Kooxda Inter oo soo saartay liiska ciyaaryahada ugu qeyb galaya koobka horyalada Yurub.
Kooxda inter ayaa magacaawday xulka 31 xidig ee matalaya koobka horyaaliinta yurub waxaana kamid ah lix xidig oo da’yar kuwaas oo ku jira heerka B ama qeybta 2-aad.
Naadiga difaacanaya koobka horyaalada Yurub Inter Milan ayaa waxay kusoo dartay ilaa afar ciyaaryahan kuwaas oo kusoo bar baaray juunyarka Inter waxayna kala yihiin Joel Obi, Paolo Orlandoni, Davide Santon iyo Ludovic Biabiany.
Waxaa jira kuwo la geeyay heerka B ama dooqa 2-aad waxayna kala yihiin Luca Castellazzi, Marco Materazzi, Goran Pandev iyo Sulley Ali Muntari.
Hadaba waa kuwan magacyada 31 ciyaaryahan ee Inter Milan u matalaysa horyalka yurub.
1 Julio Cesar, 2 Ivan Cordoba, 4 Javier Zanetti, 5 Dejan Stankovic, 6 Lucio, 8 Thiago Motta, 9 Samuel Eto’o, 10 Wesley Sneijder, 11 Sulley Muntari, 12 Luca Castellazzi, 13 Maicon, 17 McDonald Mariga, 19 Esteban Cambiasso, 20 Joel Obi, 21 Paolo Orlandoni, 22 Diego Milito, 23 Marco Materazzi, 25 Walter Samuel, 26 Cristian Chivu, 27 Goran Pandev, 29 Coutinho, 30 Amantino Mancini, 34 Cristiano Biraghi, 35 Andrea Romanò, 39 Davide Santon, 40 Obiora Nwankwo, 48 Lorenzo Crisetig, 54 Simone Dell’Agnello, 57 Felice Natalino, 88 Ludovic Biabiany, 92 Alberto Gallinetta
Naadiga Juve oo ka reebtay saddex xidig liiska xidigaha Yurub ugu qeyb galaya.
Gool hayaha naadiga Juventus iyo xulka Talyaaniga Gigi Buffon,weeraryahanka reer Talyaaniga Fabio Quagliarella iyo xidiga dhawaan ay lasoo wareeegtay ee Alberto Aquilani ayaa laga reebay liiska xidigaha u matalaya koobka yurub kooxdaas.
Kooxda Bianconeri ayaanan ciyaarsiinaynin weeraryahankii hore naadiga Napoli Fabio Quagliarella iyo xidigii hore ee qadka dhexe Liverpool Alberto Aquilani maxaa yeelay waxay kasoo muuqdeen kulamo yurub ka tirsan oo naadiyadooda horey ay liiska ugu darsadeen.
Gool haye Gigi Buffon ayaa wali dhaawac qaba iyadoo xidigaan uu kasoo kabanayo qaliin dhabarka loogu sameeyay isagana waa laga saaray xulka Juventus.
Xidigaha dhawaan ay lasoo saxiixdeen ee kala ah Armand Traoré and Leandro Rinaudo ayaa ku jira liiska xidigaha yurub laakin xidigaha kala ah Hasan Salihamidzic iyo Fabio Grosso ayaa suuqa uu ku xermay.
Habadaba waakan liiska oo dhameystiran.
A: 2 Motta, 3 Chiellini, 4 Felipe Melo, 5 Sissoko, 8 Marchisio, 9 Iaquinta, 10 Del Piero, 11 Amauri, 13 Manninger, 17 Traoré, 19 Bonucci, 20 Lanzafame, 21 Grygera, 23 Pepe, 25 Martinez, 26 Rinaudo, 27 Krasic, 29 De Ceglie, 30 Storari, 31 Costantino, 33 Legrottaglie, 35 Buchel, 39 Camilleri, 40 Spinazzola, 41 Giannetti.
34 Ferrero, 36 Giandonato, 37 Boniperti, 38 Libertazzi, 42 De Silvestro
Ac Milan oo shaacisay liiska xidigaha Yurub ugu qeyb galaya.
Naadiga Ac Milan ayaa waxay shaacisay liiska xidigaha ugu qeyb galaya koobka horyaalada yurub iyadaoo Pato lagu daray liiska Juunyarka
Kooxda Rossoneri ayaa suuqa kala soo wareegtay xidigo dhaxal gal ah saacadihii ugu dambeyay iyadoo weeraryahano ay gacanta kusoo dhigtay.
Xidigaha ay lasoo waregtay ayaa kala ah Zlatan Ibrahimovic, Robinho,halka Ronaldinho Pippo Inzaghi, ay kamid yihiin kuwo kale oo iyana la aamini karo waxana ku jira weerarka Ac Milan Pato oo kasoo muuqday qeybta B.
Hadaba waa kuwan magacyada xidigaha ugu qeyb galaya koobka
Goolhaye: Abbiati, Amelia, Roma.
Daafac: Nesta, Papastathopoulos, Oddo, Jankulovski, Zambrotta, Bonera, Thiago Silva, Yepes, Antonini.
Dhexda: Gattuso, Seedorf, Flamini, Abate, Pirlo, Ambrosini, Boateng.
Weerar: Inzaghi, Ibrahimovic, Robinho, Ronaldinho.
Pato, Strasser