Anagoo al,itixaad iska fiican ah ayay carabi noo keentay Khamiisyo,Kutubo,Timirtoo Yar, Markaas ayaan Ku Kala dhimanay“

Filed under: Diinta,Wararka Somalia |

Sh Xassan Xuseen oo aysan dhamaan la yaabkiisa yaa shaaca ka qaaday arin lagu xaman jiray wadaada Itixaadka oo aan markii hore been uga haystay dadkii sheegi jiray in Wadaada Itixaadka Timir ay Carabi ku sadaqaysatay ku kula tageen.

“Wadaadu say isugu fiicanyihiin xogoo timir ah baa dhex mari mararka qaarkood waxay tagaysaa Laa Misaasa( Is taabasho ma jirto) kulama hadli karo ilama hadlaysid ha i soo fiirinin waa la isku baaba’ahayaa bahashan xiljecladu musiibo weeye………”

Sh Xassan oo ah wadaad takfiiri ah in badanna aan ka fiirsan waxa uu ku hadlayo ayaa dhib weyn ku haya Ururka Al-itixaad oo maalinba maalinta ka dambeysa sheegaya ceebahoodii u qarsoonaa.

Halkan ka dhageyso Sh Xassan oo arintaas banaanka soo dhigay

Waxaa la Xasuustaa waagii Timirta iyo Khamiisyada ay carabtu siin jirtay Ururka Al-itixaad in ay siin jireen un ciddii Itixaad ah, ama Qoftii Xirataa Xijaabka ay Dumarkoodu Xiranyihiin, wagaasna suurta gal uma ahayn hablaha soomaaliyeed inay wada xirtaan Xijaabka hadda caanka ku yihiin Dumarka Soomaalida Duruufo jira awgood.


Godob falka ay arintaas ku galeen lama soo koobi karo, waxaase la hubaa marka ay soo gaarto Xaafiska ay joogaan horgalayaasha inay marka hore iyagu qaadan jireen wixii navfi leh ileen timirta kala fiican dharkuna kala roonee.


Sidoo kale waalidkii aan ilmihiisu dhigan madarasada Al-Itixaadka iyagana waxbo lagama siin jirin, Waxaa la oran karaa carabi waxay sadaqo u soo bixisay ayay iyaguna u adeegsadeen inay fikrkooda ku faafiyaan, waad dareemi kartaa hooyo aan waxbo haysan markii shardi looga dhigo inay caruurteeda gayso Dugsiga si ay wax uga hesho deeqda Muxsiniinta carabta soo dhiibeen.


Ilaahay wuxuu Qadaray inay iyagii isku qabsadaan huudheeydii carabata u soo dhiibtay, walina ku kala dhintaan oo salaanta Islaamka iska qaadi waayaan, Arintaasna waxaa noo Xaqiijyay Sh Xassan Xuseen oo ka mid ah Ururka Al-Itixaad wali kuwiisa Takfiirka ah.


Ragaas timir carabi soo sadaqaysatay ku heshiin waayay, umadii kale aan ahayn Itixaadna ka hagraday miyaa umada masiirkooda ku heshiin kara? Qofkii rajo ka qabayoow ku quus qaado arintan dhacday.


Si kastaba ha ahatee waxaan dadweynaha u sahli doonaa inay dhagahooda ku dhageystaan xaqiiq badan oo horay loo qarin jiray ama aan la sheegin, waxaadna dhawaan filataan codad kale oo banaanka soo dhigaya ceebaha kooxaha sida qaldan Diinteena Islaamka ah ugu qaraabta

Culumo badan oo ka tirsan Ururkaas ayaa in badan isku dayay in Xassan ay kala hadlaan inuu joojiyo faafinta arimaha Xasaasiga ah oo ay ogyihiin rag fara ku tirsi ah oo Ururka Al-Ictisam ka ahaa madax, waxaase arintaas si camaliyan ah ugu gacanseyray Sh Xassan oo waa naadir inaad dhageysatid hadaladiisa wax ka mid ah ilaa wuxuu xaqiijiyaa arimo aan markii hore la hubin oo ay dadku isla dhex mari jireen.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>