Marwo Xaawo waa hooyo codsatay inaan magaceeda oo buuxa iyo sawirkeeda aan la qaadan arimo nabad gelyo aawgood waana hooyo leh caruur oo gabadha u weyni ay qaan gaartahay.
Hooyo Xaawo waxay dhabarka u xiratay inay qoyskeeda usoo dhiciso nolol maalmeedka bacdamaa uu Aabaha reerku yahay baagamuundo balwada Qaadka isticmaala, Hooyo Xaawo waxay laheyd Miis weynoo lagu iibiyo qudaarta nuucyadeeda kala duwan iyo macaamiil joogta u aheyd oo ka adeegta mudo waxay howshaasi soo wadaba waxay ii sheegtay inay maalin maalamaha ka mida iyadoo ku sugan suuqa qudaarta ee Bakaaraha ay labada daan ka haleeshay xabad ka soo dhacday qoriga loo yaqaan Bkm(dabajeex), isla markaana inta badan ilkihii iyo gowsihii ay ka daateen, iyadoo markiiba nasiib u yeelatay inay ka mid noqoto dadkii loola cararay mid ka mida Isbitaalada Muqdisho.!!
Taqaatiirta isbitaalka waxay la tacaaleen inay u qabtaan howlo gargaar iyagoo sheegay in aanay waxba ka qaban karin dhaawaca Hooyo Xaawo oo dhinaca kale aan helin gargaar marka laga reebo gabadheeda weyn oo isku waday u adeegida hooyadeed iyo macaamiisha miiska Qudaarta.
Sebtember 2008-di ayaa hooyo Xaawo dadaal dheer oo loo galay kadib ay nasiib u yeelatay in ay ka mid noqoto afar qof oo loo qaaday magaala madaxda Kampala ee dalka Uganda.
“Ma fileyn runtii in aan waligey marki iigu horeysay aan diyaarad raaco anagoo ka koobneyn wiil dhalinyaro ah oo kaadi heysta xabad uga dhacday iyo laba caruura oo indhaha, sanka Afka uu ka haleelay firirka madfac ku habsaday hooygooda, runtii ma maleyneyn sidii wefdi in naloogu sugayo garoonka Diyaaradaha oo halkaas taqaatiir iyo saraakiil ciidan ay nooga qaadeen gawaarida Ambalaasta” ayay tiri hooyo Xaawo oo intaa raacisay in laga bixiya tubo dhuunta uga jirtay oo laga siin jiray Mushaariyo Caano u badan.
“Lix bilood kadib ayaan dareemay in aan afkeyga wax ku cuni karo, Ilaah ayaa mahadaas iska leh kadibna Madaxweyne Museveni iyo shacabkiisa Uganda, waayo waxaa dhibkaan noo geystay waa wiilasheynii Soomaaliyeed, waxa dadaalkaan noo sameeyeyna waa wadan deriskeynaa oo Afrikaan ah” ayay ku celcelisay Maama Xaawo oo iminka u muuqatay qof caadi ah oo ilkaheedii iyo labdeedii daan ay noqdeen kuwo caadi ah, iyadoo xog wareysigeedii ku soo gebogebeysay mahad waxaa leh Mowlahey inta madowna Museven.
W/D: Maxamed Wadani.
Musaveni iyo Uganda abaal badan bay u galeen somali laakin wax ma garatadu ma fahsansana,abaalka uu musaveni u galay somali carab iyo islaam kale tona uma gelin,hoyadaa in loo qaado wadan carab ah ma suurto gasheen,laakin ugana wataa ka suurto gashay,long live your excellence mr musaveni the president of the repuplic of uganda
mujaahidka surre - September 2, 2010
9:35 am