Gabay Cusub oo loogu magac-daray Dareenkaga Kaasho “Halkaan Ka Akhriso”

Filed under: Suugaanta,Wararka Somalia |

Gabay La Magac baxay Dareenkaga Kaasho oo uu tiriyay Saciid Bulxan Cali waa Abwaan da’yar kuna nool Wadanka Mareykanka, gaar ahaan Ohio gabayga ayaa ku bilowday sidaan,

Xayn daabka dunidaan daa’inbaa abuuroo
Isagaa dulleeyoo sharfa duulka uu rabo
Deeq bixiye weeyaan cidduu rabo u diidoo
Dulmi wuu kadheer yahay ruux qura ma duudsiyo
Badaha dengigiyo wabiyada durdurayiyo
Daruuraha rukaantaa hadba degel abaarsaday
U darroorsha dhibicdoo dooggiyo cagaarkana
Xooluhu ku dararaan aadmigu ku diirsado
Dayixiyo xiddigihiyo cirka dabaqyadaa iyo
Shamso daalac nuurkeed cidna ay dafiri Karin
Falaggaa isdaba mari duhurkiyo dharaartiyo
Gudcur dumay habeenimo marna aan isdiidayn
Dabuub qura kuyiri kun dabadeed ahaadeen

Rasuulkeenna doorkaa loo doortay uunkoo
Cilmi daahiro wacan ku dejiyay korkiisoo
Qaaru xira daloolkii isago dengiigsaday
Loo diray jibriiloo iqra deedna uu yiri
Aqoonbaa ladaahfuray jahliba ladabar jaray
Culuuntii dahsoonayd wax daboolka laga rogo
Dabiib iyo dhaqaatiir waxay daawo keenaan
Duuliyaa cirbixiyaa wuxu dawaafo meeraha
Arladeenni dihinayn waxa daakhil loo dhaco
Dahab iyo macaadiin dusha sare lasoo dhigo

Dulucdiyo ujeedada duxda hadalka oo idil
Dabuubtaydu waxay tahay dammiin aan wax baran iyo
Kan culuunta daalacan damiirkaaga kaashoo
Isku door miyaayoo derejada masiman yiin?

Duurka ruuxa joogee duun yada dhaqaayee
Idihiyo dameeraha daba jooga xoolaha
Ka dahaaran maankoo deel iyo woow an garanayn
Iyo dirica goor hore u dareera macadyada
Duruustiis ka adagoo A+ ka soo degin
Dareen kaaga kaashoo derejada masiman yiin?

Aadmigu dirkii hore cawrada madedan jirin
Dires yada laqaatana dadku muusan heli Karin
Nin doorkaa wuxuu laa harag dabada lagu xiro
Maalmahan dambeetana xariir daahyo laga dhigay
Derbiyada la saaraa oo lagu daboolaa
Xaragada daraadeed suudad taayo lagu daray
Maalmaha dalxiisyada dayaafadaha lagu tago
Dareenkaaga kaashoo derejada masiman yiin?

Beri hore dagaalada diritiyo colaadaha
Difaac weerar kulaytahay faraskaa dabbaabad
Taangiga wax dumiyana kaba door wacnaayoo
Golxob laysku dooxiyo waran deegta laga rido
Dirham laguma heli Karin fallaadhuna kasii daran
Doorkan maanta joognana diyaarad waxaa jira
Dusha cidi kasaarnayn iska duula kaligood
Holac iyo dambaaburo danab iyo sawaariiq
Madaafiic wax dumiyana ku duqeeya gooboo
Dukun daakun kaga dhiga soo duuba sirahana
Dareenkaaga kaashoo derejada masiman yiin?

Gobanimo udirirkii ragbaa dhiig u daadshee
Sayidkii daraawiish ku difaacay gaalee
Koofil kii deldelayee ingiriis dulleeyiyo
Kii diiday gaal daacuflaa inuu daba galaa iyo
Dillaaliintan maantee damiir aan lahaynee
Doolar inay helaan iyo inay daaro jeexdaan
Dan kalaba lahaynee u danaynin ruux qura
Dib jirradan annaaxayn badihii doc iibsaday
Dareen kaaga kaashoo dadnimada ma simanyiin?

Siyaad doorki noo kacay dadka oo dhan mahadsheen
Dabadheer abaartii dalagga iyo beeriyo
Duun yadu dhammaatee u danqaday walaalihi
Dujuumiyo sablaaliyo dan wadaag sameeyiyo
Duqow iyo dhallaan iyo dumar kiyo raggoo idil
Jahli kii ka dabar jaray qoraal li’ida diidoo
duurka iyo baadiye ardaydii u diray iyo
Kuwan diiddan nabaddee dawladnimo an rabinee
Dibadaha u dhoofkiyo dabaqyo uu rag leeyhay
Dengiigsiga hoteelada qaranimo ka doorbiday
Sharaftii dadnimadana dib inay u gaaraan
Ooy dunida raacaan Shacabka aan ladoonayn
Dareenkaaga kaashoo dadnimada ma simanyiin?

Dooh gabayga aan dhaho dabar aan ku soo xiro
Waxaan ugu dambaysiin oo ku daayay hadalkii
Da’yartaan wax barataan duqoow hore ayaa tiri
Tiisaba daryeela tan kalana ku sii dara
Doorkiinni weeyaan dadaal mays faraynaa?
Dalka adinka yaw kacay dadka adinka yaw maqan
Taariikhdu waa duug diiwaan kaana lagu qori
Waa baalal dahabliyo kuwo dugul madow ehe
Su’aal weeye diirrane docdeebaad ka gelaysaan?

Da’yartaan wax barataay cudurkii nadashaday
Kii dilay awoowgeen dulligii qabiil kiyo
Duxda dhuuxa gaaree hadba duul walaalaa
Dab dhexdood ka huriyiyo kala dile miyaad noqon?
Mise daadahshaad tahay danyartiyo dulmanahaba
Uddoodaaya baahane kala doorta labadaa
Fursaddiinan dahabkaa dareensiiya aadmiga
Dib inaad u hanataan wixii nalaga daayacay

Curiye: Siciid Bulxan Cali
Ohio, U,S,A
xaleef@hotmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>