Gabay) Silsiladdii Lamagac Baxday Daarood ku xaar ayaanu halkaan idinkugu soo gudbin doonaa 1942-1979 ayuu socday gabaygaasi

Filed under: Suugaanta,Wararka Somalia |

 Gabaygan waxa tiriyey Abwaanka la odhan jirey Cilmi Cabdi Warsame oo ku magac dheeraa “Cilmi Liig”. Gabaygani waxa abwaanku ka tirshey oo uu sida la weriyo ugu horreeyey silsiladdii la magac baxday Daarood-ku-xaar ee ka dhacday duleedka Gaashaamo xilli ku aaddan 1942/ 1943 kii.

Dagaalkii labaad oo soconaya waatii Talyaani ku duulay Xabashi ee kala kulmeen jabka weyn. Dagaalkaas Talyaaniga waxa ka mid ahayd askar badan oo Soomaali ah. Dabkii uu Talyaanigu qubay waxa ka faa’iidaystay beelo Daarood ah oo Ugaadeen u badan kuwaasoo wixii ay saanad heleen kula soo dhaqaaqay deegaannada Isaaq, siiba beesha Habar Yoonis.

Koox ka mid ahayd askartii Talyaaniga oo u badan Biciidyahan (Majeerteen) iyo beelo ugaadeen ah ayaa dumay ciidan 300 gaadhaya oo beesha Habar Yoonis oo warma-qabto ah ku galay agagaarka Dannood illaa Gaashaamo. Ciidankani waxay gacanta ku dhigeen geelal aad u lixaad leh oo nabad ku daaqayey deegaankaas kaas oo ay kala didiyeen dhallinyaradii geelasha la joogtay.

Waa laysu qayshaday, wixii dab (hub) la hayeyna waa la isu keenay markaasaa talo jilbaha loo laabtay. Waxaa talo lagu gaadhay inaan geelaa laga dabategin maalintaas laakiin habeennimo la dul dego oo marka subaxdii caanaha laga maalo weerar lagu baadho. Kooxdii dhaca geysatay oo malaha aan filanayn weerar xoog leh ayaa habeenkii seexday subaxdiina sidii geel ay leeyihiin ayaa nin waliba dhawr Hadhuubgaal oo caano ah isku xaabiyey. Iyagoo sidii Gafane dhiig hiraabtay caanihii calooshooda hadba doc ula dillaamayaan ayaa afarta gees laga galay oo rasaas lagu maansheeyey. Illeen waa rag caano ka dhergaye cararkii baa xitaa u suurageli waayay markaasaa mid walba marka xabbaddu cuskato ayuu sidii geel qasaal ah isku xaaray.

Cilmi Liig oo raggii gabyaaga ahaa ee meesha marayey maalintaas ayaa la weydiiyey bal inuu mushkiladdan ka warramo markaasuu yidhi “Allaylehe waa Daarood-ku-xaar” markaasuu gabay dheer halkaa ka tirshey. Silsiladdan waxa ka qayb galay rag badan oo abwaanno ah oo ay ka mid yihiin Yawle iyo Maxamed Kaahin”Feedhoole”. Wuxuuna U bilowday Sidatan


Annagoo Dannood iyo fadhina, dacalladii Heeryo
Iyadooy dukaanleey u taal, duudda Habar Yoonis
Iyadoo shir lama dayn karee, damallo loo waabay

Iyadooy dablaydii korjoog, debedda meereyso
Iyaduu dalaysane ratigu, doobta karinaayo
Na soo doonte nimankii qalbigu, doorsanaan jiraye
Intay weerar nagu daadiyeen, daafad loo eriye

Dumarkuna ka dhereg Uustarkay, dib u qubaayeene
Doomaar ka dheer Shiciradday, dir u lahaayeene
Daba jilicdu waatay wax badan, diidday nabaddiiye
Daarood-ku-xaar bay lafii, daadsanyiin weliye.

Darod-ku-xaar

Maxamed Aadan Caws “Yawle”, HY
Gabaygan wuxuu ka mid ahaa silsiladdii Daarood-ku-xaar.

Toorrida kuwii lala dhiciyo teerigii waranka
Kuwii shiihska lagu taagayee jaaha laga toogtay
Tusbax go’ay sidiisii kuwii tarabka loo laayey
Tafaariiqda nimankii guryaha lagu tadcaaraayey

Toddobaatan iyo dhawr kalaan teella loo dhigane
Waa tii ay tasoobeen sidii tiradi xoolaaye
Tumbushooda waatii la dhigay teedki Gumarroode
Daaroodka lagu taamayaa tacaddi weeyaane

Toddobaatan Geeliyo ninkii tira laxaad dhiibey
oo midab Tiriigleey arkoo tahan ku faallooday
Oo Guga aroos loo turqiyo tanafas eegaayey
oo xaajadiisii tognayd wiil ka kala tuuray
Oo gabayga loo tirinayaa tacaddi weeyaane

Quruumaha tartamayee u kacay tab iyo leexleexa
Nin waliba wixii uu tabcaday taw la soo yidhiye
Tumaal buu ahaa Muuse Dhiil taajna loo xidhaye

Waatay dhammaan taabaceen tala-xumaaliiye
Talyaaniga Triipoli haddii maalin laga taabay
Tagoogada waxaa looga xidhay tacaddi weeyaane

Tanac-tanacdu waa inan-gumeed tamaradiisiiye
Tol haddii u lee yahay waxbay tari lahaayeene

Marna haddanu dhawr tooganayn tookha haw miyine?
Tiiraanyadiisa ha qabo ee ha u tiraabina’e
Hana toosin waa gama’sanyay tuugga Habarwaaye Daarod-ku-Xaar

Maxamed Kaahin Feedhoole, (HY)

Gabaygani wuxu ka mid yahay silsiladda la magac baxday “Daarood ku Xaar”.
Wuxu yidhi Maxamed Alla naxariistii janno ha siiyee;

Gugoo hooray geeloo dhaloo gubadadaa jooga
Degmada Gundheereiyo fadhida gumucyadii Heeryo
Iyadoo gudguda roob, halkii godanba uu buuxshay

Gidiigeedba Habar Yoonisoo gaafka wada joogta
Guutooyin idil beeshayada galiye Daaroode
Ku ga’leedhe siday doonayaan, guri dagoodiiye

Goodeey raggii maali jiray gurayey dhowr qaadye
Waa niman ilaahay ku gubay gaajo iyo oone
Iyadoo Guhaaday, afkii lagu gujaynaayo

Gabagabaha meeshii la dhigay la isku soo gaadhye
Gadhka layska saar keenadaan lala gabboonayne
Gildhigaan intii loo rakibay gaag yar laga reebye

Goonyaha ka kace waa qabiil go’aya maantaase
Gal xareeda dhiigii la mood galay jidhaamaaye
Geerida xaq weeye ninkii go’ayna loo aarye

Habar Yoonis geeleedu noqoy garay dhunkaaleede
Waatii Biciidyahan ku go’ay Gumare maantiiye
Car ha galo Galaadi iyo Hawd kor uga sii guurye

Gabaygu intaas waa ka dheeryahay abwaanada tiriyayna aad ayay ufara badanyihiin Balse dib ayaanu ka soo dhamystiri doonaa

 Zubeyr Macalim C.qaadir subayr@hotmail.com

6 Responses to Gabay) Silsiladdii Lamagac Baxday Daarood ku xaar ayaanu halkaan idinkugu soo gudbin doonaa 1942-1979 ayuu socday gabaygaasi

  1. hooyadii wase ay qabyaaladi buuxisay baa tahay ka qorayoowe qabyaalada iska daa waa ta soomaali baabisay ee daarood maxaad ka sheegi ogaadeenbaa idin wasee

    deeeqsi - January 4, 2011
    4:57 pm

  2. waa ay fiicantay in la ururiyo taariikhda waanad ku mahadsantihiin
    sida fiican ee aad xil isaga saartaan ururinta taariikhda soo
    jireenka ah wixii dhacay dhece taaana waa lasoo dhaafay
    dee nika maanta diidayaw waad qaldantay adeer aduunka wax walba
    waxbaa laga qoraa soomaalidana waxaa halkaa dhigay
    waaa wax qorid la aanta somaalidu waaa oral society
    markaa ninkiii diidaw dilaac

    janadoon - September 9, 2011
    10:38 pm

  3. waa ay fiicantay in la ururiyo taariikhda waanad ku mahadsantihiin
    sida fiican ee aad xil isaga saartaan ururinta taariikhda soo
    jireenka ah wixii dhacay dhece taaana waa lasoo dhaafay
    dee nika maanta diidayaw waad qaldantay adeer aduunka wax walba
    waxbaa laga qoraa soomaalidana waxaa halkaa dhigay
    waaa wax qorid la aanta somaalidu waaa oral society
    markaa ninkiii diidaw dilaac

    janadoon - September 9, 2011
    10:38 pm

  4. dhaman marka hore waad salamantihiin , salan ka dib waxan ku qoslay, gabay iyo taariikh iyadoo laga waramayo ayaan arkay nin cadhooday oo caytamaya, taariikhdu cay kuma hadhiyo cadho yar oo gaaban.
    ayaan anna ka leeyahay ninka daarood ku xaar ka cadhooday.

    cabdicasiis maxameda maxamud - September 11, 2011
    6:11 am

  5. war taariikhda way fiican tahay in la ururiya,,gabayo gumacyo ah baa ..cilmi liig.yowle iyo feedhooleba sii daayeen walee…

    halkana cidagaloo cartamaya duasha h/y kasii ilaalinaaya
    halkaa ska wada ilmaderyaal

    cidagalaawi - October 2, 2011
    1:22 am

  6. adeera yaal macnadaro iyo been ayaad isugu markhaanti furaysaane iska hubiya taariikhda yawlaha aadsheegaysaanna wiil dhulbahante(daarood) ah ayaa gacantiisa kudiley kana tiriyey tixdan
    hadii dayrtu
    waa mudan hartiye
    nalakusoo meersho
    geediga maqiiqani
    haduu mudh isasoosiiyo
    haday muusayaal!!!!
    naladersaan
    nagama maarmaane
    magligaad afaysaa
    kugoyn muruqa yawlow e
    taasoo sidaas udhacday yawlena waxa lagudilay hubkiisii
    muusayaalna waa qolyihii dabacayuunta ahaa ee uukadhashy yawle tankale oo kasii daran yawle meydkiisii waxa gubey niman majeerteen ah si aanu dooxada geelu udaaqo qurmuunkiisu uga soo urin ninkaas aanu tariikhdiisa hayno ee caynkaas ahaa ayaad noo xayaysiinaysaan adeerayaal hadaba ogaada daarood waakii weligii kusaaraa welina kusaarane adigu maxaad aduunkaku haysaa cawaan ilaa cawaan

    col: gantaal bari - October 29, 2011
    7:22 pm

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>