bartilmaameedkeeda 1-ad ka dhiganaysaa Torres iyadoo sidoo kale doonaysa KAKA.
Kooxda Liverpool oo lagu leeyahay deeymo dhan 350 Milyan ayaa waxa ay qasaartay xilli ciyaaredkii lasoo dhaafay 55 Milyan iyadoo u baahan in ay hesho dhaqaale ay kaga soo kabato dhibaatadaas.
Torres ayaa kaga soo biiray kooxda Atletico Madrid sadex sanno ka hor isagoo lagu soo iibsaday 21.5 Milyan oo gini waxaana uu la kulmay tababaraha cusub ee kooxda Liverpool Roy Hodgson iyo agaasimaha cayaaraha kooxda Liverpool oo ay ku kulmeen todobaadkaan magalada Madrid.
Warar ayaa sheegaya in xidigaan Torres uu garoomada ka maqnaan doonno ugu yaraan saddex todobaad.
***** ***** *****
Kooxda Liverpool ayaa u dhow in 12.5 ay kula soo wareegto weeraryahanka kooxda Nice ee dalka Faransiiska Loice Remy.
Xidigaan oo lagu tilmaamo mid kamid ah xidigaha ugu wanagsan horyaalka Faransiiska ayaa ah 23 jir kaasoo si wanaagsan ula dhacay dalabka kaga yimid Liverpool.
Vidic oo doonaya in uu ku biro Real Madrid.
Daafaca wadanka Serbia NEMANJA VIDIC ayaa waxa uu doonayaa in uu isaga tago koxda Man Utd kadib markii uu la dhacay dalab ugu yimid kooxda Real Madrid.
NEMANJA VIDIC ayaa waxaa uu ka niyad jabay garoonka Old Trafford ee kooxda reer Ingiris ee Man utd ay ku cayaarto isagoo doonaya in uu ka cayaaro wadanka Spain.
Vidig ayaa waxaa uu dalab wanaagsan ka hellay kooxda Real Madrid iyadoo tababaraha cusub ee kooxdaas Jose Morrinho uu ku wargaliyay madaxda Real Madrid in ay keenaan NEMANJA VIDIC.
Real Madrid ayaa waxay ku doonaysaa xidigaan 18 Milyan oo gini iyadoo macalinkii hore ee kooxda Chelsea uu u arko cayaaryahankaan daafaca wanaagsan leh NEMANJA VIDIC in isaga iyo Ashley Cole ay waayo cusun u furi karaan kooxdas.
NEMANJA VIDIC waa 28 jir waxaa uu kooxda Manchester utd ku biiray 2006 isagoo 7 milyan ay kaga soo iibsadeen kooxda Spartak Moscow.
Vidig ayaa todobaadkii Man Utd ka qaata lacag dhan 70 kun laakin wuxuu dalbaday goor dambe in laga dhigo mushaarkiisa 110 kun waana lacagaha uu mushaar ahan u qaato xidiga ay kawada cayaaraan daafaca dhexe ee Ferdinand laakin madaxda Man utd ay ka madax adeegeen soo jeedinta xidigaan.
NEMANJA VIDIC wuxuu u cayaaray ku dhawaad 200 kulan kooxda Shayaadiinta cas cas ee Man Utd.
***** ***** *****
Weeraryahanka kooxda Barcelona Zlatan Ibrahimovic ayaa sheegay in uu sii joogayo kooxdiisa kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in uu ku biirayo naadiyo ka dhisan wadanka ingiriska.
Waxaan ahaa xidig ka tirsan Barcelona markii aan aadayay fasaxa waxaana ahaan dooonaa xidig ka tirsan Barca marka aan soo laabto ayuu yir Zlatan Ibrahimovic oo shir jaraa’id uu qabtay ku sheegay sidoo kael in uu dib ugu soo laabtay u cayaaridda xulkiisa Sweden.
***** ***** *****
Kooxda Chelsea ayaa waxay u sheegtay Real Madrid in ay bixiso 30 milyan oo gini haddii ay doonayso Ashley Cole.
Ashley Cole oo si weyn loola xiriirinayo Real Madid ayaa naadigiisa ay u fasaxday in xidigaan uu ku biiri karo kooxda ka dhisan Madrid ee Real haddii ay bixiyaan lacagaha ay ku doonayaan oo dhan 30 milyan.
Full story: the Independent
Kooxda Manchester City ayaa rajo ka qabta in ay lasoo wareegi karto xidiga qadka dhexe ee kooxda Aston Villa James Milner.
Man City ayaa soo bandhigtay 25 Milyan oo ay ku doonayso cayaaryahanka caalamiga ee xulka Ingiriska Milner.
Full story: Daily Telegraph
Kooxda Man City ayaa sidoo kale waxay doonaysaa xidig daafaca kaga cayaro kooxda Lazzio ee dalka Talyaaniga.
Xidigaan oo u dhashay wadanka Serbia ayaa waxaa lagu magacaabaa Alexander Kolarov, waxaana uu yahay mid cayaar wanagsan kasoo bandhigay kooxdaas.
Full story: Daily Express
Weeraryahan Craig Bellamy ayaa waxaa uu ku biiraya kooxda Tottenham ee dalka Ingiriska.
Xidigaan ayaa waxaa uu isaga tagayaa kooxdiisa Man City oo fasaxday cayaaryahankii hore ee kooxda Liverpool Craig Bellamy.
Full story: Daily Mirror
Kooxda Arsenal ayaa wali ku dagaalamaysa kabtankeeda Cesc Fabregas, kaas oo si weyn loola xiririnayo kooxda Barcelona.
Full story: the Sun
Kooxda Zenit St Petersburg ayaa waxay doonaysaa in ay lasoo saxiixato daafaca kooxda Fc Porto Bruno Alves.
Bruno Alves ayaa sidoo kael waxaa doonaay kooxda Man Utd oo suura gal ah in ay weyso daafaceda Vidic.
Full story: Daily Mail
Tababaraha kooxda Ajex Martin Jol ayaa hishiis la gaaray kooxda Fulham.
Martin Jol ayaa kaga adkaaday xilkaas tababarihii hore ee xulka ingiriska Sven Goran-Eriksson.