Ninka Ugu Gaaban Somaliland Oo Iclaamiyay Inuu U Taagan Yahay Jagada Gudoomiyaha Dadka Gaagaaban ?

Filed under: Fikradaha,Regional news |

Shucayb Xasan Ducaale oo ah ninka Somaliland ugu gaaban ayaa sheegay inuu yahay guddoomiyaha ururka dadka gaagaaban eeSomaliland, kaas oo sheegay in xarunta ururkaasi ay dhawaan ka furi doonaan dalka, isla markaana ay shaacin doonaan magaca loo bixiyay.

 

Mr Shucayb Gaab ayaa waxa kale oo uu sheegay inuu soo dhawaynayo safarka Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo waftiga uu hogaaminaya ku tageen dalka Shiinaha, isaga oo ku tilmaamay socdaalkasi mid Somaliland wax ku soo kordhinaya, waxana uu xusay in dalka Chine uu yahay wadan xaga dhaqaalaha aduunka Safka hore kaga jira, islamarkaana Somaliland ka rajaynayso maalgaashi uu dalkan ka sameeyo waxna la qabto.

 

Mr Shucayb Xasan Ducaale waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu shalay waraysi kooban uu la yeeshay wariye ka tirsan Haatuf, isaga oo ku sugan magaaladan Hargeysa, ayaa sidoo kale waxa uu kaga hadlay isbadalkii siyaasiga ahaa ee dalka ka dhacay ee xukuumada cusub ee Siilaanyo majaraha dalka hogaanka u qabatay, waxqabadkeeda muddadii sanadka ahayd ee ay xilka haysay iyo waxyaabaha u dhiman.

 

Ugu horayna Mr Shucayb Gaab, oo ka hadalaya isbadalkii dalka ka dhacay, waxa uu yidhi “Waxaan ka hadlayaa horta isbadalkii dalka ka dhacay 2010-kii ee Madaxweyne Siilaanyo ku guulaystay talada dalka inuu hogaanka u qabto soona dhisay dawladiisa. Hadaba dawladu horta muddo sanad ah ayay jirtaa, sanadkaa ay jirtay waxna way qabatay inta u dhimana waa laga sugayaa inay qabato insha Allaah inay wax qabato afartaa sanadood ee u hadhay waa laga sugayaa, dawladu dadka wax tustay”

 

Mar uu ka hadlayay Shucayb safarka madaxweyne Siilaanyo ku tagay dalka Chine, Somaliland faa’iidada ugu jirta iyo bulshada reer Somaliland rajada ay ka qabaan maadaama dalkaasi horumarka dhaqaalihiisu xawli ku socdo dunida, waxa uu yidhi “Horta waxynu ka filaynaa inuu Madaxweynuhu kala soo noqdo safarkii uu ku tagay Shiinaha guul, waayo dalka Chine waa wadan dhaqaale leh, waa wadan horumar leh, waa dal aduunka ciddii la xidhiidhaba wax tara oo wax u qabta, markaa waxaan jecelahay Madaxweynuhu insha Allaah inuu kala soo noqdo rajo wanaagsan oo Somaliland horumar u ah”

 

Shucayb mar uu ka hadlayay khilaafka xisbiga Ucid hogaankiisu labada garab u kala jabay ee ka dhashay hogaaminta xisbigaasi, waxa uu sheegay in dawlad, Madaxdhaqameed iyo shacbiguba in loo gurmado, islamarkaan xal loo helo khlaafka ka dhex oogan, isaga oo ka digay haddii khilaafkaasi la soo afjari waayo in axsaabta Burbur ku iman doono xisbiyada kalena “Arrintaa Xisbiga Ucid waxaan horta odhan lahaa waxa loo baahan yahay in la dhex galo si xal loogu helo khilaafka xisbigaasi haday tahay dawlada, Salaadiinta, shacbiga iyo cid kasta oo reer Somaliland ahinay ka hawlgalaan sidii loo samata bixin lahaa xisbigaasi, oo si weyn loo dhex galo, balse haddii la dhex gali waayo xalna loo heli waayo xisbiyada kalena (Udub iyo Kulmiye) iyagana sidaas oo kale ayuun bay u qarxayaan oo burbur wuu imanayaa’

 

Shucayb Xasan Ducaale mar aanu waydiinay maadaama uu yahay ninka ugu gaaban Somaliland, islamarkaana Madax badan isku barteen xukuumadii hore ee Rayaale iyo dawladan cusub ee Siilaanyo laguna tixgaliyo gaabnidiisa in hawlaha qaranka qaybta kaga aadan shaqo xukuumada cusub aad u qabato, waxa uu yidhi “Horta anigu Shucayb ahaan gudoomiyaha ururka dadka gaagaaban ayaan ahay shaqadaasi ayaa igu filan ayaan isleeyahay ee hawlo kale uma jeedo oo halkaas uun baanu dawlada ka wada shaqaynayanaa’

 

Mar aanu waydiinay magaca iyo xarunta ururka dadka gaagaaban halka uu ka furay, iyo shaqada uu qabanayo ururkaasi, waxa uu yidhi “xarunta ururka dadka gaagaaban ee aan anigu gudoomiyaha ka ahay meel ayaanu u astaynay dhawaan bisha Ramadaan wixii ka dameeya insha Allaah, magaca loo bixinnayo wali xaga farsamada dib baanu ka sheegi doonaa, laakiin ururku waxa uu u taagan yahay guud ahaan xuquuqda dadka gaagaabka ah, hawlahooda inuu qabto iyo waliba hawlaha qaranka oo uu qayb libaax ka qaato”

 

One Response to Ninka Ugu Gaaban Somaliland Oo Iclaamiyay Inuu U Taagan Yahay Jagada Gudoomiyaha Dadka Gaagaaban ?

  1. Walaalayaal.Inta Diirkoodu danqanayo.Inta dasyemeyra dhibaatada marasta danyartaa Soomaaliyeed haysata.Inta wali u danqaneysa darxumada heysata Ninkaan nasiib daradu ku dhacday.Waalaalayaal,Gargaar ILLAHAY baa lehe Ninkaan danyartaa u gargaara.U dir wax aan adiga wax kaa dhibeyn,asagana wax u tarayaa.U danqo. U dir nax. Haba yaraatee wax u dir.U gargaar.U-GARGAAR. U-G A R G A A R.SOOMAALI HA NOOLAATO.

    Badre - July 22, 2012
    7:00 am

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

 

منتدى الحمايه تعليم هكر اختراق فيس بوك اختراق اميلات اختراق اجهزه

اختراق مواقع