Maxaa igu kalifay Maqaalkan inaan Qoro?.
Waxaa waayahan warbaahinta Afka Soomaliga ku Baxda Buubuuniyayeen Maqaal ay Qoreen Rag Kiinyaati ah laakiin asal ahaan Soomaali u dhashay, kuwaasoo aan Horey uga Baranay in ay Bayaano iyo Maqaalo ka soo Saaraan wax kasta oo Soomaali Quseeya, ayagoo dhiiri galin jiray Hurinta Fidnada ka jirta soomaaliya Gaalnimana ku Xukumi jiray Cid kasta oo Fekerka ku khilaafta, waxaan aragnaa ayagoo Maanta uu ka muuqdo isbadal xagga aragtida ah oo soo saaray bayaan ama Maqaal aad ay uga Muuqato Daganaan, Cilmi, iyo Xushmad.
Akhriso Bayaanka Kooxda Umal Ku Taageertay Heshiiska iyo Dastuurka Itoobiya.
Hadaba waxaan Maqaalkan ula jeedaa inaan ku Cadeeyo Dadka Bayaanka kor ku Xusan ku saxiixan in aysan aheyn Dad u Taagan Dan Soomaali , isla markaana aaney aheyn Dad Dhowra Shareecada Islaamka inkastoo ay sidaas isu muujiyaan ama ay Labiska culimada laguyaqaan xeran yihiin, Masaajiddana lagu arko.
Hordhac Muhiim ah:
Waxaan rabaa Marka Hore inaan halkaan ku Cadeeyo Anigu waxaan Taageersanahay Heshiis walba oo Dhiig Daadanaya lagu Joojinayo, ama Fitno Meel ka Aloosan lagu Daminayo, taas waxan ula jeedaa innaan kasii Afeefto in Xumaan loo qaato hadalkeygan iyo inaan ka mid ahay kuwa Diidan Nabada Soomlida.
Waxaan Taagersanahay Heshiiska ay Gashay Jabhada (UWSLF) si kaas ka weyna waxaan u Taageersaanahay Heshiisyadii ka Horeeyay ee Soomali Nabada loogu Doonayay laga soo Bilaabo Kii 1991dii ka dhacay Wadanka Jabuuti ilaa laga soo Gaaro kii ugu Dambeeyay ee Jabuuti ka dhacay ee lagusoo Dhisay Dowlada Soomaliya ee Muqdisho Mucaaradkeeda ku hareersan yahay.
Heshiiska Jabhada (UWSLF) Maxuu kaga Duwan yahay Kii Jabuuti?
Heshiiskan marka loo fiiriyo kii Jabuuti wax badan kuma kala Duwana, marka laga reebo inuu kii Jabuuti Baaxad weynaa, Maslaxad ahaana ka Muhiimsanaa kan jabhadan Gashay, isla markaana waxaa uu ka Dhexeeyay kii Jabuuti Soomali la Heshiisiinayo, waxaana intaas Dheer Heshiiska Jabuuti waxaa Nabad loogu Raadinayay Doowlad iyo Umad Dhan oo aan Nabad iyo Doowladnimo Helin 20 sano mudo gaareysa.
Hase yeeshee Jabhada (UWSLF) waxey Heshiis kula Jirtay Doowlad taagan iyo Wadan Dhisan, hadiiba ay Maslaxad Heshiiska ku jirtana waxaaba Maslaxada ugu weyn Heshiiska uga jitay Jabhada Naf ahaanteeda, maxaa yeelay Soomalida Dagan Kilinka 5aad ee Itoobiya waxey ku Hoos Nool yihiin Dowlad waxaana Heystaan Nabad iyo Nolol ka Wanaagsan tan ay ku Nool yihiin Soomaliwenta Soomaliya.
Marka Hadii la isu fiiriyo Heshiis ka jabuuti iyo kan Jabhada (UWSLF) waxaa Muhiimsanaa kii Jabuuti hadii loo Fiiriyo Baahida iyo Dhibaatada jirta waqtigan la joogo ama hadii la Fiiriyo Cadad ahaan Dadka Heshiiska Jabuuti Shinsanayay iyo Baaxada ay leeyihiin, hadii Diin ahaan la yiraahdan labada Dhinacba Shacabka Nabad loo Raadinayay waa Dad wada Muslmiin ah, waxaana Dhibaatada iyo Magac Xumida Diin ahaan ku Badan tahay wadanka Soomaliya oo ay isku Diliyanaan Dad Diin Qura Wada Sheeaganaya, halka Jabhada (UWSLF) ay dagaal kula jirtay Doowlad Dhisan oo Dadkeedu ku kala duwan yihiin dhan kasta.
Sidaa darteed Hadiiba Heshiis la Taageerayo waxaa Mudnaanta Koowaad lahaanaya kii Jabuuti ama Mid kasta oo Soomaliya Nabad loogu raadinayo,
Marka waxaa iga Su’aal ah Umal, Shibile iyo Xasan Ashkir, maxey ku taageereen kan Jabhaddu Gashay kuna Diideen kii Soomali weyn Nabada loogu Doonayay?
Waxaa laga yaabaa dadka Qaar in ay yiraahdaan ma ayagaa diiday? halkee bay ku Diideen? Goormeyse Diideen?.
Waa Su’aalo Muhiim ah, hadii aan Jawaabo kooban ka bixiyana: Anigu waxaan Goob joog u ahaa Masjidka Keenya Islii ku yaala ee 6-ka ayadoo Umal uu Diinka kaga Saaray Dadkii Jabuuti Heshiiska ku Galay, waxaan kaloon Goob joog ahaa Shibili oo Khudbado Jimce uu ka jeediyay Masjidka 6ka Cinwaan uga Dhigtay Al-Makru wal Khadiicah asagoo Khiyaano Diinta laga galay ku Tilmaamaya Heshiiskii Jabuuti, waxaan kaloo ka warqabaa Xasan Ashkir oo ah Kaaba qabiilka Kooxdan Taageerada Heshiiska Jabhada Soomali Galbeed lagu taageerayay Saxiixday inuu Gaalnimo iyo Munaafiqnimo ku Tuuri jiray Raga jabuuti Heshiiska ku galay, si aad ahna u Aflagaadeyn jiray mar walba.
Dhageyso Qaar kamid ah Ereyadii Umal Ku Weeraray Heshiiska Jabuuti.
Weliba waxaa intaas Dheer Masjidka ay Maamulaaan ragaan in loo Fasaxay kooxo Dhalinyaro ah oo Maalin walba Gaalnimo ku Xukmiya Soomalidii Jabuuti ku Shireysay iyo Qabiilada taageray Heshiiskaas , waxaanan Xasuustaa in Maalin mid Tafsiir Salaada Duhur ka dib aqrin jiray, markii uu aqrinayay Suurada Al-Buruuj uu ku tafsiiray in Raga jabuuti Fadhiya la mid yihiin kuwii Mumniinta Godka u Qoday ee Gubay, waxaan maalmahaas Masjidka ka jiray khilaaf ka Dhaxeeya Soomalida ku Tukata Masjidka iyo Maamulka Masjidka uu ugu sareeyo Umal.
Sidaa darted waxaan leeyahay ma Xuma ragaan in ay Nabad taageeraan waa wax laga Weysanaa loogana Baahnaa , laakiin waxaan leeyahay maka soo laabteen Fekerkii ay ku Takfiiriyeen ragii Heshiisyada horay u galay, mise ka Towbad keeneen kalimadihii ay Diinka kaga saarayeen Dadka Muslmiinta ah ee Soomaliya Dagan ee taageeray Heshiiska jabuut?
Hadaba Maxey Hshiiska Jabhada ku taageeren?
Masaxaa in ay Heshiiska jabhada (UWSLF) taageeridiisa u fiiriyeen (Usuusha Shareecada) ama Asal ay uga Dhigeen Kitaabka iyo Sunnaha, ama in ay Waaqica Umada Miizaameen?
Hadii ay sax tahay in ay Heshiishka Jabhada (UWSLF) daliilada Sharciga u fiiriyeen maxaa u Diiday in ay Kuwii ka Horeeyay u Fiiriyaan oo Xamaasada iyo Ficiltanka ka Digtoonaadaan?.
Hadaba hadii ay sax tahay in ay Markaan ka Digtoonaadeen in ay Xad gudub Diineed ku dhacaan Maxaa u Diiday Horey inay uga Digtoonaadaan?
Hadii aan Su aalahaas si kooban uga Jawaabo waxaan Dhihi karaa sax maaha in ay Diinta iyo Asaladeeda u Fiiriyeen, ee waxay u Fiiriyeen Qaacidooyin aan looga baran in ay wax ku Dhisaan kuwa Cimaamadaha Xerta ee Cilmiga Diinta wax ka yaqaan sida:
1- Qaacidada Koowaad waa La Jiifiyaa Banaan: Qaacidadaan waxaa Caan ku ah Culmida Marka ay Doonayaan in ay wax Dulmiyaan ma cadaalad daro doonayaan, magaca Diinkana wax ku Goosan rabaan si aysan Garta marna u qaban.
2- Qaacidada labaad waa Ilaalinta Maslaxado Gaar ah: arintan waxaan u leeyahay inanan Aaminsaneyn Taageradooda in ay Diin ka tahay, waayo waxaan Usbuuc ka hor bayaankan ka aqrinay Warbaahinta Caalamka Wareysiyo la siiyay oo Diinta looga saaray raga ka tirsanaa Jabhada (UWSLF) ee galay Heshiiska, marka maxaa is badalay? Waxaa Muuqda Culeyso Hoose in ay jiraan, Maadaama Kooxdan ay Wadanka Keenya ku leeyhiin Hanti Fara Badan iyo Darajooyin Siyaasadeed, oo aysan Suuro gal aheyn in ay usii Kobocdo hadeysan u Dhaga Nuglaan ilaalinta Siyaasada Wadanka Keenya.
3- Qaacidada Sadaxaad Qabyaalad iyo Nin Jaceleysi: waxaan Sasaas u leeyahay waxa iga yaabiyay Hadalada Raxmada iyo Xushmada badan ee Bayaankooda Xambaarsan yahay sida (فقه حالة الإضطرار، وفقه الأقليات المسلمة) (متأولين) (قاعدة المصالح والمفاسد) (كل تصرف شرع لمقاصد بطل بفوات مقاصده أوبعضها) (تجزؤ العهد), Marka waxaa iga Suaal ah Qawaacidaas ma waxaa La dajiyay Heshiiskii Jabuuti ka dib ? Maxaa keenay Maanta in la Daliilsado? Hadii Jawaabtu maya tahay, Berigaas masoo xasuusan waayeen Daliiladaas, maantase Maxaa kalifay in la soo xasuusto? Mise Xanuunka Maanta haya (Kilinka 5aad) ka weyn kii Shalay (Soomaaliya) hayay oo maantaa Meel gaar ah ayuu taabanayaa Heshiiskan iyo Dadka galayba?.
4- Qaacidada Afaraadna waa: (بائي تجرُّ وباؤك لاتجرٍُ) Anaga waxaan rabaan Dhihi karnaa, goortaan Doonaan hadli karnaa, wax walbana waanoo xalaal, laakiin Dadka naga soo hara xalaashana waa ka Xaaraan, Xaraana waaka xaraan , Tilaabana maqaadi karaan.
Talooyin ku Socda Shacabka Soomali:
Soomaliya waa dal Dhibaato ay ku Habsatay waqti Dheer una Baahan Dad Diinku Daacad ka yahay dantana la wadaaga, laakiin waxaa Muuqata in Arinta Soomaliya kuwa Qasaya ay yihiin Dad Diinka uusan Daacad ka aheyn, Dantana aanan la wadaagin Soomalida Soomaliya ku nool, waayo Raga Bayaankan Xushmada iyo Raxmada Badan Xambaarsan Qoray waa kuwii isu Xalaaleeyay Dhiiga Soomali ee Dhiiri galiyay Dhibaatada in ay sii Balaarato.
Hadaba waxaan kusoo Gabagabeynayaa inaan Shacabka Soomaali ugu Baaqo in ay kala Bartaan ninka ay Quseyso arinta Soomaliya iyo Midka aysan Quseyn, Soomaliya Dhibaatadeeda waxey Quseysaa Culimada Wadanka Soomaliya Dagan Soomalidana ah ee aan Daaro ka Jeexan dalal kale, arinta Soomaliya ma Qeseyso daneysatada iyo Ganacsatada isu muujiya in ay Garsoorayaal u yihiin Soomali weyn oo dhan, hadii anan kuwa noocaas ah laga Digtoonaan, Waxgaradka iyo Culimada Soomalida ahna aysan u Istaagin daminta dabka nacabku shiday waxaa Hubaal ah in la weyn Doono Magacii Shacabka Soomali ee Muslimnimada Caanka ku ahaa iyo Dalkii Xeebta balaarnaa ee Xoolaha Badnaa.
Umal iyo shibili iyo Xasan Ashkir waxaan leeyahay reer soomaaliya iyagaa idinka og dantooda ee fadlan faraha nagala baxa kana fakara ganacsigiina balaaran iyo hantida aad ku leedihiin kenya, una diyaar garooba in Rabi idin weydiin doono Su’aashan min ayna laka haadaa (من أين اكتسبتَم)?.
W/Q: Warsame Xaaji Guuleed Korneele1@hotmail.com