Kooxda Rossoneri ayaa xalay gacanta ku dhigtay saxeexa laacibka reer Sweden ee “The big Swede“ Zlatan Ibrahimovic oo ay kasoo qaateen kooxda Barcelona oo uu sanad uun ka mid ahaa safkooda 1-aad, fiidnimadii Sabtida ayaa barta Internet-ka ee kooxda Milan lagu shaaciyay in ay si rasmi ah gacanta ugu dhigeen saxeexa 28 jirkan oo ay qaab amaah ahaan ah uga soo gacan baneeyeen Barca iyagoo haysta ikhtiyaar ah inay kula wareegaan aduun lacageed oo dhan 24 milyuun oo Euro dhamaadka xilli-ciyaareedkan.
“Waxaan u faraxsanahay si qeyru caadi ah“ ayuu ku bilaabay Gudoomiye xigeenka iyo maareeyaha dhanka cayaaraha ee Kooxda ACMilan Adriano Galiani isagoo daba dhigay “maadaama aan haysano Pato, Ronaldinho iyo Ibrahimovic waxaan nahay kooxda ugu weerarka culus Talyaaniga iyo qaarada Yurub wax naloo dhigaana majiraan“. ayuu isku qanciyay Galliani oo sidoo kale lagu neynaaso “transfer guru“ ama macalinkii kala iibsiga.
Ibracadabra ayaa markiisii 2-aad dib ugu soo laabanaya Sansiro isagoo 2006-dii kooxda Juventus u waydaartey dhanka Inter isagoo ka dal doorsaday kadib markii loo celiyay heerka 2-aad fadeexadii Calcio Polli darteed, waloow uu ka weecday kooxda ACMilan oo lafteedu ku rabtey isla lacagtii ay Inter ku qaadatay balse wuxuu sidaa u yeelay isaga oo aan hubin inay Milan ciyaari doonto Koobka Horyaalada Yurub iyo inkale maadaama la dhowrayay xukunkii maxkamada isboortiga nasiib xumo koobka Horyaalada Yurub waxaa sanadkaa 2007-dii ku guuleysatey isla Milan.
Isla aragti kale oo aan taa ka fogeeyn ayuu Ibra sanadkii tegey uga dhaqaaqay kooxda INTER oo uu saluugay rajada iyo ixtimaalka ay ugu guuleysan karaan koobka UEFA Champions League oo uu darraabay balse mar kale waxaa uu koobkii ku dambeeyey gacanta kooxdii uu ka naq raacay ee Internazionale, laakiin dhanka wanaagsan ee uu leeyahay Ibra ayaa ah isagoo aan sanadna ka qadin horyaalka oo uu si isku xigta ugula guuleystey kooxaha Ajax, Juventus, Inter iyo Barcelona…….ACMilan…?
Ibra ayaa sababta uu uga soo tegey kooxda Blugrana oo uu sanad kahor ku tilmaamay inay tahay koox uu ku riyoon jirey isla markaana shumiyay baajka kooxda iminka ku micneeyey in wax laga saarayo tababare Guardiola oo ay isla keeni waayeen isagoo tibaaxay in uusan kalmadna u dalicin mudo 6 bilood ah. “wuu malaha iga cabsanayay“ ayuu Yiri Ibra oo qoslaya, isagoo sheegay inuu iminka dhamaaday calwasaadkii uu ku jirey isla markaana balan qaadayo inuu ka farxin doono taageerayaasha Milan isagoo kaashanaya arbayaasha Dinho iyo Pato oo ay weerarka ku bahoobi doonaan.
Heshiiska Ibra keenay Sansiro ayaan si rasmi u kala cadeeyn marka ay ugu yaraan timaado dhanka lacagta, waxaa lagu waramayaa in mushaharka laacibku uu noqon doono 8.5 Euro sanadkii oo ay dheer yihiin gunooyin ku xiran guusha uu kooxdiisa cusub la gaaro iyo xuquuqda sawiradiisa (Image rights) taasoo gaari doonta 12 miyuun oo Euro oo la mid ah lacagta uu ka qaadan jirey Barcelona. Ibrahimovic ayaa ACMilan ku iman doona qaab amaah ah iyadoo si toos ah ugu iibsan karta 24 milyan oo Euro mudo 4 sanadood taasoo ay u bixineyso si kala gooni ah mudo 3 jeer ah.
Adriano Galliani ayay saxaafadu ku tilmaameen nin aad ugu xeel dheer gorgortan waana guul uu gaarey ayaa la leeyahay saxeexa Ibra maadaama uu sanadkii hore uun uu 50 Milyuun oo Euro oo lagu daray Samuel Eto’o oo lagu qiimeeyey 20 Milyuun oo Euro (isu geeyn 75 milyan) ugu wareegey kooxda Barca.
Kooxda ACMilan ayaa iminka u muuqata inay wax badan ka qabatay ugu yaraan hal waax oo ay aad uga cuuryaansaneyd oo ah weerarka tan iyo tegistii Grande Sheva iyo liicitaankii mashiinkii gool dhalinta Talyaaniga Pippo Inzaghi.
Ibra ayaa 15:00 galabnimo ee xilliga maxalliga ah ee Talyaaniga maanta kasoo degi doona gegada Malpenza ee magaalada Milano halkaasoo ay dhooban yihiin taageerayaal kumanaan ah oo Milanese ah, isagoo deeto loo dhaadhicin doono xarunta tababarka kooxda Milan ee Milanello oo uu kadib uga sii gudbi doono kulanka ay kooxdiisu kaga horjeedo kooxda Lecce ee furitaanka Horyaalka Serie A-da oo ka dhaceysa Sansiro oo uu VIP-da soo fadhiisan halkaasoo uu mar kale ugu gacan haadin doono taageerayaashiisa cusub ugu dambeyna Berri oo Isniin ah ayaa lagu wadaa inuu maro tijaabo caafimaad waxaase laga yaabaa inay dib u dhacdo usoo bandhigidiisa saxaafada maadaama uu arimo la xiriira iseebreebka koobka Euro 2012 uu u iman doono dalkan Sweden oo xulkiisa kabtan u yahay.