maxaad ka ogtahay sheekadii qeys & Leyla

Filed under: Qisooyin Jaceyl,Wararka Somalia |

Layal iyo Qays, waa sheeko jaceel ah oo ka mida sheekooyinka ugu caansan
bariga dhexe. Sheekadan waxay taariikhdeedu u noqneysaa illaa qarnigii
7aad. Layla iyo Qeys waa sheeko sida oo kale ku faaftay waqooyiga Afrika
iyo India. Hadaba Layla iyo Qeys maxay ahaayeen? Sheekadoodu siday se u
dhacday?

Nin la odhan jiray madjnun(ninkii waalnaa) oo magaciisa caadiga ahi uu
ahaa Qays ayaa Layla kula kulmay si kedis ah meel ay dumar xaflad ku
lahaayeen dabadeed wuxuu bilaabay inuu geeliisii gawraco munaasibadaa
haweenka awgeed,haweenkan waxaa ku jirtay Layla ,Layla waxay jacayl u
qaaday Qays isna mid kii la mida ayuu u qaaday,
si dhakhso ah ayaa Qays u doonay layla in uu u geed fadhiisto oo wuu
weydiisto Aabaheed ,balse nasiib daro layla Aabaheed hore ayuu nin kale
ugu balan qaaday inuu inantiisa siinayo,Qays arrintaasi waa u
cuntamiweyday wuxuuna ku adkeystay in layla la siiyo,halka Layla
aabeheedna ku adkeeystay in innantiisa uu nin kale ugu balan qaaday,Qays
wuxuu noqday nin jacayl qaaday laakin innantii uu u qaaday ku
hunguubay,Qays oo jacaylka Layla uu ku dheeraa ayaa ka samri waayey
dabadeed wuxuu bilaabay inuu dugaaga weheshado oo uu duurjoogta u
tago.Qays aabihii ayaa isku deyey inuu ilawsiiyo inankiisa jacaylkan
haleelay balse qays xanuunkiisii waa ka sii daray oo wuxuu noqday nin
waalan oo xiskiisii ayaa raacay Layla.

Qays wuxu u tiriyey Layal gabay badan oo uu mar ku amaanaayo,marna ku
calaacalaayo,marna uu ku muujinaayo marxaladan cusub ee la soo
deristay.gabayada Qays uu u tiriyey Layal waxay qayb ka noqdeen
suugaanta Beershiya iyagoo u isticmaali jiray siyaabo kala duwan waxaa
la sheegaa mararka qaar inay u isticmaali jireen hees hawleedyo.

Isla marka uu Qays ku sugnaa xaaladaas Layla waxay joogtay gurigooda oo
lagu ilaalinaayey iyada oo gabayada uu tirinaayo Qays ay ka dhigeen Layal
mawduuca qudha oo lagu sheekeysto iyo xanta dadka.

Layla aabeheed wuxuu balan ku galay inuu Qays ka ilaaliyo Layal,qiimaha ay
doonto ha ugu kacdee,waxaa la sheegaa in nin la yidhaa Ebne-e salam u
weydiistay Layal aabeheed inuu siiyo laakin Layal aabeheed wuxuu ninkaa u
sheegay in innantiisu weli yartahay oo uu sugo ilaa dhowr sanno si ay ugu
soo korto, Qays wuxu galay nolol adag oo silic leh,sheekadii Qays waxay
gaadhay nin la odhan jiray Nezamis’s oo ahaa nin deeqsio ah oo sida la
sheegay boqor ka ahaa dhulkii Beershiya ee hada loo yaqaan Iiran,ninkaas
oo isku deyey inuu Qays la taliyo laakin markii u kala quustay waano iyo
talo ayaa la sheegaa in Boqorkaa ay ka gaadhay in uu weerar ku qaado Layal
reerkii ay ka dhalatay isagoo ka doonayo reerkaas in Layla iyo Qays laysa
siiyo hadii kale dhiig daadan doono.

Inkastoo oo dagaalkii dhacay oo la jebiyey Layal qabiilkoodii hadana
Aaabaheed wuxuu ku adkeystay in aanu marnaba Layal siin doonin Qays isagoo
ku dooday in Qays dhulka dhigay oo burburiyey sharaftii Layla,wuxuuna
odhan jiray dabeylkasta oo soo dhacdaa waxay sidaa magicii
innanteyda,isago sheegay in Layla oo uu Qays siiyaa uu ka dooranyo inuu
dilo oo qudha ka jaro Layal.

Boqorkii wuxu ogaaday in aanu ku guuleysaneyn inuu Layal aabeheed ku
qanciyo in uu isa siiyo laamanahan isku dhibaateysan faraha ayuuna ka
qaaday arrintii Layal iyo qays, ninkii Layla loogu balan qaaday ayaa
doonay inuu ka faa,iideyso jaaniskaa isagoo u yimid Layala aabaheed mar
labaad ,balse markan si dhib yar ayaaba Layla loo
siiyey ……….wuxuuna Layala u kaxaystay gurigiisii,Qays markii uu
maqlay in Layla nin la siiyey ayuu ka sii daray wuxuuna wehel cusub ku sii
yeeshay keyntii uu markii horeba dugaaga la joogay.

Qays aabihii wuxuu la dhintay murugadii iyo uur xumadii uu ka qaaday
noloshii uu la dersay inankiisu isagoo Qays ahaa inanka keliya ee uu lahaa
,uuna u jeclaa si aada.

Qays markii uu maqlay in Aabihii hoos maray ayuu xalkiisii ka sii xumaaday
intii hore ……….balse nin qoyani biyo iskama dhowro…..isaga ayaaba
tisii la il daran,wuxuuna Aabo ka sii dhigtay oo booskii Aaabihii u sii
buuxshay habardugaagii uu la noolaa.

inkastoo Layal la guursaday hadan ma ay ilaawin jaceylkii Qays waxaana ku
sii siyaaday jaceylkii ay Qays u haysay……Layal waxay warqad u dirtay
Qays iyadoo uga tacsiyadeyneysa geerida ku timid aaabihii waxanay u
sheegtay in ninkeedu ogyahay in ay Qays jeceshahay oo aanu weligeed
qalbigeeda ka baxayn.

mudo ka dib waxaaba dhimatay Qays hooyadii,Laylana waxay fariin u soo
dirtay Qays iyadoo u soo dirtay nin waayeel ah una sheegay in Layla ay
dooneyso in ay kulmaan…….Qays waa raacay ninkii waxaana mar labaad
kulmay lamaane is jeclaaday oo dhib aduunyo muquuray, Layla ninkii la
siiyey wuxu ogaa inaanu marna qalbiga
Layla ka saari karin Qays. balse Layla ninkii la siiyey waa xanuunsaday
waana dhintay………………………………

sida dadkaa dhaqanka u ahayd gabadha carmalka ah ee laga dhintaa 2 sanno
ayey ahayd inay ku jirto guriga oo aanay mudadaa rag la kulmin…Layal
iyada uma dulqaadan karto mudadaas dheer ee aanay Qays is arkeyn waanay
xanuunsatay waanay dhimamatay…………

War xumi dugsi ma fadhiistee Qays markii uu maqlay in Layla ay dhimatay oo
dhulka hoos martay ayuu aad uga xumaaday wuxuuna bookhday
xabaasheedii,halkaasna waxaa ku soo af-jarmay noloshi Qays waxaana uu ka
daba tegay Layal oo isna waa dhintay………….

inkasta oo sheekada jaceylka ah ee Layal iyo Qays ay adagtahay in si dhaba
loo helo waayo waxay dhacday qarni aad u fog hadana sidan ayaa ugu dhow
sida maanta loo weriyo.

Diyaariye: Axmed Maxamed Muuse
caalim44@gmail.com
Uganda,Kampala

6 Responses to maxaad ka ogtahay sheekadii qeys & Leyla

  1. WAXYAALO BADAN BAN KAOGAHAY SHEKADAAS ANAA INTA LAGUSOKOBI KAIRIN MARKA WAXEE AHAYEE DAADKAAS DAAD JACELKA WAX KAYAQANAA MAXA YELAY JACEL KA WAA WAX CAJIIB HA

    LAYLA - October 18, 2010
    2:15 pm

  2. Shekadani wa sheko runti an ad uqiimeyo blse walalkey aad uguma uusan taariikhenin blse waxan leyahay wu mahadsanyahay jcylkana runti lama orankaro wa mid wanagsan ama wa mid xun runti 2di wanajisa hela macantiisa sida aniga iyo seygayga c.raxman hawaaro jcylka

    Fatma zahra maxamud afrax - December 30, 2010
    7:35 am

  3. sheekadani waa sheeko aad u qiimo ween mahan
    oo kali inaa maqlay sheekadaan waxaan maqli
    jiray anigoo yar matayne waxan aqristay shekadi
    aan maqli jiray runtii washeeko facwen kuleh
    geeska africa..
    Xaqiiq waxaa ah inuu ihayo jacayl.. !!!
    Illaahoow igu guleey ileen wakii igu horeeyee
    (aaamiiiin)

    abdirahman hassan- maamaan - June 6, 2011
    12:53 pm

  4. waxan aad iyo aad igu farxasanahay qofk soo diyaariyay waa wiil wanaagsan

    walalka umada somaliyeed - June 25, 2011
    12:34 pm

  5. Asc walalo yal shekadan wa sheko qiso leh umada kunol na geska africa tariq aye ku rebtay ninka so diyariyana ad ayu umudan yahy hadana ila ma’aha rux somaliyed in ay ku dayan karan qeys iyo leylo waa sheko qatar ah hadana aniga naftigeyga jacelka ges ayu iiga dhagan yahay allahna ha ifududeyo amin amin amin

    Ahmed hassan - August 21, 2011
    1:19 pm

  6. Wlh shekadan anigoo yar ayan maqli jiray wana ka diqon jiray ilahayow dhinta is jecel guul kuwa shahidayna janadi fardowsa kawarabi amin amin

    Juweria isse - December 25, 2011
    2:24 pm

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>