Baahida aan reebnee Dhulku waa Barwaaqee aan beero falano “maqaal” akhriso.

Filed under: Regional news |

Baahida aan reebnee Dhulku waa Barwaaqee aan beero falano “maqaal” akhriso.

 

Soomaliya waxay leedahay dhul  kuhaboon waxsoo saarka beeraha qiyaastii dhan 8.2milyan oo hektar si hadaba looga faaideysto dhulkaasi  waa in lahelaa mashaaricda kordhinta wax soo saarka beeraha, hadaba si aad xog ogaal ugu noqataan beeraha soomaliya shalay iyo maanta bal aan yara milicsano talaaboyinkii ay horey uqaaday jamahuuriyadii dimoqoradiga somaaliya uu hogaaminayey jaalle maxamed siyaad barre.

 

Maadaama kordhinta tacabka ay ku xiren tahay aqonta farsamada cusub ee beeraha waxaa siyaasada wax soosaarka kamid ahayd aqoonta beeeraha in lakordhiyo , dowladii hore mudda gaaban ay waxay utowbartey 175kun oo qoys beeeraley caadi ah iyo 20kun oo qoys oo kamid ah beeralayda aaxootiga,aqoonta farsama loo gudbiyay mashruuca beeralyda waxaa kamid ahaa :habka ugu wanaagsan ee loo islaaxiyo beeraha inta aan labeerin, xulashada abuurka caafimaadka qabo, daaweynta aburka intaan labeerin, habka wanaagsan dalagyada , kahortaga iyo ladagaanka cudurada iyo cayayaanka iyo kala badalka dalagyada si loojoogteeyo nafaqada dhulka kujirta , kafaaideysiga iyo isticmaalka bacraminta beeraha, habka uu wanaagsan ee waraabka beeraha, isku dhaqida xoolaha sida lo’da iyo digaaga waxii lamidka ah ugu danbeyn keydinta dalaga.

 

Mashaariicdaasi  waxu kaalin weyn kaqaatay isticmaalka xoolaha sida xooga dibiga taasoo baajinaysa lacagta faraha badan eee ku bixilahayd qalabka iyo shidaalka makiinada, waxaa muuqata in guul weyn laga gaaray maanta beeeralayda oo adeegsada dibiga oo qaban karo howl fara badan oo wax ku ool ah.

 

Hurda waan kaboganoo waan kudhaga barjoownee mabaraarugnaayoow?

Beentu aaynu deynee boolo xoofto dhaafne danta ma ubaxnaayee?

 

Maanta waxaad moodaa umada soomaaliyeed inay kubaraarugeen beerasha dhulkooda kheyraadka badan iyo ayheysato caqabada fara badan ay ugu horeyso amaan darrida wada qabsatay  wadanka intiisaa badan,

hadaba waxaa soo kordhaye mudooyinkii ugu danbeye ardayda baraneysa cilmiga beeraha iyagoo ukalagooshaye wadama dhowr ah si ay usoo bartaan cilmigaasi  kadib wadankooda wax uga qabsadaan wadamada ay ubakhooleen ardaydaasiw axaa kamid ah wadanka sudan oo maanta ay jogaan arday qiyaastii 150 kabadan oo barta cilmiga beeraha iyagoo ku faraxsan barasha culuumta beeraha.

Ardayda sudan kabarta cilmiga beeeraha ayaa dhawaan samaystay urur mideeya kasoo lagu magacaabo

Somali agronomists students asssociation in sudan (SASA) جمعية الطلاب الزراعيين الصو ماليين

Ururkaasi oo hogaaankiisa loo doortay c/xamiid salaad, ururka SASA ayaa waxaa lafilayaa wacyi galin xoogan inuu kabilaabi doona dhamaan dhulka soomalida ilaa laga gaaro ujeedada SASA.

Saandkaan ayaa lafilayaa arday kabadan kuwii hore inay soo gaaraanw adanka sudan iyo wadama kale oo kukala yaal dunida dacaladeeda si ay u oojiyaan ardayda barata cilmiga beeraha , saadaasha ayaa hada waxay qoreysaa somaliya 5sana kadib inay noqon doonta dhul aad barwaaqo u ah lana waayi doono hey’ada farabadan oo ku qaraabta magaceena sharafta badan kuna shaaciye aduunka soomaliya inay tahay halka ugu gaajada badan aduunka.

Yuusuf c/raxmaan daahamcaane “yuusuf deeq”

Xoghayaha guud ee SASA

Khartoum -sudan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

 

منتدى الحمايه تعليم هكر اختراق فيس بوك اختراق اميلات اختراق اجهزه

اختراق مواقع