|
Shirweyne aad loo soo agaasimay oo ay si weyn uga soo qayb galeen qeybaha kala duwan ee Bahweynta Direed ayaa shalay oo taariikhda ahayd 07:08:2010 ka dhacay Magaalada London ee dalka Boqortooyada Ingriiska. “Waxaana shirkaas ka soo qayb galay wufuud ka kala socotay dhammaan beesha direed sida Siyasiyiin, aqoonyahanno, dhalinyaro iyo culumaa’udiinka ee ku abtirsada Beesha Direed Inkastoo dadweynihii aadka u farada badnaa ee madashaasi ka hadlay aan dhamaantood halkan lagu soo koobi karin, hadana xubnihii halkaas erayada dhaxal galkaa oo qiirada ku abuuray goob joogayaalkii kasoo jeediyey waxaa ka mid ahaa: 1).Mudane Cabdi Warsame Isaaq.
2).Ugaas Axmed Bile.
3) Wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Mudane Maxamed Cabdulaahi Omaar.
4).Xildhibaan Maxamed Xasan Aadan.
5).Guddoomiyaha Jaaliyadda UK Mudane Cabdulaqair Aadan Cali.
6).ex G/sare Ibrahim Yaxye.
7).ex.G/sare Xasan Suuri .
8).Dott. Xuseen Xaaji C/lahi Fiiqow.
9).Mudane Cali Jaamac Warsame.
10).Mudane c/fataax Abshir Xareed.
11).Ing. Yaasiin Cabdi xaaji..
12):Mudane Maxamed Cali Xareed.
13).Maxamed C/qaadir.
14).Axmed Cabdi Ciise.
15).Khaliif Sheikh Cismaan.
16).Xaaji Cali Affare.
17).Dott. Maxamud Cabdi Weli .
18).Dott. Muumin.
Shirweynahaas waxaa looga dooday sidii loo mideyn lahaa dhammaan beelaha ay ka kooban tahay bahweynta direed iyo xoojinta midnimada, ujeedadiisuna ahayd xog-ogaal u noqoshada aayo-ka-tashiga iyo masiirka bahaweynta direed . “Go’aamadii shirka.
In la isu keeno aqoonyahannada iyo ganacsatada Bahweynta Direed si ay daraasad uga sameeyaan qaabka siyaasadeed ee ay dooneyso inay ku dhaqanto Mustaqbalka. In laga shaqeeyo sidii loo xoojin lahaa meelna looga soo wada jeesan lahaa taageerada qadiyadda bahweynta direed isla markaana loo adkeeyn lahaa danta guud . In laga shaqeeyo isfahansiinta iyo wada shaqaynta beelaha ku abtirsada qowmiyadda direed In loo diro ergo dhammaan dhulka ay degaan bahweynta direed sida ITOOBIYA,KEENYA,JABUUTI,SOMALILAND,SOMALIA. . Xigasho_cowslafil.com ama email subayr@hotmail.com,webmaster@hidaha.com
|