Dunida anku noolnahay waxaanku nool noole aad u badan hadana kala duwan (Allah Subxaana Watacaala uu abuurtay) islamarkaasna wuxu u sameyey Lab- Dhidig uu isugu tala galay Si ay u tarmaan. jinka iyo insiga (asw) wuxu u abuuray in ay caabu-daan isaga.
Marka an ka soo qaadana bina’aadanka waxaa laga dhigay rag iyo dumar waxaana diinteena islaamaka ah ay ugu nimceysay in ay isguursadaan ninka raga ah iyo dumarka, islamarkaasna ay isku asturnaadaan owlaaddna isu dhallaan.
Waxaa sidokale loogu tala galay in ninka raga ah guursado afar dumar ah halka dumarka loo baneeye inay guursata hal nin. Marka lag hadlayo haweeneyda raaliyada ah, ma ahan wax ay ayada iska sameysankarta inay noqota raaliyo, waa hibo rabi siiye. Waxaa intabadan la arkaa dadkeena soomalid ah haweene-badan oo lafuray kuwa rafaadsan ee ilma lagu xumeeye kuwa caruurtii laga qaatay oo iska murugoonayo mid marseersan oo ku taahayso maxaa naagkale la iga daba keenay. Arrimahaas oo dhan waxaa sal u ah haweenka naftood ee ma ahan mid badanaa raga ka timaada! Sabtu waxay tahay haweenka soomaaliyeed ma qadariyaan ninkooda, matixgeeliyaan ninkooda, maku kalsoona ninkooda, ma qanciyaan ninkooda dhankasta ha noqoteed, tusaala: ninka raga ah hadii uu guriga ka baxa isagoo qoslaayo farax-san, hadana uu guriga ku soo laabta isagoo farax-san. Weligiis ma xumeynayo xaaskiisa. Qiso hadaka hor waxaa dhacday qisadaan sifiican iila socda ujeedada aankaleyahay qisadaan.
Wuxu ahaa oday reer mii ah wuxuu lahaa geel tiradiisa dhantahay. 111 neef. Dad Wuxu dhalay sedax wiil, maalintiidambe waxaa asiibay malakulmoodkii oo wuu xanunsaday. Wuxuna isugu yeeray caruurtii oo ahaayeen sedax wiil wuxunaku yiray wiilasheydiyow anigu waan dhimanayayaa. Ee dardaarankeyga qaata, wuxuku yiray geela waxad u kala qaadaneysaan sida tan, nin wuxuu leeyahay boqol neef, ninka kale wuxuu leeyahay tobon neef, hal ka ninka kale leeyahay hal neef” wuuna xijaabtay odaygii. Wiilashii waxay isku qabsadeen anaa boqolka leh iyo aan boqolka leh” hooyadii dhashay sedaxda wiil waxay tiray, hooyo ha is dilinee, baxa oo garta dad u geesta.
Meeshana waa baadiyo, waa la is raacay waxayna u tageen nin loo sheegay inuu garta goo’ya, wuxu ahaa nin oday ah oo duq ah isla markaasna diifka muuqato, waxayna u sheegeen arrinta ay rabeen. Wuxuku yiray garat waa loo kala weynyahaye walaalkey iga weyn ayaa joogee isaga u taga. Wuxuna u tilmaamay guriga walaalkiis. Way soo baxeen waxay u yimaaddeen in ninkii horay ka yar kana muuqaal quraxan. Waxayna u sheegeen arrinkii, wuxu ku yiray garta waa loo kala weynyahaye walaakey iga weyn ayaan idin tilmaamaa ee u taga.
Waysoo baxeen waxay u tageen nin nimankii kale ka wada yar oo muuqaal aad u wanaagsan iyo farx-ad leh. Waxay aheed goor maqrib ah, waxayna u sheegeen arrinkii. Wuxu yiray farista gogol ay loo geeye ninba ardaa’iga gooni ahay la geeye, wuu ka qariye wuxun u dalbay neef ari ah in loo looga, markii hilibkii la diyaariye ayu mid u tagay wuxu yiray i dhageyso’ cadkaan hilibka ah cun oo cidna ha u sheegin waxaan siiye waa keligaa ragakale waxbo umahayo, wuu kadiiday wuxunaku yiray hadiiba ragakale aan wada cuneynin marabo.
Wuu katagay ninkii labaad ayu u yimid wuxunaku yiray sidi silamid ah. ninkii labaad marku labo mar cantuugay cadkii ayu yiray marabo ee iga qaad marhaday walaalahay ila cuneynin. Wuxu u yimid kii sedaxaad wuxuna ku yiray sidi si lamid ah. ninkii sedaxaad wuxu cunay cadkii hilibka ahaa oo halkii ku dhameetay. Markii halkaas lakala maraaye ayu u wada yeeray sedaxdii wiil wuxuna halikii ku siiye neefkii loo loogay hilbkiisi oo lagu wada cunay. Wuxuna u sheegay ninkii u horeye ee diiday cadka hilibka inuu leeyahay boqolka neef. Kii halkamar cantuugayna uu leeyahay toboka neef. Halka ninkii hilibka dhameestay uu leeyahay hal neef.
intaaska dib ayey weydiiyeen raga walaalaha ah ee la dhashay ninka garta gooye yaa ugu weyn? Wuxu ku jawaabay annaa ugu weyn. Way la yaabeen waayo muuqaal ahaan iyo da’ahaan ba isuma eko oo waxadba moodaa in dhamaantoodba uu ugu yaryahay. Waxayna weydiiyen sababta uu muuqaal iyo nolol ahaanba u oga fiicanyahay da’ahaana u oga weynyahay?
Wuxuna ku jawaabay sidatan. Ninka uhoreye ee aad aragteed waa ninkii noogu yaraa waxa cirrada ka soo bixiye ee ka dhiga muuqaall kiisa oday gaboobay, wuxu qabaa naag qayli badan dhib badan oo in ayka xanaajiyso mooyaane aanka farxinin nafta u gashay mana furikaro oo dadkii hore furinku wuxu ahaa ceeb. Kan labaad ee isagana aan waxbo dhaamin waa da’dii iga yareed wuxuna qabaa labo naag oo midu habaar qabta tahay oo dhuunta ugashay. Wuxuna kankale ku dhaamaa midbaa uroon naagahisa oo u ku ladanyahay. Base marku taga guriya qaylisoydi ayadaa ka jarta inta raaliyadi ka soo farxisay. Marka wuxuku dardaarmiye odaygi garta u kala gooye wiilashi garta isku heestay inay ka fo’gaadaan naag aan raaliya aheen hadi kale ay lakulmidoonaa cimridegdeg murugo joogta ah iyo fikir aan dhamaad laheen.
Sikasta ha ahaate waayadan dambe waxaa isa soo taraye isfahanka lamaanaha isqabo. Waxadba moodaa in sidi hore wax badanka bedelnayihin. xaga dhaqanka hablaha somaalidana ay fahmeen macaanka ninka iyo qaderinta u leeyahay.
subeyr macalim subayr@hotmail.com