Sheikh Maxamuud Shibli oo Suaalo Cul-culus kordhigay Sh Xassaan Xuseen,Iyo Shiikh Xasaan Oo Ku Wareeray Jawaabaha Su,aalahaas::

Filed under: Health,Regional news |
Dhowaan ayay ahayd markii Shabakadda miisaanka.com ay diirada saartay Culumada ka aamusay heshiiskii Jabahadda Soomaaligalbeed iyo maamulka tigreega dhex maray iyo kuwa sida qabyaaladaysan aan u galaysiin.
sh Xassaan ayaa ahaa ragii waagu ku baryay markii Jabhadda Soomaali galbeed heshiiska la saxiixatay Dowlada Itoobiya, waxaana saxaafada qeybaheeda kala duwan ku soo baxay qoraalo lagu cadaynayo sida Sh Xassan uusan u galaysiin reer Tolkiis halka uu soomaalida kale uu isla markiiba ka gaalaysiin jiray asagoon kala qaadin ficilka ay ku dhaceen iya xukunka ashkhaasta.

 

 

Culumada Bayaanka Soo saartay qudhooda waxay isku dayeen inay arintaan ka gaabsadaan, halka ay fataawooyin gaalaysiinaya Xukuumada Soomaaliya ka soo saareen isla habeenkii la doortay Madaxweyne Shariif Sh Axmed, caadaadis xoogan iyo cadaymo farabadan kadib waxay shabakadda miisaanka ku guulaysatay inay culumadaas ka hadalsiiso oo ay cadeeyaan mowqifkooda diinaga ah madaama ay horay u cadeeyeen mowqfikoodii ku aadanaa Xukuumada Soomaaliya waxayna door bideen inay u kitaaba dayaan reer tolkood sida Sh Xassan Xuseen ku eedeeyay.

 

 

Dhinaca kale Xassan baa isku dayay inuu markale dadka marin habaabiyo wuxuuna soo saaray risaalo af-carabi ku qoran oo uu dadka moodsiinayo inuu gaalaysiyay jabhadda, taxliil iyo turxan bixin dheer kadib shabakadda miisaanka ayaa aqristayaasha u soo bandhigtay inuusan gaalaysiin qudhoodee ee uu gaalnimo ku xukumay ficilkooda, farqiga u dhexeeya labada xukunna waaa cad yahay.

 

 

Iftiimintaas kadib wuxuu Sh Xassaan ku qasbanaaday inuu dib isugu laabto oo sumacadiisa kor u yeelo, madaamo uu arkay in la fahamay takfiirkiisa qabyaaladaysan wuxuu ku dhiiraday inuu ka daba tago bayaankii ay Culumada Ictisaamka ku taageerayeen Heshiiska Jabhadu ku qaadatay Dastuurka Itoobiya, wuxuuna duubay cod uu s toos ah ugu gaalaysiinayo Sh Ibraahim dheere iyo Jabhaddiisa, kuna weerarayo Culumadiii taageertay, waase goorma waa mar ay bahdo saxaafadu banaanka soo dhigeen hagardaamooyinka wadaada ku shaqaysta takfiirka qabyaaladaysan.

 

 

Haddaba suaalahan hoos ku xusan oo ah kuwa ku socda Xassan Ayaa ah runtii kuwo ay adagtahay inuu Xassan ka jawaabo madaama waxyaalo badan ay isaga quseeyaan, wuxuuna isku dayay inuu ka jawaabo waxaana muuqatay inuusan si xaqiiq ah ugu jawaabin oo uu meelo kale isku qaaday, waxaana ceeb noqotay inuusan ku soo jawaabin Af-Somaali ee uu markale soo xariiqay carabi meel uu u jeedo iyo meel uu ka socdo la fahmayn, waxaanse qoraaladeena danbe ku soo gudbin doonaa iyagoo turjuman waxaana soo saari doonaa miisaanka si ay dadka u fahmaan xaqiiqda jirata.

 

 

Su’aalo ku socda Sh. Xassaan Xusseen. 

 

Sheikh Maxamuud Sheikh Maxamed Shibli oo ka mid ahaa culimadii dhawaan bayaanka ka soo saaray heshiiskii dhexmaray Jabhadda UWSLF iyo xukuumadda Itoobiya, ayaa waxaa uu su’aalo weydiinayaa Sheikh Xassaan Xusseen Aadam oo ka biyo diiday bayaankaas, waxayna su’aalaha Sheikha u dhignaayeen sidan:

Hordhac

Waxaan akhriyay qoraal uusoo saaray sheekh Xassaan Xusseen Aadan oo kadaba tagaya bayaan aan soo saarnay annagoo shan ah, waxaana iiga muuqatay waxyaabo badan oo xaqiiqada ka fog, Waxaana kamid ah:

1.Wax lagu daray oo aan ku qornayn bayaanka, laguna quruxsanayo hadalka ama lagu durayo dadka qoray bayaanka.

2. Wax laga booday oo bayaanka ku xusnaa, masaladana cilmi ahaan, kamid ahaa qodobada laf dhabarta ah, si ay u suura gasho in si kale wax loo sheego.

3. Wax la badalay oo loo dhigay si ka duwan sida xaqiiqada ah, laguna saleeyay tuhmooyin iyo axkaam.

Waan ka jawaabi doonaa dhammaan intaas aan tilmaamay iyo in kale oo aanan tilmaamin-ba ayadoo qoraal ahna waan soo bandhigi doonaa in shaa Allaah.Waxaan uga gol leeyahay su’aalahan:

1-In ay kala caddaadaan manaahijta laraacayo, sheekh Xassaan-na qeexo mawqifkiisa ku aadan arrimaha aan waydiinayo, si looga baxo sheegashada manhajka salafka ee qof waliba ku doodayo.

2-In aanan mala awaalin waxa uu keenayo manhajka uu raacayo Sheekh Xassaan, oo uu asagu bayaaniyo waxa uu ka qabo qadiyayadaha taagan asagana ku hareeraysan ee shabbaha midda aan isku hayno, oo ay wadaagaan in dastuur iyo qawaaniin gaalo loo hogaansamo.

Waxaan codsanayaa:

 

1-In Sheekh Xassaan masalooyinka si toos ah u abaaro oo aanu ka wareegaysan, maadaama ay yihiin wax taagan, lanamid ah tan laysku hayo.

2-In sheekh Xassaan jawaabaha kusoo qoro luuqadda Soomaaliga si ummaddu u wada aqrido, una wada fahanto jawaabaha sida ay su’aalaha u fahamtay.

Waxaan waydiinayo waa xukunka acyaanta, ee ma ahan su’aashaydu wax guud ama aan magacawnayn (حكم الجنس، أو حكم من فعل كذ ).

Waxaa kale oo su’aalahaygu ku socdaan qof kasta oo sheekh Xassaan la wadaaga arragtida masaladan, kuna nool meel lamid ah meesha uu ku noolyahay.

Waxay su’aalahan dhammaan wadaagaan: in dadkoodu aqbaleen ama saxiixeen in ay u hogaansamayaan dastuurka iyo qawaaniinta Kenya, taas oo ah waxa ay su’aalahaygu ku socdaan, ahna sababta uu sheikh xassaan ku saleeyay qoraalkiisa, kana doonayo inuu ku dabaqo masalooyinkan.

Su’aalaha jawaabta uga baahan Sheekh Xassaan

Waxaan horay uga hadlay qadiyada badan oo ay saamaynayso masaladani, waxaana kaga gaabsanayaa kuwa Kenya oo ah halka uu sheekh Xassaan ku noolyahay:

Su’aasha 1aad:
A-Waxaa waddanka Kenya looga codeeyay August 4, 2010 dastuur cusub oo bedelaya kii Ingiriisku kaga tagay waddanka.

B-Waxaa ka qeyb qaatay dhammaan hay’adaha rasmiga ah ee muslimiinta Kenya oo ay kamid yihiin:

(1 Supken ( Golaha sare ee Muslimiinta )

(2 Namlef

(3Jamia Masjid oo ah masjidka ugu weyn Nairobi.

(4) Golaha Culimada

(5) Golayaasha Imaamyada .

C-Waxaa kale oo ka qeyb qaatay culima badan oo ay kamid yihiin:

(1) Guud ahaan Culimada waddanka intooda badan

(2) Culimada gobolka soomaalida 99% iyo

(3) Culima kale oo caan ah.

1-Waxaan ka qeyb galin dad aad u yar, qiyaas ahaanna aan dhannayn 1% oo aan aniga iyo asaguba kamid ahayn.

2-Waxaa aad ugu farxay aqbalaaddii dastuurka muslimiinta Kenya 99.9%, waxaana aad uga naxay kaniisadaha waddanka oo kasoo horjeeday.

3-Ololaha ay u galeen muslimiintu in loogu codeeyo ( Haa ) waxuu lamid yahay aqbalaadda in loo hogaansamo dastuurka, ama waaba kasii xeel dheeryahay.

Waxaan waydiinayaa sheekh Xassaan:

1-Dadkaasi miyay gaaloobeen maadaama ay ku dadaaleen inuu meel maro dastuurka cusub, una codeeyeen ama dhiiri galiyeen?

2-Hadday gaaloobeen acyaantoodu: maxaad uga aamustay maadaama ay kamid yihiin qaraabadaa, kulana joogaan? Maxaadse uga qaadan wayday ka bari noqosho hadday murtaddiin noqdeen?

3-Haddaanay gaaloobin: maxay kaga duwan yihiin kuwa saxiixay inay u hogaansamayaan dastuurka ee aad gaalaysay acyaantooda?

Su’aasha 2aad
Waxaa waddanka Kenya ka dhaca 5-tii sanaba doorashooyin baarlamaan, waxaana gala golaha sharci dejinta waddanka ( Baarlamaanka ) dad kamid ah muslimiinta Kenya ee kala qabaa’ilka duwan.

Waxaa ka qeyb qaata ololaha tartanka murashaxiinta dad badan oo culima ah, waxaana ku farxa soo bixitaanka murasha dadkii taageersanaa oo qaraabo, asxaab iyo dad kale isugu jira.

Waxay qaarkood qabtaan xilalka dawlada, waxaana lagu dhaariyaa dastuurka wadanka.

Waxaa kamid ah dadkii ugu danbeeyay ee soo galay kana mid ah dadka uu ka dhashay sheekh Xassaan:

(1) Faarax Macallin- ku xigeenka gudoomiyaha Baarlamaanka.

(2) Maxamed Xaaji Yuusuf- Wasiirka difaaca.

(3) Aadan Barre Ducaale- wasiir ku xigeenka xanaanada xoolaha.

(4) Iyo kuwa kale oo xildhibaanna ah.

Waxaan waydiinayaa sheekh Xassaan:

(1) Ma gaaloobeen dhamaan dadkii ka qeyb galay doorashooyinka oo rashaxnaa ? ama doortay? Ama ku farxay ? maadaama ay arrintu tahay gole sharci dajin.

(2) Ma gaaloobeen kuwii qabtay xilalka dawladda ee ku dhaartay dastuurka inay raacayaan?

(3) Hadday gaaloobeen acyaantoodu:� maxaad uga aamustay maadaama ay yihiin qaraabadaada, kulana joogaan? Maxaadse uga qaadan wayday ka bari noqosho hadday murtadiin noqdeen?

(4)Haddaanay gaaloobin: maxay kaga duwan yihiin kuwa saxiixay inay u hogaansamayaan dastuurka ee aad gaalaysay acyaantooda?

Su’aasha 3aad:

Waxay dadka muslimka ah ( kuwii deganaa & kuwii yimid )samaysteen shirkado ganacsi oo ay ku shaqaystaan.

Waxaa dhammaan shirkadaha ganacsiga lagu sameeyaa qawaaniinta wadanka oo ah Chapter 486 oo xaddidaya noocyada iyo qaababka shirkadaha.

Waxaa kamid ah xeerarka shirkadaha ( si cad ama curfi ah المعروف عرفا كالمشروط شرطا) inay ilaalinayaan qawaaniinta wadanka, xuquuqdoodana ku raadsanayaan.

Dhammaan dadkii samaystay shirkadahaas waxay saxiixeen inay qawaaniinta wadanka Kenya ilaalinayaan.

Waxaa kale in hay’adaha islaamiga ah sida madaarista, masaajidda iwm marka la samaynayo tahay inay u hogaansamaan xeerka wadanka iyo qawaaniintiisa ama haku cadaato ama curfi ha ahaatee.

Waxaan Sheekh Xassaan waydiinayaa:

(1)Ma gaaloobeen acyaanta dhammaan dadkii samaystay sharikadahaas ?

(2)Masaajidda waraaqaha lasiiyay iyo hay’adaha diiniga ah: miyay wada gaaloobeen ?

(3)Ma masaajid muslimiinbaa mise macaabid murtadiin isugu yimaadeen?

(4)Hadday gaaloobeen acyaantoodu maxaad uga aamustay maadaama ay kamid yihiin qaraabadaa, kulana joogaan? Maxaadse uga qaadan wayday ka bari noqosho hadday murtadiin noqdeen?.

(5)Haddaanay gaaloobin: maxay kaga duwan yihiin kuwa saxiixay inay u hogaansamayaan dastuurka ee aad gaalaysay acyaantooda?.

Su’aasha 4aad:

Waxaa ka jira wadanka maxkamado ay leedahay dawaldda wadanka Kenya ee gaalada ah.

Waxay maxkamadahaasi ku xukumaan qawaaninta wadanka iyo xeerarka gaalada.

Waxaa taga muslimiinta waddanka in badan oo kamid ah maadaama aanay haysan maxkamad islaam ah oo awood leh, una soo dhicin karta xaqooda kana difaaci karta dulmiga.

Waxaan waydiinayaa Sheekh Xassaan:

(1) Ma gaaloobeen dadkii xaq ka maqan ku doontay, ama dulmi isaga difaacay maxkamadaha gaalada, maadaama ay aadeen xuuknka dastuurka iyo qawaaniinta?

(2) Hadday gaaloobeen acyaantoodu: maxaad uga aamustay maadaama ay kamid yihiin qaraabadaada, kulana joogaan? Maxaadse uga qaadan wayday ka bari noqosho hadday murtadiin noqdeen?

(3) Haddaanay gaaloobin: maxay kaga duwan yihiin kuwa saxiixay in ay u hogaansamayaan dastuurka ee aad gaalaysay acyaantooda?

Su’aasha 5aad:
Waxay qaateen dadka muslimka ah ee jooga Kenya waraaqaha aqoonsiga ee loo yaqaano Kabaandhaha.

Waxaa kamid ah xeerka qaadashada kabaandhaha: in la ixtiraamo, la taageero, lana difaaco dastuurka wadanka iyo qawaaniintiisa sida dastuurka ku qoran.

Qaadashada aqoonsiyadu waxay leedahay waxyaabo badan oo ay kamid tahay aqbalaadda dastuurka iyo u hogaansanka qawaaniinta waddanka, taas oo ay wadaagaan su’aalaha kale ee halkan ku qoran, dhinacaas ayaana sheekh Xassaan wax ka waydiinayaa.

Waxaa kamid ah dadka qaatay Kabaandhaha ee saxiixay dhamman sharciyadeeda Sheekh Xassaan laftiisa.

Waxaa lagu qaataa waraaqdaas oo shardi ay u tahay qaadashada baasaboorka Kenya oo sheekhu qaatay.

Waxaan waydiinayaa Sheekh Xassaan:
(1) Ma gaaloobeen dhammaan dadkii qaatay Kabaandhaha wadanka, maadaama ay saxiixeen inay ixtiraamayaan, taageerayaan difaacayaanna dastuurka iyo qawaaniinta Kenya?.

(2) Hadday gaaloobeen acyaantoodu: maxaad uga aamustay maadaama ay kamid yihiin qaraabadaada, kulana joogaan? Maxaadse uga qaadan wayday ka bari noqosho hadday murtadiin noqdeen?.

(3) Haddaanay gaaloobin: maxay kaga duwan yihiin kuwa saxiixay in ay u hogaansamayaan dastuurka ee aad gaalaysay acyaantooda?.

(4) Maadaama aad kamid tahay dadkii qaatay kabaandhaha iyo baasaboorka Kenya, walina aad haysato: adiga xukunkaagu muxuu yahay maadaama aad saxiixday inaad ixtiraamayso, taageerayso, difaacaysana dastuurka iyo qawaaniinta waddanka Kenya?.

(5) Haddaad gaalowday: ma bannaantahay in diin lagaa qaato, lagaala doodo ama dad kale uu ka hadlo nin asaguba gaaloobay ?.

(6) Haddaadan gaaloobin: maxaad cudurdaar leedahay oo aad kaga duwan tahay kuwii sida aad u saxiixday qawaaniinta Kenya u saxiixay inay u hogaansamayaan qawaaninta Ethiopia aadna gaalaysay acyaantooda? mise waa lajiifiyaana bannan ?.

Anigu maxaan ka qabaa dadkaas?
Waxaan halkan ku soo bandhigayaa waxa aan ka qabo diin ahaan dadkaas aan soo sheegay, si aan cudurdaar looga dhigan in aan anigu marka hore sheego waxa aan ka qabo.

Haddaba anigoo ku salaynaya qodobo ay kamid yihiin:

(1) In dadka muslimka ah ee Kenya si qassab iyo xoog ah looga dhigay Kenyan, oo dil iyo dagaal loogu daray Kenya.

(2)In qofkii aan qaadan aqoonsiyada xabsi, dil iyo dhibaato loo gaysanayo.

(3) In ay waqtigaas iyo ka horba jirtay aqoon darro diineed oo badan, lana dhihi karo waxay ahayd waqti jahli fiday.

(4) In aanay helin meel qaadda oo aqbalaysa in ay u guuraan, oo aan lahayn shuruudahaas oo kale.

(5) In aanay jirin ilaa hadda meel ay ka aadi karaan, ama ay ka heli karaan deegaan iyo dal toona.

(6) In culima badani u banneeyeen dadka lamidka ah inay gali karaan baarlamaannada, masaladuna ay tahay mid waqtigan cusub (naazila ).
Anigoo intaas iyo in kaleba eegaya:

Waxaan ka qabaa dadkaas aan qeybahooda kala duwan su’aalaha kusoo sheegay:

1.in ay yihiin muslimiin, oo aan wadar ahaan loo gaalaysiin Karin acyaantooda.

2. Ma jiro qof dadkaas kamid ah oo aan ku ogahay inay si gaar ah uga suuleen duruufahaas aan soo sheegay.

3.qofkii intaas ka baxa, ee cudurdaaradaas ka suulaanna: wuxuu qaadan karaa xukkun gaalnimo ah.

Gabo gabo:
Waxaan ka sugayaa Sheekh Xassaan inuu ka bixiyo jawaab aan mugdi ku jirin, waxaana rajeynayaa in aanay daahin.

Waxaa Qoray :Maxamuud Maxamed Shible(Abuu- Cabdilbaari)

15/09/2010

3 Responses to Sheikh Maxamuud Shibli oo Suaalo Cul-culus kordhigay Sh Xassaan Xuseen,Iyo Shiikh Xasaan Oo Ku Wareeray Jawaabaha Su,aalahaas::

  1. sheekh xasaan suaálihi sh shibleqoray, si fiican ayuu ooga jawaabay sh xasaan ee akhristayaascha u bandhiga,hana kabeen sheeqina…..cadalada yaasan laga tagin

    ilahay ha laka baqo culimadanah ha la ixtiraamo Cadaaladanah ha lagu dathaalo qiyaama jiree….

    Xusen - September 18, 2010
    9:58 am

  2. Asc wr wbr sln kadib walalayal marka hore waxa wanaagsan in aan ladacaayaden culimada iqwah qoraalka wepkan waxad kadaremi kartaan in ay tahay dacaayad ama aflagaado lagula kacayo sh xasan iqwah waxaa suno ah ladacaayadeyo ama la’aflagaadeeyo ama laga hor imado qofkasta oo AHLU TOWXIID ah marka walalayal ha’aaminina wax qoraalka waxa laraba ITUS ITAABSII waxad ogatan walalaha musliminta ah in wepkan qofka leh uuyahay QABIILEYSTE walalayal sheeqa yaan la’idinku dirin ASC WR WBR

    Maxamed sh axmed - September 16, 2011
    5:15 am

  3. Fadlan yaanan la i dhibsan warkeyga hala akhriyo sidegan anigaan la i takfiirin

    ascw awalan halgan waxaan ka codsanayaa culimada in ay is caadi ah usoo bandhigaan oo khayaanada kadaayaan
    waayo waxaan ku taxannahay wabkooda
    waxaan u baahnahay in aan ogaado jawaabihii uu ka bixiyay sheekh xasaan xuseen xafida hullaah waricaah su aalihii uu weydiiyay sheekh shibili
    2-anigu waxaan kamid ahay ardayda sheekh umal
    3-sheekha waxaan weydiinayaa waa sheekh shibilee farqiga u dhexeeyo cabdillaahi yuusuf iyo sheekh ibraahim dheere iyo farqiga udhixiiyo shariif iyo cabdillaahi yusuf
    fadlan waxaan codsanayaa in arinkaan in la iga jaahil bixiyo
    4- waxaad ogsoontihiin cabdillaahi yusuf markii lagu doooranaayay Eldoret sheekh umal wuxuu jeediyay muxaadaro loogu magacdaray mataahaadkaa dadkii ka danbeeyey
    muxaadaradaas waxey gaaleysiineesay cabdillaahi iyo howlihisii
    waxaa ii xigtay sheekheygoo jeedinaayo muxaadaradii yaabka la heyd ee Leysal khabaru kalmucayan oo shariif lagu taageetrayo
    5-khayaanadii weyneed ee ey geysteen culimada somaliyeed qaarkood oo aheyd in la dagaalamo oo uu ka mid ahaa shibile umal shariif cabdinuur illaah ha u naxariistee sh cumar faruuq culimadaan dhamaan su aalo laweydiiyay iyo muxaadaraad ay qabteen ayey ku taagereen dagaalka
    Waayahaye maxa isbedelay shacabka soomaliyeed waay la yaaban yihiin arintaan
    6-dhacdadii ugu yaabka badneed oo aan dul istaagay waxey aheyd wiil ay waaleen culimadaan oo adeerkii uu gaaleysiiyay gacantiisana kudilay wakhtigii cabdillaahi yusuf
    7-hadaan jirin jahaad culimadii fadwootay xukunkooda iyo wiilka yar ee codkooda qaatay maxaa xukun ah?
    8-haduu jahaad jiray maxaa isbedelay ? magaaladii ayaa islaantay mese muslimkii ayaa gaaloobey mese waxyi baasoo degay mese nas iga qarsan ayaa jira oo dhahaya zaman hadii lagaaro jahaadku wuu zuulayaa
    Agudanbeyntii hala iga raali ahaado hadaan khaldamay illaahna cafis ayaan weydiisanayaa
    Olama jeedo in aan idin xujeeyo ee cilmi doon ayaan ahay maadaama aanan ku sugneen soo maaliya iyo nairoobi

    maxamed adan yuusuf - January 18, 2012
    9:50 am

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

 

منتدى الحمايه تعليم هكر اختراق فيس بوك اختراق اميلات اختراق اجهزه

اختراق مواقع