Faaqidaad Ku Saabsan Bayaankii Culimada Sh Umal ku jiro Ka Soo Saareen Heshiiskii Jabhada UWSLF

Filed under: Diinta,Wararka Somalia |

Bismillaah, wasalaatu wasalaamu calaa Rasuulillaah.Ii ogolaada inaan aragtideyda ka dhiibto qoraalka wadaadadu kasoo saareen heshiiska Jabhada UWSLF.


 

Mulaaxadaat ayaan ka dhiibanayaa, hana loo qaato niqaash cilmiya ee yaan duritaan iyo ceebeyn loo qaadan.Qofkii qawaacida cilmu sharciga yaqaana amaba mandiqa unbaa laga yaabaa inuu dooda cilmigaa qiimeeyo,laakiin qofka caadifiyan jaanib u taageersan wuu xanaaqayaa hadii jaanibkii uu taageersanaa aan la xoojin.Doodeydu heshiiska ururku qaatey ma saxbaa maslaxo ahaan mise waa qalad kuma saabsana.


 

Laakiin arrinta la xiriirta dastuurka ay ogolaadeen iyo mawqifka culimadu dastuurka ka qabaan ayey doodeydu ku wajahantahey.


 

Arintaas dastuurkuna waa mid xiriir la leh Somaliya iyo meelo badan oo kale ee maahan mid Itoobiya keeda kaliya ku saabsan.Culimada bayaanka soo saarey waxey abuureen xaalad jaah wareer ah markaan si qoto dheer u dhuuxey warkooda. Ma,ziq(ciriiri) ayeyna naftooda geliyeen, waxaana sabab u ah arrintaas qanaaca aydiyaloojiya oo raasikh ah oo ay ka qabaan qawaaniinta iyo dasaatiirta wadcigaa.


 

Qanaacadaas oo dasaatiirka wadcigaa iyo qawaaniinta wadcigaaba u aragta iney iskood diin ka bax yihiin,aananba loo baahneyn in xataa la saxo.


 

Waxaan xusuusinayaa hadalkii Sh. Umal oo markii heshiiskii Jabuuti la saxiixey uu ku dhaleeceeyey raggii heshiiskaas galey iney dastuur ilxaadi ah ku dhaarteen! Waxaad la socotaan in Sh. Umal heshiiskaas madmuun ahaan uusan u dhaliilin,laakiin waxaa musiibo la ahaa dastuurka lagu dhaartey ilaalintiisa!

 

Dhageyso Sh Umal oo gaalaysiiyay Dowlada Shariif wax cudur daar ahna u samayn.

 

Waana midka aan arkeyno natiijadii ka dhalatey oo culimadu xataa ka badbaadi waayeen.Waxaanan isku deyi doonaa markaan cadeeyo mawqifka culimada oo heshiiska ku saabsan inaan fahamkaas isagaa si cilmi ah ula niqaasho oon bayaaniyo in fahamkaasi uusan asaas cilmi ah iyo mid xaqiiqo ku taagneyne uu yahey suu,u fahmi isku badaley aydiyaloojiyad ay jamaacaat badani si qoto dheer u xanbaarsanyihiin aysana gor gortan ka geleyn.

Culimadu waxey taqriiriyeen in Jabhada UWSLF ku dhacdey camal gaalnimoWaxey taqriiriyeen culimada bayaanka soo saaray:

1.In Heshiiska ka heshiis ahaan u taageersanyihiin, aysana xikmad u arkin in dagaalku sii socdo.

2. Heshiiska qodob ka mid ah oo ah kan aqbalitaanka dastuurka Itoobiya ayey culimadu u arkaan diin ka bixid bixaddi thaatihi ficilkaas!

3.Waxey xuseen in Jabhadu ku doodey ku qasbanaan sharci ah iyo daruuro,laakiin iyagu aysan fikradaas la qabin!Sidaas darteedna ay shubhatu ta,wiilkaas ka dhigeyso inaan acyaantooda loo takfiirin Karin ilaa xujada lagu oogo.

xigasho”(Waayo waxaa la ogyahay in mad-habka saxaabada iyo salafku uu ahaa inaan muta’awilka noocaas oo kale ah lagaalaynsiin Karin ilaa xujada lagu oogo shubhadana laga zuuliyo, inta ay shubha jirtana aan qofka xukun iyo xuduud lagula deg deign”Hadaba waxaan qabaa culimadu iyagoon is ogeyn (min gheyri qasdin minhum) waxey Shabaabka iskaga mawqif yihiin iney ficil kufri ah jabhadu gashey!

Weliba kufrigaasi camali maahane waa juxuudi ah kii diinta looga baxayey! Laakiin waxey kaliya oo ku kala gedisanyihiin maxaa raacaya arintaas ama natiijada?Hadaba sida wadaadadu u dhigeen haddii la yiraahdo jabhada uma furna waxaan ka aheyn iney buriyaan heshiiskaas maadaama uu ku jiro qodob kufri ah. Kufri towbad keenkiisu waa in ficilkii kufriga ahaa laga noqdo.Ikraahiina inuusan jirin ayey culimadii ku doodeen.

Takhriij kale ama qaabeyn kale ayaa jirtaQaabeyntaan waa mid dastuurka wadcigaa ku eegeysa aragti si weyn uga gedisan aragtida aydiyaloojigaa ee qaar badan oo islaamiyiintaa ka qabaan dastuurka wadcidaa oo ah ah in dastuurku yahey shacri kan ilaahey la tartamaya,sidaasna uu ku noqonayo daaquut ama sanam aqbalaadiisu la mid tahey iyadoo sanam loo sujuudey!Aragtidaasi waa aragti khatar ah, sababna u ah takfiirinta iyo dagaallo fitan ah oo muslimiinta ka dhex aloosan intaan gaalaba la gaarin.

Hadaba labo takyiif oo kale oo dastuurku leeyahey ayaan soo gudbinayaa ee aan isla eegno.Dastuurku caqiido maahane waa caqdi bulsho oo qasab ah(caqd ijtimaaci ijbaari)Hadaba is bar bar dhig inaad dastuurka marna u suureysato caqdi bulsho oo qasab ah asaaskiisuna yahey joqoraafiyada dalkaas dadka deggan.

Sida dad beer ka dhaxeyso oo shuruud caqdi ah isla dhigtey. Ama sharika musaahamo(saamiley) oo leh shuruudo degsan ood ku qasbantahey inaad u hogaansato, hadii kale beerta ama sharikada waad ka baxeysaa!Haddaad dooneyso inaad beerta ama sharikada go,aamadeeda wax ka badasho waxaad usoo mareysaa habka loo maro oo ama saamiyada ama codadka saamileyda beertaas ama shirkada wada leh ah.

Cuquuda sharikaatka sida kan ceymiska waxaa ku jiri kara shuruud faasid ah,kuwo ribawi ah,iyo kuwo saxiix ah intaba.Hadaba caqdiga ta,miinka weliba kiisa ijbaarigaa oo baabuurta waxaa lala socdaa in daruuro ahaan loo baneeyey.Iyadoo la ogyahey inuu yahey caqdul gharar aan la hubin waxa lagaa iibinayo, isla markaasna ribo ayey ku mucaamishaa shirkadaasi.

Markaasna la soco aqristow aragtida lagu eegayo waa kawnahu caqdan minal cuquud(inuu yahey contract),laakiin ka waran hadaan aragtidaasba lagu eegine lagu eego aragti caqiido?Iyadoo lagu sababeynayo:

1. In asalka taqniinka shirkadaha ta,miinka guud ahaan iyo kan shirkadaas u gaarkaa uusan aheyn kitaabka Alle.

Sidaas darteedna tahey sharci aan kii Alle aheyn!

2. Caqdigaas shuruuda baadilkaa ee ku jirta iney tahey kitaabkii alle waxaan aheyn oo loo xukun tago(Altaxaakum ilaa gheyri maa anzalallaah), Ilaaheyna Qur,aankiisa uu ku yiri:(qofkii kitaabka Alle aan wax ku xukmin waa kaafiriin)

3. Qofkii caqdiga shirkadaas gala inuu yahey qof ku dhacey ficil kufri ah!Hadaad hadaba u celiso asalka masdariyada cuquudaas waxaad ogtahey inaan Kitaab iyo sunno aslanba aysan ku dhisneyn.

Hadaba min hathal mundalaq ma waxaa la oranayaa cuquuda sharikaatka gaalo iyo muslimba lala galo waa kufri maadaama aslu marjaciyatihaa uusan aheyn kitaabka ilaahey! Oo ninkii shirkad xubin ka noqda ama banki lacag dhigta kufri ayuu galey?Asalka falsafada dastuurkuba waa caqdi ijtimaaci ah. Waa caqdi bulsho ee caqiido iyo kitaab toona maahan.

Tasawurka qaldan oo shey laga qaato xukun qaldan ayuu keenaa( al xukmu cala shey,i farcun can tasawurihi)!Sidaasi waa qaabeynta saxdaa oo dastuurka, taasoo ah inuu yahey caqdi bulsho oo mulzim ah. Waana sida waafaqsan falsafada ka danbeysa dastuurka dejintiisa.

Dastuurku ma laha qadaaso diiniya oo ciqaab aakhiro ka ratibmeyso,laakiin wuxuu leeyahey ilzaamka caqdigu leeyahey.

Hadaan sidaas loo qaabeyn ee aragti caqiido lagu eego maxaa ka dhalanaya?Waxaa ka dhalaneysa arrin baadil ah oo ah inuu jiro kufri technical ah(gaalnimo ku timid cillad farsamo) een ka imaan gaalnimo caqiido kasoo fushey!

Qof muslim ah oo diintiisi aaminsan ayaa xujoobaya qalad farsamo awgiis!Takyiifka labaadWaa in loo ictibaariyo kufr camali ah oon diinta looga bixinIyadoo la eegayo shuruuda faasidkaa iyo mukhaalafaatka sharcigaa oo ku jira, isla markaasna qofka sameeyey mukhaalafaatkaas uu macsi u bareerey isagoon xalaalsan.

Waxaana taas ka baxaya oon kufri camaliya soo geleyn qofkii aan ogeyn, muta,awilka iyo qofkii daruuro u arka,ama u arka inuusan maqsadkii xukunka loo jideeyey uusan xaqiijineyn.Sawaabiqdii Cumar uu xukunka sharcigu asal ahaan u dejiyey uga leexdey ayaan xusuusinayaa.

Hadalka culimadu qoraalkooda ku sheegeen ayaana xoojinaya. Culimada shantaa waxey sheegeen hadaan jihaadka dagaalku xaqiijiney maqsadkii laga lahaa ama uu nuqsaaminayo in leyska deynayo.

Taasi way ka gedisantahey haddii qofku jihaadka dhanba inkiro,iyo hadduu jihad waajib ah macsiyo uga tago. Oo midna kufri juxuudiya ayuu noqonayaa,midna kufri camali ah.

La soco jihaadka iyo xuduudu waa isku nooc sida Ibnul qayim sheegey oo amr bil macruuf iyo nahyi canil munkar ayaa labadaba loo jideeyey. Bal jihaadka sha,nigiisaa weyn oo isagu difaaca islaamkii guud ayuu ku saabsanyahey, meesha xuduudu qeybo ama juz,iyaat ilaalinteed ku saabsantahey.

Waxaan munaasib u arkey inaan halkaan kasoo gudbiyo hadal Ibnul qayim ku sheegey kitaabkiisa (madaariju saalikiin) kaasoo uu ugu qeybiyey gaalnimada mid juxuud ah oo qofku uu asalkaba diido diinta dhan,ama uu diido diinta wax ka mid ah isagoo og in ilaahey xaggiisa ay ka sugnaatey. Diidmadaas kulli ama qaar si kas ah loo diido juxuud ayuu ku sheegey.

Ogow caasinimo maahane waa war nagala tag.Kufri kale oo loo yaqaano camali ayaa jira,kaasoo labo uu u kala saarey:

1. Mid qofku wax iimaankii lid ku ah uu la yimid,sida sanam loo sujuudo,Nebigoo la caayo,nebiyada oo la dilo iyo musxafkoo la ihaaneeyo.Kufriga noocaas diinta ayuu dadka ka saarayaa.

2. Kufri camaliya oo qofkii uusan diinta uga baxeyn laakiin caasinimo ah ayaa jira,kaasna wuxuu usoo qaatey qofkoo kitaabka waxaan aheyn wax ku xukmiya isagoon inkirsaneyn in xukumka alle sidaas qabo iyo isagoo salaada ka taga isagoon inkirsaneyn waajibnimadeeda.

Hadaba aqristow arrintaasi waa arrin cad oo waxaa usii daliil ah in nifaaqii caqiidi iyo camali u kala baxo, waxaana u daliil ah xadiithkii Rasuulka s.c.w (arbacun man kunna fiihi kaana munaafiqan khaalisan, waman kaana fiihi khasalatun minhunna kaana fiihi kashlatun mina nifaaq,ithaa xadatha kathaba,wa idaa wacada akhlafa,wa idaa khaasama fajara, wa itha,tumina khaana)Qofka ku dooda in qofkii afartaas laga helo walow caqiido ahaanba islaamka ha rumeysnaadee uu yahey munaafiqii Quraanku sheegey inuu gaalada ka daranyahey waa qof dad badan fahmi karaan inuu qalad sheegayo.

Laakiin asbaab aydiyalooji ah ayey qofkii ka sahlanaa kufri diinta looga baxo ku tilmaamayaan!Waxaa in la cadeeyo u baahan in kufriga aan caqiidiga aheyn ee camaligaa ku dhicitaankiisa kas loogu dhaco iyadoon la banneysaneyn ay tahey macsiyo, haddii qofku ku dhaco isagoon ogeyn wax denbiya ma leh,sida qofka isagoon ogeyn hadduu sheego been uusan u qasdin oo run u maleeyo uusan ugu danbaabeyn!Kufriga camaligaa oon diinta looga baxeyn, nifaaqa camaligaa oon caqiidiga aheyn iyo caqdiga ay shuruud faasid ah ku jirto meelo badana waa iskaga egyihiin, oo dhamaantood sharciga ineysan waafaqsaneyn ayaa jamcisa,haddana istixlaalka iyo caqiidada ayaa faasil noqoneysa kulligood.

Waxaana soo gelaya ikraah iyo daruuro iyo ta,awul Ta,awulka arrintaas ku aadan wuxuu ka imaan karaa xukumkii sharciga ahaa oo ku camal falkiisi looga beyro inuusan xaqiijineyn maqsadkii loo jideeyey li ajligiis ama uu nuqsaaminayo.

Haddii qofku isagoo fahamkaas ka duulaya uu ku camal falka xukunka sharcigaa ka beyro,ma noqonayo kufri camaliya oo daruuro loo galey ee waa sharcigii oo si kale loogu dhaqmey. Sawaabiqdii Cumar oo badnaa ayaa ka mid ah daliilkeeda.Sayid Cumar guurkii gabdhaha kitaabiyaatkaa markuu joojiyey kuma uusan camal falin aayadii sheegeysey iney haweenka ahlul kitaabkaa oo dhowrsoon guurkoodu banaanyahey.

Sidoo kale caamul majaaca xadkii tuuga ma uusan fulin,sidoo kale khumuskii kuma qeybin feygii ama ghaniimadii laga heley Ciraaq! Hadaba Cumar ma kufri juxuud ah ayuu galey? Macaadallaahi wa xaashaahu! Ma kufri camaliya ayuu galey? Macaadallaah! Ma macsi ayuu galey? Midna ma gelin, laakiin sharcigii ilaahey ayuu si kale ugu dhaqmey!Dad badan oo la gaaleysiinayo oo sidaas ahna way jiraane ogow.

Hadaba khulaasadii culimadu waxey ka dhigeen in Jabhadu ku dhacdey iyadoo muta,wil ah kufrigii juxuudiga ahaa oo diinta looga baxayey. Taas haddii la yiraahdana towbadeedu ma noqon karto waxaan aheyn iney buriyaan heshiiskii,sababtoo ah towbada kufrigu iyo macsiduba waa in laga soo noqdo arrintii kufriga ama macsida keentey.

Laakiin takyiifka aniga aan u arko waa caqdi in lagu saleeyo dastuurka, waxeyna taasi naga badbaadineysaa takfiir macno darro ah oo technical ah een caqiido aheyn.Wuxuuna fahamka noocaas ah udbaha u siibayaa tiir ka mid ah tiirarka takfiirinta iyo fitanta muslimiinta lagu ibtileeyey.

Mas,aladu waa gaalnimo iyo waa islaanimo ayey u dhaxeyn kartaa. Laakiin waa gaalnimo iyo waa banaantahey in loo dhaxeeyo ayaa ka dhalaneysa fahamka ku saleysan in dastuurku yahey kufri diinta looga baxo. Sababtoo ah dad badana waxey qabaan waa caqdi iyo shuruud la isla degsadey ee caqiido maahan dastuurku, waana maslaxa mursala.

Caqdigaasna in shuruud faasid ah ku jirto waa wax dhici kara sida cuquuda kaleba. Shuruudaas faasidkaana qof kastaa caqiidadii iyo qanaacadii uu u galo ayuu xukunkeeda leeyahey.

1. Midbaa gaal ah oo gaalnimo u gelaya, ha noqoto gaalnimo uu hore u ahaa, ama mid hada ku timide oo uu xukunka sharcigaa isagoo og inuu ilaahey xaggiisa ka ahaadey xaqiraad uga tago.

2. Midbaa caasinimo uga tegaya oo leh ilaahey hanoo denbi dhaafo, kaasna kufri camali ah oon caqiidi aheyn oon diinta looga baxeyn ayuu galey.

3. Midbaa ka jaahil ah xukunka dhanba oon la socon qaladka kaasna denbiba ma leh4. Midbaa daruuro u arka oo caqdiga ceymiska ijbaarigaa oo kale ah.

5. Midbaa ta,wiil iyo tafsiir kale wata sida Xanafiyad qabta in cuquuda ribawigaa dalalka gaalada marka la joogo ay banaantahey.

Hadaba aan si cilmi oon aydiyalooji aheyn ku eegno masaa,ilka sharcigaa si aan uga badbaadno in dad muslimiin ah oo diintoodi heysta maalin kasta diinta ka saarno, markaasna qaar dagaal ku qaadaan oo dhiigooda banneystaan.

Fitantaas waxaa albaabkeeda lagu awdi karaa in albaabka takfiirkoo hadda waasica laga dhigey lasoo yareeyo si sharciga waafaqsan.Waxaan ilaahey ka rajeynayaa inuu sida toosan na waafajiyo.

 

Sidoo kale heshiiska Jabhada UWSLF gashey madmuun ahaan wuu u taageersanyahey,laakiin qodobka ilaalinta dastuurka ayuu iskiis gaalnimo ugu arkaa isaga iyo culimada kale ee bayaanka lasoo saarey!Fahamka noocaas ah waa mid ka mid ah tiirarka waaweyn ee ghuluwiga culimadu ay had iyo jeer ka eed sheegtaan.

X-miisaanka.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>