Galgala oo Faroole ku Noqotay Galgalatadii Bashiir Raage waar Maxaa Noo Geeyay?
Dadweynaha Boosaaso ayaa isla xiriirinaya dhammaadkii dagaaloogayaashii Xamar 2006-dii. Waxay dhaheen Kacdoonkii shacabka waxaa horseed u ahaa markii Xaaji Abuukar Caddaani iyo Bashiir Raage isku qabteen Galgalato iyo dekedda Ceelmacaan oo Waqooyi Bari Xamar ah! Hadda waxay dhaheen arrinta sheekh Atam iyo Faroole ayaa waa’ cusub u furaysa xaaladda Puntland.
Waxaa kaloo xisaabta ku dartaa in Xaajiga iyo Bashiir wada ahaayeen Harti. Hadda sheekh Atam iyo Faroole waa Harti! Ciiddii Soonfur ee 2006-dii waxaa la ciiday Xamar oo dagaaloogayaal laga saaray. Ma suurtowdaa in ciidda soonfur ee sanadkaan Boosaaso laga ciido iyadoo Ashahaado-la-dirir la saaray? Fiihaa qowlaan. Haddii qabiillada indhaha u ah Bari ee iyagu waxna gunta waxna fura (ma aha tii Ahlu Xalli wal caqdi) waa farsamo kale oo nifaaq ah ah ay howsha bilaabaan waa dhici kartaa laakiin qabiillooyinka kale; taariikhda iyo suugaan-yahannadoodii baa sheegay inaan howl saas u weyn laga filan!
Dadku waxay dhaheen haddii wadaadda Ictisaam fasixi lahaayeen shacabka iyo wiilasha ganacsatada ah; dhowr saacadood bay Boosaaso uga sifayn karaan PIS, Ashahaado-la-dirirka. Waxaa dadweynuhu arkay markii masaajid Garoowe ku yaal dhexdiisa Faroole gaaleeyey sheekh Atam iyo wiilasha la socda! Dadkii waxay dhaheen caaqibo dambe oo Al-Ictisaam laga sugo ma leh.
Haddaba dhowr jeer oo dagaal ka dhacay Galgalatadii Xamar 2006 baa keentay in shacabka iyo Midowgii Maxkamadahu ku kacaan Ashahaado-la-dirarka dabadeedna muddo yar looga saaray Xamar. Hadda waxaa muuqata kacdoon shacab oo ka soo socda Puntland. Horta Puntland waxaa jira qabiillo ku fiican kicinta shacabka. Dagaalkii C/hi Yuusuf looga saaray Boosaaso waxaa ka dambeeyey taageerayaashii Jaamac Cali Jaamac iyo ictisaam (ex Al-Itixaad). Nimankii kiciyey shacabka Boosaaso 2001-dii hadda waxay taageeraan Faroole laakiin dadweyne badan baa leh: oo haddaan qabiilkaasi na howl gelin miyaannu innagu wax qabsa karin? Oday baa yiri: heer waxaynnu gaarnnay xitaa aan qabiilkaas Ashahaado-la-dirirnimo ku raacnno!
Ictisaamku waxay fiirsanayeen ama loo sheegay in wiilal Qardho iyo Garoowe ka yimid dab saareen calan ay ku qoran tahay LAA ILAAHA ILLALLAAHU MUXAMADU RASUULULLAAH. Xaggee laga galayaa cuqubadaas? Ma u maleynaysaan ganacsata reer Boosaasoow iyo shacabkoow in arrintaasi cidla’ dhacayso?