Waxaad Halkan si degan uga aqrisataan Bayaan ay culimada Ictisaamka horay u balan qadeen inay ka soo saari doonaan mowqifkooda rasmiga ah ama kan diiniga ah ee ku aadan heshiiskii ay Jabhada UWSLF la gashay dowladda Itoobiya.
Cadaadis badan oo xagga saxaafada ah ayaa ku qasbay Culumadan inay Bayaan ka soo saaraan heshiiska jabhada UWSLF la gashay Dowlada Itoobiya, maadaama ay ka amuuseen oo aysan gaalaysiin reer Tolkooda Heshiiska la galay Dowlada Itoobiya halka ay Soomaalida kale aysan xigtada ahayn islamarkiiba gaalnimo ku tuuri jireen ayagoo aan wax cudurdaar ah u sameyn.
Dhageyso Sh Umal oo gaalaysiiyay Dowlada Shariif wax cudur daar ahna u samayn.
Halkan ka aqri inta cudurdaar ay u sameeyeen reer Tolkooda una sugeen Islaanimadooda, kadibna Sheekha iyo Culumada kale ee Ictisaamka reer Ogaadeeniya Miisaankaada saar wixi ku soo baxo arag.
Nuxurka Bayaanka ayaa ah in Culumadaas ay si kal iyo laab ah u taageersan yihiin Heshiiska UWSLF kaga mid noqotay Itoobiya ayna ugu hogaansantay Dastuurka Kufriga ee Meles Zenawi madaxda ka yahay.
Culumadu waxey ku andacoodeen in qodobada dastuurka ku saabsan aysan jabhadu la socodsiin oo gadaal looga sheegay mar dambe oo heshiiska la saxiixay, maxaaase kadib dhacay? culumadu waxey dhageyteen oo ku qanceen cudurdaarka iyo mar-marsiyaha jabhada ee ahaa in arrintaas ay qasab ku noqotay oo aysan jirin meel looga baxsado qaadashada dastuurkaas.
Culumadu waxey isla garteen in aan laga bixin heshiiskaas lagu qaatay Dastuurka gaalada, culumadu waxey xal u arkeen sida jabhadu xaalada u qiimeysay oo ah in marka laga hadlaayo soomaaligalbeed uusan dagaalku xal ku jirin sidaas darteedna nabad lagula noolaado Itoobiya.
Culumadu waxey hoosta ka xariiqeen in jihaaad hubeysan uusan ka soconeyn soomaaligalbeed maadaama jihaadkii 18ka sano soo socday uusan xaqiijin hadaf duunyo iyo mid diimeedba.
Isku soo duuboo, culumadu waxey dhinac iska dhigeen qori iyo gacan ka hadal waa marka ay arrintu khuseeso soomaaligalbeed oo tolkoodu degan yahay iyo dhulka kenya oo tolku degan yahay ahna meesha inta badan ay culumadaas degan yihiin.
Waan ku faraxsanahay sida culumadu u qaateen nabada oo ay u garteen masaalixdooda iyo tan tolkooda, ma rabno in culumadu taageeraan dagaal iyo colaad aan xaqiijin wax hadaf ah, waxaase rabnaa in culumadu ay il cadaalad ah ku wada fiirshaan xaalada soomaaliya, ayna gartaan in nabada looga wada baahan yahay wadanka oo dhan, oo cudurdaarka reer tolkooda ku qaateen dastuur gaalnimo ah uu noqon karo mid qabiilo kalena ay ku qaataan isla dastuurkaas, Mase Nabadu waa ka xaaraan Gobolada Kale!
Taageerada culumadu taageereen heshiiskan ayaa ah mid dhinac laga soo dhoweynayo oo loogu hambalyeynayo marba hadii ay garteen masaalixda mujtamacooda ku dhaqan kenya iyo soomaaligalbeed.
Waxaase jira su’aalo badan oo ku saabsan qawaacida ay culumadu ka duuleen iyo mowqifyada colaada ah ee ay ka qaataan dadka kale ee nabada qaata ama gaalada la heshiiya.
Culumadu sida ay arrintan u qiimeeyeen maloogu yaqaanay in ay u qiimeeyaan arrimaha kale sida heshiiskii shariif ee jabuuti iyo dagaalada khawaarijta ee ay taageereen!
Culumadu sideed bilood ayey ka war-wareeganayeen ka hadlida heshiiskan, halka ay horayba seefta uga qaadsiiyeen heshiiskii jabuuti! culumadu ma aqbalaan cudurdaarada iyo marmarsiyaha ay la yimaadaan qab-qablayaasha iyo wadaadada kale ee aysan isku tolka aheyn! Culumadu soomaalida kale ma u ogolyihiin in ay nabad kula noolaadaan Itoobiya! ama kaga mid noqdaan Itoobiya marba hadii ay soomaaligalbeed u aqoonsadeen dhul kamid ah Itoobiya!
Su’aalo badan ayaa jira kuwaasoo u baahan qoraalo badan, balse dib ayaa ka soo gudbin doonaa haatana waxaad ku soo dhowaataan Bayaanka Culumadu ku taageereen Heshiiska Reer Tolkooda, Bayaankan ayaa Xoojinaya dadaaladii ay shabakada Miisaanka ku baraarujinaysay umada soomaaliyeed oo ahaa inuu jiro takfiir qabyaalad ku dhisan oo culumo badan lagu ibtileeyay qaacidoonka ah (La jiifiyaana banaan, La joojiyaana Banaan) (Fiqi kama janno tago tolkiis).
Bayaankii oo qoraal ah waa kan
Qodobada qoraalka:
Culimada Qoraalka soo saartay
1. Sh. Maxamed Macallin Cabdi Umal.
2. Sh. Maxamud Sh. Maxamed Shibli.
3. Sh. Maxamed Shaafici Khaliif.
4. Sh Cabdiraxman Sh Cumar.
5. Sh. Xasan Ashkir Ibraahim.
Maxaa nagu bixiyay maqaalkan?
Waayahan danbe waxaa si balaadhan warbaahintu u qaadaadhigaysay heshiiskii ay jabhadda ( UWSLF) la gashay dowladda Ethiopia, ayadoo aragtiyo kala gadisan laga qaatay.
Waxaase xusid mudan in culimo aan kamid nahay magacyadooda warbaahinta laga xusay, ayagoo loo tiirinayo dushana laga saarayo waxyaaba aysan waxba ka ogayn & mawaaqif aysan lahayn ayagu.
Arintaasi markay dhacday dhowr goorna ay soo noqotay kadib ayaa waxaa qasab noqotay inaan cadeynno xaqiiqada jirta & sida ay wax u dhaceen.
Hordhac lagama maarmaan ah
Waxaan jecelnahay inaan marka hore caddeynno in annaga oo ah culimada ku saxiixan bayaankan aannan waxba kala soconin, tashina nalaga galinnin heshiiska xabbad joojinta markii lagalayay, balse waxaa nala soo gaadhsiiyay markii lagu kala tagey dhaqan galentiisuna billaabatay kadib.
Sidoo kale nalooma keenin mana aannan akhriyin qodobada heshiiska intaan lasaxiixin, balse wuxuu nuqulka qodobada heshiisku nasoo gaadhay markii lagu kalatagay xafladii saxiixa kadib.
Maxaan ka qabnaa heshiiska?
Markay xabad joojintu soo baxday, si rasmi ahna loogu dhawaaqay, ayna muuqatay in loo socdo heshiis dhamaystiran oo lala galayo dowladda Itoobiya, si taxadar leh ayaan usoo dhawaynnay arinkaas guud ahaan.
Maxaan ku dhisnay soo dhaweynta heshiiska?
Soo dhawaynta heshiiska ladamacsanyahay balse aan wali qodobadiisu soo shaacbixin waxaan u cuskannay oo aan ku dhisnnay laba qodob oo lagama maarmaan u ah arin kasta oo miisaanka sharciga la saarayo, waana kuwan:
A ) waaqica xogtiisa:
Cid kasta oo si dhab ah uga warhaysay waqtiyadii dambe xaaladda jabhadda & dadwaynaha gobolka daga ee muslimka ah, waxaa qasab ah inuu wax badan ka ogyahay xaqiiqadan hoos ku qoran:
1) Jabhaddu muddo dheer ayay dagaal kusoo jirtay, Dagaalkaa oo aan dhul lagu qabsanin, dacwo iyo diin faaftana aan waxba ku kordhinin.
2) Markii maskax fayow oo cilmi leh lagu fiiriyo natiijadii dagaalka waqtiga dheer socday iyo duruufaha hadda ku xeeran wuxuu malahiisu u badanayaa inuusan xaalku wax ka soo raynaya u muuqanin.
3) Bulshada muslimka ah ee dagan gobolkaa waxaa ku dhacay mudadii dagaalku socday dib dhac wayn oo dhanka diinta iyo aduunyaba leh, oo waxaa faafay jahli iyo afkaar ka horjeedda tawxiidka iyo sunnada, maadaama culimadii iyo ducaadii laga dhexsaaray magaalooyinkii ay bulshadu daganayd, taasoo fursad siisay afkaartii khaldanayd iyo jahli aan caadi ahayn.
B) Usuusha shareecada
Arinta markii la saaro miisaanka shareecada, lagana daayo xamaasadda iyo ficiltanka aan miisaannayn ee miithaaliga ah, waxaa soo baxaya inay lagama maarmaan tahay in la tixgeliyo qawaaciddan sharciga ah ee hoos ku xusan:
1) Waxaa si cad ugu qeexan quranka & sunnada nabiga (S.C.W.) in gaalada dagaalku nagala dhexeeyo lala geli karo heshiis nabadeed, waa haddii ay maslaxada muslimiintu sidaa ku jirto.
2) Waxaa kale oo sugan inay dhici karto hadii ay duruufi keento in ayadoo qayb muslimiinta kamid ah dagaal kula jirto gaalo, qayb kalana uu heshiis dhexmari karo, waana masalada loo yaqaano (تجزؤ العهد) arintaana waxaa cadeeyay quraanka aayada (72) ee suuratul anfaal iyo sunnada sida ku cad qisada Abubasiir ee saxiixulbukhaariga ku timid, iyo qisada xudeefa iyo aabihii ee saxiixulmuslim ku timid.
3) Waxaa kale oo quraanka & sunnadu cadeeyeen in jihaadka hubaysani uu wasiilo u yahay jihaadka kalimada, (dacwada) & inuu tirtiro ama yareeyo shirkiga & in dadka diinta laga fitneeyo, sida uu Allaah yidhi
(وَيَكُون الدِّين كُلُّهُ لله وَقَاتِلوهُم حَتى لا تَكُون فِتنَة)
4) Culimada aqoonta dheeraadka ah u leh cilmiga loo yaqaanno (علم المقاصد) sida سلطان العلماء العز بن عبد السلام iyo الإمام الشاطيiyo شيخ الإسلام ابن تيمية waxay cadeeyeen in hadii uu tasarufku ama wasiiladu xaqiijin waydo ujeedadii & maslaxadii loogu tala galay, ama nusqaamiso oo ay dhib u gaysato inaysan shareecada waafaqsanayn ayna lagama maarmaan tahay in la saxo.
(كل تصرف شرع لمقاصد بطل بفوات مقاصده أوبعضها )
5) Sidaa darteed hadii jihaadka seeftu keeni waayo towxiidka iyo sunnada fiditaankooda, fitnada iyo shirkiguna inay bataan mooyee uusan waxba kadhimin, ma aha jihaadkaasi kii quraanku sheegay, sidaa darteedna wuxuu u baahan yahay in dib loo fiiriyo oo lagu noqdo sharciyadiisa.
6) Hadii ay mas�uuliinta jabhadda (UWSLF) iyo culimadoodu u cadaato in qorigii uusan xaqiijinnin maslaxadii shareecadu ugu talagashay, raja badanna aan laga qabin inuu hadda kadib wax soo kordhin doono, isla markaana laystuso inay kubadalan karaan jihaadkii kalimada & dacwada ee asalka ahaa, waa arin sharciga iyo caqliguba fahmi karaan mudnaanteedana leh.
Hadday masaladu sidaas tahay waxaa fiqhi darro lagu tilmaami karaa in la yidhaahdo ku soco jid loo badinayo in uusan keenaynnin guul dacwo iyo mid millatari toona, oo taa macnaheedu waxaa weeye waxba yaysan kuu badbaadin.
7) Waxaa lagama maarmaan ah in la ogaado qoriga & jihaadka hubaysani inaysan ka hoos baxsanayn miisaanka wayn ee axkaamta shareecada oo dhami ay hoos timaaddo loona yaqaanno ( قاعدة المصالح والمفاسد ), taasoo sheegaysa wax kasta oo dhibkiisa & mafaasidiisu kabadato dheeftiisa & maslaxadiisa inuu noqonayo xaaraam, xataa asalkiisu waajib ha ahaado markii hore( ) .
Sidaa darteed in larumeeyo oo lagu qanco in mar walba, xaalad walba & wakhti walba uu qorigu maslaxo yahay mafsado raajix ahna uusan marna yeelan Karin, waa nooc kamid ah waxay shareecadu u taqaanno
( الغلو فى الدين ) oo macnihiisu yahay xadgudub & kabad badis diineed.
Qawaaciddaa & kuwa lamid ah ayaan ku dhisnnay soo dhawanytii aan soo dhawaynnay heshiiska xabad joojinta & nabadda.
Kadib maxaa dhacay?
Waxay kadib – Xabad joojintaa aan sidaas ku soo dhawaynnay – jabhaddu billowaday inay isu diyaariso heshiiskii rasmiga ahaa, iyo qodobadiisa waxaanan markaa kula talinnay inay aad isaga ilaaliyaan intii suurto gal ah, wixii tanaasul ah ee kusaabsan diinta & arimaha aayaha u ah ummadda, wakhti kadib waxaa xigtay inaan codsannay nuqulka qodobada heshiiska intaan lasaxiixin si aan talo sharci ah ugu biirinno, wixii aan haboonaynna tala bixin uga gaysanno intii suuro gal ah, Laakiin nasiibdarro arintaasi masuuroobin, sidaa darteed waxba maannaan ka ogayn qodobada heshiiska ee lakala saxiixday intaysan banaanka usoo bixin.
Maxaan ka qabnaa qodobada heshiiska?
Waxaa lagama maarmaan ah in laka saaro labadan arimood.
1) Heshiiska guud ahaan & in hadii ay adkaatay in dagaal wax lagu keeno lagu badalan karo dacwo & jihaadka kalimada oo ah inta ay culimadu soo dhaweeyeen.
2) qodobada heshiiska oo markay soo baxeen kadib uun la ogaaday inay xambaarsanyihiin khaladaad waawaayn oo ay ahayd inaan la aqbalin asal ahaan.
Waxaa noo muuqata in aysan adkayn in qodobada heshiiska badankood loo heli karo meelayn sharci ah markii lagu dhiso
( فقه حالة الإضطرار، وفقه الأقليات المسلمة ) ee aan lagu dhisin (فقه حالات الإختيار ).
3) Waxaa noola culus qodobada heshiiska inay jabhaddu ogolaato oo ay waafaqdo u hogaansanka dastuurka Ethiopia, iyo dhammaan qawaaniinta wadanka, sida ku cad qodobka (1)aad faraciisa (5)aad, waana waxyaabaha burin karaya islaamnimada, isla markaana keeni kara gaalnimo, arimaha sidaas oo kale ahna waxaa lageli karaa kaliya markay kugu timaaddo xaalad khaas ah oo shareecadu u taqaanno ( الإكراه الشرعي بشروطه المعتبرة), taas oo la isla ogol yahay, ama daruuro aan gaadhsiisnayn ikraah, sida ay qabaan culimada qaarkood ( ).
4) Waxaa baraarujinn mudan in la ogaado in masaladani tahay mid ka guda weyn qadiyadan oo xukunkeedu saamaynayo muslimiinta joogta dhamaan meelaha looga badan yahay ama looga awood roon yahay ( الأقليات المسلمة ) oo ay tahay qadiyad xukunkeeda ay wadaagayaan malaayiin muslimiin ah, waxaana soo galaya dhamaan arimahan soo socda:
( qawaaniinta oo la aqbalo in loo hogaansamo (si cad ama curfi ah), ama loo codeeyo inay hirgasho, ama la doorto xubinkii baarlamaan ee dajin lahaa, ama la qaato aqoonsiyada shardiga ay u tahay u hogaansanka qawaaniinta, iwm ).
Intaan ognahay mushkiladan haysata muslimiinta ku nool meel kasta oo aan sharciga Allaah looga dhaqmin maannaan arag wax culima ah oo wadartooda ku gaalaysiiyay arimahaas, waxayna ku xanbaareen laba midkood:
1- In ay dadku yihiin Mukrahiin aan lahayn khiyaar kale.
2- In ay ku jiraan xaalad daruuro oo loogu cudurdaari karo.
Intaas oo dhan waxay keenaysaa in waxii isku mid ah lasiiyo xukun isku mid ah, asal ahaana ay wadaagaan waxii cudurdaar ah, oo ay khalad tahay in la kala farqiyo sabab la’aan.
Xukunka raggii heshiiska galay?
a s c walalaha barnamiyada isku dabariday marka waxa muhim ah qudhada dad inad u shegto inaadan cadaalad u isticmalin webka wayo waxa dadka u so qortan waxyabo umada qudada u aragto waxa kalo jeceshihin culamada sharaftoda inad mel uga dhcdan qabyalada aya idin heyso is hagajiya ina aadan fudadaan
muhamed sharif - October 7, 2010
8:11 pm