Qiso Jaceyl oo dhex martay lamaane Soomaaliyeed “Qof ku Jecel Sidaanoo Kale Ma’u Khiyaami Laheyd”

Filed under: Qisooyin Jaceyl,Wararka Somalia |

Dhacdadaan oo dhacdo xanuun badan ah ayaa waxay dhex martay lamaane Soomaaliyed oo lagu kala magacaabo C/Casiis iyo Sacdiya, C/Casiis ayaa xiriir lasoo sameeyay Wariya-yaasha Barnaamijka Xiisaha Badan ee Isha Dhacdooyinka Caalamka, isagoo inooga waramay sidii ay wax u dhaceyn, waxayna sheekadu ku bilaabaneysaa sidatan:-

Waxaan ku dhashay magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho, sanadka markuu ahaa 1984-kii, waxaanse kusoo barbaaray xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Huliwaa, waxbarashadeyda waxaan kusoo qaatay iskuulka Ibnu Khuzeema oo ku yaalla degmada Hiliwaa.

Sidoo kale Sacdiya ayaa waxay iyana ila degneyd xaafadda Suuqa Xoolaha, hase ahaatee Sacdiya ayaa waxaa isku baranay wiil aanu saxib aheyn dartiis, maxaa yeelay Saxibkey ayaa waxay wada- sheekeysan jireyn Sacdiya gabar ay saxibo ahaayeen, anigana halkaasi ayaa ka helay gabadha sida xun ii qiyaano doonto ee Sacdiyo.

Aniga iyo Sacdiya inta badan waxaa ku wada shekeysan jirnay khadka teleefanka, sidoo kale waxaa ina dhex maray jaceyl baxaadweyn ku fadhiya, isla-markaana bulshadii ku dhaqneyd degmada Heliwaa ee caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho, ayaa si’aad ah inooga maseeri jiray, mararka qaarkoodna waxayna inoogu yeeri jireyn “Lamaanahani Ma Qays iyo Leyla baa”.

Sacdiya walaalkeyd oo ay la-nooleyd ayaa wuxuu ka war helay in aniga iyo Sacdiya uu inaga dhaxeeyo xiriir, isla-markaana wuxuu si’aad ah uga soo horjeestay inay walaashiis ila sheekeysato, isaga oo igu diidaaya qoyska aan kasoo jeedo, maxaa yeelay xilligaasi magaaladda Muqdisho, waxaa ka jiray qabiilo ay u dhaxeyso dhiilo colaadeed.

Sacdiya ayaa waxay iskaga soo tagtay xaafadda Suuqa Xoolaha oo uu ku curtay caashaqeynii, iyadoo u soo guurtay xaafadda Carwo iidko, waxayna la-joogtay gabdho ay qaraabo ahaayeen, sidoo kale anna waxaan iskaga soo guuray xaafadda Suuqa Xoolaha, anigoo u soo guuray xaafadda SOS ee degmada Heliwaa, isla-markaana xiriirkii inoo dhaxeeyay aniga iyo Sacdiya ayaa halkaasi kasii amba qaadnay.

Xilligii aan dhameyn rabay dugsigeyga sare, ayuu i soo wacay aabahey oo ku noolaa Qaaradda Yurub, wuxuuna i sheegay inuu doonaayo inuu i diro dalka Masar, si’uu halkaasi iga qaado nin ka imaan doono dalka Maraykanka, si’uu ii geeyo dalka Maraykanka, isaga oo igu qaadaaya waxa ay Soomaalidu ugu yeeraan Is-xambaar.

Sacdiya ayaa waxaan u sheegay waxa uu aabahey igu yiri, sidoo kale iyana waxay igu tiri “Gacaliye waa war lagu farxo, inta aadan bixina horey ii sii maherso” hase ahaatee Sacdiya oo aan aad u jeclaa ayaa waxaan ka xishooday inaan si hoose u mehersado, waxaanse ku iri, Macaan waan kasoo fikiri doonaa.

Muddo kadib ayaa waxaa i soo baxday inaan guursado Sacdiya, isla-markaana aan u sheego aabahey inaan jeclahay gabar, welibana aan ka maarmin, aabahey ayaa si’aad ah iga carooday, hase ahaatee jaceyl uu ii qabo awadeed, ayuu iga ogolaaday, balse wuxuu igu yiri “Aabe hada lacag faraha kuma haayo ee 4 bilood oo kaliya fursad i sii”, waana ka aqbalay.

Xilligii ay balanta ka hartay hal bil oo qura, ayaa waxaa Sacdiya ka dareemay cago-jiid iyo gaabsi, mar walbana marka aan wax ka weydiiyo waxa keenay inay iga gaabsato ayaa waxay igu jawaabi jirtay “Macaane sidii baan ku ahay, oo wax isbadal ah majiraan”

Waxay dhawr jeer ay iga codsatay inaan dib u siiyo, sawiro aan aniga iyo iyada soo wada galnay, iyo sawiro kale oo ay iyadu laheyd, hase ahaatee habeen habeenada kamid ah, ayaa waxay igu imaaday xaafadeydii Sos, sheeko dheer kadib ayaa waxay igu tiri “C/Casiisoow waxaan doonaayaa inaad dib igu soo celiso sawiradeyda” markaas ayaa waxaan ku iri sabab? Saa waxay igu tiri “Gacaliye wax dhib ah majiraan, balse waxaan jecleystay inaan iska soo daawado oo kaliya” anigoo ka cago jiidaayo, ayaa waxaan siiyay qaar kamid ah sawiradii.

Waan soo dhaweeyay oo waxaan keenay boosteejada laga soo raaco gawaarida, waxaana ku iri, marka aad guriga tagto i soo wac, si’aan u ogaado inaad nabad ku tagtay iyo kale, bacdamaa ay wax walba dhici karaan, waxayna igu jawaabtay anigaa kusoo wici doono.

Habeenkii oo dhan ayaan dul taagnaa teleefankii guriga inoogu jiray, hase yeeshee maysan i soo wicin, sidoo kale xilligaas waxaa ii socday imtixaankii dugsigeyga sare, hase yeeshee dhawr maal-mood kadib ayaa waxaan imid xaafadii ay Sacdiya joogtay ee Carwo iidko, waxaana la’isheegay in Sacdiya ay guursatay seddex maalmood kahor, halkii ayaa naxdin darteed kula dhacay.

Walaalahey iyo asxaabteeda oo si’aad ah ula socday xiriirkii inaga dhaxeeyay aniga iyo Sacdiya, ayaa si’aad ah ula yaabay dhacdada foosha xun ay ku kacday Sacdiya, hase ahaatee waxaan ku aruuray sariir.

18 cisho kadib ayay qoyskeyga i direyn magaaladda Baladweyne ee gobolka Hiiraan, halkaa oo aan dhalasho ahaan kasoo jeedo, waxayna igu yiraahdeyn, waxaa Hiiraan ku dhaqan ama ku sugan gabdhaha Soomaalida kuwooda ugu quruxda badan, hase ahaatee markaan tagay Baladweyne, ayaa waxaa kasoo waayay mid u dhiganta Sacdiya, ama dooqeyga ah, waxaanse dib ugu laabtay magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho.

Muqdisho oo aan aad u jeclaa ayaa iga hortamid, anigoo u amba baxay dalka Kenya, maalmo kadibna waxaan u sii talaabay dalka Koonfur Afrika, laba sano markaan joogay Koonfur Afrika, ayaa waxaa maqlay in Sacdiya lasoo furay, farxad fara-badan kadib ayaa waxaa dib ugu soo laabtay magaaladda Muqdisho, hase ahaatee waxaa la i sheegay in Sacdiya ay aaday degmada Xarardhere ee gobolka Mudug, waxaana socdaal kaga soo baxay Muqdisho, waxaana imid degmada Cadaado, dadka aanu qaraabo aheyn ayaa Sacdiya ka wareystay, waxaana la’isheegay in lagu guursaday degmada Xarardhere, niyad jab kadib ayaa waxaa dib ugu soo laabtay Muqdisho.

Markaan ka quustay Sacdiya ayaa waxaa Baladweyne ku guursaday xaaskeygii ugu horeysay, iyadoo iminka i heysa laba gabdhood, waxaana iga saqiiray wiil, hadase waxay xaaskeyga ii leedahay uur, bilo yar kadib ayaa waxaa filaayaa inuu i dhasho cunug.

Ugu dambeen iminka waxaa ku noolahay magaaladda Addis Ababa ee dalka Itoobiya, waxaana u jooggaa leen dibada ah, anigoo rajeynaaya inaan aado Qaaradda Yurub haddii uu Alle idmo.

6 Responses to Qiso Jaceyl oo dhex martay lamaane Soomaaliyeed “Qof ku Jecel Sidaanoo Kale Ma’u Khiyaami Laheyd”

  1. bro cade c/casiis marka hore sorry ayaan ku leeyahay marka xigta gabadhaas wax qalad ah maysan kugu suubin maxaa yeelay wa ay isku kaa dhiibtay oo i guurso ayay ku tiri e adiga ayaa iska beer dareeyay somali hore war u dhamaysoo waxaa la yiri KAS DUMAR WAA KADALOOB RAGEED OO KAGA DANBEEYA marka waa lagaaga danbeeyay macalin ka war badan ayaa ku helay ee iska raali noqo waana kula kaftamayay ee haiga xumeen sxb cade

    yasoo - September 29, 2010
    1:39 am

  2. Walaal c.casiis ogow in uu jacaylku yahay dareen dhab ah mar walbana waa arin shakhsiyadeed ama ah personal, macnaha ku kooban dareenka iyo nafta qofka bini aadamka ah ee uu ku dhacayo arinkan. Waxaa saa’id u nasiib badan qofka ku hela ee uu Rabbi weyne uu u qoro qofka uu jecelyahay tan koobaad uguna muhiimsan qalbiga qofka uu jecelyahay tan labaadna in uu Rabbi iskaga dhigo lamaane.
    Laakiin mar walba ha illoobin niyaddana ku hay in ay dhici karaan wax kastaa oo ka baxsan tan aad hubto oo ah naftaada ha ugu soo horeysa qofka aad jeclaatey WAX WALBA KA FILO YEY SAN YAAB KUGU NOQON. Thanks

    Cabdiwahaab - October 23, 2010
    1:57 pm

  3. walalken c/wahab ayan ku fikrad ahay aniga wuna ila saxanyahay e bro ha iga xuman thanks

    ahmed hys - November 3, 2010
    9:59 am

  4. walaal c/casiis aad ayaan ugaxumahay howsha kuqabsatay waxaan ogataa in wax walba ayqoranyihiin oomarka aadan isku mashquulin arimaha aduunyada ee danntaada had karaac oomarbay kuu furmatay lkn way noqon wayday thanks

    nadiira - November 7, 2010
    6:47 pm

  5. walaalkay inigu waxaan ahay naf wax jecel waan dareemi karaa inantaa arinka foosha xun ee ay samaysay runtii waa wax laga noxo lkn ka filo adunkan wax walba waxaan rajayn inaad iminka ku nooshahay nolol farxad badan oo kuu qalanta

    hafsa mohamed - August 26, 2011
    10:54 am

  6. asc/walal abdicasis aad iyo aad baan uga xumaday markan akhristay qisada fosha xun leh ee kuso martay adunka aad arkeysana waxa walba ka filo. anigaba gabadh somaliyeed baan ahay wana ka damqaday sida ay kula dhaqantay gabadh.waxana macqul noqon karto sida uu horeba u shegay YASOO in ay gabadh diyar kuu ahayd lakinse ay dhib ku noqotay mudada aad u qabatay, waxa dhici karto dhibato in ay ka haysatay dhanka rerkeda inkastay ay ahayd in ay waxa siday u jiraan ku shegto. marka waxa lagu shego iyo marka lagu qariyo isku mid ma ahan. qofba waxa uu sameyo wuu helaya. adigana samirkagi wakaa aad ku heshay rerka qurxon illaah ha isku kin dayo aamin aamin.

    qalanjo - August 31, 2011
    11:39 pm

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>