Xarakada Al-shabaab oo bukaanada HIV AIDis ka qaba ugu baaqay in ay is qarxiyaan

Filed under: Suugaanta,Wararka Somalia |

Maamulka ka arimiya Degmada Marka ee Sh/ hoose ayaa dhawaan xarunta daaweynta AIDSka ee Degmada Marka kula kulmay bukaano halkaasi lagu daweynayo oo qaba cudurka HIV AIDS.

Horjoogaha Maamulka Al-shabaab ee gobolka Sh/ hoose Maxamed Abuu Cabdalla Idriis ayaa ugu baaqay bukaanada AIDSka qaba inn ay is miidaamiyaan oo ay is qarxiyaan, bacdamaa uu sheegay inaysan noolaaneyn oo daawo loo heleyn.

Amarkaas ayay amakaak iyo anfariir la noqotay bukaanadii oo goobtaas isaga huleelay iyadoo goobtii daryeelka ee ka hortaga eedhiska albaabada la isugu dhuftay, xarunta oo ku taala Isbitaalka Istarliin ee magaalada Marka ayaa in mudo ah waday daryeel ay u fidineysay bukaanada uu haleelay cudurka eediska iyadoo talaabadaan ka horna ay maamulka Shabaab u xireyn xaruntii daaweynta qaaxada oo ay ku eedeeyeen in ay maamulaan hey’ado ay ku sheegeen inay yihiin Kirishtaan.

Talaabadaan ayaa ah mid ku cusub kooxda Shabaab oo aan looga baran in ay xiraan goobaha caafimaadka iyo xarumaha laguĀ  daryeelo bukaanada, walow ay kooxda Xisbulislaam ay iyagu horay albaabada isugu dhufteen una bililiqeysteen Isbitaalka Xaawo Cabdi ee duleedka Muqdisho.

Manaxihii iyo ganac ku dhiiglahii aduunka soo maray ee Hitler waxyaabihii uu sameeyey ayaa waxaa ka mid ahaa in uu yiri dadka curyaamiinta ah iyo dadka aan cadaanka dhaladka aheen in laga tirtiro aduunka ayaa haboon gaar ahaan yahuuda iyo dadka madmadoow, isla markaana waxaa uu dadka yuhuuda uu u diyaariyey in uu ka faa’idaysto jirkooda sida lafaha, hilibka iyo timaha.Lafahoodu in loo isticmaalo saxuumada dhoobka oo kale, timahooda in dharka laga sameeyo iyo hiliboodana beeraha lagu bacrimoyo, waana uu sameeyey ilaa lix milyan oo yahuud ayuu sidaasi yeelay manaxihii aduunka soo maray.

4 Responses to Xarakada Al-shabaab oo bukaanada HIV AIDis ka qaba ugu baaqay in ay is qarxiyaan

  1. waar wuxu mayna naxaynba dadkiibay raxmada ilaahayku quusinayaan alah wuxuu yidhi cidi raxmadayda ka quusata waa daalimin hadaba dadka halkay diinta ugu yeedhi lahaayeen ayay sii halaagayaa waligayo waxan oo kale maan arag

    maxamed - October 4, 2010
    5:48 pm

  2. waar waxani diin meehee meelahaas la aada

    maxamed - October 4, 2010
    5:49 pm

  3. waar kuwan waa ilahay ayaa hada isku diraay tuugta al shbaba mujrimin

    abdikadir - October 7, 2010
    5:39 am

  4. kuwaan ilahaay hanaqabto hada way kala firdeen tuugtu waxaay isku layeen duunyo raagi mujahidinta sheeganayey waa mujrimin

    abdikadir - October 7, 2010
    5:41 am

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>