Cimrigaaga oo Raaga Carrab la Jarayana ma ku tusaa?!!!
Soon wanaagsan.
Maahmaah hore loo yiri ayaa ahayd: “Cimrigaaga oo Raaga Geel Dhalaana wuu ku tusaa”,
malaha qofkii yiri, wuxuu la yaabanaa ama sheeko khiyaaliya ah ka haystay Geela,
isaga oo is tusay in aragti geel ay tahay wax lala yaabo, taas oo ka dhalan karta
cimrigaagoo raaga!, Aniguse wax yar unbaan ka badalay Maahmaahda, Anigu oo u
adeegsaday meesha maanta xaalku marayo, ama qofkii u yaaban sidii ninkii maamhmada
curiyey!, Anigoo weydiinta u jeedniya murti mariyaha iyo qofka oo kasta oo leh
dareen bani aadamnimo.
Bishii march sanadkii 2007, waxaan qoray qorma aan ugu magac daray: “Fal Gurracan
iyo Dhacdo Fool-xun”, kana hadlaysay maydad Muqdisha lagu jiiday markii labaad,
dhammaadkii sanadkii tagayna waxaan qoray qarmada ah: “Dadka Dhagaxa lagu Dilayo ma
Dhulka ayey ka Dhasheen?!”, sanadkan horraantiisana waxaaan qoray qormo kale oo aan
ugu magac daray: “Xabaala Faagiddu Waxay ka Dhalatay Maydka la Jiido!”, Aniga oo
isku xiray falalka gurracan oo aan laga hortagin, inay ka dhalan karto xumaanta oo
sii ballaarata, waxaadse mooddaa inaan cidna wax ku qaadan!.
Arartaa gaaban ka dib, mashaqada Xamar iyo nawaaxigeeda ka taagan waa mid la yaab
leh, maalin walba waxaa ka dhaca waxyaabo kaa yaabiya, dagaallo duqaymo dayacnaan
iyo darxumo baahsan, intaa waxa sii dheer tacadiga joogtada ah iyo tabar shegasho
tagoogeed, meeluu noolaan karin qofaan bubdukh degta u saaranayn,“Ama Buur ahaaw ama
Buur ku tiirsanaaw”, halkaa waxaa kuu cad in sir iyo caad aanay nololi jirin,
sababtoo ah arimi waxay ku soo aruurtay cudud iyo xoog, caqli iyo garasho warkeed ma
jiro!.
Arrinta aan rabo inaan qalinka dulsaaro maanta, waxaad ka wada garan kartaan
cinwaanka qormada, waa dhacdada ugubka ah ee ka dhacday Muqdisha, goobta mashaqada
iyo murugada, waa carrab goynta ka curatay magaalada, horay waxaan ugu ogayn gacma
jarid qoorgoyn iyo xibnaha dadka oo lagu xarfiyo dayryada aqallada, maantase waxay
maraysaa in Carrabka la jaro, ciqaabku waa abaalmarin faldambiyeed qof ama kooxi
gaysato, wuxuuse cuskan yahay xukun iyo maamul, ma ahan in qof walbaa fuliyo ama isu
taago inuu meelmariyo, marka waxaa waajib ah in ciqaabku u dhigmo falka dambiga ah
ee dhacay, ma ahan inuu ka cuslaado ama ka waxyeello badnaado!.
Waxaa ayaandarro ah in aan maanta maraynno, in xubinka ugu muhimsan bani aadamnka
aan ka goynno, xubno la gooyo kuma cusba gayiga, balse xubnuhu kala doorroon kalana
daran, in kasta oo xubin kastaa hawl gaar ah u hayso jirka, hadday maqnaatana aan
xubin kale buuxin karin, haddana waa hubaal inay kala muhimsan yihiin, dhacdada
Muqdisha ka dhacday waxay ku soo beegantay, iyada oo dunida wali lala yaaban tahay
gabadha Caasho la yiraa ee u dhalatay wadanka Afganistan ee Sanka iyo dhagaha looga
gooyey nin aysan rabin awgeed, waa ayaan darree ururada xagjirka ah meelaha ay ka
taliyaan maxay uga dhacaan dhacdooyinka la yaabka leh!.
Waa la dagaali jirey, waa la is dili jirey, waa la is leyn jirey, waa la is gumaadi
jirey, hadba sida la isaga gacan sarreeyo, ama la isaga itaal roon yahay, dagaallo
hadday dhacaanna waxaa ka dhasha dhimasho, maydad, naf-waay, geeri IWM, oo ah
khasaaraha ugu weyn ee ka dhasha dagaallada, maxaa yeeley hanti waa la tacban karaa,
xoolona waa la sameynsan karaa, maalna waa la heli karaa, waxaase hubaal ah inaan
naf la soo iibsan karin ama qof dhintey aan dib loo soo noolayn karin, hadaba hadii
ay sidaa wax u dhici jireen, maxey tahay dhac dadaan cusub oo ah carrab goyn?!, war
dadkani miyeysan laheyn damiir Insaaninimo Diineed iyo Soomaalinimo? Miyeysan laheyn
dareen iyo jiirnaxa? Sidee isu siiyeen iney carrab gooyaan?.
Dhacdadan xanuunka lahi waxay ku soo begantay bishan Soon, kooxaha gafuurdoobtu
horay way u sheegaan inay dagaallada kordhin doonaan, balse lama filayn in sidaan
wax u dhacayaan, wali cidna ma sheegan falkan gurracan, balse saansaantu waxay tusi,
ninkii looga bartay inuu dadk dhagax ku dilo inta god qaarka dambe u galiyo, maxaa
yeelay dhacda walba dhacdaa fasirta, ninkii taa sameyey tanna biyo u kabban maayo!,
oo aad ayey ugu fududahay inuu fuliyo, aanse la gurnee, war habaarqabayaal haddaad
ciqaabaysan maad ciqaabta u fulisaan si xadidan? Maxaad u samaynaysaan xadgudubka
intaan la eg, igama ahan inaan leeyahay ciqaab fuliya, ee waa muujin ciqaabta
xad-dhaafka ah!.
Soomaalaay ma sidaan ayaa xaal ku idlaaday? In dadka marna dhagax nafta looga qaado
marna carrabka la jaro, dhextaalka iyo xuurta goyntuna gamcahoo la guraa?, ujeedkii
dhammaa ma wuxuu noqday cuuryaamin iyo naafaynta dadka, naafaynta ayaaba kala ehe in
carrab la gooyana ma mid na sugaysaa?, waxaa hubaal ah haddaan arimaha noocaan ah
wax laga qaban, in kuwa ka xun ay imaanayaan, sababtoo ah kuwii horay u dhacayba
kuwaan ayey dhaleen, tanina mid ka sii gurracan ayey dhali, “Hal booli ah Nirig
Xalaal ah ma dhashao”!.
La yaabe, had iyo jeer maxaa loo beegsadaa dadka xoogsatada ah?, ama ka soo jeeda
beelaha aan hubaysnayn, xukumada gurracan ma iyaga kaliya ayey qabtaan? Cadaaladda
caynkaa ah maxay tahay? Inta dad waxyeello loo gaystay intooda badan waxay ku
abtirsadaan beelaha aan suugga lahayn, sida aan soo hormarshana meeshaa nimaan xoog
lahayn nolol waa ka xaaraan, diin hallagu soo gambado ama qabiil qaawan!
Ugu dambayn waxaan ku soo gaabinayaa, arimahan gurracan ee soo noqnoqda waxay u
baahan yihiin, in la iska kaashado wax ka qabashadooda, maxaa yeelay waa arrin
dhaawac ku ah dhaqanka iyo hiddaha Soomaali, ujeedkuna ma ahan kaliya waxyeellada
qofka, ee waxaa wehliya beegsashada dhaqanka, marka odayaasha dhaqanka waxgaradka
iyo nabaddoonada waxaa la gudboon inay tallaabo ka qaadaan, maxaa yeelay iyaga ayaa
ah indhaha bulshada, xilka xooggiisuna saran yahay.
Bashiir M. Xersi
brdiraac@hotmail.com