Xusuuso xidigihii ugu wanaagsanaa kooxda ugu guulaha badan dalka Talyaaniga ee Juventus

Filed under: Maqaalo,Wararka Somalia |

Xusuusta xidigihii ugu wanaagsanaa kooxda ugu guulaha badan dalka Talyaaniga ee Juventus

20.08.2010, Hidaha.com.

Kooxda Juventus waa naadiga ugu guulaha badan wadanka Talyaaniga waana kooxda loogu jeceyl badan yahay marka ay timaado kubadda cagta Talyaaniga waxaana ay Juventus leedahay Taageerayasha ugu badan gudaha wadanka Talyaaniga. 

Hadaba waxaa qormadaan ku eegaynaa xulkii ugu wanaagsanaa ee soo maray naadiga lagu naanayso Marwada Da’da ah ama Dameer Faroowga ama waxaa kaloo loogu yeeraa gabadha saaxibka Talyaaniga.

Tababareyaal badan ayaa soo maray kooxda Juventus waxaa kamid ah Capelo,Marcelo Lippi iyo kuwo kale oo ka horeeyay laakin waxaa loo doortay tababare xulka taariikhda Juventus Tababaraha lagu magacaabo Giovanni TRAPATTONI.

Giovanni TRAPATTONI waa tababaraha ugu guulaha badan tababarayasha u dhashay wadanka Talyaaniga taariikhda isagoo labo jeer tababare u ahaa kooxda Juventus sanadihii u dhaxeeyay 1976 ilaa 1986 waa uu ka tagay laakin mar kale ayuu dib ugu soo laabtay Koxda Juventus isagoo macalin u noqday intii u dhaxaysay 1991 ilaa 1994 mudda saddex horyaal ah.

Tababare Giovanni TRAPATTONI wuxuu tababare u ahaa naadiga Juventus 402 kulan oo horyaalka Talyaaniga mana jiro tababare intaas kulan macalin u ahaa kooxda Juventus kulamada Horyaalka Talyaaniga ee Serie A.

Hadaba waa kuwan xulka xidigaha kooxda Juventus.

Dino ZOFF 1972-83

Gool haye Dino ZOFF wuxuu noqday geesi qaranka wadanka Talyaaniga markii da’diisa ay gaartay 40 sanno,wuxuu  qaaday koobka adduunka 1982 isagoo kabtanka xulka Talyaaniga ah.

Dino ZOFF wuxuu ahaa  gool hayaha 1-aad ee kooxda Juventus muddo 11 sanno kadib markii ay kazoo iibsadeen kooxda Napoli sanadkii 1972,wuxuu kula guulaystay lix horyaalka Talyaaniga,labo koobka wadanka Talyaaniga ah,koobka Uefa Cup wuxuuna mudo gaaban soo noqday tababaraha Juventus ka hor intii uusan noqonin tababaraha qaranka Talyaaniga.

Gaetano SCIREA 1974-86

Xidigaan Gaetano SCIREA wuxuu ahaa daafac wanaagsan isagoo kazoo bilaabay ciyaarihiisa iskuulada isla markaana uu noqday mid kamid ah xidigaha geesiyaayasha qaranka Talyaaniga.

Wuxuu kubadda u aqrin jiray sida cashar loo soo dhigay xalay oo kale (He read the game as if he had studied it the night before) wuxuuna aha mid caalami ah kaasi kubadda casriga caalamka ee xiligas ciyaarayay wuxuuna u dhashay mid ah hogaamiye run ah.

Gaetano SCIREA wuxuu naxdin leh ugu dhintay shil gaari sanadkii 1989-kii  xilli uu ku guda jiray howlo wakiilnimo ee kubadda cagta wuxuna u joogay dalka Poland inuu daawado kulan ciyaareed halkas ka dhacayay si uu ciyaaryahano u qalma kooxda Juventus halkaas uu ka hello.

Ciyaaryahankaan Gaetano SCIREA wuxuu  kamid ahaa xubnihii muhiimka ee wadanka Talyaaniga u qaaday koobka aduunka 1982 isagoo 377 kulan oo horyaalka Talyaaniga uu u saftay kooxda Juventus.

Antonello CUCCUREDDU 1969-81

Ciyaaryahankaan Antonello CUCCUREDDU wuxuu lix horyaal la qaaday kooxda Juventus intii u dhaxaysay 1971 ilaa 1981.

Antonello CUCCUREDDU wuxuu ahaa daafac awood leh kaasi oo ku guulaystay inuu kamid noqdo xulka qaranka Talyaaniga wuxuuna ciyaarihiisa kasoo bilaabay heerka 3-aad ee wadanka Talyaaniga Serie C isagoo u soo ciyaarayay kooxda Torres 1967-dii ka hor intii uu ku biirin  kooxda Brescia sanad kadib.

Claudio GENTILE 1973-84

Claudio GENTILE ma jiro xidig ku daafac ahaa xiligiisa ama waxaa dhihi karnaa xiligaan sida uu ugu dagaalami jiray kubadda wuxuna ku caan  baxay joojinta kubado weerar ah oo kooxdiisa ay kala kulmi kartay naadiyada kazoo horjeeday.

Wuxuu kamid noqday Claudio GENTILE xidigaha joogtada kooxda Juventus isagoo ay kazoo iibsadeen kooxda Varese wuxuuna kula guuulaystay kooxda Juventus lix horyaal wuxuuna door muhiim ka ciyaaray kulamadii xulka Talyaaniga ee koobka aduunka 1982.

Antonio CABRINI 1976-89

Antonio CABRINI wuxuu ku biiray kooxda Juventus 1976 isagoo ay kazoo qaateen naadiga Atalanta wuxuuna heer sare ka gaaray kooxda Juventus.

Antonio CABRINI wuxuu ahaa mid ku ciyaara lugta bidix dad badana waxay aamin san yihiin in Juventus aysan wali helin nin la mid ah Antonio CABRINI wuxuuna sidoo kale kamid ahaa xulkii Talyaaniga 1982 waxaana lagu xasuustaa in ciyaartii Finalka uu qasaariyay Rigoore kulanki Finalka ee Jarmaka iyo Talyaaniga dhexmaray oo Talyaaniga koobka ku qaaday 1982.

Marco TARDELLI 1975-85

Xidigaan Marco TARDELLI wuxuu ahaa mid ka ciyaarayay boos kasta oo qadka dhexe ah wuxuuna ku soo biiray kooxda Bianconeri Juventus 1975 isagoo ay kazoo qaateen naadiga heerka 2-aad ee Como.

Marco TARDELLI wuxuu samayn muuqada oo dhab ah ku yeeshay kooxda Juventus isagoo markii uu kusoo biiray Juventus in ka yar sanad uu boos ka hellay qaranka Talyaaniag waxaana kulankiisa ugu horeeyay uu ciyaaray ciyaar Talyaaniga kaga horjeeday wadanka Portugal.

Rug cadaaga shanta horyaal la qaaday Juventus Marco TARDELLI ayaa sanadihii sidee tamaadkii isagoo kadib u ciyaaray tababarena u noqday kooxda Inter Milan.

Giampiero BONIPERTI 1946-61

Xidigaan Giampiero BONIPERTI wuxuu ahaa xidig qadka dhexe ah oo leh weerar wuxuuna heystaa rikoorka safashada kooxda Juventus ee horyaalka isagoo 444 kulan u ciyaaray Juventus 178 goolna u dhaliyay horyaalka Talyaaniga oo kaliya.

Giampiero BONIPERTI wuxuu bilawgiisa ahaa weeraryahan ka hor intaa boos gadaal ee qadka dhexe uu san ka ciyaarin wuxuuna noqday kabtanka kooxda Juventus isagoo sidoo kale u ciyaaray xulka Azzuri ee Talyaaniga 38 kulan isagoo noqday gudoomiyaha kooxda Juventus ka hor intii uusan isaga tagin bartamihii shagaashamaadkii.

Zinedine ZIDANE 1996-01

Zinedine ZIDANE waa laacib ku soo biiray kooxda Juventus 1996 kadib markii ay kazoo iibsadeen kooxda Bordeaux ee dalka Faransiiska wuxuu ahaa xidig da’yar oo leh farsamo wanaagsn isagoo si dhaqse ah u ku noqday laacibkii ugu wanaagsanaa ee koobka adduunka iyo caalamka sanadkii 1998.

Zinedine ZIDANE wuxuu ku guulaystay labo horyaalka Talyaaniga ah,Super Cup-ka Yurub koobka adduunka iyo super Cup-ka Talyaaniga ka hor intii uusan Real Madrid aysan kaga iibsanin kooxda Juventus 48 Milyan oo gini wuxuuna doonayay hamigiisa ah inuu qaado koobka horyaalada Yurub kadib markii kaalinta 2-aad uu ka galay koobka horyaalada yurub labo jeer waayihiisa Juventus.

Michel PLATINI 1982-87

Diiqii Reer France  Michel PLATINI waxaa lagu xasuustaa nambarkii 10-aad ee kooxda Juventus wuxuna ahaa xidig qadka dhexe kaasi oo dhaliyay goolal ka badan kuwii ay dheliyeen weeraryahanadii ugu wanaagsanaa waayihiisa wuxuuna awood u lahaa inuu kubad baas sax ah uu siiyo xidiga ay isku naadiga yihiin qiyaas meel u jirta 40-50 Yard isagoo noqday xidiga ugu wanagsan qaaradda yurub intii u dhaxaysay 1983 ilaa 1985 wuxuuna isteersada ama ahaa hogaamiyihii guulaha Juventus iyo xulka Faransiiska koobkii qaramada yurub 1984.

Omar SIVORI 1957-65

Weeraryahankaan dalalka badan u ciyaaray Omar SIVORI  wuxuu kooxda juventus u dhaliyay goolal gaaraya 134 gool horyaalka kaliya dabayaaqadii 50 meeyadii iyo horaantii lixda meeyadii.

Omar SIVORI wuxuu noqday kaabaha dhalinta goolasha Talyaaniga (apocannoniere) 1960-kii 27 gool ayuu ku qaaday waxaana kamid ahaa lix gool oo uu ka dhaliyay kooxda Inter kulan Juventus ay 9-1 kaga badisay kooxda Inter.

Roberto BAGGIO 1990-95.

Xidigaan Roberto BAGGIO wuxuu soo if baxay horaantii sagaashameeyadii kadib markii uu kusoo biiray kooxda Juventus isagoo kamid ahaa xidigihii dalka Talyaaniga u matalay koobka aduunka 1990-kii waxayna Juventus kusoo iibsatay lacagihii ugu badnaa caalamka ee xidig lagu soo iibsado xiligaas 8 Milyan ayayna kaga soo qaadatay kooxda Fiorantina.

Maxaaa dhacay imaatanki Roberto BAGGIO kooxda Juventus.

Taageerayaasha kooxda Fiorantina ayaa rabshado ka dhigay wadooyinka magaalada Florence iyadoo rabshadahaas ka dhacay magaalada ay ka dhisan tahay kooxda Fiorantina ee Florence ay saldhig u ahayd iibinti Juventus laga iibiyay Roberto BAGGIO kaasi oo ku qaatay waayihiisa ugu wanaagsana magaalada Turino wuxuuna isaga tagay 1995 kadib markii uu u qaaday horyaalka Talyaaniga iyadoo Juventus xeratay taajka boqornimada wadanka Talyaaniga wuxuuna intii uu joogay Roberto BAGGIO kooxda Juventus uu noqday laacibka ugu wanaagsan Yurub iyo Caalamka sanadkii 1994 ka hor hal sano ka tagistiisa kooxda Juventus isagoo kadib u soo ciyaaray naadiyada Ac Milan,Inter iyo kooxo kale.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>