Gabay laga tiriyay Amiirka Xarakada Al Shabaab “Bal Gabaygaan akhriso layaabka leh”

Filed under: English news,PEOPLE POWER |

Gabaygan oo hal-ku dheggiisu yahay ‘Godane Waa Moog’ wuxuu jawaab u yahay gabay hal-ku dheggiisu ahaa ‘Godane Waydiiya’ oo uu hore u tiriyay Abwaan Xasan Garaad Warsame (Magaciisa goor dambe ayaan helay).

Waxaan ka mid ahay dhibbanayaasha ku nool deegaannada Shabaabku tacaddiyada joogtada ah ku hayo. Waxan na xog-ogaal u ahay waxyaabo aan dadku badi la socon.

Markii aan dhugtay nuxurka su’aalaha maanso-yahankan ay na ii muuqatay inaan Axmed Godane jawaab ka bixinayn ugu yaraan xilligan (Walow uu maanso tiriyo) ayaan anigu Abwaanka u jawaabayaa anigoo jawaabaha ka helay ficillada guutada Shabaabka iyo dhaqannadooda.

Tusaale:

Su’aal. Maxay Reer Godane (Shabaab) gafuurka (afka) u xirtaan?

Jawaab. Si aan loo garan.

Dariiqaas ayaan u maray inaan jawaab ka bixiyo dhammaan su’aalihi uu Abwaan Xasan Garaad u diray Godane.

Gabaygan isagoo cod ah goorta duruuftu saamaxdo ayaa la heli insha ALLAH laakin gabaygii oo qoraal ah waa kan.

Gogol-dhig:-

Indhowayd ba guurow katagay gabay ya taariikhe

Ninna ima go’doomine anaa gaabsadoo xiray e

Dhowr gu’ iyo dheeraad ma tirin tix iyo geeraar e

Anigaa go’aansaday inaan yare guffeeyaaye

Guddoonshow se kaad soo dirtay ed Godane waydiisay

Eed tiri gafuur-duubashada golaha yaa keenay

Eed tiri ma gacan-dhiiglahaa culima gaaleeyay

Lagu garay ujeedkiyo macnaha gogol-dhiggaagiiye

Lana garay halkaad geesiyow gaar is leedahay e

Eebbaa se gacalkaa u maqan goor walabeetaba e

Ha gablamin guddoonshow waqaa hana galiilyoonne

Waan u guuxnay maansadi innana gebi ahaanteen e

Gurboodkaa inkaariyo ninkaa idil gambooley e

Maxaa geesiyaal iyo ikhyaar gowrac lagu jiiday

Maxaa guurti iyo Culimadii gaalo lagu sheegay

Halyeeyiyo maxuu geesiyaal gabawaroo laayay

Gacalleyda hooyiyo maxaa gabar la naafeeyay

Gaban yari maxuu waalidkii dhalay garaafeeyay

Maxaa gebi masaakiin dhib iyo urugo loo gaystay

Iyagoon gasiin haysan oo guri la’aan jooga

Goofaha bannaan iyo maxaa geedo lagu hooyay

Guhaad iyo intaa oo dhan baa ciil ku gaammuray e

Gelin baa ka haray qura inay gebi kacdoomaan e

Gardarrlloole loo showray baan goorna sii jirin e

Nin gaal-leef ku dilay culimo baan Guulle bixinayn e

Cimrigii markaan waa go’aye Godane waa mooge.

Su’aalaha gantaashaa adaa diray guddoonshow e

Aan gudbiyo wixii jira anoon gees na uga weecan

Sir guffaysan aan soo bandhigo golaha aan keeno

Gunta iyo asraaraha ku jira gudaha aan muujo

Aan galo jawaabaha illeyn Godane waa mooge

Jawaabihi:-

Gafuur duubataa ama harkii gegi ka heestaaba

Shacabkaa gumaadkiyo mixnada gelin walbow taagan

Goor ay ahaataba mar bay gudan xaqoodaase

Inay garan midkii eed ka gala Godane waa mooge.

Bilaash bay go’aa ugu xardheen GUULLE magacii e

Dan goonniya qasdigu weeye taa inay ku gaaraan e

Waa ujeed gurracan oo naflaha lagu gummaadaaye

Gu’ ya xays inaan kala naqaan Godane waa mooge

Gacalkii dhalaye ababiyaye gaadda ku xambaaray

Goortuu koraye guur holladay garabka kii siiyay

Ee gaaffabixiyee dejee guri u weegaaray

Inuu magaca kiisaa gadaa wow garaad xumo e

Gole sooma joogsado waqii eed ninkii gala e

Gama’ waa ka xaaraan inuu seexdo gogoshiise

Gablamuhu naf badan buu qatilay gaadmo iyo toose

Aabbihii wuxuu uga gurtiyo kii gardaadiyayba

Yaanuu dhibbanihii ku garan galabta weeyaane

Ninka se gelinka maalmeed harkii guraya saantaada

Oo guuraha allaylkii mugdiga garan dhawaaqaaga

Inaan gaaf na laga dhuuman karin Godane waa mooge

Lama galin kitaab iyo duruus dhowr gu’ oo tagay e

DIIN na u ma gargaarine xaqey gebi ka tuureene

Sidii ay Islaamka u gureen ama gaabsheen ba

Amay ceeb u gasyteen ka badan geedaha baxay e

Gefkoodaa Kufaartowga daran gaalo idilkeed e

Inuu gaday Islaamkii hubaal Godane waa mooge

Go’i waayayeey! ma adigaa taabtay gobo’diiba

Gabannadan la hodayee xigtiyo galcalba laynaaya

Oo soohdimaha wada gudbee goosta taladooda

Mindhaa waa gadood qura waxay garanayaaniine
Inay soo gadaal celin barri ba waa gad aan hubo e

Oy isgana gowrici se taa Godane waa mooge

Kitaab uma goine khaarijkani wuu ku raad gadan e

Gardarro na ninkeedey hoddaa goor iyo ayaane

In giraantu weegaaran tahay Godane waa mooge

Xamashadu guddoonshow ka badan go’idda taageer e

Diyaaradaha guuxee intaa guudkannaga meera

Kuwaa gaaf wareegiyo badaha guuto waxa jooga

Gayshkaa inuu hago iyana gaartay sheekadu e

Inaan gun iyo hoos ba u naqaan Godane waa mooge

Har kuma geeyo duulkii naftiyo gooya hanaqaa e

Nika gabay halkiisey doqoni gacan ka dhowrtaaye

Garaad yare ninkays gowriciye gelaya dhiiggiisa

Gaaladu ba ma yeelaan waxay nimanku goosteene

Inaannaan kuwaa gacal ka filan Godane waa mooge

Kol haddaan guddoonkaba la siin guurtiduna dooran

Gar maahayn inuu keli xudduud gaar u fuliyaaye

Goosaar ha joogtee kuwaa garow na aan haysan

Ee guluf colaad iyo ku jira baahi iyo gaajo

Qalad iyo Gef weeyaan inay xibin ka gooyaan e

Wa taan gu’gi Rammaada ba la jarin tuugga gacantiiye

Inuu Cumar (RC) xadkaa gelin hakiyay Godane waa mooge

Gardarroole iyo daalim iyo kii gabood fali ba

Guulle wuxu u kaadshaa muddiyo maalmo gelinkoode

Kolkaasuu hadhow galab qabtaa gacanta toodaa e

Gefki iyo waxaa laga gudaa eed wuxuu galay e

Iilkiyo godkii iyo qabriba Godane waa mooge

Gu’ ninkii ka wayn aabbihii garacnimow bayrye

Garaad-yare ninkaa culimadii gebi ijaafeeyay

Ee gaaleeyay Sheekhyadi dhammaan joogay geyigeenna

Cidluu gabayaxoodaa dhabtiye waanu garanayn e

Inuu dhagaxyo toobaa geddaa Godane waa mooge

Nin dhul ganay ninkii keli garrama ee gaar isula showra

Ma gafaa la yiri ruux qudhii goonni faqayaa e

Gaal ka carar Islaamkana qur gooy gala masaajiidda

Waa ged lagu yaqiin khaarijyada maanta iyo goore

Halkaan gees ka mari layn kufriga gelaya dhiigeenna

Dhexdeenney guhaad iyo colaad guluf ka oogaane

Nin walaalki gowracay ma lado boqontanays gooye

Inuu godob ya kaydsaday xumaan Godane waa mooge

Darajada gumaad laguma helo gacal idlayntii ye

Wa doow aad ku gaartaba mid uu Guulle bixiyaaye

Golxob saawiriyo boobe iyo gumac ku laay yaaba

Gelin qura inay nabad helaan gama’ u diid yaaba

Waxa uu u gaylyamahaan garan karaynaaye

Inaan gobi ku laylyamin sidaa Godane waa moog

Maan garan waxay galabsadeen Guullahay magan e

Godka ruux la dhigay nimankankada galabta faagaaya

Kitaab-Gaable iyo faaliyaa goorba saa faray e

Guddoonshow haddaan owyadaa xaqa na gaarsiinnin

Inuu gaal ahaan laa qudhii Godane waa mooge

Galabtuu Amxaar yimid carrige gulufka soo qaaday

Oo reer galbeed iyo Ibliis garabka siinaayay

Golihii midowgiyo shacbigo gees u wada jeeda

Mid ganiyo mid geeraar tirshiyo guunyo kuwa dhiiba

Guurti hadasha gaashaandhiggoon gelinna waabaynin

Waa tii ka gees iyo ka gees gayshku soo baxay e

Waa tii gumaystiyo Amxaar goohay oo tagay e

Wa teey gelin dharaareed harkii galab carraabeen e

Waa tey ka guureen dhulkaan goonni u lahayn e

Godaniyo raggiisuba ma jirin gool ay dhaliyeen e

Waxay geeso yeesheen kolkii guushu noo timide

Oo Guulle noo hiilliyaye guuray cadowgiiye

Kolkaasey gadaal ugu baxeen gacantogaalays e

Kolkaasey gafuurrada xirteen waa gurracantaase

Wuxuu galo wuxuu gudo ninkani waannu garannaaye

Guul-darraduna waa tii an hurin Guulle idankiiye

Gardarrlloole loo showray baan goorna sii jirin e

Cimrigii markaan waa go’aye Godane waa mooge.

FG: Ruux kasta way u furan tahay inuu gabaygan wax ka yiraahdo.

Talo, naqdin iwm iigu soo gudbi sanduuq-farriimeedyada hoose.


CabdulMuciz Aala-Jimcaale.
Aalajimcaale@yahoo.com
Waxgarad1@live.com

2 Responses to Gabay laga tiriyay Amiirka Xarakada Al Shabaab “Bal Gabaygaan akhriso layaabka leh”

  1. aniga hadan fikirikeyga ka hadlo andiina01@hotmail.com,

    anisa dahir - March 11, 2011
    10:32 am

  2. waa gabay lasoo miirayo aan lahayn mirire waa gabay
    waagabay gafuurtuub ugaran waxay galaayaane
    waa gabay ninkii fiiriyaa uu saxdii garane
    waa gabay abwaanadii saxeen eegay gayiyeena
    waa gabay shabaab soo arkaye shooray dhaqankooda

    ana waxan kudarayaa kalmado lagu xasuustaaye
    gafuurduub dalkeenay gubeen saad u aragtaanba
    dadkii iyo dalkiibay gateen saad u aragtaanba
    diintii islaamkay kufriga gacan kusiiyeen
    waxa dunida loo jooginbay dhaqan u yesheene
    gacmo go an masaakin lagubay oon garamin maantay
    xaqoo duugan qaladko dugsileh saad u aragtaanba
    owlaad dafiranoo dadkii dilaya maantoo dhan
    waalidiin barooto caruur laga asqaynaayo
    nin xaqiisa sheegto markaas gaal kumaga caaban
    hadba qaladka kii ugu xunbay soo rogahayaane

    Waxgarad1@live.com - September 8, 2011
    7:32 am

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

 

منتدى الحمايه تعليم هكر اختراق فيس بوك اختراق اميلات اختراق اجهزه

اختراق مواقع