Filed under: Suugaanta,Wararka Somalia |

Garta xeer-beegti iyo xeerarka somalida

Q: 1aad

Odayaasha iyo xeerbeegtida maanta nool ee garaha qaada ama doonaya inay qaadaan waxaan jeclaan lahaa inay ka faa’iidasytaan mawduucan.

Somalidu waxay dhaqan iyo hiddo u lahayd garsoor wanaagsan, gobanimo, is-jidmarin, is-xaalmarin, isudulqaadasho, is-dhaahin iyo mucaamil nololeed oo wanaagsan, kuwaas oo la odhan karo waxa uu 100% ka wanaagsaana shuruucda iyo qawaaniinta ay dunida casriga sheegataa maanta ku dhaqanto, iyadoo aanad maanta arkayn cid isu garaabaysa iyo cid is-garmarinaysa iyo cid garanaysa gartii xeerbeegti ee lagu kala bixi jiray, sidoo kale ma jirto guurtidii xeerbeegti ee dadka ku kala hagoogan jirtay marka ay xaajo murugto ee ay arimuhu dhab-qaan.

Gartu way noocyo badan tahay, berigii horena qofku waa yaqaanay sida uu ku gar helayo iyo inay gari meesha ugu jirto iyo inkale, laakiin noocyada loo garqaado waxa ka mid ahaa ama loo garnaqsado waxa ka mid ahaa:Garaw, Dhaahin, Xaal, Muslax, Gar-cadaawe, gar-shareeco, gar-xeerbeegti, Gar-booli, Gar-jilaad iyo qaar kale, waxaana dhici jirtay in la kala gar-helo, iyadoo ay gartu noqon jirtay gar-cadaaladeed iyo gar-eexo, laakiin ninku wuu gar-qaadan jiray, taasina waxay qayb ka ahayd hiddosamida dhaqanka iyo gobanimada dadku lahaa.

Guddiga xeerbeegti ee garta qaadaysaa waxay ahaayeen kuwo yaqaan waxa ay wax ka garnaqayaan iyo waxa ay wax ku dhamaanayaan, hadii ay muslax tahay, hadii ay kala dareerin tahay, hadii ay gar cadaawe tahay iyo hadii ay gar kale tahayba, waxaase jiray wax la odhan jiray Samatalis iyo hadimo talis, kuwaas oo ahaa laba calaamo oo lagu kala sooci jiray ragga had iyo goor garaha gala, kuwaas oo u qaybsami jiray nin daacad ah oo la odhan jiray waa Samatalis iyo nin aan daacad ahayn oo la odhan jiray Hadimotalis.

Garta hadii la feeniyo ama la Axalo-cunsiiyo cidda garnaqaysaa wax ambiil (Racfaan) ah lagama qaadan karo, taasina waxa weeye garta adag ee loo yaqaan gar-cadaawe.

Somalida badideedu maadaama ay suugaanta hodan ku ahayd, isla markaana ay suugaantu ahayd waxay suugaanta u isticmaali jirtay garaha, sidaa darteed bal aynu waxoogaa ka taataabano suugaanta garaha loo isticmaali jiray iyo noocyada garaha ah ee lagu dhaqmi jiray, jidka ka horeeya garta, cadaymaha lagu kala gar helo, sida loo kala gar helo, xeerarka Somalida iyo kuwa xeer-ciqaabeedka ah, cidda xeerka jebisa sida laga yeelayo…

Ninka inuu gardiid noqdo dhaqanka iyo xeerka waa ku ceeb, sidoo kale hadii laga gar helo waa inuu garawshiinyo bixiyaa, waayo hadii uu garawshiinyo bixin waayo waxay taasi noqonaysaa gun-nimo, laakiin cidda garta naqaysa xataa hadii ay si cadaalad ah garta u qaado cidda garta laga helay ma gafto waa layga eexday, waxba layma waydiin IWM, sidaa darteed cidda garta naqda waxay mar walba dhaxlaan godob.

Laakiin cidkastaa haka cabatee cidda gartaqaadaysa waxa mar walba looga baahan yahay cadaalad iyo inay garta aad uga baaraan-degaan, iskana hubiyaan wixii ay cadaalad xumo uga iman karto. Sidoo kale dadka ama dhinacyada garnaqsanaysa waxa mar walba looga baahan yahay inay gartooda banaanka ku soo akhristaan oo ay qolo waliba dhinaceeda si fiican u ogaato cidda ay is-hayaan waxa ay xaq ugu leeyihiin iyo waxa dheeraadka ah ee sitaan, waayo waxa fiican inta aad banaanka joogto ee aaddan golaha iman inaad gartaada soo akhrisato, maxaad gar u leedahay, maxaadanse gar u lahayn, markaa “waa sidii Jemeshii Wacays kaliile’, marka aad arin gelayso waa inaad talo ku dartaa oo hadii aad is leedahay waxaa waad ku ceeboobaysaa aanad gelin, isla markaana marka aad aragto in lagaa gar helayo ama aad gar darran tahay aad garawdo. Soomaalidu waxay tidhaahdaa “nin aan garaw baranini gar ma barran”. Ta kale waxa iyana loo baahan yahay inaad malayso cidda aad wada hadlaysaan ee kaa soo horjeeda inay kaa af-roon tahay (Af-tahamo badan tahay) iyo in hadalkiisa lagaa xigo oo aanu kufkaaga ahayn, waayo Somalidu waxay tidhaahdaa “gadh-ba gadh baa la tusaa”.

Ta kale waxa jira hadal aan afkaaga ku wanaagsanayn oo afka Inaadeerkaa ku wanaagsan, tusaale marka seedigaa kaa soo horjeeddo ama arini idin dhexmarto, soddoggaa oo kale iyo qof kasta oo xil kugu leh ama aaddan afka ku kala waaxi karin. Sidaa darteedna lagaaga toosan yahay ama wax odhaahiisu afka cid kale ku wanaagsan yahay. Somalidu waxay tidhaahdaa “Hadal nin kaa xigo iyo hawl nin kaa xigo midna lama hororsado”. Laakiin dhaqan xumooyinka soo kordhay waxa ka mid ah in labada reer ama labada qof ee arini dhexmarto halkii si wanaagsan loogu gar-qaadi lahaa in gartooda la mashruuceeyo oo ay waqti dheer qaadato ama cidiba kala saari waydo oo ay isku sii murgaan oo timaha la isugu sooho ama marka ay arkaan in la isku dilayo ay iyagu iskood isaga kala dareeraan.

Xiliyadii hore garta laba qof ama laba qolo loo qaadayaa kama ay badan jirin inay maalin ama habeen iyo maalin socoto xataa marka ay guddidu raagto oo ay debedda u baxdo, waayo waxa la odhan jiray “Guddi raagtay ama hal meesha ku jira ayey ka saaraysaa ama hal aan meesha ku jirin ayey soo gelinaysaa”, isla markaana hadimada iyo waxa xun lama talin jirin, iyadoo xataa hadii aanu qofka aakhiradiisaba u tudhan ay marka horeba hadimo-taliska iyo eexdu godob aan hadhin leedahay, sidaa darteed hadii aad cid u gar-qaadayso ha u kala eexan, waayo waxa jirta xikmad Soomaaliyeed oo tidhaahda “Meesha aad qof ka qaadanayso qof baad kaga tegaysaa”. Ta kale ninka hadimada iyo wax xun taliska ah waxa uu cawaaqibkiisu ka muuqan jiray naftiisa, maalkiisa iyo ubadkiisa, isla markaana cawaaqib-xumadaasi kama hadhin jirin sagaal awaw ama abadkiis, iyadoo dhinaca kalena uu dadka dhexdiisa ka noqonayo nin ceebo ioy naanayso leh oo canbaaraysan, bal eeg maahmaahan “Nin wiil lihi xeer ma duraanto, nin markhaati been ah kuu furay wuxuu yahayna ogaatay muraadkaagana ka heshay”, waayo markhaatiga fududi nin-na waa u hiil, nin-na waa ku godob, laakiin ninka markhaati been ah furaa kalsoonidiisa iyo xeer-beegtinimadiisa, waayo mar hadii lagu yidhaahdo “Ninkaasi xaajo qaad ma aha”, War-gal ma aha”, “Hebel uga qaateen ma aha’ IMW waxa uu noqonayaa nin gabadhii guur-beeshay. Sidoo kale ninka ay maalin ka xumaato waxa raaci jiray jareexo iyo naanays aan abidkii ka hadhin, waana ta la yidhaahdo “Gole saymo, hoos-waliba hadalkiisa leh, golaha madhnaan lagagama tago”, waayo golaha ama ceeb ayaad kaga tagtaa ama raganimo ayaad kaga tagtaa. Masallan ninka suuqa ka tow-tow leeya ee yidhaahda cidaas ayaa gardarran ee maxaa wax looga qaban waayey waxa la odhan jiray “farasow kacdaada iyo kadladaada isla sug”.

Laakiin marka laga yimaado ninka hadimo-taliska ah waxa isna jiray nin samatalis ah…

Waxa beri dhacday inay laba nin isku qabsadeen caaqilnimo, ka dibna waxay isu tageen nin Xidaar ah (Garyaqaan), dabadeedna wuxuu geeyey geed hadh-subaxeedkii, iyadoo ay goortu ahayd goor barqo ah, markii uu halkaa geeyeyna wuxuu ku yidhi “Galabta haynoo ahaato, halkaasna sii fadhiya”, ka dibna hadhkii ayaa wareegay markii ay qoraxdii subaxnimadii dhaaftay, laakiin labadii nin ayaa mid ka mid ahi halkii la fadhiisiyey ee lagula ballamay fadhiyey oo aanu ka kicin, halkaas oo uu bacadkiisii fadhiyey, isaga oo ku dhididay, kuna harraaday, ninkii kalena kol-ba halka hadhku u wareego ayuu u wareegayey , dabadeedna galabtii ayaa odaygii Guurtida ahaa u yimi , ka dibna wuxuu arkay labadii nin oo uu midna hadhkii faxaaxsanayo, midna uu halkii saaka hadhku ka tegay fadhiyo oo aanu silic waxba uga dhinayn, ka dibna odaygii Guurtida ahaa ayey ku yidhaahdeen na kala saar, dabadeedna odaygii ayaa yidhi “Maxaan idin kala saaraa idinka ayaaba isu garnaqaye, waayo ninka bacadka ka kac garanwaayey reerka uu u taliyaa saw jabi-maayo, ninka kol-ba halka hadhka leh u wareegayeyna sow kolba halka talada iyo xaajadu reerku joogto ku go’aan qaadan maayo”, sidaas ayeyna gartii labadaa nin ku dhamaatay.

Waxa kale oo la sheegay inay laba nin oo uu mid markaa ahaa suldaan ay isku qabteen saldannada reerka, ka dibna sida igu maqaalo ah waxay isula tageen Ina-Cabdulla Xasan, dabadeedna Ina-Cabdilla Xasan ayaa ugu horayn labadii nin maalin casuumay, ka dibna labadii nin ayaa mid sii kaxaystay 100 nin oo isugu jira reerkiisa iyo reerihii kale ee la yaalayba, halka uu kii kalena keligii casuumaddii tegay, dabadeedna Seyidkii baa ninkii keligii yimi ku yidhi “Dhaharow maxaynu ka wada hadlaynaa waxa kaa madaxsan ninka dadkiiba dareersadaye”, sidaas ayeyna labadaa nin gartoodu ku dhamaatay.

Sidoo kale dhacday inay laba nin oo sida la sheegay Ciise ahaa ayaa mid ka mid ahi maroodi dilay oo dhaawac u geystay , ka dibna nin kale oo Ciise ah ayaa dhiigii maroodiga ka daatay raadkiisa raacay, dabadeedna wuxuu u tegay maroodigii oo aan waxba la noolayn, ka dibna wuu dhaawac-tiray oo sidaa ayuu maroodigii ku qudh baxay , laakiin labadii nin ee midna maroodiga dhaawacay, midna dhaawac-tiray ayaa dacweeyey oo xeer Ciise isla galay iyaga oo sida la sheegay geedkii 1aad ilaa geedkii 12aad isla maray, dabadeedna oday ka mid ahaa raggii geedka fadhiyey ayaa arintii loo sheegay, odaygii baa yidhi, “Sow tii la yidhi Maroodiga durdur mooyee dar ma deeqo, oo duur mooyee dureemo ma qariso, oo nin makala (qudh-jara) mooyee nin mudaa ma dilo”. Ka dibna gartii sidaa ayey ku dhamaaatay, laakiin sida aan sheeko ku maqlay odaygii markii uu gartii sidaa ku dhameeyey ayey naftii ka baxday oo sidaa ku dhintay, waxaana la yidhi waxa halkaa ku baxay halkudheg la magac baxay “Nin malaggii galay iyo mamaasan (Qabiil) u gal”.

Gar-booli: Waxa dhacda inay laba qof ama nin isku qaybsadaan wax aanu midkoodna lahayn, sida lacag iyaga oo wada socda ay meel cidla ah ka heleen, ka dibna uu labada nin midna hor arkay, midna horqaaday, lacagtaasina waa booli aanu labada nin ee isku haysta midna lahayn, laakiin marka laga gar-qaado labada nin mid-baa booligaa yeelanaya oo aanu xayiigle (Xaqlihii ay lacagtu ka luntay) mooyaane aanay cid kale ka kaxayn karin. Sidoo kale waxa dhacda xiliga dagaalada in nin colka labada dhinac ee dagaalamaya ka mid ahi uu dilo nin cadawga ka soo horjeeda ah, laakiin uu nin kale oo warranle ahi uu furkii ninka la dilay gacanta ku dhigo, iyadoo uu furkaasi noqon karo Faras ama qori, ka dibna ay furka ninkii ninka dilay iyo ninkii furka gacanta ku hordhigay isku qaybsadaan. Labadaas nin-na nin wuxuu taagan yahay “Anigaa ninka dilay oo furka ka ritay ama furkiisa dhacsaday maadaama aan dilay, nin-na wuxuu leeyahay anigaa naftayda biimeeyey oo cadawga ka soo qaatay furkan.”

Sidoo kale waxa kale oo iyana dhacda in geel la soo dhacay uu nin habeenka hore xeraysto, ka dibna uu ninkii la soo dhacay ka sheegto, laakiin waa tii la yidhi Gari laba nin kama wada qosliso, sidaa darteed garta booli xeerkeedu waxa weeye “Booli waxa leh ninka gacanta ku hordhigay ama uu xeradiisa soo horgalay”, ninkaasna waxa kiciya ama gar xoolahaa kaga qaadi kara ninkii yedlaha ahaa ee xoolahaa lahaa, laakiin meelaha qaarkood waxa xeer u ah in ninka wax dilay ee furka la isku haysto ninkii lahaa dilay la siiyo qaalin la yidhaahdo Shakama-qabad. Ta kale marka laga hadlayo xeerarka dagaalka gaadaha (Dilka dhuumashada ah) mooyaane gulufku (Dagaalka kafool-kafoolka ah) ma laha godob gaar ah, laakiin hadhow marka la heshiiyo ama la is-waraysto ninkii furkii hebel inuu hayo lagu waraysto ama lagu arko, ninkaasi isaga ayaa qaba ama loo raacayaa godobtii ninkii furka lahaa ee la dilay.

Waxa kale oo dhacday ama dhacda inay laba nin oo dagaal wada galay isku mar qori gacanta ku dhigeen, ka dibna way isku qabsadeen, laakiin markii ay indoora kala maroojisanayeen ee ay isku xiiqeen ayaa markii dambe mid qorigiisii uu hore u sitay tuuray, dabadeedna ninkii kale inta uu sii daayey ninkii qorigiisa tuuray ayuu qaatay qorigiisii uu tuuray, isla markaana ninkii qorigiisa tuuray wuxuu qaatay qorigii booliga ahaa ee ay ninka kale isku haysteen. Laakiin maalintii dambe ayuu ninkii qorigiisii tuuray ee uu ninka kale qaatay yidhi “Qorigaygii ayuu ina hebel haystaa markaa xigaal ayeynu nahay oo dhac inagama dhexeeyo’e halayga keeno qorigayga”, dabadeedna waa laga siiyey, ninkii qoriga laga qaaday waxa la siiyey samir-siis si aanay xigaalnimadu u dhantaalmin.

Waxa kale oo dhacday inay wada duuleen laba qolo oo fandab leh (Xurguf), ka dibna waxay soo dhaceen geel, dabadeedna geelii ay soo dhaceen ayaa habeenkii meel looga xero-dhigay, iyadoo ay qolo waliba geel gaar ah wadato, waxayna ku kala xereeyeen laba xero oo isku qabsan, laakiin geelu waa oomman yahay, dabadeedna oday xiribta yaqaan (farsamada xoola-dhaqidda) oo labadii col midkood ka mid ah ayaa yidhi ” Xeradeenna waxaad ka dhigtaan xagga xigta ceelkii uu geelu ka cabbi jiray, isla markaana oodda labada xero u dhexaysa (Qoqobka labada xero) waxaad ka dhigtaan mid gaabban”, dabadeedna sidii bay yeeleen, ka dibna habeenkii ayaa geelii qolada kale tuladii hal-doorka ahayd oo dhami xeradii kale ee xagga ceelka xigtay ee colka kale u dhacday, balse subixii ayaa geeli xerada kale u daatay nin is yidhi dib u celi, laakiin nin colkii kale ah ayaa ninkii is-yidhi geela dib u sooc xabbad ku dhuftay, sidaa ayuuna ku dhintay, dabadeedna…

Gar-jileed: Gar-jileedda waxa la yidhaahdaa kama taggana macne ahaan buus-buus ka horgee, waayo qofka garta loo sito ama loo sheeganayo ayuu ka horgeeyaa wax u eg waxa loo sheeganayo, waxaas oo dadka markaa jooga kaga qosliya, isaga doonaya sidii uu suurtagal uga dhigi lahaa sidii ay labadaa wax isku nooc u noqon lahaayeen. Tusaale ahaan nin baa beri waraabe dabbin u dhigay, ka dibna waraabihii oo dabbinkii ku jira ayaa nin kale soo maray ooo uu waraabihii oo dabbinkii ku jira dilay. 

Ninka hore ee waraabaha dabbay sababta uu u dabbay waxay ahayd inuu dilo, laakiin hadana isaga oo is leh wax baad kaga helaysaa ayuu ninkii kale ee waraabaha dilay qaanabay oo uu ku yidhi maxaad u dishay waraabihii aan dabtay, ka dibna Haa ayuu ku yidhi , dabadeedna waxa uu ku yidhi “ii keen waraabahaygii”, ka dibna waxa uu ku yidhi “waayahaye soo qabso waraabe aan kuugu saanyo (qiimihiisa lagu sargooyo)”, laakiin wuu soo waayey waraabe kale ilayn waraabe gacanta ugu jiraa ma jiro’e, sidaas ayuu dabadeedna ku garwaayey. Tusaale kale hadii aynu soo qaadano waxa la yidhi nin baa beri yidhi “Wan (Neef) aanu Berbera ku wadnay oo aanu isnidhi dawga Sheekh mariya ayey badhidiisa oo aad u waynayd noo mari wayday dawgii, dabadeedna nin kale ayaa isna yidhi “Beri baan ka shaqayn jiray hudheel, markaas ayaanu anaga oo 100 nin ah hal digsi wada xali jiray, boqolkayagaa nin oo aanu nin-na ninka kale arkayn, dabadeedna ninkii wanka ka sheekaynayey ayaa yidhi, “Taasi ma wax dhici karaa”, ka dibna ninkii digsiga ka sheekaynayey ayaa yidhi “Hadaa ma sheekada aad ka sheekaynayso ayaa suurtagal ah”, ka dibna halkaas ayey labadii nin isku liqi kariwaayeen oo ay iska kala tageen oo ay arintoodu noqotay “inaga baandhee”. Sidaa awgeed garta tusaalayaashaa aynu soo qaadanay u nooc eg ayaa la yidhaahdaa Gar-jileed ama gar-badh. Laakiin sidoo kale waxa gar-jileed loo yaqaan garta aan dawga ay leedahay la marin ee la marin-habaabiyo.

Gar-kala dareeris: Garta la yidhaahdo garta kala dareeriska ma aha mid loo eego cadaalad, laakiin waxay ua egtahay xal ama garta muslaxa loo yaqaan ayey u egtahay, isla markaana ragga had iyo goor garta caynkaas oo kale ah wax ka tara ama wax ka qabtaa waa ragga ku sifoobay samatalisnimada.

Garta kala dareerisku cidna way ku jiifsataa, cidna way u sed-burisaa, laakiin had iyo goor inta badan waxa loo garta caynkaas oo kale ah loo qaadaa laba qabiil inkasta oo laba qof-na loo qaadi karo, masalan cidda ama qabiilka wax geystay waxay leedahay ama lagula dhaqmaa wax la yidhaahdo Qaboojis, jilid-salaax, sacabo-wadhad IWM. Marka arinta ama garta caynkaas oo kale ah lagu jiro waxa jirta xikmad Somalidu isticmaasho, taas oo ay tidhaahdo “Marka nin indho gar-darani ooyaan, indho gar leh maxaad mooday”. Laakiin waxa jirta xikmad kale oo tidhaahda “Walaalkaa hadii candhuuftaadu gaadho, gacantaaduna ha gaadho”, taas oo macneheedu yahay ninkii aad candhuufta ku tuftay gacantaada waad ka mari kartaa.

Cidda ama qolada wax tirsanaysa ama wax loo geystay iyadana dhinaceeda waxa loo jeedinayaa waxyaalo ay ka mid yihiin Naq, Cabatin, baanis IWM. Tusaale ahaan marka uu nin si kama’ ah u dhinto wax hidaayo ah ma laha ee waxa la kala qaataa ama la kala gurtaa magtii oo dhan oo ah boqolkii halaad, iyadoo jifidana mar la kala qaato, qubanahana ama magweyntana mar la kala qaato, hadii la doonana mar saddexaad wixii hadhaa magta ka ah la isa siiyo, laakiin kolayba meel nin ku dhintay ma hawl iyo taah yara, taas oo masalan hadii ay mar kale tiiyoo kale dhacdo ay qolada wax laga dilay odhanayso “maantana ma laynoo noqday, kii hore ayaanay deero-deero u hirdiyin”. 

Laakiin bal aynu eegno sida arinkoodu noqonayo laba qolo oo ay hidaayo hore ka dhexaysay, hadana mar kale sidaas oo kale loo dilay hebel oo aanu reerka laga dilay ku jirin nin ka qiimo badani ama hadii aynu si kale u nidhaahno ahaa nin aanay reer hebel uga dambayn, ka dibna la isu soo qalab iyo rag urursaday, iyadoo muusanow la iskula dhex-wareegayo oo la leeyahay “Boqole boqol baa lagu doonaa”, ka dibna tol kale oo labada reer ee dhiiladu ka taagantahay u simmani xaajada soo dhexgalo, iyadoo ay arintu meel-xun marayso oo ay ku dhowdahay inay faraha ka baxdo oo ay labadii col is-kulaalayaan, isla markaana ay hadimotalis iyo bagaan beloba meesha joogo oo Go’ ridayo, waxayna qolada soo dhexgashay tidhaahdaa “Belaayo hor la qabto ayey leedahay ee daba la qabto malaha”. 

Waxa kale oo la yidhaahdaa “Reerku hadii aanu lahayn laba laba lagu gudo (Deeqsiyo), laba isu guda (Talo-qabeenno), laba laga gudo (geesiyiin) waxa la yidhaahdaa reerku reer ma aha, waxaana halkaa ka muuqatay inaanay reerka waxba ka dhamaanayn, mesalan ninkii oo boqol halaad ah hadii ay raggii dhexda ahaa ay xukumaan 150 Halaad iyo gabadh godob-reeb ah, isla markaana la yidhaahdo “Waa mag-dharaareed”, mag-dharaareedna waa magtii oo hal mar la wada bixinayo oo aan sidii caadiga ahayd waxba loo soo noqonayn, laakiin marka sidaa la xukumo arintaasi xal kale malaha, gartaasina waxay ku foorartaa qoladii wax dishay…

Zubeyr macalim subayr@hotmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>