Hidaha.com » Diinta

Waxaan hore dhowr jeer uga hadley maqaallo aan qorey sida ay isku leeyihiin oo aysan u kala geddisneyn aragtida diinta Wahaabiyadu ka qabto iyo aragtida Al Shabaab. Dad badan ayaa arrintaas igu dhibsadey dhalliilna iigu soo jeediyey oo iga dhigey inaan anigu fitno hor allaa ku baaqayo. Anigu ma qabo iney suurto gal tahey in dadkoo dhan hal aragti oo diineed ama siyaasadeed la iskugu keeni karo. Arrintaasi suurto gal ah ma ahan weligeedna wax dhacey ma ahan. Wahaabiyada qaladaadka waaweyn oo ay leedahey ayeyna aragtidaasi ka mid tahey. Haddaba anigu miyaan qabi karaa waxaan iyaga ku dhalliilayey? Maya sidaasna ujeedkeygu ma ahan.Laakiin ujeedkeygu waa inaan tooshka ku ifiyo sida Wahaabiyadu mabda,a nabad ku wada noolaashaha uga soo horjeedaan haba sheegteen qaarkood si kalee.

Runtii markaad lasii doodo ood su,aalaha adag oo mowduuca nabad ku wada noolaashaha aad weydiiso ayaad ogaan kartaa ciriiriga ay arrintaas uga jiraan. Waad aragteen wax badanna waan ka sheekeeyey waxyaabo badan oon gaalnimo aheyn iyaga hortoodna cid gaalnimo ku sheegtey aysan jirin iney gaalnimo ku sheegayaan,walow haba ku mar marsoodeen ineysan ku qaadeyn qofka mucayankaa xukunka gaalnimada inta qofka ay xujadu uga oogmeysee!

Waxaa nasiib darraa in bulshadeenna ay ku yartahey aqoonta oo aysan qaar badan ogaan Karin waxa meesha ku qarsoon. Qofkiise fahmo leh wuxuu wax ku fahmi karaa haddaan tilmaamo in Shabaabku waxa ay gaalnimada u arkaan dhammaantood ay Salafiyiintuna u arkaan,laakiin waxey isku khilaafsanyihiin oo kaliya ay tahey xukunka gaalnimada ah malagu qaadayaa qofkaas ama kooxdaas. Wax badan ayaad Sheekh Umal ka maqasheen iyo Salafiyiinta kaleba iyagoo leh arrintu iney gaalnimo tahey ayaa dhici karta,laakiin qofkii sameeya lagu gaalnimo xukmin oo aysan buuxsamin shuruuddii iyo mawaanicdii! Waana bartaas meesha uu ku qotomo khilaafka aad maqleysaan ee ka dhaxeeya Shabaabka iyo Salafiyiinta kale. Dadka aan wax badan ogeyn waxey u maleynayaan inuu yahey khilaaf macno leh.

Waxyaabaha ay gaalnimada u arkaan laakiin aan isla markaasba qofkii sameeya waa gaal la oraneyn waxaa ka mid ah:

1.Qofkii yaa Rasuulallaahi noo shafeec yiraahda,ama yaa waliyallaahi hebelow yiraahda,ama qabri barakeysta,ama xoolo intuu keeno ku dul gowraca iwm.

2. Qawaaniinta wadcigaa oo dowladuhu degsadaan waa gaalnimo

3. Qofkii gaalnimadaas gaalnimo ku sheegi waaya ama xataa ka shakiya ama yiraahda waa saxantahey arrintaasi.

4.Qofkii ku jees jeesa ama wax ka sheega aragtidaas iyagu ay ku qanceen waa gaalnimo.

5.Gaaladoo la kaalmeysto ama loo kaalmeeyo waa gaalnimo

6.Dimuquraadiyadda xukun shacab oo kan Ilaahey lid ku ah oo gaalnimo ah ayey u arkaan.

7.Mabda,a sovereignty(siyaadada shacabka) waxey u arkaan inuu kasoo horjeedo mabda,a xaakimiyadda Ilaahey.

Waxaan isku soo jumleeyey tobanka waxyaabood oo islaamka looga baxo oo uu dejiyey Muxamed Cabdul Wahaab Salafiyiintuna ay ku dhegganyihiin iney xaq tahey.

Haddaba aragtidaas Wahaabiyadu waxey caamada uga dhigaan iney tahey wax muslimiintu ku ijmaacdey oon labo qofood isku khilaafsaneyn. Sida dhabtaana qaacidadu waxey leedahey weji ijmaac ah oon la isku khilaafsaneyn iyo weji bidco ah oo iyaga kaliya la yimaadeen oo aan looga horreyn. Qofkii sanam sida Hubal oo kalaa u yeerta ama intuu dul taga barakeysta muslimiintu waa ku ijmaac inuu gaalnimo ku dhacey,laakiin qofkii yaa waliyallaahi hebel iyo rasuulallaahi yiraahda ama qabrigooda barakeysta iney gaalnimo tahey cid ku hadasha Ibnu Teymiyah ayaa ugu horreeyey iney ijmaac tahey xagga iska dhige,isagana culimadii la joogtey way ku inkireen ilaa afartii madhab culimadoodi ay dowladdii xilligaas jirtey ka codsadeen in la xiro Ibnu Teymiyah oo uu xabsiga uga geeriyoodey! Waa been abuur weyn iyo tadliis(wax is hoos gelin) in la yiraahdo waa ijmaac oo muslimiintu iskuma khilaafin iyo in asnaamtii lala meel dhigayo Nebiga s.c.w iyo saalixiinta oo shafaaco leh!

Sidoo kale in dowladuhu yeeshaan qawaaniin qodobeysan iyo dastuur dowladda nidaaminaya oo aan arrinta laga dhigin in qof kastaa intuu shareecada ku ijtihaado siduu rabo oo hawadiisaa uusan sharci ka dhigine wax la degsado qodobeysan waa arrin maslaxo mursal ah oo qof caaqil ah uusan ka fikrad ahaan diideyn,laakiin iyagu diidmo kaliya kuma ekeysane gaalnimo ayey u heystaan haddii sidaas la sameeyo,qofkaan gaalnimo u aragna kuwa degsadey ayuu ku xun yahey oo labadooduba arrin kufri ah ayey ku dhaceen!

Wahaabiyo waa kaas fikirkoodu xorbeyna u yihiin iney waxey rabaan aaminaan,laakiin waxeysan xor u aheyn iney bulshada kale ee ku khilaafsan ku qasbaan. Xorriyaddaada aad leedahey waxey ku dhammaataa meesha qofka kale xorriyaddiisu ka bilaabato.Kasoo qaad sida gurigaaga oo kale oo xadkiisu yahey deyrka qofka kale ee kugu xiga.

Haddaba anigu kuma doodayo Salafiyiintu haka tanaasuleen caqiidadooda,laakiin waxaan leeyahey waxaa laga doonayaa iney caddeeyaan sida dadka kale ee aan ku caqiidada aheyn ay kula wadaagi lahaayeen dal iyo dowladnimo iyadoo qof kastaa caqiidadiisa heysto oon lagu qasbeyn iney ka tanaasulaan?

Qaamuuskooda kuma jirto wax la yiraahdo nabad ku wada noolaasho iyadoo la kala aragti duwanyahey,haddeyse taas kaliya oggolaadaan inta kale oo dhan waa sahal. War haddaad rabto gaal ii arag aniguna majnuun falan oo bidci ah ayaan kuu arkayaa,laakiin I nabad geli waan ku nabad gelinayaaye. Waxa naga dhaxeeyana oo dalka iyo dowladnimada ahna aan si nabad ah ku wadaagno oo qawaaniin iyo shuruudo aan degsanney aan ku kala baxno maadaama shareecadii aan fahamkeedi ku kala tagney oo wax aniga wanaag iyo kheyr aan u arko adigu aadba gaalnimo u aragto sida aanan shareeco ku dhaqmiddeed ugu heshiin Karin way iska muuqataaye.

Haddii wax la isku waafiqi waayo waa ha la is dilo waana midda dhex taalla ururka Shabaab oo dhinac ah iyo DKMG iyo Ahlu Sunno oo dhinac ah.

Haddaba Salafiyiinta kale maxey arkaan oo kale oo noqon kara xal waara oo lagu wada noolaado,laguna kala nabad galo oon ka aheyn aan shareecada macnaheeda ku dul muranno dabeedna aan is dilno?

Waydiiya Salafiyiinta kuna ilzaamiya iney caddeeyaan mabda,a nabad ku wada noolaashaaha iyadoo la kala aragti duwanyahey iyo wax wada yeelashadaba!

Haddey taasna diidaan waa Shabaab is qarinayee haloo aragti dheeraado. Ogaadana way iska caddahey in masaa,ilkaas si ikhtiyaari ah aysan bulshadoo dhan isku aragti ka noqon Karin,wixii soo harana waa in la is nabad geliyo oo nabad lagu wada noolaado. Ninkii taasna diida hadde way iska caddahey wuxuu u socdo iney dagaal tahey. Ma anigaa la ii qarshaa warmaha leygu qali doono!

Warsame Gaabane

Wadaadyare09@gmail.com

Wahaabiyada iyo Shabaabku ma isku midbaa mise way kala geddisanyihiin?
Maqaalkaan wuxuu ku saabsanyahey mowduuc in muddaaba aan daba joogey oon baarayey oo ku saabsan xiriirka ka dhaxeeya jamaacada Wahaabiyada iyo Shabaabka iyo ururada rabshadaha ka wada caalamka. Waxaa loo baahanyahey in raad raac lagu sameeyo meesha ay kasoo jeeddo aafadaan ka dillaacdey caalamka islaamka,gaar ahaanna soomaaliya loona celiyo xididkeedi haddii la doonayo in si dhab ah wax looga qabto.

Shabaab waa urur Wahaabiyo ah oo tacaaliimta iyo qawaacidda Wahaabigaa ugu dhaqma si xarfi ah oon innaba wax kale oo fahmi iyo caqli ah ku dareyn.

Ma xaqbaa in Wahaabiyada magacaas loogu yeero ama sideedaba madhab lagu tilmaamo?

Wax badan ayey soo noq noqotey iyadoo dadka Wahaabiyada loo yaqaannaa sameynayaan dood ah “ma jirto qolo la yiraahdo Wahaabiyo” mana jirto ayey ku doodayaan aragti diineed oo Wahaabiyo la yiraahdo!

Dadka madhabtaas aaminsan waxey ku doodayaan ineysan jirin madhab la yiraahdo Wahaabiyo sideedaba ee ay tahey aflagaado ay u geysanayaan dadka kasoo horjeeda dadka ”ahlul xaqa” ah! Waxey ku dhegganyihiin magacyo tilmaan guud ah oon sina uga tarjumi karin waaqica madhabigaa oo meesha yaalla! Magacyadaas waxaa ugu caansan ”Salafiya” oo macnaheedu yahey ”Reer Dadkii Hore”! Waxey ku doodayaan ineysan iyagu la imaan wax cusube ay uun diinta u fahamsanyihiin uguna dhaqmaan sidii ay ugu dhaqmi jireen saddexdii qarni oo Islaamka ugu horreysey!Waxey kaloo iskugu yeeraan magacyo kale sida ”Ahlul Xaq” Mar kale ”Ahlul Xadiith” mar kale ” Ahlul Athar” mar kale ”Ahlu Towxiid” mar kale ”Al firqatu Naajiya” mar kale iyagoo isku sheegaya ”ahlul ithbaat” ayaad arkeysaa.

Magacaad doontaan la baxa,laakiin waxa meesha yaalla waa aragti iyo faham fiqhi ah iyo mid caqiido oo leh tilmaamo iyo muuqaal loogu yeeri karo inuu yahey madhab gooni ah oo iskeed u taagan,weliba waa marka si hufan loo hadlayo,laakiin dhab ahaantii ”firqo” in lagu tilmaamo ayaa sax ah,maadaama ay leeyihiin fiqhi iyo caqaa,id ay uga geddisanyihiin muslimiinta kale intii taariikhdu soo jirtey.Firqannimadu waa macnihii madhabka,laakiin waxey wadataa tilmaan negative ah oo muujineysa iney khilaafsanyihiin sawaadka caamkaa ee muslimiinta xagga caqiidada gaar ahaan. Qofkii si hufan oo dhex dhexaadnimadaa u tilmaamaya shiicada Ithnaa Cashariyadaa wuxuu ku tilmaamaa (Madhabta Ithnaa Cashariya),hadduu qalloocooda doonayo inuu muujiyana wuxuu oran karaa (Firqatul Ithnaa Cashariya)

Dhinaca kale firqooyinka iyo madaahibta intooda badan waxaa u bixiyey dadka kale ee iyagu iskuma aysan bixin. Muctazilo iyagu muctazilo iskuma bixin,Khawaarij,Raafido iwm. Marka magaca waxaa ka muhimsan madmuun ama biyo dhaca meesha yaalla,meeshaanna jamaaco diineed oo uu aasaasey Muxamed Cabdul Wahaab oo leh sifaat iyo afkaar u gaar ah ayaa laga hadlayaa ee dadka ku abtirsadaa ha aqbaleen iney iltizaamaan waxey aaminsanyihiin oo yeysan inkirin. Mowduuc maahan in Shiicada Iiraan loogu yeero ”Ithnaa Cashariya”,ama ”Jacfariya” ama ”Raafida”,laakiin mowduucu waa in loo helo magac iyaga u gaar ah oo lagu tacriifiyo oo la isla ogolyahey,isla markaasna la qiro qawaacidda caqiido iyo midda fiqhi ee kooxdaas ka soocaya kooxaha kale ee muslimiintaa.

Haddaba Wahaabiyadu maxey u diidanyihiin in Wahaabiyo lagu magacaabo ama la tilmaamo iney yihiin madhab gooni ah oo iskeed u taagan?

Sababta ugu weyn oo ay sidaas ugu dhegganyihiin waa iyada oo ay lafaha uga jirto aragti ”takfiiri” ama ”iqsaa,i” ah oo ay doonayaan iney muslimiinta dhan diinta ka xigsadaan oo iyagu qaataan sifo caam ah oo iyagu aysan cidna ka xigin marka aad u fiirsato.

Sida qofka Islaami isku magacaabaa uusan muslimiinta kale uga xigin Islaamka ayuusan Salafiguna uga xigin muslimiinta kale dhammaan sifooyinka ay dadka ka xigsanayaan sida Salafi iyo ahlul xaq iwm ! Mana ahan magacyadaasi kuwo tacriif khaas ah u faa,iideyn kara. Dhammaan magacyada ay isku yaqaannaan dib u aqri waxey ku tusayaan intooda badan caqliyad ”iqsaa,i” ah ama dadka kale ee muslimiintaa meesha ka riixaneysa.

Waxaa kaloo meesha ku jirta tadliis iyo qiiq isku qarin la leeyahey ”innagu wax cusub ma wadannee sidii Salafku diinta u fahamsanaa uguna dhaqmey unbaan u fahanney uguna dhaqmeynaa”! Taasna run ahaantii ma ahan arrin musallam ah oo la isku waafaqsanyahey oo Ibnu Teymiyah oo ahaa ninkii ugu horreeyey oo aragtidaas asalkeeda keeney kuma guuleysan inuu culimadii iyo muslimiintii waqtigiisi joogtey ka dhaadhiciyo balse isagii ayaaba aakhirkii la xirey xabsiga ayuuna ku geeriyoodey sannadkii 728 Hijriya,dalabka dowladdu ku xirteyda waxaa lahaa culimadii afarta madhab oo islaamka oo waagaas joogtey. Ibnu Teymiyah iyo Nebigana s.c.w inta sano oo u dhaxeysa taariikhda ayaad ka dheehan kartaa. Waqtigaas ma hano qaadin madhabkaas Ibnu Teymiyah soo bandhigey oo xagga fiqhiga iyo caqiidadaba ah ilaa uu soo baxey Muxamed Cabdul Wahaab oo geeriyoodey sannadkii 1206 Hijriya. Sheekh Muxamed Cabdul Wahaab wuxuu u qaatey aragtidii Ibnu Teymiyah sida uu aragtida u qaato muqallid mutacasib ah,wuuna sii fool xumeeyey. Sida lala socdo dadka leh madhabka asalkaa uma tacasubaan aragtidooda ee waxey ka tahey ijtihaad. Farqi weyn ayaana u dhaxeeya qofka muqallidkaa oo mutacasibkaa iyo qofka mujtahidkaa. Muxamed Cabdul Wahaab aragtidii Ibnu Teymiyah inuu u tacasubo oo taqliidiyo oo dadka baro kaliya kuma ekaane wuxuu ku dhaqaaqey inuu takfiiriyo dadkii muslimiinta ahaa ee ku qanci waayey aragtida badankeeda uu kasoo qaatey Ibnu Teymiyah,intaas kaliyana uguma simine ”jihaad” ayuu ku iclaamiyey muslimiintii dhammeyd oo waqtigiisi joogtey isagoo isbaheysi la sameeyey nin warlord ahaa oo heystey magaalo Najd ka tirsan oo Dirciya la oran jirey oo ku taalla dalka hadda Sacuudiga loo yaqaanno. Wuxuu weerar ku ekeeyey meel kasta oo jaziiradda Carabta ka mid ah oo ay ku jiraan Labada Xaram,isagoo sidaasna ku daadiyey dhiig faro badan xurmooyin badanna ku banneystey. Dowladdii cuthmaaniyiinta oo xakumeysey Jaziiradda Carabta iyo muslimiintii hoos joogtey iyo dhulkii barakeysnaa midna Wahaabiyiintu ma xurmeyne aragtidoodi ayey sidii ay u hir gelin lahaayeen dhiig u daadiyeen iyagoo jihaad ku sheegay.Sidaas ayuu ku hir galey madhabkaas asaaskiisi uu lahaa Ibnu Teymiyah iyadoo lagu sii darey tacassub iyo cunfi aan xudduud laheyn,loona sameeyey qawaacid takfiiri ah oo dadka lagu gaaleysiinayo loona bixiyey ”tobanka waxyaabood oo islaamka buriya”! Waa qawaacid takfiiri ah oo ay kala labo tahey sida guud oo ay u dhawaaqayaan iyo waxa loogu talo galey. Haddaad hal hal u aqriso fahamtana sida ay Wahaabiyiintu ugu talo galeen,iyadoo lala kaashanayo taariikhdoodi damawiga aheyd iyo sharaxa ay ka bixiyeen wadaadada sharxey (al nawaaqidul cashara) waxaa kuu soo baxeysa iney kulligood yihiin ”hadal xaq ah oo baadil loo isticmaalayo”. Waa asaaskaas asaaska uu salka ku hayo fikirka takfiirigaa oo maanta muslimiinta lagu halaagayo. Ragga Wahaabiyiintaa arrimo tajmiili ah ”qurxin” iyo istithnaa,aat weeye waxa dhan oo ay isku khilaafsanyihiin ee asaaska takfiirigaa way isku waafaqsanyihiin. Usustaas takfiirigaa oo tobankaa oo uu Muxamed Cabdul Wahaab dejiyey iyo sida qasabkaa oo uu u hirgeliyey weeye midda madhabta siisey magacaas oo ah in isaga loo tiiriyo,sababtoo ah Ibnu Teymiyah aragtidiisu in muslimiinta lagu gaaleysiiyo oo lagu laayo ujeedkeedu ma aheyn,tobanka waxyaabood oo diinta looga baxana Muxamed Cabdul Wahaab ayaa lahaa. Waxeyna la mid yihiin dhammaantood sidii Khawaarijtu u isticmaashey qowlka Ilaahey ee ”إن الحكم إلّا للّه”

Oo aysan is laheyn aayadda xukunkeeda iyo iyagu ujeedada ay u isticmaaleen.

Madhabka Wahaabigaa waa xaalad shaad ah oo heshey fursad ay ku faafto markii loo adeegsadey doolarka batroolka Sacuudiga faafinta madhabkaas sadxigaa oon laheyn qotada cilmigaa,kaddib markii seef wejigii hore lagu meel mariyey. Waxey ku guuleysatey dowladda Sacuudigu iney aamusiso dhammaan culimadii Ahlusunnada aheyd ee Azhar iyo maraakiztii kale oo dhan.

Sacuudiga iyo culimadoodi waxaa ku qarxey miinadey beerteen ama sixirkii ayaa saaxirkii ku rogmadey!

Haddaba dowladda Sacuudigu madhabkey faafisey in muddaa si R/Cabdul Caziiz dani ugu jirto ayuu ku socdey,oo dowladda Sacuudigu waxey xerta Wahaabiyiintaa u sheegi jirtey iney iyadu tahey dowlad ku taagan Shariicada ”Wahaabiyadu sida ay u fahamsantahey oo takfiirigaa”!

Laakiin maka run sheegtey dowladda Sacuudigu madhabkaas ay faafisey oo muslimiinta ku qarqisey,mise waxey u adeegsatey qaab iyada u adeegaya? Iskaba daa taase madhabkii qawaaciddiisi ma iltizaamtey mise la jiifiyaana bannaan ayey ugu dhaqantey?

Culimada Sacuudigu maka run sheegeen madhabkey sheegeen iney ku qanceen mise madhab la dhalan rogey oo loo toley si waafaqsan danaha dowladda Sacuudiga ayey ugu dhaqmaan madhabta?

Kuwa soomaalidaa oo danaha iyo fikirka diinigaa ugu xiran culimada Sacuudigu maka run sheegeen madhabta Wahaabigaa mise la jiifiyaana bannaan ayey úgu dhaqmaan?

khiyaanada iyo izdiwaajiyada meesha Sacuudiga la yiraahdo ka jirta waxaa ka mid ah waxyaabo badan

Qolo la yiraahdo Salafiya Jadiida(Madkhaliya) oo Sacuudiga si caqiido oo kale ah u aaminsan waxey har iyo habeen ummadda usheegayaan in Sacuudigu yahey dowladda kaliya oo sharciga Islaamka wax ku maamusha! Arrintaasi waa arrin aan cago ku taagnaaneyn markii tijaabo laga qaado. Mana jirto shareeco gooniya oo uu Sacuudigu dowladaha kale ee islaamka dheeryahey oon ka aheyn in madhabka Wahaabigaa yahey madhabta rasmigaa ee dowladda Sacuudiga, dowladaha kale oo islaamkana waxey diinta islaamka u aqoonsanyihiin iney tahey diinta dowladda.

Dowladda Sacuudigu wixii Wahaabiyadu nawaaqidda u bixisey maku dhacdey mise way ka badbaaddey?

Wahaabiyiintu waxey isku waafaqsanyihiin in qawaaniinta wadcigaa oo la degsado iyo dasaatiirta wadcigaa ay tahey gaalnimo ka xukun caam ahaan. Hadalkaasi idlaaqaas dabcan waa qalad mana ahan arrin sax ah,laakiin aan u raacnee Sacuudigu qaanuun wadciya ma degsan miyaa?

Qaanuunka boqortooyada nidaaminaya dhinacna waa qaanuun wadciya oo waa la degsadaye aayad iyo xadiith iyo qawaacid fiqhiya midna kuma dhisna,midda kalena shuuradii amarka dowladnimada oo ummadda dhan ka dhaxeysey ayuu ka dhigey dhaxaltooyo hal qoys kaliya leeyahey.Waana wadci oo iyagaa degsadey,sharcigana wuu khilaafsanyahey.

Qawaaniinta maaligaa oo ku saleysan ribada dhaqaalaha Sacuudigoo dhan oo bunuuk iyo sharikaatba leh ayaa ku tiirsane ma fiqhiga xanbaligaa ayaa bunuugta Sacuudiga marjic u ah mise bankileyda Yahuuddaa oo Mareykanka fadhiyaa marjic u ah oo qawaaniin gaalo degsatey ayey ku dhisanyihiin?

Nidaamka kafiilka ma sharci Ilaahiyabaa mise waa qaanuun wadci ah?

Sacuudigu xudduudda oo ah halbeegga sharciga Wahaabiyadu wax ku qiyaasaan ma oogaa mise ciqaab iyagu ay ay “qaddareen” oo wadci ah ayey ku qaadaan tuugada iyo dadka zineysta?

Xiriirka Sacuudiga oo sokeeye oo uu mareykanka la leeyahey oo warshadaha Mareykanku xirmayaan haddii Sacuudigu wax ka iibsan waayo xaggee qaacidada “Al walaa walbaraa” kasoo gelayaa?

Qawaaciddii takfiiriga aheyd ee uu dejiyey aasaasihii Wahaabiyadu ayey ku dhacdey dowladda Sacuudigu iyadoo dhanka kalena faafineysa fikirkii iyadoo danaheeda iyo sharciyaddeeda ku ilaashaneysa. Halkaas waxaa kasoo baxey dhallin yarada “jihaadiyiintaa” oo arkey inaan laga run sheegeyn daacadna laga aheyn madhabtii uu aasaasey Sh.Muxamed Cabdul Wahaab,waxeyna u arkeen dowladda Sacuudigu iney tahey dowlad kaafir ah oo murtad ah,Maka iyo Madiinana yihiin “daarul xarbi” aragtidaas oo waafaqsan tii markii hore uu la yimid Muxamed Cabdul Wahaab oo labada xarameyn iyo cuthmaaniyiintii xakumeysey iyo muslimiintii kaleba ula dhaqmey sidii “daarul xarbi” ama dhul gaalo!

Marka halkaas xaalku marayo soo Sacuudiga iyo culimadoodi iyo wakiiladoodi dalalka kale ee Islaaku soo iney fataawa soo saaraan oo is difaacaan masaalixdoodana difaacdaan maahan?

Culimada Wahaabiyadu iyagoon abbaarin meesha sartu ka qurunsantahey ayey doonayaan iney qiiq isku qariyaan iyo muslimbaa la gaaleeyey! Waana muslim ay iyaguba qawaaciddooda ay degsadeen ku gaaleeyeen,aasaasayaashoodina gamta u joogsadeen!

Tobanka waxyaabood oo islaamka buriya oo Wahaabiyadu aqristaan waa qawaacid takfiir waxaana si 100% ah ugu dhaqma Shabaabka iyo Alqacida. Qolyaha kale ee Ictisaamka iyo Salafiya Jadiida dhinacna way ku dhegganyihiin qodobbadaas takfiirkaa,dhanka kalena Shabaabka ayey intaas durayaan oo ummadda dad u naxaya ayey iska dhigayaan!

Sidaasna wax ku daawoobi maayaane ama manhajkiinna ka run sheega oo Shabaab ku dabo feyla,ama sameeya muraajaco sal iyo baar ah oo iska quba takfiirka koloyada idinkaga buuxa eed haddana dagaalka kula jirtaan!

Waxaan inshaa Allaah qormooyin danbe kusoo bandhigi doonaa sida Shabaabku ugu taaganyihiin tobanka waxyaabood oo islaamka buriya oo Wahaabiyada u ah asaaska takfiirigaa iyo sida aysan culimada Wahaabiyadu sina u furi kareyn xujada ay wataan qodobbadaas,taasoo labo mid ku qasbeysa; Iney noqdaan dad ka run sheega oo sida Shabaabka seef la ordaya sidii Muxamed Cabdul Wahaaba sameeyey iyo iney u arkaan iney kalaam xaq ah oo baadil loo adeegsadey yihiin ayna ka beri noqdaan.

Ujeedkeygu ma ahan naceyb,daandaansi iyo fitno abuur hor allaa ee waa inaan dhaliyo dood daacad ah oo u daadegeysa asbaabaha takfiirka ummadda islaamka gaar ahaan soomaalida aafeeyey.

Ilaahey towfiiq ayaan weydiisaneynaa

Warsame Gaabane

Wadaadyare09@gmail.com

Abtirsiinyaha Shariifka ah ee Nabi Muxammad (S.C.W.)
Abtirsiinyaha Shariifka ah ee Nabi Muxammad (S.C.W.)

Magaciisu waa Muxammad, bin Cabdullaahi, bin Cabdul Mudhalib, bin Haashim, bin Cabdu Manaaf, bin Qusayy, bin Kilaab, bin Murrah, bin Kacb, bin Luwayy, bin Ghalib, bin Fihr, bin Maalik, bin Nadr, bin Kinaanah, bin Khuzaymah, bin Mudrikah, bin Ilyaas, bin Mudar, bin Nizaar, bin Macaddah, bin Cadnaan.

Abtirsiinyahay kor ku qoran ee Sayyidkeenna Muxammad (S.C.W.) inuu run ahaantii sidaas yahay way isku waafaqsanyihiin dadka cilmiga abtirsiinyaha ku xeel dheer. Dadkaas cilmiga abtirsiinyaha ku xeel dheeri waxay isku khilaafsan yihiin abtirsiinyahay Rasuulka Ilaahay (S.C.W.) marka laga bilaabo Cadnaan ilaa laga gaarsiiyo Nabi Ismaaciil, oo ah ina Nabi Ibraahiim.

Waxayse dhammaantood isku waafaqsan yihiin inuu abtirsiinyihiisu (S.C.W.) uu galo Nabi Ismaaciil, ina Nabi Ibraahiim, kulligood Naxariistii Ilaahay korkooda ha ahaatee. Imaam Maalik, Allaha Raalli ka noqdee, wuu kahday in abtirisiinyaha Rasuulka Ilaahay (S.C.W.) Nabi Aadan la gaarsiiyo, sababtoo ah ayadoo uusan abtirsiinyahasu sugnayn. Waxaa Cabdullaahi bin Cabbaas, Allah ka wada raalli noqdee, laga wariyey inuu Rasuulka Ilaahay (S.C.W.) markii abtirsiinyihiisa kariimka ah Cadnaan la gaarsiiyey uu yiri:

“Meesha ayada ah (Cadnaan) marka laga bilaabo, dadka abtirsiinyaha ku xeel dheer been ayey sheegeen”.

Dadka abtirsiinyaha ku xeel dheer waxay isku raacsanyihiin in Mudar, oo ah awoowah 17 e Nabi Muxammad (S.C.W.) iyo Rabiicah ay yihiin ilmihii Nabi Ismaaciil, Caleyhi Assalaam. Waxa hubaal ah in nasabka Nabi Muxammad (S.C.W.) ee kor ku qoran uu yahay nasabka ugu sharaf badan inta Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa, khalqi uu abuuray. Waxaa Cabbaas, Nabiga adeerkiis, Allaha raalli ka noqdee, laga wariyey inuu Rasuulka Ilaahay (S.C.W.) uu yiri:

“Ilaahay khalqiga ayuu abuuray, wuxuuna iga mid dhigay kuwa ugu khayr badan. Markaas ayuu qabaa’ilka kala doortay, markaas ayuu iga mid dhigay qabiilka ugu khayr badan. Markaas ayuu Guryihii kala doortay, oo iga dhaliyey Gurigii ugu khayr badnaa. Marka anigu waxaan ahay nafsaddii ugu khayr badnayd iyo Gurigii ugu kahayr badnaa”.

Saxaabiga Waathilah bin Al Asqac wuxuu wariyay in Rasuulka Ilaahay (S.C.W.) uu yiri:

“Ilaahay wuxuu ubadka Ibraahiim ka doortay Ismaaciil; ubadka Ismaaciilna wuxuu ka doortay ilmihii Kanaanah; ilmihii Kanaanah wuxuu ka doortay Qureysh; Qureysh dhexdeedana wuxuu ka doortay ilmihii Haashim; ilmihii Haashim dhexdoodana aniga ayuu iga doortay”.

Awoowayaalkiis (S.C.W.)

Cadnaan

Magaca Cadnaan waxaa laga soo qaatay erayga Cadan, oo macneheedu yahay “meel lagu nagaado, oo lagu waaroh” sida Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa, Quraanka Kariimka ah ugu yiri: “Jannaatu Cadnin”, oo macneheedu yahay: Jannooyin dhexdooda lagu waaroh.

Macaddah

Magaca Macaddah wuxuu ka soo askumay ficilka ah: Tamaccada, oo macnihiisu af Soomaali ku yahay adkaaday, adeygiisu batay. Macaddah wuxuu ahaa nin xarbi iyo weerarro badan, uu kula dagaallamayo ubadkii Nabi Ismaaciil. Lama arag dagaal uu galo oo uusan guusha qaadannin. Macadda waa awoowaha Carabta, oo asaga ayey ku abtirsadaan.

Nizaar

Magaca Nizaar wuxuu ka yimid nizaarah, macneheeduna yahay: tiro yar oo aan badnayn, naadir ah. Nizaar wuxuu ahaa kan ugu qurxoon dadka zamankiisa, uguna caqli raajixsan.

Mudar

Magaca macnihiisu waxaa weeye: cad ama saafi. Eraygu wuxuu ka yimid mudaar, oo ah caanaha garoorka ah: allabanul mudaar. Mudar wuxuu ahaa nin qurux badan, lamana arag qof arkay oo aan jecleysan. Xikmooyinka ka haray waxaa ka mid ah hadalkiisii ahaa: “Khayr kan ugu khayr badan waa midka deg deg loo sameeyo. Sidaas daraadeed nafafyaalkiinna ku xambaara waxyaalka ay kahaneyso, kana leexiya hawooyinkooda fasaadinay. Suubanaanta, saalixnimada iyo fasaadka uma dhexeeyo waxaan ahayn sabir la sabro inta u dhexeysa laba jeer oo xoolaha la maalo”.

Mudar wuxuu ahaa qofkii ugu horreeyey oo geela u heesa, oo heesiddiisaas ku hoggaamiya oo ku wada. Waxaan ognahay inuu geelu jecelyahay in loo heeso, oo qofkii u heesa uu u hoggaansamo oo uu oggolaado. Mudar wuxuu ka mid ahaa dadka aad u cod qurxoon.

Ilyaas

Asalka magacaan waa la isku khilaafsan yahay. Dadka qaarkood waxay yiraahdeen asalkiisu waa Yaais, oo macnihiisu yahay midkii quustay oo aan rajo lahayn. Dad sidaas qaba waxay leeyihiin sababta magacaas loogu bixiyey waxaa weeye ayadoo uu dhashay kaddib markii aabihii duqoobay, oo uu ilmo ka rajo beelay. Markaas asalka magacu wuxuu nooqonayaa: Al Yaa’is, oo ah midkii quustay.

Qaar kale waxay leeyihiin asalka magacu ma aha Al Yaa’is, halkaasoo alifku kor dhaban yahay, ee waa Ilyaas, oo alifku hoos dhaban yahay: markaas macnihii hore meesha waa ka baxayaa. Ilayaas wuxuu carabta dhexdeeda ka ahaa sida Luqmaan Al Xakiim uu dadkiisa dhexdiisa ka ahaa. Xikmooyinka Ilayaas waxaa ka mid ahaa: “Qofkii khayr abuurta farax ayuu goostaa; qof shar abuura shallayto ayuu goostaa”

Mudrikah

Waxaa la yiri Mudrikah magaciisu wuxuu ahaa Caamir, waxaana koofaartaas u bixiyey aabihiis, markii uu geeloodii, oo asaga iyo walaalkiis ilaalinayeen inta la dhacay uu ka daba tegey oo uu soo celiyey: Mudrikah macneheedu waxaa weeye “kii gaaray oo soo dhiciyey”.

Khuzaymah

Khuzaymah hooyadiis waxay ka dhalatay reer Qudaacah, waxayna dhashay asaga iyo wiil kale. Khuzaymah wuxuu lahaa afar caruur ah, oo midkood Kanaanah ahaa. Khuzaymaha wuxuu dhalay afar wiil: Kinaanah, Asad, Asada iyo Al Hun.

Kanaanah

Kanaanah wuxuu dhalay afar wiil: Al Nadr, Maalik, Abdul Manat iyo Milkaan.

Al Nadr

Magacaan macnihiisu waxaa weeye: dahabka guduudan.

Maalik

Maalik hooyadiis waxaa la oran jirey Caatikah bintu Cadwaan bin Camru bin Qays bin Ciilaan

Fihr

Fihr waxaa afka carabiga lagu yiraahdaa dhagaxa gacanta buuxiya, ama dhagax gacan muggeed ah. Fihr waa odayga uu qabiilka ka korreysa, ama ka horreysey waxaa la oran jirey Kinaaniyiin, oo Qureysh lama oran jirin. Fihr magaciisu wuxuu ahaa Qureysh, wuxuuna ahaa nin kariim ah oo deeqsi ah. Wuxuu baari jirey xaajooyinka dadku leeyihiin, markaas ayuu muraadkooda u fulin jirey, asagoo maalkiisa ka bixin jirey. Fihr waa awoowaha lixaad ee asxaabiga la yiraahdo Abii Cubeydah bin Al Jarraax.

Ghaalib

Fihr wuxuu dhalay Ghaalib, Muhaarib, Xarith iyo Asad. Hooyadood waxaa la oran jiray Laylah bintu Sacad bin Huthayl bin Mudrikah.

Luwayy

Waxaa la yiri asalka magacu waa Lu’ay, oo macnihiisu yahay dibi duureed, oo si magacaas loo qurxiyo la soo yareeyey. Wuxuu kaloo asalku ahaan karaa La’ay oo la yareeyey, macnihiisuna yahay aayar.

Kacb

Kacb waa isla markaas awoowaha sideedaad ee Cumar bin Khadhaab, Allaha raalli ka noqdee. Kacb wuxuu qawmkiisa kulmin jirey maalinta Caruubada oo ah maalinta Raxmada, taasoo ah maalinta jimcada, markaasuu wacthin jirey, oo xusuusin jirey soo diridda Ilaahay soo diri doono Nabigeenna, (S.C.W.). Wuxuu dadkiisa u sheegi jirey inuu Nabigaasu wiilashiisa ka mid ahaan doono, wuxuuna fari jirey inay rumeeyaan oo raacaan.

Murrah

Murrah waa awoowaha lixaad ee Rasuulka Ilaahay (S.C.W.). Isla markaasna waa awoowaha lixaad ee Abii Bakar Al Siddiiq, Allaha raalli ka noqdee. Waxaa kaleeto oo Murrah ku kulma nasabka Imaam Maalik iyo nasabka Rasuulka Ilaahay (S.C.W.).

Kilaab

Magaciisu wuxuu ahaa Xakiim. Waxaa kaleeto oo la yiri magaciisu wuxuu ahaa Curwah. Waxaa neenaasta ah Kilaabi loogu bixiyeye asagoo aad eeyaha ugu ugaarsan jirey. Kilaabi waa isla markaas awoowaha saddexaad ee Aamina, Nabiga (S.C.W.) hooyadiis. Markaas Kilaabi waa awoowaha ay ku Kulmaan abtirsiinyaha aabihiis iyo midka hooyadiis (S.C.W.). Waxaa la yiri inuu Kilaabi ahaa qofkii bilaha sanadka u bixiyey magacdooda carbeed oo maanta loo yaqaan, sida Muharram, Safar, iwm.

Qusayy

Magaciisu wuxuu ahaa, ayaa la yiri, Zayd. Waxaa kaleeto oo la yiri magaciisu wuxuu ahaa Mujammac. Qusayy wuxuu dhashay qiyaas 400 sano markii ay taariikhda miilaadigu ahayd. Mujammac macnihiisu waxaa weeye: Kulmiye, waxaana loogu bixiyey asagoo, Ilaahay Subxaanahu wa Tacaalaa idinkiisa, qaabaa’ilka kala duwan ee Qureysh Makkah ku kulmiyey, kaddib markay kala tageen, oo dhulka ku faafeen. Markaas ayuu waadiyada Makkah djiyey; qaarkood buuraha dushooda ayey degeen, qaar kalena godadka buuraha ku yaal. Qusayy deegaankii ayuu u qaybiyey iyo degmooyinkii, markaas ayaa KUlmiye loo bixiyey. Hawshaasu waxay ahayd mid qiime weyn leh, uusanna qaban karin qof aan fiiro dheer iyo qiime sare lahayn. Qusayy wuxuu ahaa qofkii shidah, markii ugu horreysey, dabka Muzdalifah: dabkaas waxa loo shidi jirey si uu u arko dadka Carafo ka soo noqda. Wuxu kaleeto oo ahaa kii ugu horreeyey ee cusbooneysiiya dhismaha kacbada ee Qureysh ka mid ah, Nabi Ibraahiim, Caleyhissalaatu Wassalaam, bacdigiis.

Waxaa la sheegay in sababta Qusayy loogu neenaasay ay ahayd asagoo ka tegey oo ka fogaaday ehelkiisii iyo dalkiisii, kaddib markii inta aabijhiis dhintay, hooyadiis guursatay ninka la yiraahdo Rabiicah bin Xuraam, au u guureen dhulka Shaam.

Waqtigii jaahilijyada Qusayy waxaa gacantiisa ku jirtey, oo uu xilkeeda hayey arrinmaha soo socda:

1. Furaha Kacbada. 2.Waraabinta xujeyda: wuxuu dadka xajka gudanaya waraabin jirey biyo macaan oo uu Makkah dibaddeeda ka keeni jirey. Intuu timir iyo zabiib u miiroh, ayuu siin jirey. 3.Xujeyda cunto siin tooda, shaqadaasoo lagu magacaabi jirey Rifaadah, oo ah in xujeyda oo dhan cunno la siiyo maalmaha xajka. Dadkaas waxaa la siin jirey muufo kulul oo subag la mariyey. Xilalkaas waraabinta iyo cunto siinta dadka xajka gudanaya waa jiri jirey tan iyo ayaamihii khaliifiinta iyo Boqorrada Dawladaha islaamka. Sababta uu Qusayy dadkas soo xajiyey cuntada iyo biyaha u siin jirey waxay ahayd asagoo ictiqaadsan inay martidiisa ahaayeen. 4. Goynta talada: Golaha odayaasha, ama Golaha Shuuradu waxay ku shiri jireen gurigiisa, talana meel aan halkaas ahayn laguma goyn jirin. Go’aannada dagaalka meel aan gurigiisa ahayn laguma gaari jirin, nikaaxna meel aan isaga ahayn laguma xiri jirin. Gurigiisu wuxuu u dhigmay naadiga ay carabtu sameysato, wuxuuna ahaa meesha ay ula soo ordaan dhibaatooyinkooda guud ee bulsheed iyo kuwooda gaar ahaaneedba.

Waqtiyadii ugu dambeysey noloshiisa, wuxuu wiilashiisa ka maamnuucay khamrada, ayadoo aad moodid inuu dareemay dhibaatooyinkeeda, markaasna uu ka reebay kuwii uu dadka ugu jeclaa, oo ahaa ubadkiisa. Qusayy wuxuu dhintay sanadkii 480, asagoo 80 sano cimrigiisu gaaray. Hadalladiisii muujinayey balaarka caqligiisa waxaa ka mid ahaa: “Qofkii munaafaq karaameeya, munaafaqnimadiisuu la wadaagaa, oo asagana soo gaarta.”; iyo: “Qofkii xumida wax san ka dhigtah, asaguna waa xumaadaa”; iyo:”Qofkayan karaamadu toosinnin, oo aan u qalmin, dullinnimada ayuu u qalmaa”; iyo: “Qofkii sadkiisa ka badan doona, wax walba ayuu waayaa”; iyo: “Xaasidnimadu waa cadawga qarsoon oo qofku leeyahay.” Haddaan qof walba hadalkiisa ka garanneynno waxay dadnimadiisu tahay, waxaan hadalka Qysayy ka garanneynaa inuu ahaa nin aad iyo aad munaafaqnimada u neceb iyo xumaanta akhlaaqda. Wuxuu ahaa geesi, neceb isla weynida iyo xaasidnimada.

Cabdu Manaaf

Manaaf wuxuu ahaa magaca sanam ay caabudi jireen: magaca ninkaani waa addoonkii manaaf.

Haashim

Haashim waa koofaar, oo magaciisu waxaa weeye Camru bin Cabdu Manaaf. Waxaana la oran jirey Camru kii sarreeyey, sababtoo ah sarreynta makaankiisa iyo darajada uu qawmkiisa dhexdooda ku lahaa. Walaalkiis wuxuu ahaa Cabdu Shams. Aabihiis kaddib, asaga ayaa qabtay hoggaanka qawmkiisa: aabihiis wuxuu ahaa Cabdu Manaaf. Qureysh ayaa waxaa haleeshay abaar xun, markaas ayaa gaajo daran dhacday, markaas ayaa Haashim wuxuu u safray Shaam oo ka soo gaday bur iyo muufo la yiraahdo kackac oo laga sameeyey bur iyo caano sonkor, markaas ayuu Makkah keenay waqtigii xajka, oo markaas burkii iyo kackacii dadka u qaybiyey, oo geel u qalay, oo muufadii inta googooyey maraqii ku daray oo markaas dadkii siiyey, intay ka dhergaan: markaas ayaa lagu magacaabay Haashim, oo macneheedu yahay: “kii dadka cuntada u jarjaray oo siiyey”. Waxaa kaleeto oo la oran jirey Abul Badhaxaa’, macnohooduna yahay Aabihii Banka Waadiyadu maraan iyo Sayyidkii Banka Waadiyadu maraan. Bankaas waadiyadu maraan waa Makkah Al Mukarramah.

Xilliyada jiilaalka ah iyo kuwa barwaaqada ahba gogoshiisa cuntadu way fidsanaan jirtey: meesha ay soomaalidu ka tiraahdo “dabkiisu ma dami jirin”. Wuxuu ahaa nin hodan ah oo maal leh, maalkana xaqqiisa ka bixiya, qofka cabsidu haysana oo soo baqday meel uu ku nabad galo siiya. Haashim wuxuu ahaa kii ugu horreeyey oo sunneeya, oo bilaabah labada socdaal ama rixlo oo ay Qureysh kaddib ka caado yeelatay: socdaalka Xagaaga iyo socdaalka Jiilaalka. Xagaaga, oo ku beegan xilliga qaboobaha, wuxuu ganacsi ugu safri jirey Yaman iyo koofur. Jiilaalkana, oo ku beegan xilliga kuleylahana wuxuu ganacsi ugu safri jirey Shaam iyo Waqooyi.

Gabayaagii wuxuu yiri: Camru, kii qawmkiisa cuntada u jarjaray – Ayagoo raggii Makaah ay sabooleen oo gaajoon yihiin – Asagoo labadii safarba sunneeyey oo bilaabay – Safarka Xagaaga iyo safarka Jiilaalka.

Labadaas safar waxaa Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa, ku xusay, oo noogu sheegay Quraanka Kariimka, Suuradda Qureysh:

Bismillaahi Arraxmaani Arraxiimi

“Li Ilaafi Qureysh (1) Iilaafihim rixlatal shitaa’i wassayf (2) Falyacbuduu rabba haathal bayt (3) Allathii adhcamahum min juucin wa aamanahum min khawf (4).”

Suuradda macneheedu waxaa weeye: Magaca Eebe yaan ku bilaabaynaa ee naxariis guud iyo midda gaarba naxariista. 1) Caadaysigii Qureesheed. 2) Ay ka caadayeesheen Safarka Xagaaga iyo Jiilaalka darteed. 3) Ha u caabudeen Eebaha Beydkaan (kacbada). 4) Eebahii ka quudiyay gaajo, kana aamingaliyay cabsi.

Haashim wuxuu ku dhintay Ghazzah, dhulka Falastiin, asagoo ganacsi u tegay, markuu sanadku ahaa 510.

Cabdul Mudhalib

Magaca hooyadiis wuxuu ahaa Salma bintu Zayd Al Najaariyyah. Cabdul Mudhalib magaciisu wuxuu ahaa “Shaybatul Xamdi” oo macnihiisu yahay “cirradii la mahadiyay”, sababtoo ah wuxuu dhashay asagoo cirro leh, iyo ayadoo la rajeynayo inuu noqdo mid suuban oo dadku jeclaado oo la mahdiyo.

Sababta Cabdul Mudhalib loogu bixiyey waxay ahayd in asagoo gaadiid la saaran adeerkiis Al Mudhalib, oo adeerkiisna gaadiidka xagga hore fadhiyo, asaguna xagga dambe, asagoo waliba rifrif leh oo dhar aan hagaagsanayn qaba, saboolnimo daradeed, ayaa adeerkiis la weydiiyey: midkaan kula socda yuu yahay? Markaas ayaa adeerkiis wuxuu ku jawaabay: “Waa addoon aan leeyahay”, asagoo ka xishooday inuu yiraahdo adeer baan u ahay. Marka Cabdul Mudhalib macneheedu waa addoonkii Mudhalib.

Cabdul Mudhalib wuxuu ahaa nin Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa, ducadiisa iyo Alle barigiisa uu aqbalo. Buuraha dushooda ayuu haadka, shimbiraha iyo xoolo duurkaba cunto u saari jirey, naxariis uu xoolahaas u qabo daraadeed: taas ayaana u sabab ahayd in loo bixiyey “shimbiro quudiye” iyo “Fayyaad” ama “Al Fayyaad”, oo macneheedu yahay midkii deeqsiga ahaa.

Qureysh aad ayay uga cabsan jirtay, hadday dhibaatooyin la soo gudboonaadaanna asaga ayey ula tegi jireen, oo wuxuu ahaa sayyidka ugu sharaf badan qawmkiisa. Wuxuu ahaa qofkii ugu horreeyey ee ghaarka Xiraa’ ku cibaadeysta: waa isla godka Rasuulkii Ilaahay Muxammad SCW, Malaku Jibriil, Caleyhissalaam, ugu yimid oo uu Nabinnimada Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa, uga keenay, markay taariikhdu ahayd: maalin Isniin oo bisha Ramadaan ay tahay 17 ee sanadkiisii 41, una dhigantah 6 agoosto 610, asagoo ay da’diisu tahay afartan sano ee sanadka dayaxa lagu xisaabiyo iyo lix bilood iyo sideed maalmood.

Cabdul Mudhalib, markay bisha Ramadaan soo gasho wuxuu geli jirey godkaas la yiraahdo Xiraa’ ee ku yaal buuraha Makkah, masaakiintana cunto ayuu siin jirey. Cabdul Mudhalib wuxuu noolaa 120 sano, ama ka badanba. Adeerkiis Al Mudhalib kaddib, asaga ayey madaxtinnimada qawmkiisu u wareegtay. Wuxuu ubadkiisa fari jirey inay ka fogaadaan thulmi falidda iyo isla weynida, wuxuuna ku guubaabin jirey dhaqanka iyo akhlaaqda kariimka, iyo ka fogaanshaha arrimaha hooseeya oo liita. Inta u dambeysay noloshiisa, Cabdul Mudhalib wuxuu diiday caabudidda asnaamta, wuxuuna qiray kali ahaanshaha iyo midnimada Ilaahay. Waxaa ninka lagu magacaabo Daghfal bin Xanthalah, oo abtirsiinyaha ku xeel dheer, uu yiri: Cabdul Mudhalib wuxuu ahaa nin dheer oo toosan, midabkiisuna cadyahay, waji qurxoon, wajigiisana uu ka muuqdo nuurkii Nabinnimada iyo xoogga iyo haybadda Boqorrada, ayna ku hareereysan yihiin toban wiilashiisa uu dhalay ah, oo aad mooddo libaaxyo. Asaga ayaa helay ceelkii Zamzam, kana waraabin jiray xujeyda, oo xilkaas asaga ayuu rasmi u ahaa, taasoo faan iyo awood dheeraad ah asaga u ahayd, Qureysh dhexdeeda iyo carab inteeda kaleba.

Cabdul Mudhalib wuu karaameyn jirey Nabiga SCW wuuna weyneyn jirey, intuu yaraa. Wuxuu oran jirey: “Wiilkeygaan arrin weyn ayuu leeyahay”. Wuxuu hadalkiisaas saldhig uga dhigay waxa uu ka maqli jirey kuhaanta faalisa, culummada krishtaanka iyo kuwa yuhuudda, oo ku saabsanaa dhalashada Rasuulka Ilaahay SCW iyo dhalashadiisa kaddibba. Cabdul Mudhalib koofaartiisu waxay ahayd “Abal Xaarith aabihiis”. Xaarith wuxuu ahaa midka ugu weynaa wiilashiisa.

Ilmihii Cabdul Mudhalib Adeerrada iyo Eedooyink Nabi Muxammad SCW

Ilmihii uu dhalay Cabdul Mudhalib oo ahaa Nabiga SCW adeeradiis iyo eedooyinkiis waxay ahaayee 16 oo kala ah toban wii iyo 6 gabdhood. Waxaa kaleeto oo layiri wiilashiisu waxay ahaayeen 12 Tobanka wiil waxay kala ahaayee: 1. Cabdullaahi, Rasuulka Ilaahay SCW 2. Abuu Dhaalib, oo magaciisu ahaa Cabdu Manaaf. 3. Zubayr: hooyadiis waxay ahayd Faadhimah bintu Camru Al Makhzuumiyah. 4. Cabbaas: oo ahaa awoowaha khulafa’da Cabbaasiyiinta. 5. Daraar: Cabbas ayay isku hooyo ahaayeen, hooyadoodna waxaa la oran jirey Natiilah Al Camriyyah. 6. Xamzah: kaddibna loo bixiyey Libaaxii Ilaahay. Wuxuu ku dhintay dagaalkii Uxud. 7. Al Muqawam: waxay isku hooyo ahaayeen Xamzah, hooyadoodna waxaa la oran jiray Haalah bintu Wahab. 8. Abuu Lahab: magaciisu wuxuu ahaa Cabdul Cuzzaa, hooyadiisna waxay ahayd Lubnaa Al Khzaaciyah. 9. Xaarith: magaca hooyadiis wuxuu ahaa Safiyaah, waxayna ahayd reer Banii Caamir bin Sacsacah. 10. Al Ghaydaaq: hooyadiis magaceedu wuxuu ahaa Mamnacah. Ghaydaaq waa naaneys, magaciisuna wuxuu ahaa Xajal. Gabdhaha Cabdul Mudhalib waxay ahaayeen lix, kuwaasoo kala ah:

1. Safiyah 2.Ummu Xakiim Al Baydaa’ 3.Caatikah 4.Umeymah 5.Urwaa 6.Barrah.

Nabiga SCW adeeradiis waxaa ka islaamay Xamzah iyo Cabaas AKR. Eedooyinkiis SCW sida la isku raacay waxaa ka islaantay Safiyyah. Safiyyah waa hooyada Zubeyr bin Al Cawwaam, Ilaahayna Subxaanahu wa Tacaalaa wuxuu siiyey cimri dheer waxayna dhimatay sanadkii labaatanaad ee Hijrada, zamankii khilaafada Amiir Al Mu’miniin Cumar bin Al Khadhaab, ayadoo da’deedu tahay 73 sano. Wiilkeeda Zubeyr bin Al Cawwaam AKR wuxuu ka mid ahaa tobankii Nabigu SCW janada ugu bishaareeyey wuxuuna ahaa Xawaariga Nabiga SCW.

Zuber wuxuu guursaday Asmaa’ bintu Abii Bakar Al Siddiiq waxayna u dhashay Cabdullaahi iyo ilmo kaleba. Zubayr bin Al Cawwaam wuxuu ka mid ahaa asxaabtii Rasuulka Ilaahay SCW oo hijradii koowaad ee Dalka Xabashada loogu qaxay ka qayb galay markay taariikhdu ahayd bisha Rajab ee sanadkii shanaad ee Nabinnimada, una dhigantay sanadkii miilaadiga ee 615.

Wadaad la kala dooransiiyay Dil,Doofaar,Zino iyo inuu khamri Cabo”
Dabaraani ayaa ka wariyay C/laahi ibn Camr (Alle ha ka raalli noqdee) in Abuubakr Alsidiiq, Cumar ibn Alkhaddaab iyo dad kale oo asxaabta Rasuulka ah ay geeridii Rasuulkeenna (SCW) ka dib ka sheekaysteen dambiyada kan ugu weyn oo ay wax cilmi ah u waayeen.

Markaas ayaa C/laahi ibn camr u sheegay in Rasuulku (SCW) yiri: Boqor reer Banii Israa’iil ah ayaa qabtay nin, wuxuuna doorransiiyay: in uu khamro cabbo ama uu wiil yar dilo ama uu sinaysto ama uu hilib doofaar cuno, haddii uu diidana ay dilaan, markaas ayuu doortay in uu khamrada cabbo, markuu khamradii cabbayna wax dambe kama diidin. Markaas ayaa Rasuulku nagu yiri: qofkii khamrada cabba afartan habeen salaad lagama aqbalo, qofkii dhinta isaga oo ay calooshiisa wax khamro ah ku jiraan jannada ayaa laga xaaraameeyaa, qofkii afartanka dhexdiisa dhintana wuxuu geeriyooday geeri jaahiliyo.

Nasaa’i ayaa ka wariyay Cuthmaan ibnu caffaan (Alle ha ka raalli noqdee) in uu yiri: ka dheeraada khamrada; maxaa yeelay waa waxyaabaha xun xun hooyadood. Waxaa jirey nin ummadihii idinka horreeyay ah oo cibaadaysan jirey, markaas ayay jeclaatay naag saaniyad ah, markaas ayay u dirtay khaadimadeedii, waxayna ku tiri: waxaan kuugu yeeranaynaa markhaanti, markaasuu raacay inantii, iyaduna albaabkii uu galaba way soo xiraysey ilaa uu gaarey haweeney qurxoon oo wiil yar iyo weel khamro ahi ag yaalaan, waxayna ku tiri: wallee in aanan markhaanti kuugu yeeran ee waxaan kuugu yeertay in aad iga sinaysatid ama aad khamradaan galaas ka cabtid ama aad wiilkaan dishid!.

Wuxuu yiri: khamrada galaas iga waraabi, markaasay siisay galaas, wuxuuna yiri: ii kordhiya, wuuna sii waday ilaa uu ka sinaystay haweentii, wiilkiina uu dilay ee khamrada ka dheeraada, wallaahi hadday kulmaan iimaanka iyo khamrada la daa’imo mid baa kan kale saaraya (barabixinaya).

Waxaa ka muuqata in labadaan qiso isku mid yihiin oo boqorku haweenta u adeegsaday baadiyaynta wadaadka, wayna ka muuqataa hadalkeeda in ay tahay qof awood sare ku hadlaysa.

Faa’iidooyinka qisada:

Qisadaan waxaa ku jira faa’iidooyin iyo cibrooyin badan oo qofka muslimka ah anfacaya, waxaana ka mid ah:

1. in Rasuulka iyo asxaabtiisuba dadka ku tarbiyayn jireen qisooyinka ummadihii hore; si ay uga qaataan duruus iyo cibrooyin.

2. sida asxaabta Nabigu (scw) gaar ahaan khulafadu ugu dadaali jireen cilmiga iyo sida ay u raadin jireen waxa ugu daran ee Alle ka dheerayn kara; si ay uga fogaadaan, waana tan keentay in ay iska waraystaan dambiyada kan ugu weyn.

3. in cid loo diro meeshii ama qofkii lagu tuhmayo in uu cilmi u leeyahay arrinta laga hadlayo oo waxay raggaani nin u direen C/laahi ibn Camr.

4. in cilmiga loo aado halka uu yaal iyo cidda haysa illeyn Abuu bakr iyo Cumar waxay aadeen guriga C/laahi Ibn Camr; si ay uga soo maqlaan cilmigaas.

5. in culimada waaweyn garanwaayi karto masalo oo rag ka cilmi yar ay garan karaan, sida haddaba dhacday.

6. Qisadu waxay tusaysaa sida madaxda xunxun ugu dadaasho baadiyaynta iyo sumcad ka dilista culimada iyo dadka wanwanaagsan, iyo inay u kaashadaan arrintaas cid walba iyo wax kasta oo ku caawin kara dumarkuba ha ugu horeeyeene.

7. Dadka xunxuni waxay jecelyihiin in lala xumaado, sida Ilaahay u yiri: (waxay jeclaysteen (gaaladu) in aad u gaalowdaan say u gaaloobeen oo aad noqotaan kuwo isku mid ah), Ibliisna wuxuu ku dhaartay in uu ilma Aadan baadiyayn doono. Haddii lala xumaan waayana way la colloobaan dadka wanaagsan, sida Qawmu Luud u dheheen: (reer Luud ka saara magaaladiina waa qolo is daahirinaysee (xumaanta aan falayno iska daahirinaysa)). Sababta ay xumaanta dadka ula rabaan waxa weeye in aysan iyaga xumaantoodu muuqan oo la isla wada kharaabo, miisaanka xumaanta iyo samaantana la is daba mariyo; sidaa aawadeed ayaa kuwa liita u duraan, una xantaan dadka saalixiinta ah. Hadday waayaan wax run ah oo ay ka sheegaana been ayay ka sameeyaan.

8. Waxay kaloo tusaysaa khatarta fitnada dumarka iyo weynanka dhagartooda, Ilaahayna wuxuu ku yiri: (dhagartiinu aad bay u weyntahay), Nabiguna (scw) wuxuu yiri: (ragga ugama tagin fitno uga dhib badan dumarka ee iska jira adduunyada, dumarkana iska jira).

9. Ahmiyadda in aan qofka muslimka ah la dagin ee uu ka feejignaado dhagarta cadawgu u maleegayo iyo in la ogaado in dadka saalixiinta lagu soo xerogaliyo marka hore wax wanaagsan, ka dibna dhabta la taabsiiyo, sida haddaba haweeneydu wadaadka ugu soo dabtay markhaanti noo noqo ama noo fur.

10. in khamrada laga dheeraado; maxaa yeelay xumaanta oo dhan ayay hooyo u tahay, qofka cabbana dambiyada kale oo dhan ayay u sahlaysaa.

11. dambiyada nafsad ahaantooda waxaa ugu weyn shirkiga (gaalnimada), khamraduse marka laga eego sida ay dambiyada kale dadka ugu sababto ayay ugu weyntahay; maxaa yeelay waxay gaarsiin kartaa qofka daa’ima gaalnimo, dil, sino iwm.

12. weynanka ciqaabta qofka khamrada cabba (afartan habeen salaad laga aqbali maayo), kan dhinta isaga oo ay calooshiisa ku jirto (jannada ayaa laga xaaraameeyay) ama isaga oo ku jira afartankii (wuxuu dhintay geeri jaahiliyo). Waxaa kale oo xusid mudan in Rasuulku (scw) yiri: Alle wuxuu lacnaday khamrada, kan miira, kan loo miiro, kan cabba, kan qaada, kan loo qaado, kan gada, kan gata, kan waraabsha iyo kan la waraabshaba. Waxaa haddaba la gudboon muslimka in uusan haba yaraatee wax kaalmo ah ka gaysan isticmaalka maandooriyaha, sida in gaarigiisa, gurigiisa, xooggiisa iwm loo adeegsado shaqadeeda. Qofkii yeelana lacnadda Alle ayaa haleelaysa.

13. In aysan Iimaanka (islaamnimada) iyo khamradu meel ku wada jiri Karin ee hadday isugu yimaadaan midkood baxayo, midna meesha u harayo. Xadiis kale ayaa Rasuulku (scw) ku sheegay in uusan qofka khamrada cabbaya cabbayn isaga oo mu’min (muslim) ah.

14. Ahmiyadda in qofku ku samro imtixaanka oo uusan waligi isku mashquulin nafta uun badbaadi; maxaa yeelay nafta dhib ka ilaali marka dambe waxay kula gali kartaa meel aan laga soo noqon Karin, sida ninkaan ku dhacday. Wuxuu isku dayay si uu u badbaado in uu dambiyada la kala doorransiiyay kan u sahlan falo, isagiibaase kuwii ka darnaa u sii gudbiyay. Macnaha hadalkaygu ma aha in aan rukhsada Ilaahay diidayo ee waa in la isku boorriyo in la qaato caziimada sidii Nabi Yuusuf u yiri: (Rabbiyow xabsigaan ka jeclahay waxa (sino) ay iigu yeerayaan) markii ay haweentu ku tiri: hadduusan yeelin waxa (sinada) aan farayo waa la xabbisin, waana la dullayn.

15.. Shareecada islaamku waxay ilaalisaa caqliga aadanaha oo ah nicmo weyn oo Alle ina siiyay, waxayna xaaraamaysay wax kasta oo wax yeelaya; sidaa darteed ayaana khamrada Alle u xaaraameeyay, waxaana la xukun ah wax kasta oo caqliga wax u dhima sida: daroogooyinka kala duwan oo qaadka iy xashiishaddu ka mid yihiin.

16. Asbaabta khamrada loo xaaraameeyay waxaa ka mid ah in ay dhexdhigto muslimiinta colaad iyo is nacayb, iyo in ay xuska Alle iyo salaadda dadka ka celiso, waxaana la xukun ah wax kasta oo isku dira dadka ama ka hor istaaga khayrka, sida: heesaha iyo muusikada, duullaan maskaxeedka lagu marinhabaabiyo muslimiinta iwm.

17. Waxaa kale oo shareecadu xaaraamaysay isticmaalka wax yar oo ka mid ah shay intiisa badan wax wareeriso, sida: kabbo khamro ah, taqsiin qaad ah iwm; si aan innaba caqliga loo dhaawicin.

Axmed C/Samad

alwaqaar@hotmail.com

Maxaad Ka Taqaanaa Gabadhii Saalixadda Eheed Ee La Oran Jiray :Raabica binti Ismacil Al-cadawiya
aabica al-cadawiya waxay ka mid ahayd dumarkii taabiciyiinta ahaa kuwii ugu magaca dheeraa ee qisooyinkoodu ay gaadheen meelkasta oo muslim joogay. Raabica qisadeedu waa qisooyinka aadka loogu been abuurtay, qaarbadan oo kamida kuwa taariikhda soo wariyeyna waxaa hadaladooda ka cad inay gaadhsiiyeen meel aad usaraysa, heer ay gaadhsiiyeen qaarkood inay dhahaan Ilaahay swt ayey arki jirtay, qaar dhaha hawada ayey ku socon jirtay, qaarna dhahaan nuur muuqda oo la arko ayaa samada xidhi jiray maka ay ducaysanayso iyo waxyaabo badan oo ku tusaya in waxaas oo dhami in ay yihiin wax la buun buuniyey ama lagu been abuurtay.

Sababta keentay hadaladaas aan caqliga galaynina waa Raabica oo ahayd qof uu Ilaahay swt ku manaystay jacaylkiisa iyo cibaado aad u badan oo ay caan ku noqotay.

Hadaba waxaan qoraalkaygan isku dayayaa inaan soo qaato qaar kamida taariikh nololeedkii Raabica Illaahay swt waxaan ka baryayaa inuu i garan siiyo taas.

Raabica bint Ismacil Al-cadawiya waxay ka mid ahayd dumarkii saalixiinta ahaa ee ku noolaa dhulka la odhan jiray Kuufa gaar ahaan magaalada Basra. Raabica iyada oo yar ayey dhinteen labadeedii waalidba.

Intii ay yaraydba waxaa ka muuqatay inay ahayd qof uu Ilaahay ku manaystay caqli iyo dhowrsanaan, 10jir intii ayna gaadhina waxay xifdiday Qur’aanka iyo in aad u badan oo axaadiithta ah.

Raacica & culimadii samankeedii

Sida kucad kutubta taariikhda waxay noolayd Raabica wakhti ay noolaayeen culimo aad u badan oo kamida culimadii ugu caansanaa, culimadaas ay la kulantay waxaa kamid ahaa Xasan al-basri, Suufiyaan A-thawri, C/raxmaan bin Yasiid & culimo aad u badan oo ka mid ahaa culimadii ku noolaa dhulkaas.

Wuxuu ku yidhi Suufiyaan A-thawri oo lagu naanaysi jiray amiirkii mu’miniinta ee axaadiithta, ninkii la odhan jiray Jacfar bin Sulaymaan wuxuu ku yidhi maalin kaalay aan soo booqano Raabica. Markii ay usoo galeen Raabica ayuu Sufyaan gacmihiisa kor u qaaday isagoo leh � Illaahayoow waxaan ku waydiisanayaa nabadgelyo� Markii ay maqashay Raabica ducadiisaas ayey oohin la dhacday, Suufiyaan ayaa waydiiyey markaa

Suufiyaan: Maxaa kaa oohiyey Raabicaay?

Raabica: Adigaa igu kalifay inaan ooyo, miyaadan ogayn Suufiyaanoow nabadgelyada aduunku inay tahay inaad ka dheeraato waxa yaala.

Suufiyaan: Ala murugadaydaay ( waa xusnaah )

Raabica: been ha sheegin….. waxaad dhahdaa murugo yaridaydaay… hadii aad tahay mid murugaysan maadan ku raaxaysateen nolosha.

Waxaa la waydiiyey Raabica sababta aad Ilaahay u caabudo, waxayna odhan jirtay markasta waxaan Rabbigay u caabudayaa jacaylkiisa ee inaan cadaabkiisa ka baqayo kaliya uma caabudo.

Sida ay wada sheegaan kutubta taariikhduna waxaa ku cad inay ahayd qof aad loogu yaqaanay Jacaylka ay Rabiggeed u qabtay.

Waxay caan ku ahayd Raabica gabayadii ay tirin jirtay ee ay ku muujinaysay jacaylka Illaahay swt, inkasta oo ay dadbadani si kale u isticmaaleen oo ay ka badbadiyeen.

Hadaladii Raabica qaar kamida

Hadaladii Raabica al-cadawiya waxaa kamida ahaa sida ay sheegeen kutubta taariikhdu.

- Ibna aadamoow waxaad tahay maalmo tirsan, hadii ay maalin tagto waxaa tagay qaarkaamid ah adiga, hadii qaar kaamid ahi ay tagaana waxaad inyar u jirtaa inaad wada tagto. ( hadalkan waxaa kale oo loo nisbeeyaa Xasan Al-basri wallaahu aclam ka yidhi labadooda )

- Hadii ay aduunyadu usugnaan lahayd qof kaliya cidina mayna qanni noqoteen.

- Ka caqliga lihi waa ka Rabbigii ogaaday kadibna adeecay, xaqqa ogaaday kadibna raacay, baadilka ( xumaanta) ogaaday kadibna ka dhawrsaday, aduunyada ogaaday kadibna ka fogaaday, aakhirana ogaaday kadibna dalbay.

- Qarsada xasanaadkiina sida aad u qarisaan xumaantiina

Waxaa kamid ahaa ducooyinkeedii inay odhan jirtay � Illaahayoow waxaan kaa magan galayaa wax kasta oo iga kaa mashquuliya & xaalkasta oo iga kaa jeediya�

Allaah swt raxmadiisa waasica ah haka waraabiyo Raabica al-cadawiya waxay ahayd runtii qof aan qiimaheeda la soo koobi karin, sida aan bilowga kusoo sheegayna taariikhdeeda inta saxda ah iyo inta kaleba way isku dhex qasmeen sidaa darteed aad ayaan usoo koobay taas oo ay igu kaliftay in aanan soo gudbin wax badan oo khurafaad uu ka buuxo.

Waxay dhimatay Raabica sanadkii 135hijri waxayna ku aasan tahay Baytul maqdis Raximahallaah

Sideen u Fahamnaa Quraanka? Q: 5aad
Suurada 7aad Al-Acraaf:

Suuradan waxaa loo yaqaan Al-Acraaf maadaama Magaca Acraaf uu ku Xusan yahay Suurada

Dhexdeeda, Acraafkuna waa Derbi ku yaala Janada iyo Naarta Inta u Dhexeysa oo kala

Xera Ahlu Janaha iyo Ahlu Naarka wallow ay is arki karaan isna maqli karaan sida ku

cad Suurada Dhexdeeda.

Waxaana Allaah uu Suuradan ku Dhex Sheegay qolo la yiraahdo Asxaabul-Acraaf oo ah

Dad Wanaagooda iyo Xumaantooda isla ekaadeen oo Xumaantooduna ka hor joogsatay

Galitaanka Janada, Samaantoodiina looga Reebay Galitaanka Naarta, sidaas darteed u

fadhiistay meel u Dhaxeysa Janada iyo Naarta, taasoo Naftooda ku dhalisay Marka ay

Ahlu-Naarka iyo Dhibaatada heysta arkaan in ay Murogoodaan Naartana Allaah ka magan

galaan, marka ay Ahlu-Janaha iyo Nimcada ay ku jiraan in ay Farxaan Damcaana Nimcada

janada dhextaala oo ay Allaah ka baryaan, ayadoo ugu Dambeestii uu Allaah Raxmadiisa

darteed Baryoodadii ka aqbalay Jnada galiyay.

Suuraada Al-Acraaf waa Makiyah, Marka laga reebo Aayadaha kala ah: (163…170),

Suuradaan waxaa lagu tiriyaa in ay ka mid tahay Suuradaha Dhaadheer, Tirada

Aaydaheeduna waa 206 Aayadood, Suuradan waxey ku Bilaabataa Xuruuf Go’go’an sida

kuwii ka horeeyay oo kale, waxeyna ku beegan tahay kaloo Barka Juzka 8aad ilaa inta

Badan Juzka 9aad, waxeyna soo dagatay Suurda (Saad) ka dib.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Acraaf :

Suuradaan waxey aad u Faahfaahisaa Qisooyinka Nabiyada, waxeyna aad uga hadashaa

Caqiiidada Toowxiidka, Abaal Marinta Maalinta Qiyaame, ayadoo Soo bandhigta in

Nabiyada oo Dhan Dacwada Dadkooda ay Gaarsiinayaan ay ku bilaabi jireen ka Hadalka

Toowxiidka, waxaa kaloo ay suuradaan cadeysaa in nabaiyada aysan Aduunyo ku doonan

jirin Diinka gaarsiintiisa, Arintaasna waxey Dadka Ducaada ah ku Baraarujineysaa in

ay Habkaas oo kale Dacwada u wadaan Maadaama Toowxiidku yahay Aasaaska Diinta,

waxaanaba Caado u ah Qolo walba oo Diin Aaminsan in ay Dacwada Diinkooda ka

Bilaabaan Caqiidada ay Aaminsan yihiin ha u haado Diin Saxan (Diinka Islaamka), ama

Mid Qaldan (waxa Islaamka kasoo hara).

Sababta ay u soo dagatay Suurada Al-Acraaf:

Suuradan waxaa lagula Dagaalamayay Dhaqan ay lahaayeen Dad Reer Baadiye ahaa oo

Kacbada Dhawaafi Jiray ayagoo Dhar la’aan ah Islaamka ka hor, ayagoo ku andacoonaya

dharkoodu inaysan wanaagsaney, waxaana Suurad Amreysaa in Dadka ay Labistaan Dhar

wanaagsan Marka ay Doonayaan in ay Cibaadestaan.

Suurada 8aad Al-Anfaal:

Suuradan Al-Anfaal waa Suurad soo Dagatay Xiligii Muslimiinta ay joogeen Magaalada

Madiinah Marka laga Reebo Aayadaha kala:(30 ilaa..36) kuwaasoo Makah intii la Joogay

soo Dagtay.

xaga tirada Aayadaheeduna waa 75 Aayadood, waxeyna soodagatay Suurada Al-Baqarah

kadib, Suuradaan waxey aad xooga usaartaa Sharciyada Dagaalka sida Maxaabiista iyo

Xoolaha dagaalka lagu furto, waxeyna soo dagatay duulaankii Badar kadib, Suurada

Al-Anfaal waxey kitaabka kaga beegan tahay dhamaadka Juzka 9aad iyo Bilowga Juzka

10aad.

Macnaha guud ee Suurada Al-Anfaal:

Suuradan Al-Anfaal waxey si gaar ah Xooga u Saartaa Dhanka Sharciyada Dagaalka, iyo

Habka ay tahay in loo qeybiyo waxii Xoolo ah ee Dagaalka lagu Qabsado, waxeyna si

gaar ah uga Hadashaa Xalinta khilaafyo Muslimiinta ku Dhex maray Duulamada qaar,

waxeyna si aad ah Muslimiinta u siisaa Tilmaamo Xaga Rabi ka yimid oo ay Waajib

tahay in ay Raacaan Marka ay Cadowga Allaah Dagaalka kula Jiraan, waxey kaloo kala

Hadashaa Dhanka Heshiisyada Nabada ee lala gali karo kuwa Dagaalka lagula jiray.

Sababta ay ku soo Dagatay Suurada Al-Anfaal:

Suuradaan waxey kusoo dagatay Markii Muslimiinta La Dagaalameen Gaaladii Qureysh

Duulaankii Badar oo uu Jabka Gaaray Gaaladii, Muslimiintiina ay isku qabsadeen Cidda

Xaqa u leh in ay la Wareegto Hantidii Gaalada ka Carareen, waxaana loo kala

qeybsamay Sadax qolo:

1)- Qoloda Koowaad waxey ahaayeen Kooxdii Eryatay Cadawga waxeyna ku Doodeen in ay

ayaga gaar u leeyhiin Xoolaha ay ka Carareen Gaalada.

2)-Qolada labaadna waxey yiraahdeen anagaa Idinka Mudan oo waxaan ilaalineynay

Nabiga (SCW) si aysan si kada ah Cadwga Dhib u Gaarsiin.

3)- Qoloda Sadaxaadna waxeyku Doodeen in ay ayaga Gacantooda ku Qabsadeen Xoolaha oo

dhan intii Cadawga la sii Eryanayay.

Marka ay arintu intaas mareysay ayaa Allaah waxaa uu Nabigiisa u Waxyooday Suuradan

si loo soo afjaro Khilaafka, Nabigana (SCW) Xoolihii waxa uu ugu Qeybiyay si isla

mid ah Sadaxda Kooxba, waxaana Muslimiinta la amray in ay Wanaajiyaan Xeriirka ka

Dhexeeya.

W/Q: Calinuur Xoogsade

asadxg@hotmail.com

waxaa Gacan ka Geestay Barnaamijkan Hey’ada Soeeg info@soeg.com

Sideen u Fahamnaa Quraanka? Q: 4aad
Suurada 5aad Al-Maaidah:

Suuradan waa Suurada 5aad marka loo eego Musxafka Quraanka, waxaa loogu magac Daray

Al-Maa’idah si ay u Waarto Xusuustii Mucjizadii la siiyay Nabi Ciise Markii

Israaiiliyiintii Su’aasheen in uu Allaah Cirka kasoo Dajiyo Xeero Cunto ah, taasoo

laga aqbaly Nabi Ciise Markuu Allaah ka Baryay ayadoo isla markaasna loogu Goodiyay

hadii ay Caasin dambe la yimaadaan la Cadaabi doono Cadaab anan horey loo Cadaabin

wax Caalamka ka mid ah.

Suuradaan waxa ay ka mid tahay Suuradaha soo dagtay Markii Magaalada Madiina loo

Hijrooday ka dib, waxayna ka mid tahay Suuradaha dhaadheer, Aayadaheedu Tiro ahaan

waa 120, waxeyna soo dagatay Suurada Al-Fatxi ka dib, Suuradan waxay ku Bilaabataa

Qaab ah Naadin ku Socota kuwa Mu’miniinta ah, waxeyna Suurada ku beegan tahay Juzka

6aad Badankiis ilaa Juzka 7aad Biloowgiisa.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Maaidah:

Suuradaan Maadama ay Magaalada Madiina kusoo Dagatay waxay Xooga saartaa Dhinca

Sharciyada Diinta Islaamka sida lagu yaqan Suuradaha Madiina kusoo dagtay, ayadoo ay

u dheer tahay in ay ka Hadasho si aad u xeel dheer Arimaha Caqiidada iyo Qisooyinka

ku Saabsan Ahlu Kitaabka.

Caalimka la yiraahdo Abuu Meysarah waxaa uu yiri: {Suuradaan Al Maa’idah waxay ka

mid tahay Suuradaha Qur’aanka kuwii ugu Dambeeyay ee soo dagtay, mana ku jiro

Aayadaheeda Mid la Nasaqay Xukun ahaan, waxeyna Xambaarsan tahay ilaa 18 Waajib}.

Sababta ay kusoo Dagatay Suurada Al-Maaidah:

Suuradaan Biloowgeeda waxay soo dagatay Xili Muslimiinta ay ka yimaadeen Magaalada

Madiina ayagoo Doonayay in ay Cimreestaan ay Gaaladii Makah Joogtay ka hor Istaageen

Cimrada, aydoo Muslimiinta aad u Careysan ayay waxay arkeen Koox Mushrikiin ah oo

doonaya in ay Makah ku Cimreestaan, taasoo keentay qaar Muslimiinta ka mid ah

damcaan in ay Horjoogsadaan sida ayagaba Mushrikiinta Maka u Horjoogsatay Maadama

kuwaan ay yihiin Mushrikiin kale, taasna Allaah wuu ka diiday waxaana Soo dagtay

Biloowga Suuradan oo loo Sheegay in ay ka Hor leexdaan kuwa Makah ku socda Gaalaba

ha ahaadeene.

Suuradaan Qeybo ka mid ahna (Aayada 3aad) waxey soo dagteen Sanadkii 10 ee Hijriyada

Markii uu Nabiga (SCW) Xajinayay Xajkii Sagootinta, taasoo nin Yuhuud ah uu yiri:

Hadii Aayadaan ay Nagusoo dagan laheyd Anga Yuhuuda ah waxaan ka Dhigan laheyn

Maalinkaas Ciid ,.. waxaana uu Cumar Ibnu Khadhaab (Alaha ka raali noqdee) ugu

Jawaabay waxey soo dagatay Goor la joogay Carafo Maalin Jimco ah,…taasoo uu Cumar

ula jeeday waxey noogusoo Beengantay laba Ciidood oo waa weyn.

Suurada 6aad Al-Ancaam.

Suuradaan waxa la yiraahdaa waxaa loogu magac daray Al-Ancaam, maxaa yeelay Magacaas

ayaa aad ugu soo noqnoqda dhexdeeda, ama waxey Suuradaan aad wax ugu Sheegtay Xoolo

ay Mushrikiintii Makah ku bixin jireen Sanamyada in ay ku Caabudaan.

Suuradaan Al-Ancaam waa Suurada 6aad ee Musxafka Qur’aanka waana Makiyah Badankeed,

marka laga reebo Aayado kooban oo kala ah: Aayadaha:

“20,23,91,93,114,141,151,152,153,” kuwasoo kusoo dagtay Magaalada Madiina, waxeyna

ka mid tahay Suuradaha aadka u Dhaadheer, Xaga Tirada Aayadaheedu waa 165, waxeyna

soo dagatay Suurada Al-Xijri ka dib, waxa ayna ku Bilaabataa Hab ah Amaanta Rabi.

Suuradan waxey Kitaabka kaga Aadan tahay Juzka 7aad intiisa Badan ilaa laga gaaro

Kaloo barka Juzka 8aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Ancaam:

Suuradan waxay ka Hadashaa Caqiidada iyo Asalada Diinta maadama ay ka mid Tahay

kuwii kusoo tagtay Makah, Suuradihii ka Horeyay waxey kaga Duwan tahay in aysan ka

hadlin wax ku Saabsan Arimaha Nidaamka Sharciga iyo Axkaamta sida Soonka iyo Xajka,

maxaa yeelay Muslimiinta Xiligaas Cibaadooyinkaas laguma Waajibin, sidoo kalana kama

Hadasho Suuradaan Arimaga Dagaalka iyo Xiriirka Debada ka ah Muslimiinta sida Ahlu

Kitaabka iyo Munaafiqiinta wax ku saabsan.

Suuradaan Kaliya waxa ay si Faahfaahsan uga Hadashaa Arimaha kala:

1)- Allaah kali ahaan-shihiisa waxa Quseeya.

2)- Arinta ku Saabsan Soo dagitaanka waxyiga.

3)-Arinmaha ku Saabsan Soo Nooleynta iyo Abaal Marinta Maalinta Qiyaame.

Suuradan Al-Ancaam Markii ay soo dagteen Aayadaheeda aadka u faahfaahiyay Xalaasha

iyo Xaaraanta waxaa Dood aad u weyn ka Dooday Mushrikiintii Makah ayagoo la Doodaya

Nabiga Suuban (SCW)  ayaga oo ka xun in Xaaraan lagu tilmaamo waxa Bakhtiyay,

waxayna Naiga weudiiyeen Su’aalo ay Xujo ugu Raadinayaan Baqtigu inuu Xalaal yahay,

waxay yiraahdeen: Neefka Dhintay yaa Dilay? waxaa uu Nabiga Suuban ku Jawaabay:

Waxaa dilay Allaah. waxay yiraahdeen Neefkii uu Allaah dilo (Kii Bakhtiya) Xaaraan

Miyuu noqonayaa, kii aad idinka Disheena (Gooracdeen) Ma Xalaalaa ?….waxaa uuna

Allaah jawaab uga dhigay inuu soo dajiyay Aayada 122 ee isla uuradaan.

Fadliga Suurada Al-Ancaam:

Suuradaan waxaa ay kusoo dagatay Nabiga Xili uu joogay Magaalada Makah waxaana

wehlinayay (Galbinayay) 70.000 Malaaig ah ayagoo aad u Tasbiixsanaya, markii uu

Nabiga (SCW) Maqlay Shanqarta Tasbiixdooda aad waxa uula yaabay fara badnida

Malaaigta Galbineysa waxuuna u dhacay Sujuud ilaa loogasoo dajiyay Suurada.

Arintaas oo muujineysa Macnaha weyn ee ku dhex jira Suurada iyo Muhiimada ay

leedahay Arimaha ay aadka u faahfaahisay ee aan horey usoo sheegnay.

W/Q: Calinuur Xoogsade

asadxg@hotmail.com

waxaa Gacan ka Geestay Barnaamijkan Hey’ada Soeeg info@soeg.com

Sideen u Fahaamnaa Quraanka? Q: 3aad
Kitaabka Qur’aanku waa Keydka ugu weyn uguna Qaalisan ee Muslimiinta Maanta Caalamka

ku Nool Gacantooda ku jira, waana Isha Koowaad ee lagu Dhiso Caqiidada,

Cibaadooyinka iyo Sharciga Diinta Islaamka, isla markaana Umada ku Horumari karto….

Suurada 3aad Aala Cimraan:Suurada Aala-Cimraan waxey ka mid tahay Suuradaha aadka u

Dheer, waana Suurada Sadaxaad marka loo eego Musxafka, Sababta loogu Magacaabay Aala

Cimraan waa in ay Suurada si Faahfaahsan uga Hadashay Qisada Reer Cimraan oo ah

Qoyskii ay ka Dhalatay Maryama oo aheyd Nabi Ciise Hooyadiis, sababtoo ah Qisadaan

waxey Tilmaameysaa Awooda Buuxda ee Allaah u leeyahay inuu Abuuro Waxa uu doono iyo

sida uu u Doono, Suuradii Al-Baqara waxey Tilmaamtay inuu Allaah Aadam Ciid ka

Abuuray, Halka Suuradaana ay Tilmaameyso in Ciise laga Abuuray Maryama kaliya oo

uusan Aabe laheyn ayadoo aysan Maryama Guursan wax Xumaan ahna aysan Sameynin.

Arintaan waxay meesha ka saareysaa in Nabi Ciise lagu sheego inuu yahay Inan uu

Allaah Dhalay, ayadoo taasna ay ka dhalaneyso in aysan jirin markaas sabab loo

Caabado ayadoo la leeyahay waa Abuur la yaab leh oo ka duwan Abuurada kale, waayo

Allaah waxaa uu Abuuray Nabi Aadam oo aan Aabe iyo Hooyo Toona laheyn iyo Xaawo oo

uu ka Abuuray Feerta Nabi Aadam, suura galna ma aha in la Caabudo Aadam ama Xaawo

nooc kasta oo uu Abuurkoodu yahay sida aysan suura gal u aheyn in Nabi Ciisana la

Caabudo maadaama uusan Aabe laheyn!

Suuradan waa Suurad ka mid ah kuwii soo dagtay Xiligii Magaalada Madiina loo

Hijrooday ka dib Aayadaheeduna tiro ahaan waa 200 Aayadood, magaca (Allaah)

Suuradaan waxaa lagu xusey 209 jeer, waxeyna soo dagatay Suurada Al-Anfaal ka dib,

waxa ayna ka mid tahay Suuradaha ku Biloowda Xaruufta gogoan waana juzka sadaxaad

dhameystirkiisa iyo juzka afaraad badankiisa.

Macnaha Guud ee Suurada Aala Cimraan:Suuradan Aaala Cimraan waxey si gaar ah uga

Hadashaa laba arimood oo aad u Muhiim u ah:1) tan koowaad: Suuradan waxey si aad ah

uga hadashaa Caqiidada Islaamka ee Saafiga ka ah Shirkiga ayadoo hadana Daliilo aad

u wanaagsan soo Bandhigeysa isla markaana Naqdineysa wax walba oo Shubha ah oo ay

Daliishadaan kuwa Caqiidada Toowxiidka ah aan Fahamsaneyn, waxeyna si gaar ah

Suuradaan ugu Ban baxday Qeyb ka mid ah Ahlu Kitaabka (Nasaarada) iyo Caqiidada ay

ka aaminsan yihiin Nabi Ciise, waxeyna aad Dadka muslimiinta u Fahamsiiyay halka ay

gafka ku galeen Nasaaarada iyo sababta ay u Baadiyoobeen, isla Markaana Suuradan

waxey aad u Muujisaa Sharafta weyn ee ay lahaayeen Reer Cimraan iyo Gabadhooda

Maryama, Suuradan Reer Cimraan waxey ku Tilmaantay in ay ahaayeen dad Allaah jecel

yahay, Maryamana Suuradaan waxey ka Difaacday aflagaadada ay Yuhuuda u geysteen

ayada iyo wiilkeeda Ciise waxay kaloo ka fogeysay in la Caabudo ayada iyo Wiilkeeda

jaceyl loo qabo dartiis.

2) Marka labaadna Suuradan waxey si Gaar ah uga Hadashay Qeyb ka mid ah Shareecda

Islaamka, gaar ahaan Qeybta ku Saabsan Axkaamta Jihaadka, si gaar ahna waxey

Suuradan wax ka tilmaamtay Duulaankii Uxud oo ahaa duulaankii Labaad ee Muslimiinta

galeen hadana Guul daradii u horeysay kala kulmeen.

Sabata ay ku soo Dagatay Suurada Aala Cimraan:Suuradaan waxaa sabab u ahaa soo

Dagitaankeeda Wafdi Nasaaradii Jaziirada Carabta ah oo la Dooday Nabi Muxamad,

ayagoo Xujeysanaya in ay Ciise ku Tilmaamaan inuu yahay Wiil Alle Dhalay kuna Dooday

in bal Weligeed la Maqlay Abuur Hooyo kaliya ka biloowday, taasna waxaa Jawaab

Buuxda ka Bixisay Suuradaan oo ka sheekeysay in Abuurka Ciise ay jiraan Abuuro kasii

yaab badan sida Abuurka Aadam oo laga Abuuray Aabo iyo Hooyo la’aanba.

Fadliga Suurada Aala Cimraan:Imaamu Muslim Saxiixiisa waxaa uu ku Wariyay inuu

Nabiga yiri:{Qur’aanka aqriya waxaa uu yimaadaa Maalinta Qiyaamaha asagoo ka Ergo ah

Dadkii aqrin jiray, Aqriya Labadii Ifeysay (Al Baqara iyo Aala Cimraan), waxey

Maalinta Qiyaamaha labadooda yimaadaan ayagoo sida Laba Daruurood oo kale ah..oo ka

Doodaya (ka ergeynaya)Saaxiibkoodii (kii aqrin jiray)}.

Suurada 4aad An-Nisaa:Suurada 4aad ee Qur’aanka waxaa loo yaqaan An-Nisaa, maadama

si gaar wax badan lagu sheegay Xuquuqo iyo Sharciyo gaar ku ah Dumarka, waxaana

Qur’aanka ku jira Suurado badan oo Magac Dumar sita ama Sharciyada Dumarka ku gaarka

ah  looga hadlay sida: Suurada Maryama, Suurada Dhalaaq iyo al-Axzaab iyo Suurada

An-Nuur, arintaas oo Muujineysa sida Cadaalada ku Dheehan tahay ee Diinka Islaamka u

Xaq dhowray Dumarka ayadoo Haweenka Ahlu Kitaabkiina u heesteen  in ay Sheydaan

tahay kuna eedeynayeen in ay sababtay gafkii janada looga Bixiyay Nabi Aadam,

Mushrikiintuna Nolol duugi jireen ayagoo Ceeb iyo Meel ka dhac u arkayay in Gabadho

Xaasaskoodu dhalaan.

Suuradan Al-Nisaa waa Suurad ka mid ah Suuradaha Soo Dagtay Xiligii Magaalada

Madiina la Joogay, waxeyna ka mid tahay Suuradaha ugu Dheer, Cadadka Aayadaheeda waa

176 Aayadood, waxeyna soo Dagatay Suurada Al-Mumtaxina ka Dib si Sharciyada Dumarka

ku saabsan Faahino ay uga sii bixiso.Suuradan An-Nisaa waxey ku Bilaabataa in Dadka

oo Dhan loogu Naadiyo in Allaah ka Baqaan, waxeyna si aad ah uga Sheekeysaa

Sharciyada Dhaxalka ruuxa dhintay ku saabsan, waxeyna ku gabagaboowdaa Aayado ka

Hadlayo Sharciyada Dhaxalka, waxeyna ku beegan tahay Juz ahaan Dhamaadka Juzka 4aad

ilaa laga gaaro Biloowga Juzka 6aad, Magaca (Allaah) Suuradan lagu Xusay 228 jeer.

Macnaha Guud ee Suurada An-Nisaa:Suuradaan Maadama ay ka mid tahay kuwii Magaalada

madiina kusoo dagtay waxey aad Xooga u saartaa Axkaamta Shareecada Islaamka, gaar

ahaan arimaha Quseeya Haweenka, Guriga Muslimka iyo Bulshada Muslimiinta, ayadoo

hadana meelo badan ka hadasha.Suuradaana Wadanka Soomaliya waxaa si gaar ah loogu

Xasuustaa ragii Culimada ahaa ee loo Dilay amaba loo Xeray doodii ay ka keeneen

Markii Doowladii Hore ee Soomaliya dafirtay si Fagaara ah Qaar ka mid ah Aayadaha

Quseeya Qoyska iyo Hab Qeybinta Dhaxalka, arintaas oo ka mid ah Gafafka la tiriyo ee

ay Gashay Dowladii ugu Dambeysay Soomaliya, ayadoo hadana ay badaleen Dowlado iyo

jabhado Gafafkoodu aysan tirsamin fara badni darteed kana Dhibaato badan Xag Diin

iyo Xag Siyaasadeedba.

Sababta ay kusoo Dagatay Suurada An-Nisaa:Sababta ay usoo dagatay Suuradaan Gaar

ahaan Aayadaha ugu horeeya waa in la Xaliya khilaafaad ku Saabsanaa Dhaxal oo dhacay

Xiligii Waxyiga soo dagaayay, Khilaafaadkaasna waxaa sabab u ahaa in Diinta Islaamka

intii aysan soo dagan aysan jirin Cid Xaq iyo Xuquuq dhaxalba u ogoleyd Haweenka iyo

Caruurta Agoonta ah.

W/Q: Calinuur Xoogsadewaxaa gacan ka geestay Hey’ada samafalka Soeg info@soeg.com

Sideen u Fahamnaa Quraanka? Q: 2aad
Kitaabka Qur’aanku waa Keydka ugu weyn uguna Qaalisan ee Muslimiinta Maanta Caalamka

ku Nool Gacantooda ku jira, waana Isha Koowaad ee lagu Dhiso Caqiidada,

Cibaadooyinka iyo Sharciga Diinta Islaamka, isla markaana Umada ku Horumari

karto….

Qur’aanka Kariimka ah waxaa uu ka kooban yahay 114 Suuradood waxaana loo kala

qeybiyaa Juz ahaan 30 Juz, ayadoo Juz kastana uu ka kooban yahay laba Xizib, ayadoo

uu halkii Xizibna ka koobmayo ilaa 4 Maqro, .. taas oo macnaheedu noqanayo in halkii

Juz uu ka kooban yahay 8 Maqro.

Marka hadii aan Dul Istaagno Suuradaha ugu Sareeya Qur’aanka kuwaasoo uu ka

bilaabanayo Juzka Koowaad ee Qur’aanka waxaan wax ka tilmaami doonaa Suuradaha Al-Al

Faatixa iyo Al-Baqra si aay u Sahlanaato inaan Qur’aanka oo dhanba marba Suurad

faahfaahino kooban ka bixino.

Suurada 1aad Al-Faatixa:

Sababta Suuradan loogu magac daray Al-Faatixa waa in ay tahay Suurada lagu Biloowday

Kitaabka Qur’aanka ah, ama lagu Furfurtay.

Suurada waxa ay ka mid tahay Suuradihii soo dagtay 13kii Sano ee uu Nabiga Joogay

Magaalada Makah, Xaga Cadadka Aayadahana waa 7 Aaayadood marka lagu daro tiro ahaan

Bisinka, waxeyna soo dagatay Suurada Al-Mudathir ka dib, waxeyna Suurada ku

Bilaabataa Amaanta Allaah, Magaca (Allaah) waxaa ku Xusan hal mar kaliya.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Faatixa:

Suurada waxey ka hadashaa Asalka Diinka iyo Faraciisa oo ah: Caqiidada, Cibaadada,

Shareecada, waxayna Xambaarsan tahay in la Rumeeyo Maalinta Qiyaamaha, in la Rumeeyo

Allaah Tilmaamihiisa wanaagsan, iyo inuu Allaah kali ku yahay Cibaadada, Kaalmo

weydiisiga, iyo Baryada, iyo waxyaalaha aysan awoodin cid aan Allaah aheyn oo dhan.

Waxaa kaloo Suurada tilmaameysaa in Allaah kaliya la weydiisto ku Hanuunka Jidka

Xaqa ah ee Toosan, sidoo kalana in aad looga Baryo Allaah ku Toosnaanta Iimaanka iyo

Jidka toosan ee ay Nabiyada, Sidiiqiinta, Shuhadada, iyo Saalixiinta Mareen, waayo

jidkaad ayaa ah kan kaliya ee Maalinta Qimaaha ay badbadayaan kuwa mara.

Waxey kaloo Suuradan tilmaantaa in Allaah laga Magan galo Jidka ay Mareen kuwa loo

Carooday ee ayagoo Cilmi yeeshay ka dib Allaah Caasiyay (Yuhuuda) sidoo kalana waxey

Suuradaan in Allaah laga Magan galo Jidkii ay Mareen kuwii Dhumay (Nasaarada) ee

Allaah ku Caabuday Cilmi la’aanta, arintaas oo Digniin u ah Qof kasta ee Caasinimo

la yimaado asagoo Cilmi leh amase Cibaadeysta asagoon Cilmi u laheyn Cibaadada uu

sameynayo.

Fadliga Suurada Al-Faatixa:

Imaamu Axmad [Alaha u Naxariistee] waxaa uu wariyaa Xadiis Macnihiisu yahay, Nabiga

inuu yiri: {Waxaan ku Dhaartay Allaha Nafteyda Gacantiisa ku jirtee, Suuradaan

Faatixada laguma soo dajin Toowreed, Injiil, Zabuur iyo Qur’aankaba mid la mid ah…}.

Waxaana Suuradan Fadli ugu Filan in aysan Salaad Qofna ka Ansaxeynin haduusan ku

Aqrin Faatixada Rakco kasta, Nabigana waxa uu Xadiis Saxiix ah ku sheegay macno

ahaan hadal ah: {Salaad uma jirto Ruuxaan Faatixada kitaabka aqrin}.

Waxaa kaloo Suuradan ay si gaar ah ugu Wanaagsan tahay in uu isku aqriyo ama lagu

aqriyo Ruuxa Xanuunsan sida ay saxaabadu sameyn jireen, waayo Quraanaku waa waxa ugu

wanaagsan ee lagu daaweeyo Cudurada llaabta ku dhca ama jirka ayadoo Faatixaduna

tahay Suurada ugu weyn ee Daaweynta loo adeegsado.

Suurada 2aad Al-Baqara:

Suurada Al-Baqara waa Suurada ugu Dheer Qur’aanka, waxaana loogu Magac daray

Al-Baqra si Muslimiinta u Xasuusnaadaan Darteed Mucjizadii Dhacday Xeligii Nabi

Muuse, markii la dilay Nin Israa’iili ah lana garan waayay Cida ka dambeysay

Dilkiisa oo ay Israa’iiliyiintu u tageen Nabi Muuse ayaga oo leh: manoo sheegi

kartaa Cidda geysatay Dilka,.. ayaa Allaah Nabi Muuse waxaa uu u Waxyooday: in ay

Neef Lo’ ah Goowracaan kuna Garaacaan Ruuxa Meydka ah Qeyb ka mid ah Neefkaas,

waxaana dhacay in Ninkii markii lagu Garacaay uu soo Noolaaday Idinka Alle Dartiis

isla markaana Sheegay Cidii Dishay, Marka Suuradan waxey Taariikhda ku Reebtay

xasuustii Mucjizadaas oo Tusaale u ah in Marka la Geeriyoodo ka dib la soo

Noolaanayo iyo aysan weliba soo Nooleynta Allaah ku Cusleyn, isla Suuradana waxaa ku

jira Quraanka Guud ahaan gaar ahaan Suuradan Tusaalooyin Fara badan oo tusaya in

Geerida ka dib aysan soo nooleynta ah wax Dhib ah Allaah ku aheyn, Sida Qisada

Cuzeyr, Qisada kale ee kuwa Duulaan u socday uu Allaah Nafta ka qaaday hadana soo

nooleeyay, iyo weliba Qisada Nabi Ibraahim oo ku jarjaray Shimbir asagoo Allaah ka

baryay inuu Tusiyo sida uu Nooleynayo waxadhintay hortiisana kusoo nolaatay markaas

ka dib.

Arintan waxay Naqdin ku tahay kuwa Nasaarada ah ee Mucjizadii Nabi Ciise uu Dadka

dhintay Idinka Allaah ku nooleynayay darteed ku Caabuday Nabi Ciise, ayadoo weliba

Kitaabada Nasaarada ay ku Qoran tahay Mucjizada Nooleynta Dad dhintay in lagu arkay

Nabiyo fara badan iyo Xataa Nasaaradii Qaarkood ayay hadana ku Caabudeen nabi ciise

oo gaarsiiyeen in ay yiraahdaan Waa Allaah iyo Inan uu Dhalay!.

Suurada waxey ka mid tahay Suuradaha Soo dagatay 10kii sano ee uu Nabiga Joogay

Magaalada Madiina, ayadaheedana xaga tirada waa 286 Aayadood, waana Suuradii ugu

horeysay ee kusoo dagatay Magaalada Madiina, waxaana ku jira Aayadii ugu dambeysay

ee Quraaka ah, waxeyna ku Bilaabataa Xuruuf ka kooban Sadax, Magaca (Allaah) waxaa

ku Xusan 100 jeer, waxaana ku jira Aayada Qur’aanka ugu Dheer Aayad ahaan, waa

Aayada 282aad eeloo yaqaan Aayada Deynta, Suuradana waxey ka kooban tahay ilaa Laba

Juz iyo Bar ku Dhawaad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Baqara:

Suuradan waa Suurada ugu Dheer Qur’aanka oo idil, waxeyna si aad ah uga Hadashaa

Sharciga sida lagu yaqaan inta badan Suuradaha soo dagtay Xiliga Magaalada Madiinah

la joogay, waxey aad uga hadashaa Sharciyada iyo Nidaamka ay Muslimiinta u baahan

yihiin si ay Noloshooda u noqoto mid Nag hadey ahaan laheyd dhanka Amniga Dhaqaalaha

iyo Xiriirka debada isla markaana waxay kobcisaa wacyiga Ruuxa Aqrista Macnaheedana

Fahma.

Fadliga Suurada Al-Baqara:

Suuradan waxey leedahay Fadli aad u weyn sida uu sheegay Nabi Muxamad, waxaana Sunno

ah in Guryaha lagu aqristo si ay u noqdaan kuwa Xuska Allaah aan ka marneyn marna,

waxeyna u noqataa Xijaab Gurigii lagu aqriyo, waxaa kaloo Xasuusin mudan in ay

Suuradan ay ku Dhex jirto Aayada Qur’aanka ugu weyn Aayad ahaan (Aayatul-Kursi),

waxaana Sunna ah in Salaad kasta ka dib la aqristo Aayadaas iyo habeen walba Hurdada

ka hor, taasoo ah Xersi Xirka Muslimka, sidoo kalana waxaa ku jira Suuradan

Al-Baqara Sadax Aayadood oo ah kuwa ugu Dambeeya Suurada oo ay Sunno tahay Qofka

Muslimka ah inuu aqristo intuusan Seexan ka hor.

W/Q: Calinuur Xoogsade

asadxg@hotmail.com

Sideen u Fahamnaa Quraanka? Q; 1aad
Sideen  u,Fahamnaa Quraanka?.

Q:1aad

Kitaabka

Qur’aanku waa Keydka ugu weyn uguna Qaalisan ee Muslimiinta Maanta Caalamka ku

Nool Gacantooda ku jira, waana Isha Koowaad ee lagu Dhiso Caqiidada,

Cibaadooyinka iyo Sharciga Diinta Islaamka, waa Kitaab Xambarsan Taariikhihii

Caalamka laga bilaabo Habka Koonka loo abuuray ilaa iyo sida u ku gabagaboobi

doono Caalamka marka la gaaro Saacada Qiyaamaha Dhicitaankeeda, taasoo

macnaheedu yahay Kitaabka Qur’aanku waa Kitaab wax walba koobay wax uu ka

tagayna aysan jirin.

Qur’aanku

waa Kalimadii Alle ee Mucjizada aheyd taasoo lagu soo dajiyay Nabigii ugu

Dambeeyay Nabiyaasha Nabi Muxamad {Nabad iyo Naxariis Allaha yeelee} ayadoo loo

soo marsiiyay Amiirkii Malaaigta Jibriil.

Waxaa uu

Allaah usoo Dajiyay inuu Ummadda Dastuur u noqdo, Caalamka oo dhana Hanuun,

uuna u ahaado Tilmaan Muujineysa Xaqnimada Nabi Muxamad inuu yahay kii Rususha

Allaah ugu Dambeeyay, Xujadiisana u haato mid taagnaaneysa ilaa laga gaaro

Maalinta Qiyaamaha taasoo Cadeyneysa inuu yahay Kitaabkan Mid Allaah soo

Dajiyay.

Fadliga

Qur’aanka:

Fadliga

Qur’aanka waxaa Cadeyay Nusuus badan oo isugu jira Aaayado Qur’aan ah iyo

Axadiis saxiix ah, arintaasoo nagu Baraarujineysa in aan waqtigeena ku bixino

barashadiisa iyo baridiisa, waxaana ka mid ah Nusuustaas:

1=Suurada

Al-Fadhir Aayada 29aad:{Kuwa aqriya Kitaabka Allah oo Salaada Ooga, oo wax ka

bixiya waxaan ku Arzaaqnay Si Qarsoon iyo si Muqaataba waxey Rajeynayaan

Ganacsi aan Baareynin}

2=Suurada

Al-Acraaf Aayada 204aad:{Markii la aqriyo Qur’aanka dhageyta una Dhag

raariciyana in laydiin naxariisto}

3=Suurada

Muxamad Aayada 24aad: {Miyayna Quraanka u fiirsaneynin mise Qalbiyadoodaa

Daboolan}

Xaga

Aaxaadiista waxaa ka mid ah kuwan soo socda:

1=Xadiisk

Macnihiisu yahay: (Waxaa idinkugu kheyr badan Ruuxa Qur’aanka barta Dadkana

Bara) waxaa wariyay Bukhaari{Allaha u RaNaxariistee}.

2=Waxaa

kaloo tusiya Fadliga Qur’aanka Xadiiska Macnihiisu yahay: (Ummadeyda kuwa ugu

Sharaf badan waa kuwa Qur’aanka Xifdiyay) waxaa Wariyay Tirmiidi {Allaha u

Naxariistee}.

Anigoon

Qoraalka Dheereyn hadii aan Dul istaago Ayadahaas iyo Axaadiistaas waxaan ka

Faaiideysaneynaa Arimahan soo socda:

B)=

Qofka Qur’aanka aqriya ee Cibaadooyinka kalana ilaaliyo si joogta ah waxaa uu

helayaa Ajar aan kala joogsi laheyn mar kasta.

T)= In

Raxmad uu helayo Ruuxii Marka uu Qur’aanka maqlo Aaamusa oo si wanaagsana u

dhageysta.

J)= kuwa

aanan Qur’aanka si ka feker leh u dhageysan in ay yihiin kuwa Qalbiga ka

Daboolan yahay oo moog Qiimaha Quraanku leeyahay.

X)=

Ummadda Nabi Muxamad waxaa ugu Qiimo sareeya Ahlu Culmiga dadka ah ee Qur’aanka

Bartay isla markaana u Faaiideeya dadka kale ee Cilmiga Faafiya.

Magacyada

Qur’aanka:

Qur’aanku

waxaa uu leeyahay Magacyo iyo Tilmaamo Muujinaayo Sharafta iyo Karaamada

Qur’aanku leeyahay, hadii aan soo koobana waxaa ka mid ah kuwaan soo socda:

1=Al-Qur’aan:

waxaa magacaan laga qaatay Aayado Fara badan oo ku tilmaamay inuu yahay

Kitaabkan Quraan sida Aayada 1aad ee Suurada Khaaf:{Eebe waxuu ku Dhaartay

Qur’aanka Sharafta leh (in dadka la soo bixin doono Qiyaamaha)}. Iyo Aayada

9aad ee Suurada Al-Israa:{Qur’aankana waxuu ku Hanuunin Dadka Arinta u Toosan

uguna Bishaareynayaa kuwa Falka Wanaagsan in ay Mudan yihiin Ajar weyn}.

2=Waxaa

kaloo lagu Magacaabaa Al-Furqaan sida ku cad Aayada 1aad ee Suurada

Al-Furqaan:{Waxaa Kheyr badan oo weyn Allaha kusoo dajiyay Quraanka

Adoonkiisa(Nabiga) inuu u haado Caalamka u dige}.

3=Waxaa

kaloo lagu Magcaabaa Al-Tanziil sida ku cad Aayadaha 192 iyo 193aad ee Suurada

Al-Shucaraa:{Qur’aankuna waa soo dajin Allaha Caalamka, waxaa kula soo dagan

Ruux Aamin ah (Jibriil)}.

4=Waxaa

kaloo Qur’aanka loo yaqaan Al-Kitaab sida ku cad Aayada 1aad ilaa sadaxaad ee

Suurada Al-Dukhaanka:{Waxaan ku dhaartay Kitaabka Cad (Qur’aanka)}.

Hadii

aan Xaga Tilmaamaha Qur’aanka wax ka Sheegana waxaa ka mid ah waxyaabaha lagu

tilmaamay Qur’aanka kuwaan soo socda: Burhaan, Nuur Cad, Daawo, Raxmad iyo kuwa

kale oo aad u fara badan oo Dhamaantoodna ah wax la taaban karo marka aad loo

baaro Quraanka iyo sida uu Nolosha Dadka wax uga badalo una Horumariyo Qofkii

qabsada, asagoo isla markaana ah Daawo aad loogu Bogsado aadna u wacan wax la

mid ahana aysan jirin sida uu wax u Daaweeyo, waayo Qur’aanka waxaa lagu

Daaweeyaa Ruuxda Markii ay Bukooto iyo Xanuunada ku Dhaca Jirkaba … taasoo

Macnaheedu yahay in aysan jirin Daawo Noocaas oo kala ah marka laga Hadlaayo

Daawooyinka Maanta Dunida laga Isticmaalo.

Soo

Dagitaankii Qur’aanka:

Qur’aanka

Kariimka ah waxaa uu markii ugu horeysay soo dagtay xili Nabi Muxamad uu joogay

Godka loo yaqaan Xeraa 17 Bishii Ramadaanka Nabiga oo Xiligaas 40 jir ahaa,

waxaana u Qur’aanka soo dagaayay mudo gaareysay 23 Sano taasoo macnaheedu yahay

Qur’anka waxaa uu soo dagaayay intii uu Nabiga Noolaa laga bilaabo maalinkaas

ilaa uu ka geeriyooday, wuxuuna ka kooban yahay 114 Suuradood oo ay Suurada Al-Faatixa

ugu Sareyso uguna Hooseyso Suurada Al-Naas.

Ayadii u

horeysay iyo tii u Dambeysay:

Bukhaari

waxaa uu Saxiixiisa ku wariyay Aayadihii ugu horeeyay ee Qur’aanka ee Nabiga

lagu soo dajiyay in ay ahaayeen Aayadaha ugu horeeya ee Suurada Al-Iqra, aayadihii

ugu Dambeeyay ee soo dagtayna waa  Aayada

281aad ee Suurada Al-Baqar, waxa ayna Culimada aadka ugu Xeelka dheer aqoonta

Diinta Islaamka sheegeen in Aayadan soo dagatay ka hor geeridii Nabiga Sagaal

Maalmood, ka dibna Nabiga waxa uu geeriyooday Habeen Isniin ah 3dii Bisha

Rabiicul-Awal, sida uu ku Sheegay Kitaabka Al-Itqaan Sheekha la yiraahdo

Siyuudhi {Allaha u Raxmadee}, waxaana sidaas oo kale qaba Saxaabiga la yiraahdo

Ibni Cabaas oo ah Caalimkii Ummadda Nabi Muxamad {Allaha ka Raali Noqdee} sida uu

wariyay Nasaai{Allaha u Naxariistee}.

Qur’aanka

iyo Habka loogu Aruuriyay Kitaab kaliya:

Qur’aanka

Kariimka waxaa Nabiga iyo Saxaabiisiiba ku bixin jireen Dadaal dheeraad ah

sidii loo xifdin lahaa waxaana ay u mareen Xifdintiisa dhowr hab oo kala ah:

1=in

Qur’aanka lagu Xifdiyo Laabta, taasoo aheyd wadada kaliya ee uu Nabiga wax ku

Xifdin jiray, maadama uu ahaa Nabi Ummi ah, waxaa uuna ku Tukan jiray Habeenkii

oo dhan Maalintiina Saxaabada ayuu Xifdisiin jiray, Xiligaasna waxa Jaziirada

Carabta Caan ka ahaa in Dadku aad wax u Xifdiyaan sida Gabayada iyo Nasabka iyo

Taariikhaha, taasoo Fursad weyn u siisay Dadkii Carabta ahaa ee Muslimay in ay

aad u Xifdiyaan Quraanka Kariimka ah.

Sidaa

daraadeed ayaa waxaa la tilmaamaa Xaafidiinta Qur’aanka Xiligii Nabiga in ay

aad u fara badnaayeen waxaana arintaas Tusaale u ah Duulaankii Yamaama kaliya

in ay Saxaabada kaga Shahiiday 70 Xaafidiin ah, tiradaas oo kalana Xiligii

Nabiga ayay ku Shahiiday Maalin kaliya Markii Koox Xaafidiin ah lagu laayay si

khiyaamo  ah kuwaasoo Cadadkoodu

gaaraayay ilaa iyo 70 Saaxaabi.

2=Habka

labaad ee Xiligii Nabi Muxamad (Nabad iyo naxariis Allaha yelee) Qur’aanka lagu

aruuriyay waxaa uu ahaa in Qaar Saxaabada ka mid ah oo si wanaagsan u yaqaanay

Qoritaanka Afka Carabiga in ay Diiwaaniyaan Qur’aanka oo dhan, taasoo loola

jeeday si ay usii xoojiyaan Xifdintii xaga Qalbiga,.. waxaana ugu Caansanaa

Saxaabada waxyiga qori jirtay  Ubey Ibnu Kacab, Zeyd Ibnu Thaabit, Mucaad Ibnu

Jabal, Mucaawiya Ibni Abii Sufyaan iyo Afarta Khulafada Raashidiinta aheyd:

Abuu Bakar, Cumar, Cuthmaan iyo Cali Ibni Abii Dhaalib) .

Saxaabadaasna

Nabiga ayaa Gacantiisa ugu Doortay in ay qabtaan Shaqadaas Qaaliga ah gutaana

Amaanadaas aadka u weyn, waxaana jiray intii uu Nabiga joogay qaar badan oo

Saxaabada ka mid ah oo Kitaabo ku aruuriyay Qur’aanka, waxaana ugu Caansanaa

afar Saxaabi oo u Dhashay Reer Madiina-Ansaartaii Nabiga- waxayna kala

ahaayeen: (Ubey Ibnu Kacab, Mucaad Ibnu Jabal, Zeyd Ibnu Thaabit iyo Abuu Zeyd)

taasna waxaa macnaheedu noqonayaa waxaa kaloo jiray Saxaabo kale oo fara badan

oo waxyiga Diiwaanin jiray lahaana Kitaabo ay Gacantooda ku qorteen sida:

(C/llaahi Ibnu Mascuud, Cali Ibni Abii Dhaalib iyo Caaisha Binti Abii Bakar).

Waxa ay

Qalab ahaan u Isticmaali jireen Qoritaankooda Maqaarka Xoolaha iyo Meyraxda

Geedaha qaar kuwaas oo xiligaas ahaa waxa ugu wanaagsan ee loo Isticmaalo

Qoraalada.

Xiligii

Abuu Bakar iyo Cumar:

Arinta

ugu weyn ee keentay in Qur’aanka Kitaab qura lagu Diiwaaniyo waxa ay tahay

sidaan horey u tilmaanayba in laga baqay Geeridii ku imaaneysay Xaafidiinta

Xiliyadii Dagaalka lagula jiray Murtadiintii ay sababi karto in Qur’aanka qaar

ka mid ah la weyn karo, waxaana ugu horeeyay Saxaabada arintaas aadka uga

hadlay Cumar Ibnu Khadaab oo kula taliyay Abuubakar inuu Kitaab ku aruuriyo

Quraanka si looga badbaado qatarta ka dhalan karta Raga Xaafidiinta ah oo sii

bar yaraanaayay, Abu Bakarna markii danbe taladii Cumar ayuu ku qancay waxaana

uu amray Zeyd Ibnu Thaabit inuu inuu u Istaago sidii Kitaab Qura loogu aruurin

lahaa Qur’aanka oo dhan, Zeydna wuu ka aqbalay waloow ay Culeys ula muuqatay..

Zeyd

waxaa uu u Istaagay aruurinta Quraanka ilaa uu kaga guuleestay Shaqadii loo

xilsaarar oo uu Kitaab kaliya isugu wada keenay Qur’aanka oo dhameystiran,

Kitaabkii uu Zeyd Diyaariyana waxaa Gacanta ku heyn jiray Abuubakar intii uu

Noolaa, ka dibna waxaa uu ku wareegtay Cumar ilaa uu ka geeriyoonayay, ka dibna

Xafsa Ibnu Cumar, arintan ku saabsan aruurinta Qur’aanka taariikhda ku saabsan

Bukahaari ayuu ku faahfaahiyay Kitaabkiisa Saxiiixa ah.

Xiligii

Cuthmaan Ibnu Cafaan:

Muslimiinta

Markii Dhulkooda balaartay oo ay gaareen Bartamaha Aasiya ilaa Arminiya iyo

Azarbajan ayaa qaar saxaabadii ka mi ah tageen halkaas,..waxaa ka mid ahaa

Saxaabada tagtay Dhulkaas Xudeyfa Ibnu Yamaan waxaa uuna usoo Sheegay Cuthmaan

Ibnu Cafaan qaladaad Qatar ah oo uu ku Saabsan Qur’aanka iyo Khilaafaad ka

bilaawday Dhulkaas oo ku saabsan Hab aqrinta Qur’aanka, sidaa darteed waxa uu

Cuthmaan talo ku goostay inuu Qur’aanka ku aruuriyo hal kitaab si ay u

Sahlanaato in laga dhowro Quraanka in dadka qaar qaab aan saxneyn ku gaaro, si

arintaas u meel mariyana isugu yeeray Saxaabada kuwii ugu waa weynaa uguna

Cilmiga badnaa, waxaa uuna kala tashaday talada uu maagan yahay inuu ku

dhaqaaqo, waxeyna isla wada garteen inuu Cuthmaan soo saaro Kitaabo loo kala

diro Dhulka ay gaareen Muslimiinta oo Diinta Islaamka ku fiday,waxeyna

taladooda ku gunaanadeen in la Gubo kitaabada kala gaar gaarka loo Qoray lana

Faafiyo Kitaabka ay Saxaabada ku guuriyeen Qur’aanka oo dhameestiran si loo

Xakameeyo Habka loo gudbinaayo Qur’aanka.

Faalooyin

Saxaabadii talada Qur’aanka u guntatay waxa ay Howsha Qoritaanka Qur’aanka u

Xilsaareen Afar Saxaabi oo kala ah: (Zeyd Ibnu Thaabit, C/llaahi Ibnu Zubeyr,

Sacad Ibnu Abii Waqaas iyo C.raxmaan Ibnu Hishaam) oo Dhamaantood ahaa Qureysh

Muhaajiriin ah marka laga reebo Zeyd Ibnu THaabit oo ahaa Ansaartii Reer

Madiina waxaana Talaabadaas Qiimaha badan Saxaabada sameeyeen Sanadkii 24tii

Hijriyada. Waxaana la siiyay Afarta Saxaabi talooyin Muhiim u ah habka

qoritaanka.

Cuthmaan

oo ahaa Amiirkii Muslimiinta waxaa uu ka Codsaday Xafsa oo gacanta ku heysay

Kitaabkii uu Diyaariyay Abuu Bakar si looga dhigto Aasaaska Gundhiga u ah

Howsha weyn ee ay Muslimiinta ku tashadeen..

Kitaabkii

ay diyaariyeen Saxaabada Xiligaas waa kan Maanta ku jira Gacanta Muslimiinta ee

Caalamka oo dhan ku faafsan.

Waxaan

intaas kusoo koobayaa Qeybtii koowaad Maqaalo aan kaga hadli doono Qur’aanka

iyo Fadligiisa, waxaanan Qeybaha soo socda kusoo qaadi Doonaa Faalooyin ku

saabsan Suuradaha Qur’aanka iyo macnaha Guud ay Xambaarsan yihiin.

Waxa

barnaamijkan Gacan ka geestay Hey’ada samafalka Soeg Info@soeg.com

ama www.Soeg.com

W/Q:

Calinuur Xoogsade

asadxg@hotmail.com