Surre Maxaa Dan U,ah Yaase Uroon

Filed under: Cayaaraha,Wararka Somalia |

Waxaan talo ku soo jeedin lahaa in sameeyo SURRE FOUNDATION

Marka
hore waxaan salaamayaa maamulka shebakada Hidaha,marka xigta dhamaan
akhristayaasha sharafta leh ee shebakadan ku xidhan waxaan idin
leeyahay ASC.

Laga soo bilaamo 1991 markii …ay
burburtay dowladii Somaliya waxaa mesha ka baxay dhamaanba adeegyadii
bulshada ee ay dowladu u qaban jirtay dadka,haday noqoto mid
caafimaad,amaan,waxbarasho,waxaana
ay noqotay in cid kastaa ay ka fikirto sidii ay u noolaan lahayd iyada
oo bulsho kasta oo meel wada degenba ay sameysatay maamul dadka ku
abtirsada bulshadaas u qabto adeegyada lagama maar-maanka u ah nolosha
biniaadamka. Tusaale ahaan maamulada jira sida Somaliland,Puntland,Gal
mudug,IWM, ayaa dhamaantod waxay bulshooyinkooda u sameeyaan adegyada
nolosha u asaasiga ah sida, waxbarashada, caafimaadka, isku
xidhnaanshaha, adeegyada biyaha,korontada ,amaanka IWM.

Hadaba
hadaan u soo noqdo ciwaanka maqaalkan waxaa hubaal ah in bulshada ku
abtirsata beelaha Surre ee iyaga aan nasiibka u yeelan maamul u qabto
adeegayda asaasiga ah ee aan kor ku soo xusnay ay qabaan baahi weyn.
Gaar ahaan waxay baahidaasi sii taabaneysaa dhalinyarada aan iyagu
nasiibka u yeelan inay helaan dugsiyo sarre oo ku dhow degaankooda ama
awood ay waxbarasho sarre ku raadsadaan.

UJEEDADA HAY,ADAN

Aniga
shaqsiyan waxaan qabaa hadii aanay suurto gal noqon Karin in la sameeyo
maamul isku keena beelaha surre in la sameeyo hay,ad la yidhaa SURRE
FOUNDATION, oo loogu magic darro awoogeen surre,hay,adaas oo shaqadeedu
noqoneyso in dhamaan adeegyada aan kor ku soo xusnahay ay u qabato
bulshada ku abtirsata Surre oo ah bulsho balaadhan laakin aan lahayn
maamul siiya adeegyadaas.

QAAB DHISMEEDKA AY YEELAN KARTO

Qaab
dismeedka hay,adan waxaa lagaga wada haldi karaa shirweyne laysugu
yeedho dhamaan wax garadaka beesha surre,laakin ani waxaan odhan lahaa
qaab dhismeedkeedu tusaale ahaan wuxuu noqon karaa sedan:

1.daxweyne lagu doortay shirweynaha beesha.\
2.daxweyne ku xigeen
3. Guddida Amaanka
4. Guddida Dhaqaalaha
5. Gudida waxbarashada.
6. Gudidada xidhiidhka dadweynaha iyo ka caalamiga ahab
7.Guddida Caafimaadka
8.IWM

ILAHA DHAQAALE EE HAY,ADAN YEELAN KARTO

Hay,dan ayaa waxay yeelan kartaa ama heli kartaa ilo dhaqaale oo dhowr ah
sida

1- Contribution ay bixiyaan dhamaan ganacsada, iyo qurbo joogta ku
abtirsata surre.
2- Tageero dhaqaale oo laga raadso maamulada iyo dowladaha aan wada
dhalanay sida, Somalinad iyo Djabouti.

MAXAY QABAN KARTAA HAY,ADANI

Hay,adan
ayaa qaban karta waxyaabo aad u badan waa hadii la helo dad karti u leh
oo doonaya inay bulshadooda wax u qabtaan si ay somlida kale wax ula
qeybsato,isla mar ahaantaasna loo dhiso hay,adan qaab wada qanciya
dhamaan bulshada Surre.

1. waxay ka shaqeyn karaan amaanka iyo
isku xidhka bulshada Surre eek u kala daadsan dhulka somalidu degto
haba u badnaadaan gobolo eh
2. waxay ka shaqeyn karaan caafimadaa,koronto si loogu heli lahaa iyo
biyoba deegaanada ay u badanyihiin bulshada Surre
3. waxay u hawl geli karaan in dugsiyo hoose,dhexe iyo sareba laga hir
geliyo degaanada aan ku badanahay.
4.
waxay waxbarasho sarre oo jamacadeed ka bixin karaan sanadkiiba 10
arday oo beesha ah, tan waxaa sameeya ururo ka yar yar ama ka hooseeya
Surre foundation
5. waxay wada shaqeyn iyo is fahan la sameyn karta
maamulada iyo dowaladaha aan walaalaha nahay ee nabada iyo hor umarka
jecel sida:- Djabouti, Somaliland iyo Puntlandba.

Gunti iyo gebo
gebadadii walaalayaal ha loo kaco oo ha loo guntada oo xil ha layska
saaro in dadkeenu ay wax noqdaan oo dadka kale ee Somalia ay wax la
qeybsadaan,taas oo qof kasta o hawshaas gala uu ka heli kara Ajar
aakhiro iyo abaal aduunyo labadaba.

AHMED M MUSA
KAMPALA UGANDA
Caalim44@hotmail.com

One Response to Surre Maxaa Dan U,ah Yaase Uroon

  1. walaalo wad ku mahdasantahay fikrka qimaga badan.
    ee so jedisay maaha talo xun lakiin mais waidisaya ciidaa ad tahay
    walaalo waxad ka dhalatay umaad an waliged ka fakarin noloshoda
    umaad kala tadsan mar waliba umadan garanin waxa u roon
    umaadan ka fakarin mutaqbalka ayohoda
    umaad ka daba orodah qabilo kaee.
    waxay ila tahay waxa waxano qaban karah dhaliyarad surre haday ka tahay dacad
    waxa idinka buuxa aqoonyah culimo dhaliin yaro haawen waxan buxin karah kaalin waliba oo no banan

    caasho cabdullahi koraye - September 6, 2010
    1:01 pm

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>