Mashaqada Muqdisho: Muran Mutaxan iyo Madfac. Oodqaad.
Muranka Baarlamaanka.
Khilaafka Madaxada Dawladda.
Maalinta Badar.
Duqaynta Dadweynaha.
Xilka Culimada.
Gunaanad.
Oodqaad:
Maalmahaan waxaa magaalada Muqdisho ka socda dagaaallo aad u qaraar,
una dhexeeya maleeshiyadka dawladda iyo kooxaha gafuurka duubta ee
Alshabaab iyo Xizbul Islaam, waxaa wehliya dagaallada duqaymo qaraxyo
iyo dilal qorshayn, waxaa ugu xanuun badnaa kii ka dhacay hotel Muna,
oo lagu xasuuqay xildhibaanno iyo dad rayid ah, dagaalladdaa waxaa
ka dhashay qasaaro lixaad leh, isugu jira naf iyo maal, qolo walbana
sheeganayso guulo iyo inay gaartay goobo hor leh.
Dawladdu
waxay shacabka ugu baaqday inay is dajiyaan, iyada oo ku dhawaaqday
inay qaadayso dagaal kama dambays ah!, “Habar
Fadhida Lagdan la Fudud!”, ma ahan
markii u horraysey ee hadal caynkan ah ka soo yeero, mana noqon
doonto matka ugu dambeysa, inta neefi ku jirto way rafan, maanta
waxaan qormada ku qaadaadhiggi doonnaa qodobbo dhawr ah, waxaan ku
dadaali doonnaa inaan isku wada xirno, aanna ku wada halosinno jidka
hor leh.
Muranka Baarlamaanka:
maraan sidaa u sii dheerayn waxaa la doortay guddoomiye baarlamaan,
loona doortay Mudane Sh. Shariif Xasan, doorashada ka horna waxaa
jiray ismari waa ka taagnaa xilka qaadista Sh. Aadan Madoobe, is
jiijiid dheer ka dib, waxaa lagu guulaystay in la qabto doorsho, oo
lagu tilmaamay in lagu shubtay!, muhimaddu taa ma ahan, ee maadaama
guddoon cusub la doortay saw ma ahayn in muranku yaraado, bal dhawr
waxa ka dhacaya gudaha baarlamaanka, muran aan jiho iyo jid lahayn
ayaa wali dabada la hayaa.
ceeb
kama xishooyadayaasha xilka iyo dhibka isa saaray “xildhibaanada”,
waxaa tusaale nooga filan prof: Dalxa, oo dood badan ka qabay in laga
qaado ku xigeennimada baarlamaanka uu ka hayo, heeruu u gudbiyey
dacwad maxkamadda sare ee baqaarka ku xiran, markiise loo magacaabay
wasiirka wasaaradda dhaqancelinta iyo
arimaha bulshada idinku warkiisa ma maqasheen? muranku wuxuu ku
dhammaan karaa oo kaliya, in xil loo wada magacaao dhammaan
Soomaalida si kale maya!.
Murankii wali ma dhammaan indha dhammaanayana mallahan, sida uu ku
dhammaanaya cid garanaysa ma jirto, sababtoo ah waa dad aan ku
qanceyn wax aan xil ahayn, si kale uma qancaan wax kalana kuma
qancaan!, dadkii wax qabadka laga sugayey haddii ay ka dhammaan
la’yihiin muran marooreed, saw ayaandarro ma ahan, la yaabe waqti u
haray ayaanba jirine ma waxay ku aakhirsan qaylo iyo or aan kigmadi
ka dambayn!.
Khilaafka Madaxada Dawladda:
Muranka baarlamaanka waxaan ka liidan khilaafka joogtada ah, ee u
dhexeeya labada masuul ee ugu sarreeya dawladda, ee kala ah
Madaxweynaha Sh. Shariif iyo ra’isul wasaraha C/rashiid Sharma’arke,
khilaafkaan oo soo jiitamayey mudda sanad barki ka badan, ayaan wali
lagu guulaysan in xal laga gaaro, taa ka sokow waxaanba wali la
garanayn meesha uu salka ku hayo, sababta khilaafka iyo ujeedooyinka
ka dambeeya?, tani waxay sii murjisay arinta, maxaa yeelay cudur
waxaa la daweeyaa marka la ogaado verus-ka kena ama dhaliya, sidaa
darteed xallintu waxay u adkaatay waxaanba wali lahayn sababta!.
khilaafka madaxada dawladda marar badan wuxuu gaaray meel aad u
qaraarsarraysa, casilaadda iyo xilka ka qaadiddu ha u ahaato midda
ugu qaraare, aadanuhu miduu ka wada siman yahay ayaa jirta, oo ah
ismaandhaafka yo kala duwanaanshaha fekradaha, balse nimankaan waxaa
u sii dheer ismaanjiir iyo kala goosasho, maxaa yeelay markii la is
jiiro waa in la kala goostaa, xumaanta intaa la eg waxa ay ku qotonto
yaa noo soo ogaada tolow{Soomaalaay}, xeer iyo axdi celiya ma jiro,
kay samaysteenna ku fillaan waa!.
nimankan
iyagu iska dhammaan la’, miyaa laga sugayaa inay badbaadshaan umad
iyo dal? Jawaabtu waa maya ayaan filayaa, waa tii maahmahdu ahayd:
“Tiisa Dareeyaa tu kale ku
Dara”, xilkii ay soo qaadeen
ballantii ay soo galeen iyo dhaartii ay mareen intuba waxay noqdeen
hal bacad lagu lisay iyo baraabufoo kale, bal haddii aysan wada
shaqayn karin muu labadooda mid iska tanaasulo, yirahdana: “Aniga
ninkaa lama shaqayn karo, mana doonayo in Aniga la ii xayirnaado, ee
Soomaalaay xilkii waa idiin dhigay!”,
ama si kale u kala adkaadaan oo nin laga taqalluso!
jiitankan dheeraaday waxaad dhibkiisa ka arki kartaan xoogagga ka soo
horjeeda iyaga, waxay ku maransan yihiin laba qol oo burbursan
hoobiyana u dheeryahay sidii ay u maamuli lahaayeen, waxayse iska
indha saabeen dalkii oo dhan, taasoo keentay in barqad la soo weeraro
hoyga ay deggan yihiin xertooda, isballaarinta kale iyadu tilmaamba
uma baahna, marka waxa ay sugayaani ma in meesha ay ugu yimaadaanbaa?
Mise inay Ciidan Shisheeye dabada kula jiraan? La yaab runtii….
Maalinta Badar:
Maalinta
Badar waa maalin uu dagaal dhexmaray xoogag uu watay Nabi Moxamed iyo
Quraysh, dagaalku wuxuu dhacay 17-ka bisha Ramadan, haddaba dagaalka
lagu beegayo maalintaa muxuu ujeedkiisu yahay? Isagoo loogu magac
darayo: “Maalinta Badar”,
ilama ahan maalin xus gaar ah leh, marka laga reebo guusha qolo
gaartay iyo jabka qolada kale haleelay, aan sii
jicliyee ma mudna in maalintaa dagaallo lagu beego, ama xuskeeda lagu
asqeeya dadka dagaallo iyo duqaymo.
Xuska
maalin dagaaleed “Maalinta Badar”,
miyey mudan tahay in lagu xuso laynta umadda Soomaaliyeed? Micnaha
miyaa loo unkay xuskeeda in lagu waxyeelleeyo Soomaali? Jawaabtu
hadday haa tahay, waxay ila tahay inay tahay maalin aysan Soomaali
jeclaysan doonin ama aysan soo dhawayn doonin, haddiise jawaabtu maya
tahay, waxa wali u baahan jawaaab maxaa loola beeganayaa Soomaali
dhibkan qarada weyn? Waliba xilli ay ku jiraan cibaadada bisha
Ramadaan?, mise ajarku wuxuu badanayaa marka aad dhibto dadka
Soonka!.
waxaa hubaal ah in ajar laga doono dhibka dadka uusan raad iyo sal
midna ku lahayn Diin, ee wadaad xumayaashu may iska caddasytaan
ujeedkooda gurracan, midda ah in ajarku laba laabmayo marka aad
Jihaad gasho maalin soomeed, sida loo dhigay ma ahan, teeda kale
maanta jihaadka yaad la galaysaa? Ma Shariifka shalay aad jaalka
ahaydeeen mise xertii Asmara iyo haraadigii Maxkadaha? adduunyadu
wareer kama dhamma, waxaa haboon inaan umadda loo halaagin wax aan
sugnayn, iyo ujeeddo gurracan!.
Duqaynta Dadweynaha:
Waxaad ka wada dharagsan tihiin in labada koox ee dawladda iyo gafuur
duubta ee isku haysa magaalada, qolo walbaa ay madfaca u kiishao
shacabka, gafuurduubto waxay madfac ku garaacaan xaruta ay go’doonka
ku yihiin ee villa Somalia, madfacaa lagu garaacay waxaa iska yar
qasaarihiisa iyo inta uu waxyeello gaysto, jawabtu waxay noqon Suuqa
Bakaraha iyo xafadaha u dhawdhaw in hoobyaal lagu asqeeyo, waaba
su’aale Suuqu muxuu galabsaday oo dambi ah? Isagu madfac ma ridin
lagama ridin dhexdiisa, haddaba maxaa jawaabta Madfaca isaga looga
billaabayaa?!.
kooxaha jihaadka suuqa madaw ee maalamaha habaaran umadda ka daba
wada, waxay caadaysten inay tuuryeeyaan ciidanka Amisom iyo xarumaha
ay deggan yihiin, iyaga oon u banbixin karin si ay isaga dhiciyaan,
had iyo jeer waxay wax ka tuuraan caruurta iyo haweenka dhexdooda,
ciidanka Amisom-na wuxuu ugu jawaabaa inuu duqeeya xarumaha ganacsiga
iyo xaafadaha shacabka, halkaa waxay waxyeellada ugu weyn ka soo
gaartaa shacabka, isagu markii horaba la daalaa dhacayey dhibka iyo
dacdarrada.
labadaa awalba laga sugi mayn naxariis iyo damqasho, waxaase ayaan
darradu ka dhacday markii Geel ay dileen magtiisa baxsheen, taasoo ka
dhigan in dadku ka qiima liitaan xoolaha, dhanka kale madaxda
dawladda ayaa afhayeenno u noqdeen ciidanka Amisom, iyaga oo muujiya
inaysan ciidankaasi wax dhib ah gaysan, xasuuqa iyo baabi’inta
hantida umadda wax ka soo qaad mallahan, had iyo jeer waxaad
maqlaysaa masuul difaacaya waxyeellada ciidanka Amisom, ha ka ahaato
way ina ilaalshaan, balse shacabka yaa ka ilaalinaya madfacooda!.
Xilka Culimada saaran:
inta aysan soo shaacbixin dadqalata dimeedkan, waxaa dalka ka jiray
culimo dadka haga, sumcad iyo magacna ku dhex lahaa bulshada, haddase
waxaa la kala garan waayey wadaadadii saxda ahaa iyo wadaad
xuayaasha, ama waxaa wax laga cararo noqotay in lagugu tilmaamo
wadaad ama Sheekh, taasoo ka dhalatay falalka gurracan ee lagu
samaynayo magaca wadaad iyo Sheekh, haddana waxaad mooddaa in
culimadu ka gaabsheen xilkii ka saarnaa samata bixinta iyo
badbaadinta umadda.
Sidaan
waxaan u leeyahay sidii ay u billawdeen dagaallo diimeedka iyo
jadbada jihaadka waxaa aad u yaraa wadaad meel fagaaro ah ka yiraa:
“Waxa socda Jihaad ma ahan ee yaan
umadda lagu halaagin!”, taa
badalkeed shibta ayey ku dadaaleen, intooda badan waxay safka hore ka
galeenba waxyeellaynta umadda, sidaa darteed ayaa umaddii ka aamin
baxday ama u aragtay halaag wadayaal, halka ay markii hore ka ahaan
jireen badbaadiyaal, xumaan aan la soo koobinna ka dhacday wadanka ,
iyaga oo daawanaya, laga yaabee inaysan wada lahayn geesinnimo ay ku
hadlaan, ama aysan haysan gabbaad qabiileed sida Odayaasha dhaqanka
Hawiye, haddana naftu marbay baxdaa!.
waxaa
aad ii soo jiitay hadal uu maalin dhexdaa ah yiri, Sh. Nuur Baaruud
oo nuxurkiisa ahaa, Soomaalaay kaca oo hurdada ka toosa, waa hadal
loo baahnaa in la maqlo dhawaqiisa, ka soo daahay xilligiisa, haddana
la’aantiisa dhaama, waxaa garab socday fatwo ay soo wada sooreen Sh.
Cumar Faaruuq iyo Sh. Shariif Cabdi Nuur oo iyana isla ujeedaa
wadatay, maxaa yeelay maahaahu waa tii ahayd: “Qaniinyo
Qaniinyaa kaa fujisa!”, hadda
nimanka gafuurka duubta wax sheekadooda bannaanka dhigi kara waxaa ka
jira wadaadada, maxaa yeelay siyaasi isagu waa calmaani, qoraagu
gaalada ayuu u jaasuusaa, murtiiluhu(suugaanyahan) waa afhayeen
shaydaan.
Sidaa darteed qofka kaliya ee saamaynta ugu xooggan bixin karaa waa
culimada, waxaana waajib ah inay cod midaysan ku wajahaan mashaqadan
sii fidaysa, xilligan waa xilligii ay wax walba bannaanaayeen si loo
caynsho shacabkan dabargo’ a ku socda, waa inay qiil walba u
adeegsadaan sidii looga hortagi lahaa horor diimedka, waa in la
curiyaa arigti diimeed qarannimo Soomaali cuskan, maxaa yeelay isku
dhafka labadaa ayaa xalku jiraa, culimaduna waa inay ogaadeen inuu
saaran yahay xil qarameed diimeed dhaqameed iyo garasho intaba!.
Gunaanad:
Mashaqada Muqdish looma kala harin, si guud ayaa looga wada
qaybqaatay, qaybaha bulshada oo dhan si dad iyo si toos ayey uga wada
midaysan yihiin, ma jiro xubin bulshada ka mid ah oo aan
jallaafadiisa dhigan, intaa waxaa sii dheer faragalinta shisheeyaha
iyo ciidadamada dibadda laga keenayo, haddana waxaa hubaal ah inay
jiraan ashkhaas xalka fure u noqon kara, balse yaaba warkooda ku
jira, ama maqlaya hadalkooda iyo waanadooda.
Muran iyo mutaxan aragnay dhibkoodee, miyeysan habboonayn in la eego
dhanka ismaqalka iyo tanaasulka, mashaqada waxa heerkaan soo
gaarsiiyey waa labada dambe oo la waayey gabi ahaanba, haddiise ay ka
mid ahaan lahayn dhaqankeenna labadaas, waxaa hubaal ah in wax badan
noo hagaagi lahaayen, maxaa yeelay waa furaha nolosha iyo xalka
maqashadan ragaatay!, haddaba aan xoogga saarno inaan isbarno labadaa
tilmaam, aanna dadka kale ku beerno gaar ahaan dhallaanka iyo ubadka.
Ugu
dambayn waxaa la gudboon golaha “Tire
badne tayo yare” inay kala
dareeraan, haddii kale ay yareeyaan muranka joogtada ah, madaxda
dawladda waxaa ku habboon inay iyana koobaan khilafaadka, haddii kale
ay umadda ka horwareegaan, madaama waqtigu socda maqashaduna sii
lixaadsanayso, culimada waxaa looga fadhiyaa kaalin muuqata iyo feker
qarameed diinta ku qotoma, guud ahaan qof walba oo Soomaali ah oo
saamayn yeelan kara inuu isna kaalintiisa qaato.
Bashiir. M. Xersi
brdiraac@hotmail.com