Waa side xaalada Dugsiyada Qur’aanka kariimka ee Degaanka loo Barakacay (Daawo Sawirada
Dugsiyada Quraanka Kariimka ah Lagu Barto Ee Deegaanada Loo Barakacay Oo ay Ka Muuqdaan Dayacnaan Aad U Baahsan sida ka muuqato sawirada.
Dugsiyada quraanka iyo weliba goobaha wax lagu barto ayaa waxa ka jirta dhibaato taas oo ay sheegeen dadka masuulika ka ah in ay jirto hoy la,aan baahsan oo soo wajahaday goobaha dugsiyada quraanka iyo weliba caruurta dhibaataysan ee isugu jira Agoonta iyo kuwa taagta daran ee soo barakacay.
Saxaafada oo booqatay deganadaasi ayaa soo bandhigtay in ay jiraan goobo lagu barto quraanka iyo culuunta Diiniga ahba inay u baahan yihiin dayac tir xoogan oo dhinac walba ah islamrkaaba farta ku fiiqay goobo ay ardaydii malcaamada dhiganaysay ay banaanka fadhiyaan.
Dadka inta ah iyo weliba jaaliyadaha soomaaliyeed inay daryeel u fidiyaan dhismaha dugsiyadan quraanka oo eegay inay yihiin kuwo mustaqbalka iyo barashada diinta islaamkaba meel weyn kaga jiraan. Iyadoo cid kasta oo ALLE wax siiyey inay dadaalkaasi ka qayb qaataan loogu baaqay.
Xafiiska Warbaahinta Nuurulislam.com ee Deegaanka ceelasha Biyaha.
Email: sheekhcariif@hotmail.com
Email: saalaxcade@hotmail.com
Tell: 0615558777/0699900030




