Taariikhda Soomaaliya marka dib loo eego, kuma jirto in kooxihii mucaaradka ahaa ee iyagu ka horjeeday Dowladihii dalka soo maray la garan waayo waxa ay u dagaalamayaan, kuwaasi oo u badnaa inuu ku saleysan yahay rabitaan hoggaanka xukunka dalka, hase yeeshee marka la eego xaaladda dalka oo maanta ay hor boodayaan kooxo mayalka adag ee xag-jirka ah, kuwaasi oo iyagu had iyo goor sheeganaya inay u halgamayaan sidii dalka looga hirgelin lahaa Shareecada Islaamka.
Waa wax wanaagsan in dalka ay ka dhalato dowlad Islaami ah oo dalka ka fulisa Shareecada Islaamka, bacdamaa dadkiisu ay yihiin Islaam lagu soo gaarsiiyay si nabad ah oo runtii aad uga duwan midka ay haatan dalka ka wadaan kooxaha Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam ee iyagu gaaleysiinaya cid kasta oo ka horjeeda xukunka argagixinta ku saleysan ee dalka ay ka wadaan.
Haddaba akhristow ma rabo inaan kuu sheego aflagaaddo loo geysanayo shaqsi ama qof mas’uul ah oo ka mid ah hoggaamiyayaasha labadaan urur ee iyagu risaalada xag-jirnimada diimeed ah ka soo qaatay ururka Al-Qaacida isla markaana sababay inay ku dhammaadaan shacabka Soomaaliyeed ee markii horeba dhibanaa, dalkiina sii burburiyay, iyadoo arrinta ugu yaabka badan ay tahay in ku dhowaad 100-xarumo diimeedyo isugu jira Masaajido iyo Dugsiyo Qur’aanka kariimka ah ay albaabada u xiran yihiin.
Su’aashu waxay tahay Shabaab iyo Xisbul Islaam ma diin faafin ayay dalka ka wadaan mise dad baabi’in iyo inay faraha la galeen dhiig xinjirihiisu ka mid yihiin malaayiin ruux oo isugu jira kuwo indho u ah dalka iyo dadka, macallimiin, aqoonyahanno, waxgarad, iyo saraakiil qiimo ugu fadhiya dalka iyo dadka, sidaasi oo ay tahay maanta waxaan marqaati ka nahay in wixii dalka ka dhacay ay dhabarka u riteen kooxda xiriirka la leh ururka Al-Qaacida ee Al-Shabaab, balse aan eegno kitaabka loo soo dhiibay isla markaana lagu amray in cidii kahor timaada ay gaaleysiiyaan xoolaheedana ay qaniimeystaan dagaalyahanada daacadda u ah fulinta hadafkaas isaga ah.
Astaanta lagu aqoonsado ciidamada kooxaha xag-jirka ah:
· Calan madow oo dhexda looga qoray Towxiidka, si cid kasta oo ka horjeeda kooxdaas u bannaan tahay dhigeeda iyo xoolaheeda.
· In Kitaabka Qur’aanka Kariimka ah mar kastaba laga soo qaato aayadaha iyo suurado lagu dabaqayo fikirka xag-jirnimada, isla markaasina dadweynaha rayidka ah la cabsi geliyo sida in jidka loo dhigo qof qoorta laga jaray iyo ficillo kale oo dadka ku khasbaya in fudud looga fushado wax kasta oo kooxahaasi ka doonayaan.
· Dilalka Masaajida dhexdooda laga fulinayo.
· In Dadka lagu wacyi geliyo fikirka xag-jirnimada inay qaataan kuna dhaqmaan.
· In Dadka degan degaanada ay kooxaha xag-jirka ah ay bixiyaan taageero hiil iyo hooba leh, qofkii ka hor timaadana waajibkeedu yahay in hantideeda lala wareego haddiiba ay ka fakato in nolosha la dhaafiyo.
· In dhallinyarada lagu baraarujiyo lana geliyo maskaxdooda fikirka xag-jirnimada inay qaataan, iyagoo darajada ugu sareysa ay tahay in wiilka dhallinyarada ah ku caasiyo waalidiintiisa, haddii uu gacantiisa ku dilana jago sare muteysanayo isagoo aan waliba garaneynin Qur’aanka iyo cilmiga Islaamka.
· In mid kasta oo ka mid ah kooxaha xag-jirka ah xitaa haddii uu ajnabi yahay shuruud la’aan ku wadan karo gabadhii uu jeclaado.
· In laga hortago cagtana la mariyo goobaha Alla bariga iyo meel kasta oo diinta Islaamka ah lagu faafinayo ee aanay iyagu hoggaankooda heynin.
· In dagaalyahanka ku geeriyooda jihaadka uusan yeelaneyn xuquuq iyo xitaa inay qoyskiisa ogaadaan, jisadiisuna tahay in Alle ka abaal mariyo wixii uu geysto, balse inta uu nool yahay loo sheego inuu janno gelayo.
· In la tirtiro wax kasta oo astaan u ah wadanka Soomaaliya iyo ficillo kale oo aan halkaan lagu soo koobi karin.
Fulinta iyo meel marinta afkaaraha xag-jirnimada ah ee Kitaabka Al-Shabaab uu qorayo inay dalka ku maamulaan ayaa xaaladda dalka ka dhigay inay ka curtaan dagaallo aan dhammaad lahayn oo kooxahani uga horjeedaan in dalka Soomaaliya aysan ka hirgilin Dowlad Islaami ah oo dib u soo celisa qaranimadii burburtay iyo kala dambeynta, hase yeeshee waxaan hubaa in laga baxayo xilliga adag ee ay dalka ku hoggaaminayaan kooxahaasi ayna dhici doonto goor ay ahaataba ay shallay ku dambeyn doonaan kuwii qalbiga looga shubay afkaarta cunsuriga ah ee xagjirka miiran ku caan baxday
Waxaa Qoray:
C/Casiis Maxamed Xuseen