SIDEED U NOQON KARTAA QOF FARXAD BADAN?(qaybtii 2aad)
Qormadani waxay dabo socota qormadii hore ee ciwaankeedu ahaa sidee u noqon kartaa
qof farxadda badan,waxaa aynuna ka sii qaadi doonaa halkii ay inoo joogtay ,akhriste
aynu ka wada faa,iideysano.
51- Ku kalsoonow naftaada
52- iska Ilaali furaha guul-darada oo ah inaad hawlaha dib u dhigato ama aad tidhaa
hadhow ayaan qaban doonaa.
53- iska Ilaali marka aad go,aan qaadaneyso inaad dhiiran weydo.
54- ha ku lumin wakhtigaaga adoo doonaaya inaad waxyaabo badan takhasus u
yeelato,taasi waxay kaa dhigeysaa qof aan weli dhadhamin midhidhii guush.
55- bixi sadaqada haba yaraatee,waxay farxad gelisaa qalbiga,waxaanay kaxeysaa
murugada,waxaanay kordhisaa risqiga
56- ku dayo Nebi Maxamed(NNKHA),isaagaa ah hogaamiyihii guusha iyo farxadda
. 57- bookho xarumaha caafimaadaka iyo jeelasha,,si aad u dareento nimcada
caafimaadaka iyo xoriyada.
58- iska Ilaali inaad dhibaatada xajmigeeda ka weyneyso.
59- isku day inaad cudur daar ka raadiso qofka ku xumeeyay,iskana Ilaali aargoosiga.
60- iska Ilaali inaad cadawgaaga tusto cadhadaada,waayo waa inta ay doonayaan inay
tashuush kugu furan.
61- markaad dadka la fadhido u fadhiiso qaab wanaagsan,ha ku hadlin waxaan kheyr
ahayn,wejigaaga fur,ixtiraam dadka kula fadhiya,dhegeyso sheekadooda hana ka dhex
gelin.
62- ha noqon sida duqsiga oo aan ku fadhiisan ama aan ku joogsan meel xun mooyaane
meel kale,waxna ha u dhibin dadka nasabkooda,hana raadin ceebtoda.
63- iska Ilaali jacaylka aan xadka lahayn,waayo waa u cadaab qofka,waana xanuun ku
dhaca qalbiga.
64- ha eegin waxyaabaha xaaraanta kaa ah.
65- nidaami xiliyada aad wax cunto,waxna ha cunin adoo dheregsan.
66- markaad cadhooto aamus,oo shaydaanka iska naar,bedel meesha aad ku
cadhootay,hadaad taagantahayna fadhiiso.
67- ogow inaad ku fikirto wixii ku dhaafay inay ka dhigantahay adoo ka fikiraaya
sidii aad caano naas ka soo baxay aad ugu celin lahayd.
68- ogow in wixii kugu dhacaa aanay marna ku gafeen,wixii ku seegaana aanay marna
kugu dheceen.
69- hadii khasaare kugu dhoco isku day inaad guul u bedesho oo ha quusan.
70- ha ka fikirin waxyaabo khiyaali ah,si aanay kuugu furmin togoga murugada.
71- badi salaada waa alabaabka farxadda laga galee 72- farxadu waa geed
biyihiisa,cuntadiisa,hawadiisa iyo iftiinkiisu ay tahay iimaanka Alle.
73- baro cilmiga waayo wuxuu kordhiyaa araga qofka.
74- ula dhaqan dadka sida aad jeceshay inay kuula dhaqmaan.
75- hadii labadda lamaane mid cadhoodo ka kale ha aamuse,inta uu cadhaysanyahay.
76- qofka haysta guri,caafimaad iyo quutal yawm ha ogaado inuu haysto nolol aduun,
77- guusha iyo farxadda waxaa sees u ah Alle(sw) oo raali kaa noqda,dadka kuu dhow
oo raai kaa noqda iyo naftaada oo raali kaa noqota.
78- cuntadu waa farxad l maalin ah,safarkuna wa farxad wiiga,xaaskuna waa farxad
bila,xooluhuna waa farxad sannad ah,iimaankuna waa liibaan iyo farxad weligiis ah.
79- ku dedaal inaad saaxiibadaa la sheekeysato,si aad iskaga kaxeyso murugada,ogowna
in kaftanka hufan uu keeno farxad.
80- qaabka noloshaadu yeelaneyso wuxuu ku jira gacmahaag,hadba qaabee noloshaada oo
ka xidhan muraayad madow.
81- farxadu kuma jirto nasabka iyo xoolaha toona balse waxay ku jirtaa
diinta,cilmiga,edebta iyo akhlaaqda wanaagsan.
82- ka fikir guulaha aad gaadhay iyo wanaaga aad sameysay kuna farax.
83- ogow in Allihii kaa kexeeyey murugadii shalay uu kaa kaxeynaayo ta maanta iyo ta
berriba,isaga talo saaro.
84- ogow in adiga iyo qofka kaa sareeya ay hal maalin u dhexayso,waayo shalay waa
tagtay oo soo noqon meyso,berrina isaguna ma laha adna ma lihid,laakiin maalintaa la
joogo oo keliya ayaa idiin dhexaysa.
85- farxadu waxay fir-fircooni gelisaa nafta,waxaanay keentaa karti.,noloshana
qiimey u yeeshaa.
86- qaamuuska(dhigshineriga)farxadda iyo liibaantu wuxuu ka koobanyahya kelmad
keliya waana raali ahaansho,hadba ka raali noqo naftaada.
87- hadii dhib kugu dhaco isku day inaad markaba meesha ka saarto.
88- hadii dhib kugu dhaco xusuuso inta dhib ee kugu dhacday ee Alle kaa bad-baadiyey
si aad u ogaato in Allihii dhibtii hore kaa bad-baadiyey uu tana kaa
bad-baadindoono.
89- markaad go,aan qaadaneyso ha qaadin go,aan aadan ka fiirsan oo aadan dhinacyo
badan ka eegin,lana tasho dadka aad ku kalsoontahay,hadii aad guuleysato waa sidii
aad dooneysay,hadii aad guul dareysatona murugoon meysid waayo go,aanka waa lagula
wadaagay.
90- dadka caqliga badan waxay leeyihiin asxaab badan,cadowgooduna wuu yaryahay,waayo
saaxiib sannad baad ku heshaa,cadowna hal maalin,wanaagna waxaa leh qofka Alle siiyo
dabeecad wanaag.
91- hadii alle ku siiyo nimco ku dabar mahad-naq,kuna ilaasho daacada Alle,kuan
dedaal is dhuldhiga si ay kuugu sii joogto.
92- qofka ku sifiiba Alle ka cabsi,iimaan ka muuqdo,akhlaaqdiisuna wanaagsantahay
wuxuu gaadhaa jacaylka Alle iyo ta dadka,wuxuuna ku noolaadaan farxad.
93- ha noqon caajis low waayo caajislowgu wuu murugo badan yahay
94- nolosha inteeda qadhaadh waxaa ka badan inteeda macaan,sirtuna waxay tahay sidee
maskaxdu inoo gaadhsiisaa macaanka nolosha.
95- gabadhu haday hesho aduunyo kasta oo ay hesho bilado badan,laakiin aanay lahayn
nin (say)way ka faro badhnatahay farxadii nolosha.
96- nolosha dhameyska tirani waa adoo ku bixiya dhalinyaranimadaada hiigsi iyo
hanqaltaag,da,dada dhexana halgan,gabowgaagana ka fiirsi
97- ku canaano naftaada wixii ay ka gaabisay,cid kalena ha ku canaanan
98- ha ku qancin naftaada inay dadka ka sareyso,iskana Ilaali inaad wax kasta anni
tidhaahdo.
99- ku dedaal qosolka dhoolocateynta ah ee aan codka wadan si aad u laab
furnaato,murugaduna kaaga tagto,farxadna u keensato.
100- farxadu waxay ku jirtaa cibaadada, qofka daa,ima istiqfaartuna wuxuu ka mid
noqonayaa dadka farxadda badan
Diyaariye:Axmed Maxamed Muuse
Email-. Caalim44@hotmail.com
kampala,uganda