FW: Jaceylkii iilka dhigay Ayuub!!! (sheeko taxane ah )Qaybtii 9_aad

Filed under: Qisooyin Jaceyl,Wararka Somalia |

Dood dheer oo falanqayn iyo isla rogrogid ku salaysnayd ayay Ayuub iyo Ayaan ku yeesheen Xeebta Liido gellinkii hore oo maalin jimcaad ah. Baarkii ay ka quraacdeen ayay haddana ka wada-qadeeyeen.
Qaddar ayay Xeebtii ku nasteen,ka-dibna waxay bilaabeen inay u soo lugeeyaan dhanka gudaha magaalada, min-Cabdulcasiis,Shingaani ilaa fagaaraha afar-irdood, si ay uga sii bogtaan wada-hadalkii, kaas oo u sii socday sidan:-
Ayaan:-Horta aboowe, waxaan filayaa inaan isku qanacnay, oo si fiican isku-tusaalaynay…sow sidayda oo kale iimaanka iiguma qabtid adiguna..?!!.
Ayuub:-Shaki la’aan, aad iyo aad..muranna kama taagna hadda is-jacaylka dhexdeenna ah.
Ayaan:-Bes iska dheh marka,taas ayaa muhiim ah, oo saldhiggiina ah.Waxaana intaas kuu sii raacinayaa: Anigu reero hantidood iyo aragti ay qabaan, dan iyo xaajo toonna kama aan lihi. Anigu kii aan nolosha la wadaagi lahaa, waan heystaa, waana adiga Ayuub ah.Waxaan kugu xushay, kuguna raacayaa: akhlaaq, aqoon, karti, dadaal iyo isku-kalsoonaan. Taas ku seexo, kuna soo toos.
Waxay kaloo tibaaxday Ayaan:-”Anigu waan ka soo hor-jeedaa xoolo laysugu faano, isla-qabweynaan, qabyaalad iyo dhammaan dhaqannadii jaahiliga ahaa…waaba layga shidaa, diinteennuna ma oggola,waxaana ka faa’iideystay duruustii dugsiga na loogu dhigay”.
Ayuub:-(Isagoo ay ku soo istaagtay illin):-Waa yahay macaaneey…laga bilaabo saacaddaan, waxaan aniga iyo adiga isku nahay hal qof oo keliya..maantana waa noo maalin taariikhi ah, oo biya-dahab ah ku qoran.
Ayaan:-Haa, waa sidaas xabiibi…haddii ay wax un madmadow naga soo galaanna, sidaan oo kale ayaannu run iyo saraaxad ugu dhammaynaynaa.
Ayuub:-Waa hagaag, dhinaca kale,wixii hadda ka dambeeya, waxaannu galeynaa badweyn duruus ah…waxaannu kulan culus oo kan oo kale ah u baahnaan doonnaa, marka uu dhammaado sannad-dugsiyeedka, lana soo dhejiyo natiijada kama-dambaysta ah.
Ayaan:-Sidaas ayaa noo ballan ah…
Geesta kale, wuxuu Ayuub sii watay jimca-dhaafyadii uu soo booqanayay reerahooda. Marka ama Golweyn ayuu aadi jiray, isagoo sii qaadanayay qaar ka mid ah buugaagtiisa. Ujeeddadiisu waxay ahayd inuu Oday-Arwaax la socdo heerka waxbarashada wiilkiisa.
Arwaax wuxuu ahaa oday waaya-arag ah oo bisil, wuuna iska fahamsanaa is-jacaylka ka dhaxeeya Ayuub iyo Ayaan, waayo, waxaa la yiri:-”Geelu laba jir soo wada-mar”. Isla maalintii uu ugu yimid qolka, ayuu iska fahmay…!!.
Mararkaan dambe ee uu Ayuub tagayo Marka, ayuu hoos-ahaan ugu sheegay aabbihiis, inay weli isla socdaan Ayaan, oo is-jecel yihiin, laakinse uu fuliyay taladii waalid, dib dambane uusan gabadha u keenin aqalka.
Oday-Arwaax oo hadalkana ka qarinaya Aamow,hoosna ugu dhigaya Ayuub, ayaa waxaa uu yiri:- “Igaarkeeyoow, jacayl waa jiraa, waana wax dabiici eh, mana la diidi karo…gudaha qalbiga aas ka yimaadaa..waa ogahay aniga,laakin yaas ku sii jiidannin, jinnoolane yaas kaa dhigin, waxbarashadane yaas kaaga dheelin, aniga saas leen ka wadaa”.
Odaygii ayaa wuxuu tibaaxay oo kale:-”Naag aadan qabin, haddiid keli ku noqotiin hal qol, sheydaan aa nii soo saddaxeehaayo, shuqul-xumo aas niigu dhiirri-gelihaa…waxaa bilaabahayso is-shumis iyo is-taataabashow, markaasne, waa laysku sii taraaraxaa…”..!!.
Arwaax oo sii wata tusaaleynta ayaa ku sii daray:-”Arrimahaas waxay keeni karaan ceeb, fashaxaar adduunyo iyo cadaab aakhiro”..waxaa la yiri:”Ceeb khasaaraa ka roon”…Gebertaas islaameed iyo dadkeeda, ilaaheey naguma ceebeeyo”.
Wuxuu kaloo yiri:-”Kuwa dheela cayaarta Jaariilaha waxay dhahaan:-Adduunyo joogoow ma leh, aakhirana janno aa jirto oo lagu jiito..sidaas li-ajligeed, waa in la ogaado: inaan la sii joogaynin adduunka, jannadana, iska-gal ma aha ee waxay rabtaa in loo camal-fasho…saas ogaaw igaarkeey”.
Oday Arwaax, wuxuu kaloo xusay:-”Reer-Afgooye, markii Ciid-sannadeedka Istunka ah la joogo(Shableey) waxay ku shirbaan:-Sabuul-galleey, nin ku siiyay aa la siiyaa…haddiis ku siiyane, sariirtaa la saaraa…waxay ka wadaan yacni waa la darajeeyaa qofka..qof ku jeclaadayne, waa la jeclaadaa oo la sii qaddariyaa ee lama xumeeyo…”

La soco qaybta 10-aad isbuuca dabe insha allaah

by: cabdi maxamed tuuryare
huudheey@hotmail.com

One Response to FW: Jaceylkii iilka dhigay Ayuub!!! (sheeko taxane ah )Qaybtii 9_aad

  1. Asc dhaman wlahayga mus. Khasatan somalida shekadan wa sheko ad u wngsn o ku barasa cibra qaadasho

    Maxamed c.raxman farax (golis) - November 10, 2011
    2:40 am

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>