Suuuqa kala iibsiga ciyaartoyda qaarada yurub ayaa soo xirmay habeenkii xalay ahaa waxaana saacadihii ugu danbeeyay kala wareegay kumanaan ciyaaryahano oo isku dhaafay qaaradaha aduunka kuwasoo qaarna horyaaldooda ay bilaaban doonaan qaarka ayba socdaan. Waxaase xiiso lahaa kooxaha yurub iyo sida ay ugu baayactameen ciyaartoyda sameynta weyn leh.
Hadaba Shabakada Goal.com ee ka faaloota ciyaarayaha kuabada cagta ayaa qiimeyn ku sameysay ciyaartoydii la kala iibsaday mudadiii uu furnaa suuqa kala iibsiga ciyaartoyda waxayna soo saareen 20 ciyaaryahan ee ugu muhimsanaa ee u kala wareega kooxaha ka dhisan qaarada yurub.
1- David VILLA Barcelona – Valencia – 40 Milyan oo Yuuro.
Ciyaaryahan David Villa waa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu waa weyn ee xiligaan u kala wareega kooxaha qaarada yurub, waxaana ciyaaryahanka lagu naaneeso ‘El Guaje’ uu dab u ku suu dari doonaa weerarka shidan ee kooxda Barcelona, isagoo weliba rajo ka qaba inuu ku guuleysto abaal marino caalami ah ka dib markii uu wax la soo qabtay xulkiisa.
2- Javier MASCHERANO Barcelona – Liverpool – 21 Milyan oo Yuuro
Mascherano oo la qabsan waayay dhinaca nolosha dalka Ingariiska ayaa ugu danbeyn riyadiisi aheyd inuu ka tago Ingariiska ay u rumowday isagoo ku biiray kooxda Barcelona, Barcelona ayaa ku guuldareysatay inay Cesc Febragas soo iibsato lakiin bedelkiisa waxa ay heleen Javier Mashcerano oo sugayay inay koox uuna ka soo dhex bixiso magaalad liverpool oo xaaskiisa ay dhib weyn ku qabtay.
3- Zlatan IBRAHIMOVIC AC Milan – Barcelona – 8m+24 Milyan oo Yuuro
Weraryahankaan lacagtii lagu iibsaday si cad uma cada, lakiin lacagta ugu danbeysay ee ay bixin doono Ac Milan ayaa cad marka laga soo tago amaahda uu haatan ku baxay walow ay Ac Milan heshiis rasmi ah la saxiixan doonto sanadka danbe. Inkastoo Ibrahimovic uu Flop ka aha horyaalka Spain hadana waxaa hubinti inuu si wacan u yaqaano sida goolal looga dhaliyo horyaalka Talyaaniga isagoo soo maray kooxaha Juventus iyo Inter Milan.
4- Marouane CHAMAKH Arsenal – Bordeaux – Bilaash.
Arsenal ayaa ku heshay inay ciyaaryahanka Moroccanka ah inay kula soo wareegto si lacag la’aan ah isagoo ah ciyaaryahan wax weyn ka bedeli kara qaabka ciyaarta, weeraryahankii hore ee kooxda Bordeaux ee dalka faransiiska ayaa argagixiye ku noqon karo dafaacyada ka soo horjeeda isagoo kaashanaya ciyaaryahan Robin van Persie.
5- DIEGO Wolfsburg – Juventus – 15.5 Milyan oo Yuuro
Hal xilli ciyaareed ayuu laacibkaan reer Brazil u ciyaaray kooxda Juventus lakiin hadana waa ku guuldareysaty inuu soo bandhigo wixii laga filaayay, lakiin waxaa hubanti ah inuu Wolfsburg xidig ka noqon doono madaama uu si aad ah u yaqaano kubada Jarmalka oo la moodo in isagoo oo kale horyaalka Jarmalka loo sameeyay.
6- Yaya TOURE Manchester City – Barcelona – 29 Milyan oo yuuro
Kooxda boorsada lacagta badan ku jirto heysata ayaa ciyaaryahanka qad dhexe oo fiican ku sii dartay qadkooda dhexe ee awooda leh. waxaana ciyaaryahanka Muslim ka ah ee Ivory Coast u dhashay uu ka garab ciyaari doonaa walaalkiis daafaca ah Kolo Habib Toure.
7 – ROBINHO AC Milan – Manchester City – 18 Milyan oo Yuuro
Ac Milan ayaa lacag jaban ku heshay mid ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican dunida, waxaan robinho uu ka garab ciyaari doonaa Ronaldinho, waxayna Milan isaga iyo Ibrahimovic ay u horseedi karaan inay xilli ciyaareedkan koobab ku guuleystaan.
8- Simon KJAER Wolfsburg – Palermo – 14 Milyan oo Yuuro
9- Mario BALOTELLI Manchester City – Inter – 30 Milyan oo yuuro
10- Mesut OEZIL Real Madrid – Werder Bremen – 15 Milyan oo Yuuro
Ozil oo asalkiisu Turki yahay ayaa ka mid ah ciyaartoydii ugu fiicneed ee koobkii aduunka, waxaana kooxdiisa Werder Bremen ay ku qasbaneyd inay iska iibiso madaama sanad ka dib uu si bilaasha uga tagi lahaa waxaana ay door bideen inay qaataan lacagta ay u soo bandhigtay kooxda Real Madrid.
11- Ricardo CARVALHO Real Madrid – Chelsea
Inkastoo Real Madrid dhinaca daafaca ay mushkilad ka heysatay hadan sadaasha ma aheyn in Ricardo Carvalho uu soo wareegi doono, waxaana 32 jirkaasi uu sii adkeyn doono daafaca kooxda uu tababaraha u yahay Jose Mourinho oo isku magacabay “Special One”.
12- Yoann GOURCUFF Lyon – Bordeaux – €22 Milyan
13- Milos KRASIC Juventus – CSKA Moscow – €15 Milyan
14 – David SILVA Manchester City – Valencia – 30.2 Milyan oo Yuuro
15- Nicolas BURDISSO Roma – Inter – 8 Milyan oo Yuuro
16- Loic REMY Marseille – Nice- 15 Milyan oo Yuuro
17- RAMIRES Chelsea – Benfica – 22 Milyan oo Yuuro
18- Stephen IRELAND Aston Villa – Manchester City – 9.8 Milyan oo yuuro
19- Carlos EDUARDO Rubin Kazan – Hoffenheim – 20 Milyan oo yuuro
20- Aleksandr KOLAROV Manchester City – Lazio – 19.3 Milyan oo Yuuro