Sh Xasan Daahir Aweys… Shalay muxuu Ka Aaminsanaa Madaxweyne Bush iyo Ciidamadii Mareykanka ee Jeneral Ceydiid La Dagaalamay!!! Maantase Muxuu Ka Aaminsanyahay Ciidamada Dowlada KMG iyo Madaxweyne Shariif? + Codad

Filed under: Diinta,Wararka Somalia |

Waa Qormo aan uga hadleyno Aragtidii Sh Aweys ka qaatay Ciidamadii Mareykanka ee dhowr iyo sagaaashankii galay Soomaaliya, Ciidamadaas oo uu xiligaas Madaxweynahoodu ahaa George Herbert Walker Bush, markii Bush waqtigiisii dhamaadayna uu Madaxweyne u ahaa Bill Clinton.

Sidoo kale Aragtidaas Sh Aweys ayaan bar-bar dhigeynaa tan uu maanta ka qaatay Ciidamada Amisom iyo kuwa Dowlada KMG ee Madaxweynahoodu yahay Sh Shariif, kadibna akhristaha ayaa laga rabaa in uu Miisaan sax ah saaro labadaas aragti, ayadoo la isweydiinayo in wadaadku shalay saxsanaa-qaldanaa ama maanta qaldanyahay-saxsanyahay!

Sh Xasan Daahir Aweys ayaa baryahan dambe si aan caadi aheyn ugu cel-celiya in Ciidamada Shisheeye isaga baxaan wadanka!

Hadaba dadka qaarkiis ee aan aqoonta u laheyn taariikhda Sh Aweys ayaa daacad u maleyn kara shisheeye-naceybnimada sheekhu muujisanayo, balse hadaad taariikhda dib ugu laabato waxaa kuu soo baxeysa in Sh Aweys iyo Ciidan Shisheeye aysan is-diidaneyn, Sheekhuna dhibka uu shacabkiisa u geystay uma uusan geysan Shisheeye.

Waa Maxay Labadaas Aragti?

1- Aragtidii uu qaatay xiligii Mareykanku soo galay Soomaaliya.

Sida la wada ogsoonyahay dagaalo qaraar ayaa xiligaas ka dhex dilaacay Ciidamada Mareykanka iyo Taageerayaasha Jeneraal Ceydiid, Allah ha u naxariistee.

Sh Xasan Daahir si cad ayuu uga soo horjeestay in lala dagaalamo Mareykanka, aragtidaas waxaa la qabay Ururkii Al-Itixaad ee maanta loo yaqaano Al-Ictisaam.

Halkan ka dhageyso Sh Jaamac C/salaam oo ka mid ah Culumada Ictisaamka oo qiraya in xerta Sh Xasan Daahir kala dhuunteen kolkii USA iyo Xulufadeeda dalka Soo galeen Bilowgii Sagaashameeyadii. (marqaati waxaa ugu fiican kan naftiiisa ku ooga)

………. ” markii uu dagaalkii caalami noqday oo Ameerika gashay oo orabba soo gashay oo waxa la isku haysta noqotay Laa ilaaha Illah….. odayaashii kala dhuumasho ayay bilaabeen iyo furfur iyo isbaarayn ay jihaadka u dhigaan arintaasna dhaleeceyn ma ahan ee waa xaqiiqada dhacday nasiib darro” ayaa kamid ahaa hadaladii Sh Jaamac. Odayaasha uu sheegayo waxaa horboode u ahaa Sh Xasan Daahir Aweys.

Yaab badanaa, Sh Aweys nabad ayuu qaatay xiligaas oo fitno ayuu ku tilmaamay in lala dagaalamo Bush iyo Ciidamadiisa Mareykanka, qofkii taariikhda la socda ayaa og, oo Sheekhu markaas uu fitnada ku tilmaamayo la dagaalanka Mareykanka waxyar kahor ayuu Boosaaso kula soo dagaalamay shacab muslimiin ah, waa dagaalkii Bari ee Itixaadku la galeen Reer Puntland.

Sh Aweys barigaas lagama maqal kalimada ah Ciidamo Shisheeye, oo arrin sharci ah ayey xagiisa ka aheyd joogitaanka Mareykanka, oo Mareykanku sokeeye ayuu ahaa halka ay fitno-abuurayaal ahaayeen dadkii la dagaalamay.

Si kale hadaan u dhigno waxaa Ciidanka Mareykanka madax u ahaa George Bush kadibna Clinton, taasoo la macna ah in Sh Aweys xaaraan u arkay daadinta dhiiga labadaas Madaxweyne marba hadii ay xaaraan tahay daadinta dhiiga ciidamadooda, oo dhiga askariga hadii uu xaaraan kaa yahay madaxweynuhuna ka sii daran.

Xasuusnow waagaas waxaa jiray Askar Soomaali oo Boolis ah, kuwaasoo la shaqeyn jiray Mareykanka, ayaguna sidoo kale dhiigoodu xaaraan ayuu ahaa, oo Sh Aweys mowqif adag ayuu qaatay oo fitno ayuu u arkay in xabad lagu rido Mareykan iyo Soomaalidii la shaqeyn jirtayba, marka soomaalidaas ma aysan aheyn gaalo, daba-dhilif iwm, oo waxey ahaayeen soomaali gacan siinaysa Ciidamo Mareykan ah oo si sharci ah ku jooga wadanka, la dagaalankooduna fitno yahay.

2- Aragtida Maanta Sh Aweys ka qabo Ciidamada Amisom iyo Cid walba oo gacan saar laleh sida Ciidamada Dowlada KMG + Madaxweyne Sh Shariif.

Qofna kama qarsoona aragtida Sh Aweys ka qabo Dowlada KMG, Madaxdeeda, Ciidamadeeda, Xildhibaanadeeda, iyo Amisom.

Har iyo habeen ayuu ku cel-celiyaa in lala dagaalamo Amisom iyo cid kasta oo caawisa, xataa wuxuu taageersanyahay in la isku qarxiyo kuligood, oo waxaa ugu dambeysay in uu soo dhoweeyay Xildhibaanadii lagu xasuuqay Hotel Muna, waliba xili lagu jiro Bil Barakeysan.


Halkan ka dhageyso Sh Aweys oo aad ugu faraxsan qaraxii Hotel MUNA
 
Hadaba Akhristow marka aad Miisaan cadaalad ah saarto labadaas aragti ee Sh Aweys ka kala qaatay Mareykanka iyo Soomaalidii la socotay iyo Amisom iyo Somaalida la socota, ayey kuu soo baxeysaa in sheekhu shalay ku socday hawadiisa, walow magac diinba haku rakibee, maantana uu ku socdo hawadiisa, kaar badalashada sidaas ah kuma aha kaligiis ee wadaado badan ayaa lagu yaqaanaa sida qolyaha UWSLF ee ku biiray Maamulka Tikreega, shalayna la dagaalamayay oo gaalo u arkay cid walba oo la socon jirtay Tikreega.
Labada argti ee Sh Aweys kuma qotomaan Diin iyo Caqli Saliim ah balse waa laba aragti oo kala waafaqsanaa Damaca iyo Masaalixda Sheekha ee xiligaas iyo maanta.
Maadaama arrinku saas u qaloocan yahay ayaa si kooban u dul-mareynaa sababaha kalifay in Sh Xasan Daahir barigaas nabad kula dhaqmo Mareykanka, Maantana uu birta ka aslo Dowlada Sh Shariif.
1- Sh Aweys barigaas maslaxad uguma jirin in uu la dagaalamo Mareykanka, sababtoo ah asagu maaheen cida hormuudka ka aheyd dagaalka, oo hadii Mareykanka laga guuleysto waxaa Magac iyo Mansabba helaya cida hogaaminaysa dagaalka oo aheyd Ceydiid.
Maqaayadu waagaas Ceydiid ayey u shidneyd oo Xasan Daahir jaanis ma laheyn, sidaa darteed Xasan waa iska fadhiistay oo hadii Mareykanku wax ciideynayo asaga maaha cida laga ciideynayo ee waa Ceydiid, hadii nacfi yimaadana waxaa iska leh Ceydiid.
2- Sh Aweys masaalix ay Madaxtinimo kamid tahay ayuu iska dhex tusiyay dagaalka uu kula jiro Dowlada Shariif iyo Amisom, oo waxey la tahay in kursigu maanta ka dhowyahay xiligii Mareykanka iyo Ceydiid, taasoo ay sii dheer tahay in uu lixdii bilood ee Maxkamadaha soo arkay Macaanka ku dhowaanshaha Madaxtinimada.


Halkan ka dhageyso Sh Xasan Daahir oo sheegaya sababta uu AMISOM ula dagaalnsayahay inay tahay inay ka Ilaalinayaan inuu Xukunka Qabto!
 
Bixitaanka Amisom ayaa ah Maslaxada iyo jaaniska Sh Aweys halka ay noqoneyso dhamaadka Sh Shariif.
Sh Xasan xataa waa u guul in Amisom lagu wado dagaalka si ay meesha uga baxdo Dowlad qumaati u shaqeysa, Shariifkuna ugu raaxeysan kursigaas.
Mida kale Sheekhu dhaqaale iyo dhac-dhac kaleba waa uu ku helaa dagaalka maanta, laakiinse kii Mareykanka waxba kuma heleen.
Taas markaan ka gudubno waxaa dhici karta in qof fahamkiisu gaaban yahay ama si kale u caadifeysan uu iska dhaadhiciyo in la dagaalanka Dowlada Shariif iyo Amisom ay sax tahay, kii Mareykankana uu fitno ahaa.
Arrinta sidaas ah waa waxa soomaalidu tiraahdo “La Jiifiyaana Banaan, La Joojiyaana Banaan”.
Hal arrin waa la fahmi karaa in qofku qaato aragti ah in labada dagaalba sax san yihiin maadaama wuxuba yihiin Ciidamo Shisheeye, oo gaal oo dhan  kala duwaneyn, wixii la socdana ay yihiin daba dhilif.
Dhinaca kale hadii aan il cadaalad ah ku eegno dagaalkaas Mareykanka iyo kan Amisom, natiijada ayaa noqoneysa in kii Mareykanka uu aad ugu dhib yaraa shacabka marka loo fiirsho kan Amisom, oo Mareykanku xiligaas waxaa inta badan uu Bartilmaameedsan jiray Xarumaha Taageerayaaha Ceydiid, Muqdishana lagama qixin halka dagaalka Amisom uu halaagay shacabkii, madaafiicduna ay sida roobka ugu hoobaneyso Magaalada.
Hadaba Sh Xasan Daahir iyo qolyaha la caadifeysan waxey doorteen oo sax u arkaan dagaalka Amisom ee Muqdisho oo dhan halaagay, halka ay fitno u arkaan kii ka dhibka yaraa ee waagaas lala galay Mareykanka.
Teeda kale Sh Xasan Daahir wuxuu ku doodaa in Amisom Gumeysi u timid oo aysan dalka ka bixi doonin laakiinse Gumeysi uma uusan arag ciidamadii 30ka kun ka badnaa ee Mareykanku horkacayay.
Sh Xassan Daahir waa la fahmi lahaa hadii uu Mareykanka la soo dagaalamay, maantana uu nabad kula noolaado Amisom iyo Dowlada KMG, maadaama wadanku uusan u baahneyd dagaal dambe, nabaduna wax walba ka horeyso, qofkuna hadii uu si dhab ah nabad u qaato dib looguma celiyo colaad, waase wax laga yax-yaxo in aadan la soo dagaalamin Mareykan, hortoodna aad dhiig soomaali daadisay, gadaashoodna aad leynayso walaalo kugu dal iyo diinba ah.
Xaqiiqdu waa in soomaali kala tagtay oo aysan is-rabin laakiinse isugu gambanayaan ka soo horjeesiga ciidamo shisheeye, ku dhaqanka shareecada, dowlad islaami ah, jihaad, arrimahaas oo dhan waa mar-marsiyo iyo xadgudub lagu xadgudbayo, diinta, nafta, maalka, islamarkaana lagu fara-marooqsanayo talada wadanka.
Amisom hadii ay baxdo Sh Xasan diyaar ma u yahay nabad, oo ammaan ma siin doonaa Dowlada KMG? Jawaabtu waxey u cadahay sida qoraxda oo kale, hadaba hadafku maaha Ciidamo Shisheeye.
Waa tii lagu mar-marsiyoon jiray Itoobiya, markiise ay baxday maxaa dhacay! Soomaali ma is-dhaaftay! Xamarse nabad ma noqotay! Xal kasta oo yimaada looma weynayo xeelad iyo dhagar lagu tuuro.
Ugu dambeyn mustaxiil maaha in aan aragno Sh Xasan Daahir Aweys oo markale difaacaya Ciidamo Shisheeye kuna baaqaya in dagalkoodu fitno yahay waa hadii uu u arko Maslaxadiisa, sidii shalayba uu Maslaxadiisa ugu arkay ka fogaanshaha la dagaalanka Mareykanka

Sh Aweys ulama dagaalsana Amisom shisheeyanimo iyo Gumeysi naceyb ee wuxuu ula dagaalsanyahay kaalmada ay siinayaan shariifkii kaga fadhiistay kursigii uu islahaa waad heli dooontaa markey Itoobiyaanku baxaan.Sh Aweys maanta waxaa xalaal u ah Dhiiga Ciidamada Dowlada KMG + Amisom + Madaxda Dowlada + Shacabka ku dhex dhimanaya, yeysan kaa hoos bixin in dhiiga Ciidamada Mareykanka uu xaaraan ahaa + George Herbert Bush + Bill Clinton!

2 Responses to Sh Xasan Daahir Aweys… Shalay muxuu Ka Aaminsanaa Madaxweyne Bush iyo Ciidamadii Mareykanka ee Jeneral Ceydiid La Dagaalamay!!! Maantase Muxuu Ka Aaminsanyahay Ciidamada Dowlada KMG iyo Madaxweyne Shariif? + Codad

  1. waxaan rabaa inaan weydiiyo maxey ka qabtaa shareecada islaamka iney mujaahidiinta is dagaalaan ayadoo wadankiina cadaw heystaan

    anas - December 18, 2010
    7:17 am

  2. muxuu ka aaminsanyahay madaxweyna shariif

    anas maxa,ud faarax - December 18, 2010
    7:22 am

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>