Doorashadii ka qabsoontay 26kii Juun dalka Somaliland ee Shicibka reer Somaliland ay boqolkiiba todobaatan si kalsooni ah u siiyeen codkooda Mudane Ahemed Mohamed Mohamoud Silanyo, ayaad waxaad moodaa in ay durba ay ummadda reer Somaliland walaac ka muujisay, taas oon ahayn xaga Madaxweynaha ee ah beesha uu ka soo jeedo. Waxaan maanta kalsooni ku qabaa in uu Madaxweynaheenu diyaar u yahay wax qabad iyo isbedel dhinac walba taabanaya, taasi oo ah tii ay ummaddu u soo dooratay.
Laakiin waxaad moodaa in ay beeshu yar degdegsanayso xukunka una isticmaalaan si aan caadi ahayn taasonay maanta diyaar u ahayn Somaliland, lana filayo inaanu Madaxweynuhu ka yeelayn beeshiisa.
Waxaan jecelahay in aan idin yar xasuusiyo dhawr arimood oo ay beesha bariga burco ku kacday mudadii yarayd ka dib inta uu xukunka la wareegay Madaxweynuhu :
· Shirkii Salaadiinta ood moodaysay in ay yara degdegeen. Nabad kuwada noolaanshe waynu u baahanahay laakiin go’aankii ay beeshu iska qaadatay ayaad moodaa inuu dhabarjab ku ahaa Somaliland iyo dawladda cusuba.
· Waxa iyana layaab leh oo dhalliil mudan, afarta xildhibaan ee kala ah Axmed Ducaale, cabdiraxman Cartan, ijaadhe iyo Rayte ee isku beesha ah, una ololaynaya in Saxaafada laxakameeyo amminkan dawladdan cusub, markay mucaaridka ahaayeen u ololayn jiray, uguna mayalka adkaa in saxaafadda aan la cabudhin ee ay madaxbannaanaato, qaarkood ka mid ahna loo hayo fikradihii ay arrintaasi hore uga qoreen. Waxay arrintani darrantahay inaynu is xasuusino in saxaafada xorta ahi ay ka mid tahay tiir ka mid ah tiirarka ay Dawlad dimuqraadiyi leedahay, ahna qodob ka mid ah ballamihii madaxweynaheenu ku balanqaaday in uu fulin doono.
· Waxa iyana arintii ugu yaabka badnayd ahayd nin shaqaalaha dahabshiil ka mid ah, Xassan Xiis, oo awood aynaan garanayn meel ay ka timid jeebka kala soo baxay kaas oo gaadhay heer uu qabto ( workshop ) isaga oo ka hadlaya in qodobo laysu min guuriyo oo laga soo dhexsaaro xeer saxaafada xorta ah lagu xakameeyo. Hadaba waxa layaab leh ninkan oo u shaqeeya shirkad ( private ah ) cida siisay awoodan uu ku gorfeeyo saxafada Somaliland, taa macnaheedu waxay ina tusaysaa in beeshii ay u qaadatay xukunkii in uu boqortooyoyahay sidaa darteed ay meel walba oo ay joogaan taladii ka soo gelayaan.
· Waxaan iyana aad u la yaabay mudane Ahmed waqaf oo ah gudoomiye ku xigeenka xisbiga UCID oo dhaliil u soo jeedinaya dowlada cusub isaga oo ku hadlaya afka beeshiisa kana hadlaya shirkada cableka ee la siiyay Mohamed Aw Siciid isaga oo wax u doonaya shirkada reer farax xarbi dilaalka yihiin.
· Waxa iyana ummaddu aad ula yaabtay maqaal yar ku xusnaa haatifka manta ahna fikirka dadka hadba suuqa ka socda ooy beeshii mashquushay meelkasta oy aduunka ka joogaana ay soo weereen mulkiilaha, aflagaadooyin lafjab ahna ay u gesteen. Ta ummadda inteeda badani is waydiinayaan waxa weeye miyaanay beeshu is qaban, waxaad moodaa gaadhi furaha lagu rogay oo dabeedna istadhmay. Beeshaa dhami waxay ka xanaaqsaantahay oo ay ka dhamaan waydeen yiroowe iyaba waa mucjiso ee miyaanay yiroowe magaladiinii ahayn xagee wax ka eegteen.
Beesha waxaan xasuusinayaa in maaanta dalka labadii jago ee ugu sareeyay aad haysataan ummadduna ay raali ka tahay Madaxweynihii iyo Gudoomiyhii guurtida hadaba waxa laydinka rabaa waxa weeye inaad degenaansho iyo xadaarad muujisaan oo aad kala hadhaan oo markay wax dhacaan in anay beeshu waxa walba isku raacin, teeda labaad maxaa la caytantaan ee aflagaadadan lafo jabka ah idiinku wacan. Guntii iyo gebogebehii waa iga talo ee maanta Somaliland inteedii kale way idin eegayaan waa inaad dhowrsataan. waxa kale oo aan idin xasuusinayaa magacan beeshu way haraaday weynagii doorashada ku gelnay ee kuwada xadraynaynaye goormuu idinla xumaaday xageed kawaalantihiin waxaan idinku dardaarayaa dawladii waa idinka e daganaansho iyo dulqaadka ogaada.
WABILHI TOWFIIQ.
Sagal Xassan