Shiikh Xasaan oo Ka soo Reebay Tolkiisa Gaalnimada

Filed under: Diinta,Wararka Somalia |
ayaan maalmo kahor daaha uga feydnay Takfiirnimada Sh Xassaan iyo nooca ay tahay, waxaan akhristaha usoo bandhignay cadeymo sida qoraxda u cad oo muujinaya in Sh Xassaan isku darsaday Laba Cudur oo ah Takfiirnimo iyo Qabyaalad maadaama uu ku dhici kari waayay Gaalaysiinta Reer Tolkiis ee Heshiiska La Galay Maamulka Tikreega.


Hadaba Sheekh Xassaan iyo Qolyaha ku Taageersan Takfiirnimada Qabyaaladeysan ayaa isku dayay in ay baal digaag ku dadaan Xaqiiqdii aan soo Bandhignay ayagoo soo gudbiyay Risaalo Carabi ku Qoran islamarkaana tafsiir qaldan ka baxshay risaaladaas si loo qaldo qofka aan fahmeyn carabiga iyo Qawaacida Takfiirka.
Tafsiirka Qaldan ee Laga baxshay Risaaladan ayaa ah in Sh Xassaan Gaalaysiiyay Jabhada Reer Tolkiis ee UWSLF-Itixaadka-Ictisaamka Ogaadeenya, arrintuna sidaas maaha, mana jirto jabhad uu sheekhu Gaalaysiiyay ee risaaladu waa naseexo iyo baaq uu sheekhu u jeedinayo Reer Tolkiis.
Risaaladan ayaa daliil cad u ah waxyaalihii lagu heystay sheekha, waxeyna ka marqaati kaceysaa Kaarka Qabiilka ee wadaadku u adeegsado Takfiirnimada.
Risaalada Sheekh Xassaan ayaa ah mid Farsameysan oo uusan haba yaraatee ku soo saarin wax xukun ah oo ku aadan Jabhada UWSLF, balse wuxuu isticmaalay erayo uu dadka moodsiinayo in Jabhadaas Gaaloowday.
Hadaba aan isla fiirino qaar kamid ah waxyaabaha marin habaabinta ah ee ku jira risaaladaas ee dadka aan wax fahmeyn u maleyn karaan in jabhadaas laga soo saaray xukun oo la gaalaysiiyay:

Sh Xassaan ayaa Jabhada UWSLF iyo Taageerayaasheeda ugu baaqaya in ay ka towbad keenaan qaladaadka gaalnimada gaarsiisan iyo kuwa aan gaarsiisneyn islamarkaana ay ka baxaan heshiisyadaas dulinimada  ah ee diin ka baxa ah inta goori goor tahay una usoo laabataaan jihaadka! (Bogga 43-aad)
Sh Xassaan waligiis towbad uguma yeerin dadka uu Gaalaysiiyay balse wuxuu cadeyn jiray in aysan towbad laheyn oo dhiigoodu banaan yahay maadaama la dilayo qofkii ridooba, laakin jabhadu xagiisa muslimiin ayey ka yihiin sidaas darteedna towbad ayuu ugu yeeray, qofka muslimka ah oo towbada loogu yeerana waa arrin loo baahan yahay, micnaheedu maaha in uu ridoobay qofkii towbad loogu yeeray.
Tan kale sheekhu wuxuu tilmaan ka bixiyay nooca dambiyada ay jabhadu ku dhacday, dambiyadaas oo ay ku jiraan kuwa gaalnimo ah iyo kuwa aan aheynba, balse waa uu ka cararayaa tilmaanta ama sifada loo baahan yahay oo ah in uu Gaalnimo ama islaamnimo ku sifeeyo jabhadaas iyo xubaha kamid ah sidii uu horayba ugu Gaalaysiiyay Dowlada KMG iyo Qabaailada taageeray walina uu hoosta ka xariiqay in aysan towbad laheyn oo lagu ugaarsanayo xili walba iyo meel walba.

Markii uu soo tilmaamay qodobada gaalnimada ah ee jabhadu saxiixday ayuu wuxuu keenay jumladan kor ku xusan oo run ahaantii ah Marin habaabin weyn, isagoo su’aal ahaan isku weydiinaya shirkiga iyo gaalnimada jabhadu ku dhacday kadibna marlabaad is weydiinaya in arrinta dhinac kale laga eegayo oo gaalnimo tahay marka ay ku dhacaan qaar kamid ah Raggii Maxaakimta islaamiga iyo kaaba qabiilada soomaalida, oo ay ka duwan tahay kuwa ku soo barbaaray jihaadka iyo towxiidka iyo sidoo kale marka uu ku dhaco in adeerka ama reer tolka. (Bogga 23-aad)
Macnaha Ku Jira Jumladaas?
Waa Jumlad uu uga baxsanayo Gaalaysiinta Reer Tolkiis kadib markii uu adeegsaday qaab siyaasi ah oo uu su’aalo isku weydiinayo, dadkana moodsiinaya in aysan u kala soocneyn Reer Tolkiis iyo kooxaha kale.
Sh Xassaanow waad ogtahay in uusan xukun ku jirin su’aal la isweydiiyo ee makugu adkaatay in aad ku dhiirato ina adeerka iyo reer tolka sidii aad ugu dhiiratay qabaailada kale?
Sh Xassaanow waxaan kugu naqaanay in aad hebel iyo hebel u magacowdo dadka aad gaalaysiisay, waxaa la xasuustaa in marar badan aad xustay Sh Janaqow, Sh Shariif iyo Qabqablayaal, aadna sheegtay in ay murtadiin yihiin oo dhiigoodu banaan yahay, Waxaase Maanta kugu adag in aad magacowdo Sh Ibraahim Dheere, Sh Shakuul iyo Culumada Taageertay.

Jumladan kore ayaan waxba kaga duwaneyn jumladihii hore, waana jumlad aysan ku jirin wax xukun ah iyo cid uu gaalaysiiyay. (Bogga 44-aad)
Waxa uu sheegay in Gaalnimo iyo Riddo loo ictibaarinayo waxyaabaha jabhadu ogolaatay sida ku xusan nuqulka heshiiska la faafiyay.
Sh Xassaan ayaa adeegsan jiray erayo kalsooni ku dhisan sida in uu ictiqaadsanyahay ama uusan shaki uga jirin dadkii uu Gaalaysiiyay balse jumladan ayuu adeegsaday ficil ku dhisan majhuulnimo oo xataa naftiisa uma tiirin in asagu ictibaarsan tahay in ficilkaas-heshiiskaas gaalnimo yahay.
Taas markaa ka gudubno ictibaarka uu sheegay ayaa ah mid ku dhacaya heshiiska ay jabhadu gashay ee maaha Gaalaysiin uu Gaalaysiiyay Reer Tolkiis balse ficilkooda ayaa ah mid loo ictibaarinayo gaalnimo.
Sidaan horay usoo sheegnay farqi ayaa u dhaxeeya Gaalnimada iyo qofka ku dhacay, oo qof kasta oo Gaalnimo ku dhacay ayaan ka dhigneyn in uu gaal yahay, si kale hadii loo dhigo oo la yiraahdo hebel ama koox hebla waxey ku dhaceen gaalnimo kama dhigna in ay gaaloobeen.
Doodu maaha in Jabhadan ku dhacday Gaalnimo laakin Xassaan loogama baahna in uu kun mar ku soo cel-celiyo gaalnimada jabhadan ku dhacday ee waxaa looga fadhiyaa in uu warkiisa cadeysto oo uu xukumo faacilka, iskana halmaamo tilmaanta iyo xukunka uu ka bixinayo ficilka jabhada, oo uu ka jawaabo su’aalahan, Jabhadu Ma Muslimiinbaa? Ma Murtadiinbaa? Dhiigoodu Ma banaan yahay? Sow xili kasta iyo goob kasta lagu ugaarsan mayo ayaga iyo cid walba oo taageersan?

Jumladan u dambeysa ayaa ku xiran kuwii hore, Waa jumlad uu uga war-wareegsanayo Gaalaysiinta reer tolkiisa, islamarkaana uu isku mashquulinayo ficilka gaalnimada ah ee jabhadaas ku dhacday. (Bogga 45-aad)
Sh Xassaan ayaa dadka ogeysiinaya in Xukunkaas (Xukunka ah in Jabhadu Gaalnimo iyo Riddo ku dhacday) ay soo hoos galayaan kuwii saxiixay, kuwii taageeray, kuwii fatwooday, kuwii ku farxay, kuwii ka raali noqday kadib marka ay ogaadaan sida arrintu tahay xaqiiqo ahaan iyo xukun ahaanba.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in dadka horbooda jabhadan ay heshiiska saxiixeen ayagoo garasho, cilmi iyo qiimeynba u leh qodobada heshiiska, hadii arrinku saas yahayna loo fiirin maayo garashadaas ee waxey noqonayaan kuwa ku dhacay ficil gaalnimo ah…..Yeysan kuu dhuuman farsamada sheekha ee la soco ficilka ayaa gaalnimo ah ee Tolku ma gaaloobin! Ficilka ayaa la xukumay ee lama xukumin faacilka! faacilkuna waa jabhada.
Nuxurka jumladan ayaa ah in marka loo yimaado dadka taageray, fatwooday, ku farxay, saxiixay ay dhamaantood noqonayaan kuwa ku dhacay ficil gaalnimo ah.
Xukunka Gaalnimada ah ee sheekhu ku wardinayo ayaa ah ficilka ay jabhadu ku dhacday, ee ma jiraan wax iska quseeya jabhada iyo xukunka gaalnimada ah ee sheekhu ku marin habaabinayo dadka aan fahamsaneyn Qawaacida Takfiirka iyo farsamooyinka ay adeegsadaan Takfiiriyiinta.
Afartan iyo shan safxo ayuu af-carabi ku qoray, 97% waa hadalo iyo qisooyin uu ka soo minguuriyay kutub ay qoreen culumo hore, 3% ayuu kaga hadlay jabhada saas oo ay tahayna ma sheegin war cad iyo xukunka ay qaadanayaan ragga saxiixay heshiiskaas, kuwa taageeray, kuwa fatwooday.
Carabi badan oo la soo minguuriyo kama dhigna cilmi badan, sheekhana dadka uu la hadlayo waa soomaali, sow kuma habooneyn in uu afsoomaali wax ku cadeeyo si caamadu wax u fahanto, Masa adeegsiga Luuqada Soomaaliga ayaa kashifaya dhagartiisa!
Afsoomaali la wada fahmayo oo cad ayuu ku gaalaysiiyay kooxihii hore ee aysan xigtada aheyn, hadaba waxaa looga fadhiyaa in uu iska bari yeelo Takfiirnimada Qabyaaladeysan, lana yimaado wax aan shaki ku jirin oo dadku wada fahmayaan.
Dhageyso Xassaan oo Soomaali la fahmayo ku Gaalaysiinaya Qabaailka iyo Qab-qablayaasha aan ku Tolka aheyn.
Gaalo ayuu ku tilmaamay mooryaantaas iyo qabaailada la socday, murtadiin ayey ahaayeen, kafaro ayey ahaayeen, la soco waxa uu ka hadlayo maaha ficilkooda ee sheekadu ficil waa dhaaftay ee shakhsi ahaan bay gaalo u yihiin.
Maxaa Hortaagan in hadal soomaali ah oo sidaas u cad uu ka yiraahdo Jabhada UWSLF ee Reer Tolkiis!
Dhageyso Xassaan oo markale si cad u Gaalaysiinaya Dowlada Sh Shariif iyo Qabaailka Taageeray.
Som uma jeedid xataa shaki ugama jiro in Dowlada iyo Qabaailka Taageersan ay yihiin Murtadiin oo dhiigoodu ku banaan yahay xili iyo xaram.
Fatwooyinkii hore ee uu soo saaray ayaa ahaa kuwa la wada fahmayay oo aan u baahneyn in la cadeeyo oo qoraalo laga soo saaro, maxaase sheekha u diiday in uu banaanka isa soo dhigo oo la yimaado geesinimadii iyo indha-adeegii lagu yaqaanay! waa hadii aysan Takfiirnimadiisu tahay mid aan kala aqoon sokeeye iyo shisheeye!
Ugu dambeyn waxaa dhici karta in dadka qaar aysan qoraal ahaan ku fahmin Qaacidada Xassaan u adeegsaday Reer Tolkiisa ee lagu kala qaadayo ficilka iyo Faacilka taasoo meesha ka saareysa in UWSLF gaalo tahay balse kaliya ficilkoodu gaalnimo yahay.
Hadaba si loo fahmo qaacidada lagu kala qaadayo qofka shakhsiyadiisa iyo falka uu sameeyay ama ereyga uu ku hadlay ayaa waxaan akhristaha u soo bandhigeynaa Sharaxaad uu Sh Shibile ka bixinayo arrintaas.
Dhageyso Sh Shibile oo sharxaya Qaacidada lagu kala qaadayo Ficilka iyo qofka sameeyay ee faacilka ah, Gaalnimada iyo qofka ku dhacay Gaalnimadaas, daadinta dhiiga iyo qofka daadiya iwm.
Sh Xassaan ayaa qaacidadan u adeegsaday Reer Tolkiis oo kaliya halka uusan kala saari jirin ficilka iyo faacilka markii uu Gaalaysiinayay Muslimiinta kale.
Takfiirnimada qabyaalada ku dhisan ayaa ah mid marba si loo adeegsado oo maalina kala saareysa ficilka iyo faacilka maalin kalena aan kala saareyn, oo dad gooni ahna siineysa cudurdaar kuwa kalena ka dhigeysa murtadiin aan towbad laheyn.
Halkan ka Akhriso Qoraalka Sh Xassaan ugu Nasexeeyay Reer Tolkiis islamarkaana uu ku Xukumay Ficilka ay Ku Dhaceen, Qoraalka oo Dhameystiran.

Xigasho Miisaanka.com

One Response to Shiikh Xasaan oo Ka soo Reebay Tolkiisa Gaalnimada

  1. xasaan iyo xertiisa itixaad inay takfiir yihiin waa shakila aan iyo muran madoon
    xasaana wuxu dheer yahay in uu caayo culimada islaamka sida sh.alalbaani iyo ibnubaz cusaymin sh muqbil iwm

    cabdi - September 28, 2010
    9:03 am

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>