Hidaha.com
Puntland Ma Dowladbaa Mise Waa Maamul goboleed?
Dadka
soomaaliyeed  badidooda ayaa waxay is weydiinayaan  su,aashan
( Puntland ma Soomaaliya
mise waa Dowlad  gooniya ?
haddaba annigoo og in dad  badani
xasaasiyad ka qaadayaan   markay  arkaan xaqiiqo ka waran  iyo
kala cadaynta  arimaha  laysku maandhaafsan yahay  bal aan hoos ugu daadego.
Horta  maahmaah soomaaliyeed  ayaa tidhaahda  “Bisayl
iyo cayriin waxii u dhaxeeyaa waa yacyacood
„ waxay  ujeedada maahmaahdani  tahay  in
shaqsigu waxaa uu sheegayo uu  kala
cadeeyo ee aanu  isku meeraalaysan   sida
neef muqlaysan oo ay reer Puntland
ama ka dhawaajiyaan  gooni isu
taag  siddaa walaalaha Somaliland ama ay
ku daba faylaan Madaxdooda  Dowlada KMG.
Puntland  Ma Dowladbaa?
Markay  madaxda Puntland hadlayaan waxaad arkaysaa
calanka  Jamhuuriyada  Soomaaliya oo ag babanayaa  haddana waxaad arkaysaa  haddana
inaysan Puntland  ahayn   Maamul iyo
Dowlad goboleed ka tirsan
jamhuuriyada   Soomaaliya  sababtoo ah waxay baal gurayaan mar
walba  Dowladii dhexe  iyaga oo aad moodo inay  wax
boobayaan ama  wax lagala fakanayo
oo kalsooni darro  badan ka   muuqato.
Dastuur  beeleedka Puntland
Puntland   waxaa hadda
ay ansixisay  Dastuur gacan ku
rimisa sababtoo ah  waxaan  maqli jiray
beel ka mida beelaha soomaaliya inay
leedahay  Xeer  hore oo ay dejiyeen haddana la qoray oo
la  yidhaahdo (Xeer ......)   Beeshan  Soomaaliyeed ayaa xeerkeedani yahay mid u
gaara oo  dhexdeedana wax ku
qaybsato  beelaha kale ee walaalahoodna
wax kula qaybsato  haddaba  Dastuurka Puntland  saw maaha
Xeer kaas la mida oo beel soomaaliyeed
samaysatay  saw lama odhan karo
waa ( Xeer.....)  dad baa ka xanaaqaya xaqiiqada aan  xusayo balse
ninkastaa waxuuu sheegto waa lagu suntaa annigu soomaali kama dhex
saarin  Puntland ee iyagaa iska dhex
saraay  haddaba waxuu noqonayaa  xeerkii labaad ee beel soomaaliyeed samaysato
marka magaca yaan laga qaldine ( xeerka   Beeshii hore
waxuu ahaa xeer ku salaysan dhaqanka iyo xeer hoosaadkooda  beelleed)   qoladan
danbena waxay ku salayeen  Xeer beeleedka cusub  Sedbursi iyo siyaasada   balse
waa xeer ku kooban deegaan iyo beel
walaalo ah oo isku ab iyo oday ahi degto oo aan cid kale  tarixin.
Waxay  samaysteen  Astaan marreed
ay ugu yeedheen Calan   calanka ama Summada  Puntland
uma diidani  awal horeba  dhaqan
soomaaligii  beelaha soomaaliyeed
way kala  suntan jireen xoolaaha  oo waa la yaqaanay   xoolaha
meeshaas daaqaya  inay  leeyihiin
( Beel heblaayo) waase
xeer   cusub in dadka la
suntado   waan arkay  qaybo ka mida
wadamada nala deriska ah sida
Itoobiya iyo kenya iyo suudaan
dadka waa la suntaa  balse  soomaalida
sumad  jidhka  ma aysan
samaysan ee Summado  maryo ah ayay
samaysteen lagana yaabee ugu danbayn in la gaaro  in dadkana loo sameeyo sumad aadan
weydiin
ama ku kahdoomin qoladiisa oo wejiga kaga taal.
Aan
u soo gudubno  ujeedada  qormadayda
iyo su,aasha  kor ku xusan  Federaal  xanuun la yidhaahdaa  dadka
badidooda  jeexay oo  dhex qaaday mana yaqaan cidda samaysata iyo
qaabka loo samaysto, ( Hal booliya nirig
xalaala ma dhasho) Maamul beel ku salaysan iyo abtirsiimo  ma noqon karaa?!   federaal
jawaabta waxaan u dhaaafayaa  qofka  soomaaliga ah ee aqrisanaya  ku sii tiigaali
maayo halkan oo qormooyin
hore ayaan qoray ka qorshaha  federaalka
oo ay ugu danbeysay  (Fitnada Federaalka iyo Maamul Goboleedyadu
Ma Guul la Gaadhaybaa Mise Waa Geeri iyo kala Guur Hor leh) waxaan u
malaynayaa  nin aan waxa soo socda  garanin
waxa joogana  ma garto  .lingaxan hoose  ka aqriso..
http://somalitalk.com/2012/03/13/qoraagu-faaladan-wuxuu-u-bixiyeyfitnada-federaalka/
http://oodweynenews.com/articles/67686-maamul-goboleedyadu-ma-guul-la-gaadhaybaa-mise-waa-geeri-iyo-kala-guur-hor-lehby-cabdiraxiin-hilowle-galayr.html
Hadda
ka hor ayaa  wiil hooyadii  kula talisay inuu neef geela u qalo oo
aysan  deriska iyo ehelladooda kale toona
waxba ka siin  ee  inta  saanta
maqaarka   haraga meel ka
dalooliyo marba  cad ama qayb  uga soo gooyo
oo  ay halkaas ka dhuuqaan muddo  wiilkii arintaas waa ka madax adaygay  balse
hooyadii  waa  ku
adkaysatay   isaga oo og waxa ka imanaya
ayuu ka yeelay   waxaa  maalmo ka dib meeshii qabsatay  Ur iyo
Qadhmuun soo butaacaya    Hooyadii
wiilka ayaa qaylisay oo tidhi waa maxay wiilkaygiiyoow waxaa urayaa wiilkii
meel fog jawaabta kama doonin ee waxuu yidhi waxaa urayaa  waa  Taladaadii hooyo!!
Waxaan uga socdaa
dadka soomaaliyeed  ee laysku
yidhaahdo Soomaalida  koonfureed  muddo ayay
qaylinayeen war xaalka sidan halaga daayo  war
Puntland waa gobol soomaaliyeed
yaan been laysu sheegin  war beeshani
ama ha goosato oo madaxbanaani haku dhawaaqdo ama dadka wax hala qabto  hadda waxaad
moodaa   waxaa la yidhi  ruuxii baxayaa indhahaa casaadee inay  xaalkii u gudbay
gediga kale oo damacii
indhaha la`aa iyo  qabyaaladii qaawanayd
iyo hunguri xumadii loo gudbiyey in wax lagula qaybsado ama lagula
xaajoodo  Somaliland .
Heshiiska
iyo wadahadalka   labada
dhinac ee Somalia iyo Somaliland
ayaa lagaga dhawaaqay  shirkii
london waxaana  lagu koobay Somaliya iyo
Somaliland  balse wax qayb ah ama xubin
ah kuma  aysan  lahayn  Maamultuuleedyada sida Puntland , waxaa  shirka
lagu iclaamiyey inuu dhex maro  Somaliland & Dowlada KMG oo magaca soomaaliyeed
ka masuula  iyo somaliland oo qadiyadeeda
oo xadkeeda iyo intay xeeratay ka masuula
ayaa bulshada caalamku u soo bandhigtay inay waxuun isku afgartaan   Israac iyo
Go`itaan  kuu doonaba ha ahaadee  oo lagu yidhi
wada hadla waxna isku raaca
mawqif midaysana noola kaalaya oo aydaan isku khilaafsanayn.
Maxaa
dhacay haddaba   waxaa dhex orday markiiba   Odaygii Faroole oo af labadii yeedhay oo
leh  anniga wax layga weydiinayaa   aniggaa
arintaas taladeeda iga go`daa
anigaa soomaaliya ka masuula  weger  Annaaniyad badanaa  dadkii oo dhan ayaa yaabay
waxaa lays weydiiyey  war ninku
muxuu isu maleeyay  ileen  maahmaahdii soomaaliyeed ee ahayd    (Nin anni yidhi dad
iska reeb )
Durtadiiba waxaa la gudo galay
xulitaankii gudiyada labada dhinac ee
gogolxaadhka wadahdalka  labada
dhinac waa Somaliland iyo Somalia markaasaa
waxaa  qoladii Soomaaliya  soo xushay
7 xubnood  Shan wasiir oo soomaali
ah iyo laba  wasiir oo puntland  ah
Weger iyo ka waasacan  oo Puntland
miyeysan  soomaali ahayn? Weli waxaa  taagan Su,aashii  jawaabteeda
shacabkaan u dhaafayaa
Haddaba  Aqristoow adigu  gar eexaad aan naqayn   caadifadana iska ilaalinayaa  Ama
Somalia
taageersanow ama  Somaliland   Ama Puntand
oo haddana saw tan su,aashii soo noqotay
Puntland miyeysan Soomaali ahayn?
Puntland
Somali maaha  waayo waxay leedahay  calan gooniya
Dastuur gooniya   baarlamaan
gooniya  madaxweyne  gooniya ,
waxaa  haddana kaaga sii
daran  ee kama  amar qaadato mana hoos tagto  Madaxweynaha Soomaaliya iyo
Ra,iisalwasaarihiisa  oo
Ra,iisalwasaaruhu saw  4.5 kuma  Iman oo Puntland kama socdo maya  Ra,iisalwasaaruhu
lacala
haddii Puntaland  Soomaaliya ka
mid noqoto ayuu meesha u sii joogaa waa boos celis ee ma metelo waayo hadduu
metelo saw kumay kalsoonaadeen? Kaaga sii daran
Puntland  dhaqaalaha
cashuurta  dowlada dhexe ma bixiso kama
qayb cid war u haysaana ma jirto waxaa soo gala iyo waxa ka baxa  haddana  wax walba
oo deeq ah waxbarasho caafiimaad
, barnaamij horumarineed  3
meelood   meel ayay doonaysaa  cajiib oo haddii aysan dheefba  ogolayn oo aanay wax
qaybi ogolayn  sideebay qayb ku heshay? Dowlada ku
meelgaadhka ah waxaa laga masruufaa, Xildhibaan
kasta oo 18ka gobol ka yimid iyo wasiir kasta iyo xubin walba  dhaqaalaha dekada
muqdisho  iyo Aadan cadde international  Airport
oo maxay Puntland  dhaqaalaha wax
uga bixin weyday Puntland  maxay uga
bixinaysaa dadkii soomaaliyeed   ee dhex
marayey ayey aqoonsi weydiinaysaa waxaan
Puntland ahayne  waxay  ku xukumaysaa dil iyo xadhig haddaba Puntland
ma Soomaaliba mise Maaha ? Aqristee Su,aashan
meel gee  adigay ku sugaysaa  Jawaabteeda   fadlan iyada oo kala dhigan naga dhergi.
Maamulgoboleed
ma diidin,  Gudoomiye  maamul goboleedna ma diidin,  Gole
deegaan oo 21 xubnood  ma diidin,  xeer hoosaadka  golaha deegaanka iyo gudi kooban
oo  guurti ahna ma diidin   laba Gobol
iyo badh ma diidin , balse waxii intaas dheer  dee waa dowlad kale ee yaan nalagu
daalin
intaan Somaliland  la gaadhin horta  Garoowe
soomaaliya halagu soo darro!
Madaxweyne  waa mid keliya waa kan Dowlad KMG  cidduu doono iyo gobolkuu doono haka soo
jeedee  inta kale waa laab la kac iyo
ruwaayad iyo riyo soo jeeda.
Dastuur
waa kan dowlada ku meelgaadhka ah ama kan
xaaraanta ah ee  la qorayo  qabyada qoraalka ah, ama kii lixdankii ha
noqdo ama  Axdiga ku meelgaadhka ah
Dastuur
waa kaas dowlada KMG ahi gacanta ku hayso waxii ka soo hadhaa waa xeer beeleed.
Calankuna
waa  kan Jamhuuriyada  Soomaaliya
ee Buluuga ah  xidigta shan geeska
ahina dhexda kaga taal waxii kasoo hadhayna waa calal beeleed iyo summad  qabiileed
aan
geed loogu gaban .
Somaliland  qadiyadeedu way ka duwan tahay qadiyada  Puntland sababtoo ah somaliland
waxay  qaadatay magacan( Jamhuuriyadda Somaliland جمهورية
أالصومال أرض Republik
Somaliland)
waayo  go,aankoodu waa cad yahay  ama haw rumoobo ama yuusan rumoobin   balse
xaalada Puntland waa ( Bareejo waxool waa guul) waayo  dastuurka Somaliland  waxaa
loo codeeyey 2001 oo gebi ahaan  75% laga qaaday afti  ummada reer somaliland
balse   inuu afduub yahay  Xeerbeeleedka  Puntland  waxaa qol lagu xareeyey  470 qof
oo
isugu jira  rag iyo haween  aad ugu goomoon in shaashada laga arko oo
aan  ogayn   waxaa hubaal ah inuusan jirin  hal shaqsi oo aqriyey waxaa ku qoran
dhawrkii qof ee aqriday ee soomaalinimadu ku
jirtay way ka xishoodeen wayna diideen
intii kale  way iska taageen gacmo
laba iyo lugo xitaa  taasi waxay cadaynaysaa
inuu xeer beeleed yahay.
Waxaa
kuu soo hadhay haddii puntland  nabad ku
dhaadan jirtay iyo amni iyo isku xidhnaan maxaan dadka  xeer beeleedka looga qaadi
waayay afti  saw halkaasi isma burinayso  ma dastuurka af duubka  ee qabyo gumaysiga
qoraalka ah oo kalaa  mise marxalada gobolada soomaaliyeed ayay la
wadaagtaa  amnidarada iyo  maamulxumada
jawaabtu waa haa
Haddaba
maxay ku mutaysatey sedbursiga iyo  anna
way kan.
Waa
Su`aale Shanta gobol waa kuwee  ee
Puntland  sheegatay  ileen Sool xaalkiisa waan ka war haynaa  oo Somaliland iyo
Khaatumaa isku
horfadhiya  iyo qaybo ka mida  sanaag iyo buuhoodle   Ma bari iyo Nugaal iyo Xaafad
gaalkacayo ah
ayaa  shan gobol noqday  oo weliba
sadex maamul goboleed  lagaga
dhawaaqay oo kala duwan   aduunyooy
xaalkaa ba`a  waa  hadalkii wedkii galay
Rafaadka
KMG, Riyada Puntland, Iyo Rasmiga Somaliland
wallee wareer baa ka taagan!
Qormadayda
waxaan ku soo afjarayaa  Puntland Xageed gaadhi karaysaa  boodo jaro bal aanu ku
aragnee   (Durduro geelbaa ku jaba )  Riyona run noqon weyday  Soomaaliya
ama raac ama gooni isu taag cidina
kaa yeeli mayso  laba eefe.
Waa Qalinkii
Cabdiraxiin
Hilowle Galayr
Galayr1977@hotmail.com
Gabaygii Sahan 12aad ee Silsilada Sallaamaley
Gabaygii
Sahan 12aad  ee Silsilada Sallaamaley
Abwaan Bashiir
C/raxmaan Diiriye (Quule)
Marka hore
waxaan salaamyaa , abwaankii bilaabay Silsiladaan cusub Sallaamaley Abwaan
Xasan Faarax (xasandaaci ) iyo dhamaan Abwaaniinadii ka qayb qaadatay ,
sida  AbwaAn Khaliif Faarax Xayir ,
Abwaan Cabdiraxiin  Hilowle galayr . Isku
xiraha Silsilada iyo Kaydiyaha  Abwaan
Bashiir XIrsi iyo dhamaan abwaanadii kaloo ka qayb qaatay waxaan jeclaan lahaa
inaan halkaan ku soo bandhigo tix kooban oo aan ugu tala galay Silsiladaa inaan
kaga qayb qaAto tixdaas oo mageceeda layiraahdo (Sahan) waxaana ka cudur -daaranayaa
hadii ay ku jiraan ama cid taabanaya in la iga raali ahaado waxaanan isku
dayayaa waxii i seega maahee inaan ilaaliyo xeerka iyo xuquuqda Silsilada iyo
gebi ahaan suugaantaba  Haddana waa
kan  Gabaygii ee  ka bogasho wacan :
1. Siinlayda
gabay waayadaan ,waan ka saahidaye
2. Ma samaynin
maansooyinkaan, saaxi ku ahaaye
3. Sugaanta
kuma aannan larin, sadaradaydiiye
4. Annigoo ka
soomay mar kale, igu sallaameene
5. Aan sifeeyo waataad in badan, iga sugayseene
6. Sooyaalka taariikhdu waa ,surin la raacaaye
7. Sinjigiyo waxaa lagu bartaa ,suuradii hore e
8. Sax waxaad u baran meesha aad ,sal u lahaydeene
9. Sugaana waxaa lagu bartaa ,seerihii lumaye
10. Sammaantiyo xumaantay mar qura, kala sifaysaaye
11. Socod waxay ku gaadhaa halkaan, soofku marahayne
12. Samaan iyo xumaan wixii jiray, sax u abaartaaye
13. Mar bay samaha kaa caawisaa ,amase sooyaalka
14. Marna seed xun bay kugu ridaa ,ama sun meel taale
15. Seedaamo doogliyo marbay, nabada soohdaaye
16. Marna suluf colaadeed ayey, sahay uqaadaaye
17. Habda waa sidii loo dhigay ,sax u abaaraaye
18. Surinkaad u qaaday murtidu, kuula socotaaye
19. Nin waliba safkuu galo ayaa, laga su`aalaaye
20. Anna taydu waa sammaha iyo, eray sokeeyaade
21. Afartaa murdida socota iyo ,sawdka maansada dheh
22. Sifahaan ka geeraaro iyo ,sadaradaydii dheh
23. Afar kalana waa sahanka guud ,midaan ku saadashay
24. Sallaamaley murtida loo baxshee .socotay waagaanba
25. Saxan saxa udgoonay midaan, nabada saadaalin
26. Saaxiibadaydiyo ragii , saafay miraheeda
27. Seemaalka guud iyo naxwuhu, waa mid saafiya e
28. Hadii aan sarbeeb hoose jirin, soofku waa nabade
29. Sidaan urko maansada hadaan, anigu saadaasho
30. Sabaankii lasoo maray wixii ,shacabka saameeyey
31. Sakhmigii ka dhacay nooradkiyo ,soodka badidiisa
32. Kala soocankii dhacay markay ,taladu seerawday
33. Sabi iyo dhalaankii wixii ,seefa lagu boobay
34. Saakaba kanooline waxaan, subax usoo joognay
35. Inaan samiro mooyee si kale ,saaka may laha e
36. Hadii qaranka soomaaliyeed uu ,saldhigan waayey
37. Sodan sano iyo dheeraad haday ,socotay luubaantu
38. Nin waliba siduu rabo haduu, saca u maaalaayo
39. Sirtuu rabay shisheeyuhu haday ,sahal ku gaareene
40. Nin waliba salaan gaara baa ,lagu salaamaaye
41. Annigaa ku saacidahayee, soo dag bay orane
42. Adaan kula socdaa iyo sirbay ,kugu la meeraane
43. Sinji guurku aayaha danbay buu, saxal ku beeraaye
44. Ma sir yara ajaaniib hadaad ,sahashanaysaane
45. Sawdkaad ka garan sheekaday ,nagu sameeyeene
46. Soomaali waynay waqtiga ,waad lasocotaane
47. Halo saxo wixii kala dhexgalay ,labadan soomaali
48. Seeraha gumaystuhu dhigiyo ,sumadan waa beene
49. Sokeeyuhu makala maarmi karo ,suur kastoo dhaca e
50. Seddexda iga maqan baan rabaa ,inaa sal gaaraaye
51. Somaalidoo kala go,daa ,waa suaal adage!
52. Sidaa ma ahan kala guuristiyo ,seetadaan furane
53. Safar aan qorshaysnay bulshadu, way ku salshaaye
54. Soco tadu waxay qaadataa ,sahay ay quutaane
55. Sibraar caano geel iyo biyey, garabka saartaane
56. Adigoon salaameyn kuwaad ,sabad wadaagteenba
57. Adigoon u sababayn halkaad, uga sadcaalayso
58. Saxdu maahan inaad uun dhahdaa ,waan safrahayaaye
59. Sahan baa umaqan reerahoo ,saadanbay dagine
60. Sarac meel leh oo doogle baa ,suuban loo rarine
61. Inta qaranki soomaaliyeed, sax u imaanaayo
62. Saadaashu way wacan tehee, suga ayaan kooban
Waxaa Tiriyey
A bwaan Bashiir C/raxmaan Diiriye
(Quule)
Quule252@hotmail.com
Fadlan waxii talo iyo Tusaale ah ee Silsiladan ku saabsan iyo ka
qaybqaadashadeedaba waxaan kala xidhiidhi kartaa   addigoo mahadsan
Ab Xasan Faarax Abiib (xasandaaci) daaci77@hotmail.com
Cabdiraxiin Hilowle Galayr  galayr1977@hotmail.com
Bashir M. Hersi   brdiraac@hotmail.com
Dhiiga Hawiye maxaa ka dhigay raqiis? Tiraabta Laheystayaal ku xiran Hargeysa.?
Dhawaaq naxdin iyo tiiraanyo badan ayey ku tiraabeen la heystayaal u dhashay beesha Hawiye oo burcad badeednimo ugu xiran Magaaladda Hargeysa, La heystayaasha ku eedeeysan inay burcad badeed yihiin oo laga soo wareejiyay Jasiiradda Sychelles ayaa ku tiraabay “ Waan ognahay inaan ka dhalanay qabiilka Hawiyaha oo dhiigoodu raqiis yahay laakiin waxaan bulshada Isaaq ee Somaliland u sheegeeynaa in dadkiina u dakanoobi doonaan hadii aan ku dhimano Xabsiga aad nagu heeysaan”
La heystayaasha oo cuntada ka soomay wuxuu dhawaqoodu yahay mid dhiilo xambaarsan laakiin su’aasha hadalkooda iiga baxday waxay tahay “ DHIIGA HAWIYE MAXAA KA DHIGAY RAQIIS”? Inkastoo dhibaato xoogan heysato Somali oo dhan hadana hadalka la heystayaasha Hawiye waa dhab maxaa yeelay dadka u dhashay Hawiyaha waxaa loo cadaabayaa ficil la’aan. Qabiilada Somalida waxay maalin walba u gurmadaan dadkooda,waxay ka shaqeeyaan horumarinta degaanadooda laakiin Hawiye sidaasi maaha ,waana sababta aysan uga damqan dadkooda la xasuuqaya maalin kasta. Qoraalkeeyga kooban waxaan nafteeyda iyo qabiilka Hawiye ku waydiinayaa su’aalo kooban sida:- Ma jiraa qabiil Hawiye ka tira badan oo degaan balaaran? Ma Jiraa qabiil Hawiye ka dagaalyahansan oo ka taariikh weyn? Hawiye waa qabiilka ugu badan Somali uguna degaanka balaaran laakiin waa dad ficil yar oo lagu tilmaami karo inay ficil la’aanta kala mid yahay doofaarka,dhinaca kalena la dhihi karo qaarkood waa dameer Malab saaran.
Tiraabta La heystayaasha Hawiye ee Hargeysa ku xiran,kuwa Xabsiyada kala duwan ku xiran iyo kuwa gudaha dalka Somalia ku dhibaateeysanba waa in laga dhiidhiyo,oo loo gurmado,waa in loogu hiiliyo wixii ay xaq u leeyihiin,waana inaan loogu hiilin xaqdaro.
Qabiilka Isaaqa ee dega Hargeysa waa inay ogaadaan in wiilasha cuntada ka soomay ee ku xiran Hargeysa yihiin kuwii u dagaalamay ee Kacaankii Mohamed Siyaad Barre afka ciidda u daray.
Isaaqu waa inay Hawiye ku beer laxawsan waxaan isku nahay Irir oo kaliya balse Irirnimadooda si ficila u muujiyaan. Bulshada Isaaq waa inaysan indhaha ka laaban wiilasha Hawiye ee Cuntada ka soomay kuna jira Xabsiga Hargeysa.
Waa in Cadaalada la horgeeyo oo codkooda la dhageysto ,kadibna xukun Cadaaladeed lagu qaado.
Hadii sidaasi dhici weyso ,waa sida ay ku tiraabeen ,waxayna geeridoodu noqon doontaa mid bog taariikh gasho maxaa yeelay walaalaha Isaaq Hawiye kama mudna sida xaalku yahay. Oraahda gebagebadeeyda qoraalku waxay tahay:- MARKEEY DANI KU HEEYSAA,DADKU KALA OGAATAA!
Xigasho,, Waagacusub.com
TABABARAYAASHA XULALKA FRANCE,SPAIN,IYO HOLLAND OO MAGACAABAY CIYAARTOYDA UGA QEYB GELEYA TARTANKA HORYAALKA YURUB
Tababaraha xulka Qaranka  Spain Mr.Vincente del Bosque ayaa waxa uu magacaabay qaar ka tirsan Xiddigaha Qarankaas uga qeeyb galaya koobka Qaramada Yurub waxaana Liiska Xiddigahaan oo aad u yaab badnaa laga waayay Laacibiinta kooxda Fc Barcelona iyo Xiddigaha Fc Chelsea.
Macalin Vincente del Bosque oo Saxaafada la hadlayay waxa uu sheegay inuu magacaabi doono qaar ka tirsan Xiddigaha u harsan xulkiisa Taariikhdu markeey tahay 27.5.2012 . Laacibiinta cusub ee la magacaabay ayaa waxaa u badan kuwo caan ah waxaana ka xusi karaa Xiddigahaan :
Dhanka Goosha: Iker Casillas (Real Madrid), Jose Reina (Fc Liverpool), David de Gea (Manchester United).
Dhanka Difaaca : Juanfran (Atletico Madrid), Alvaro Arbeloa (Real Madrid), Sergio Ramos (Real Madrid), Alvaro Dominguez (Atletico Madrid), Raul Albiol (Real Madrid), Jordi Alba (Valencia), Nacho Monreal (FcMalaga).
Dhanka Qadka Dhexe : Xabi Alonso (Real Madrid), Santi Cazorla (Fc Malaga), Jesus Navas (FC Sevilla), Benat (Betis Sevilla), Javi Garcia (Benfica Lispon), Bruno (Fc Villarreal)
Dhanka Weerarka : David Silva oo weearar laga dhigay (Manchester City), Alvaro Negredo (FC Sevilla), Roberto Soldado (Valencia), Isco (Fc Malaga), Adrian (Atletico Madrid).
Xulka LA ROJA ee Qaranka Spain waxay isku Guruub yihiin koobka Qaramada Yurub dalalka Talyaniiga, Irland iyo Croatia oo dhamaantood lagu qadariyo Ciyaaraha Kubada cagta.
Dhanka kale Macalinka Qaranka Diiqa Reer Farance Mr.Laurent Blanc wuxuu si toos ah ugu dhawaaqay Laacibiinta Xulka France u matali doona koobka Qaramada Yurub oo furmi doona 8-da bisha Juun kaas oo si xaraarad ah ku socon doona ilaa 1-da bisha Juulay.
Xulka Qaranka France oo aad u adag tan iyo markii uu la wareegay macalin Laurent Blanc waxay isku Guruub yihiin koobka Qaramada Yurub dalalka England, Ukraine iyo Sweden. Laacibiinta uu Macalin Laurent Blanc sida tooska ah u magacaabay waxeey kala yihiin magacyadooda qaabkaan :
Dhanka Goosha : Cedric Carrasso (Bordeaux), Hugo Lloris (Lyon), Steve Mandanda (Marseille).
Dhanka Difaaca : Gael Clichy (Manchester City), Mathieu Debuchy (Lille), Patrice Evra (Manchester United), Laurent Koscielny (Arsenal), Philippe Mexes (AC Milan), Adil Rami (Valencia), Anthony Reveillere (Lyon), Mapou Yanga-Mbiwa (Montpellier).
Dhanka Qadka Dhexe : Yohan Cabaye (Newcastle), Alou Diarra (Marseille), Yoann Gourcuff (Lyon), Florent Malouda (Fc Chelsea), Marvin Martin (Sochaux), Blaise Matuidi (Paris SG), Yann Mvila (Rennes), Samir Nasri (Manchester City), Franck Ribery (Bayern München).
Dhanka Weerarka: Hatem Ben Arfa (Newcastle), Karim Benzema (Real Madrid), Olivier Giroud (Montpellier), Jeremy Menez (Paris SG), Loic Remy (Marseille), Mathieu Valbuena (Marseille).
Xulka Faransiiska koobkii Aduunka iyo kii Qaramada Yurub ee kan ka horeeyay waxaa soo qabsatay fadeexo weeyn balse Bilihii ugu dambeeyay waa laga badin la yahay ku dhawaad 20 kulan waxeeyna gurigooda ku soo garaaceen Qaranka Germany oo Gurigiisa ku garaacay dalalka Holland iyo Brazil.
Xiddiga ugu Nasiibka xun Qaranka Faransiiska waxa uu noqday Difaaca kooxda Tottenham Younes Kaboul oo markii si toos ah loogu soo daray Qaranka Faransiiska uu Dhaawac ku soo kacay waxaana Xiddigaan oo Jilibka laga qalayo sidaas ku seegay koobka Xiisaha badan ee Euro 2012.
Qaranka Oranjiga Holland oo la magacaabay waxaa Nasiib u yeeshay inuu ka mid noqdo Wiil yar oo ka tirsan kooxda PSV Eindhoven kaas oo ka ciyaara dhanka Difaaca. Xiddigaan da´da yar waa 18 jir waxaana lagu magacaabaa Jetro Willems. Laacibkaan cusub waxaa Toosh ka daba wata kooxaha Ac Milan, Tottenham, Fc Sevilla, As Roma iyo Inter Milan waana Xiddig ka mid ah Ciyaartooyda Madoow ee u soo baxay Qaranka Holland.
Jetro Willems oo dhanka Difaaca aad loogu amaanay wuxuu ku dhashay 30-kii bishii Maarso Sanadkii 1994-kii magaalada caanka ah ee Rotterdam waxaana aad uga helay macalinka Qaranka Holland Mr.Bert Van Marwijk .
Xulka Qaranka Holland wuxuu ku jiraa Guruubka Caalamka looga baxshay Guruubkii dhimashada ee Euro 2012 waana Guruub B oo ay ku wada jiraan Wadamo Qamaam ah oo inta badan aan sahal uga harin koobka Qaramada Yurub kuwaas oo kala ah Germany/Mesut Özil, Portugal/Cristiano Ronaldo iyo Denmark/ Nicklas Bendtner & Daniel Munthe Agger .
Macalinka Qaranka Holland Mr.Bert Van Marwijk waxaa la xaqiijiyay Qaranka Holland inuu ku soo daray hal Xiddig oo Weekiyo ah kaas oo lagu sheegay Xiddiga qaba gabadhiisa waa Qeeylo Quute Mark Van Bommel oo Sodigiis mar kasta Naxariis ka hela iyada oo ay dhooban yihiin Laacibiin aad u da´ yar.
LIISKA XIDDIGAHA QARANKA ORANJIGA HOLLAND LOO MAGACAABAY WAXAANU KA XUSI KARNAA :
Dhanka Goosha: Maarten Stekelenburg (AS Roma), Tim Krul (Newcastle), Michel Vorm (Swansea)
Dhanka Difaaca : Vurnon Anita (Ajax Amsterdam), Khalid Boulahrouz (Stuttgart), Wilfred Bouma (PSV Eindhoven), John Heitinga (Fc Everton), Joris Mathijsen (Fc Malaga), Ron Vlaar (Feyenoord Rotterdam), Gregory van der Wiel (Ajax Amsterdam), Jetro Willems (PSV Eindhoven)
Dhanka Qadka Dhexe : Ibrahim Afellay (FC Barcelona), Mark van Bommel (AC Milan), Nigel de Jong (Manchester City), Adam Maher (Alkmaar), Stijn Schaars (Sporting Lispon), Wesley Sneijder (Inter Milan), Kevin Strootman (PSV Eindhoven), Rafael Van der Vaart (Tottenham)
Dhanka Weerarka : Klaas-Jan Huntelaar (Fc Schalke), Luuk de Jong (Twente Enschede), Siem de Jong (Ajax Amsterdam), Dirk Kuyt (Fc Liverpool), Jeremain Lens (PSV Eindhoven), Luciano Narsingh (Heerenveen), Robin van Persie (Fc Arsenal), Arjen Robben (Bayern München).
FIIRO GAAR AH : Xulka Qaranka Holland Afka hore ama weerarka waxeey wataan Klaas-Jan Huntelaar oo Mario Gomez ka soo qaaday Gooldhalinta horyaalka Germany iyo Weeraryahanka halista ah ee kooxda The Gunners Fc Arsenal waa Robin Van Persie oo isna noqday Laacibkii ugu wanaagnaa uguna Goolal dhaliska badnaa horyaalka Premier League ee dalka Ingiriiska . Xiddigahaan waxaa Afka hore ka caawin doona Wesley Sneijder iyo Arjen Robben oo la ogyahay heerka ay gaarsiisan tahay Xanuunka Darbooyinka ama Sawaariiqda ay gamaan.
Qabqable Faroole oo amar ku siiyey odayaasha dhaqanka Puntland iney deg deg uga baxaan shirka ka socda Muqdisho
Warar aanu ka helnay ilo wareed lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in odayaasha dhaqanka beelaha Puntland ee jooga magaalada Muqdisho ay soo gaartay fariin uu u soo diray madaxweynaha maamulka Puntland oo ah iney deg deg uga baxaan shirka lagu soo soo xulayo ergooyinka ansixinaya dastuurka cusub ee Somalia ee waxgaradka beelaha Soomaalida uga socda magaalada Muqdisho.
Mid ka mid ah odayaasha dhaqanka Puntand ee jooga magaalada Muqdisho oo magaciisa diiday in la soo xigto ayaa qaranka.net u sheegay in fariintaas ay jirto, isla markaana sidoo kale madaxwweyne Faroole uu soo amray in ay deg deg ugu soo laabtaan magaalada Garoowe.
Odayaasha dhaqanka Puntand ee jooga magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in markii uu warkaas soo gaaray uu ka dhacay jahwareer xoog leh oo sababay iney kala qeybsamaan, waxaana qaarkood ay sheegeen iney hadalka Faroole u hogaansamayaan dibna ugu laabanayaan magaalada Garowe, halka qaar kalena ay sheegeen in Faroole warkiisa aysan ku jirin ayna shirka ku metelaan magaca beelahooda sidaa awgeedna aysan shirka ka baxeynin.
Raisul wasaraha Somalia ayaa maanta si deg deg ah booqday goobta uu shirku uga socdo odayaasha dhaqanka ka dib markii uu ka war helay wararka sheegaya in Faroole uu amar ku siiyey odayaasha Puntland iney shirka isaga baxaan, waxaana wararka qaarkood ay sheegayaan inuu kulan gaar ah la qaatay odayaasha Puntland, isagoo ka codsaday ineysan ka bixin shirka haddii taas ay dhacdana uu fashil deg deg ah imaan doono, wuxuuna u sheegay in ay socdaan wadahadalo lagu xalinayo diidmada Faroole uu kala hor yimid dastuurka ayna sii wataan howlaha ay ku soo xulayaan ergooyinka ansixinaya dastuurka lamase oga in odayaashu ay arintaas ogolaadeen iyo in kale.
Dhinaca kale siyaasiyiinta beelaha Puntland ugu jira dowlada KMG Somalia sida wasiirada, saraakiisha iyo xildhibaanada ayaa kulan gaar ah ku leh Hoyga uu ka degan yahay magaalada Muqdisho siyaasiga Saciid Qoorsheel oo ah siyaasi ka soo jeeda Puntland, kana mid masuuliyiinta xafiiska raisul wasaaraha Somalia, waxaana kulankaas looga hadlayaa sida laga yeelayo diidmada Faroole uu kala hor yimid dastuurka, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in kulankaas uu ka dhashay buuq ka dib markii qaar ka mid ah siyaasiynta ka qeyb gashay ay si cad u sheegeen iney taageersan yihiin hadalka Faroole.
Madaxweyaha maamulka Puntland ayaa dhowaan qoraal uu kaga soo horjeedo dastuurka u kala diray wakiilada beesha caalamka u qaabilsan Somalia, wuxuuna ku sheegay qoraalkiisa in dastuurka uusan u cuntameynin maamulkiisa una qalmin in soomaaliya lagu maamulo, uuna si weyn uga soo horjeedo qaabka wax loo wado iyo qodobo ka mid ah dastuurka oo uu xusay iney is burinayaan.
Raisul wasaaraha Somalia ayaan wax weyn ka soo qaadin hadalka madaweyne Faroole ee kaga soo horjeestay dastuurka, isagoo ku tilmaamay inuu yahay feker u gaar ah Faroole, kana mid ah aragtiyada kala duwan ee laga bixinayo dastuurka cusub hase ahaatee Faroole ayaa isku dayaya inuu carqaladeeyo ansixinta dastuurka ka dib markii uu odayaasha dhaqanka Puntland ku amray iney ka baxaan shirka kuna laabtaan Garowe
GABAY: MOORYAAN GAREEYEEY MAJIRO MOWQIF KUU QORANE “SHIIKH NUURIYE
ASC WARAXMATULAAHI WABARAKAATUHU?
MARKA HORE ALLAAHA MAALIGAA MAHAD DHAMMAANTEED LEH
MARKA XIGA RASUULKIISA MUDAN MAXAMED WEEYANE
MARKALANA MILKIILOOW ALLOOW MAHADI WAA TAADAA
MARKA AAN INTAA MEEL DHIGEE AAN SUNAHA MEERSHO
AAN MARIYO MOORYAAN GAREEY GABAY MACNAYNAAYAA
WAA GABAY LA SOO MIIRAY OO AAN LAHAYN MIRIFEE
WAA GABAY MACNAHA LAGA DHEXHELO EREYGA MOORYANE
MANA LIHID MITAAL TOOSAN IYO MARIN LA RAACAYE
LABA MAADO OO KALA FOG BAA KUU MATANA AHEE
MIDNA WAA INAAD MALAGTIHIYO QOON MASIIBA AHEE
MIDNA WAA INAAD MAHADHO IYO MURUG ABUURTAANEE
MIDNA MEEL MADOOW INAAD GASHOO DABIN MALEEGTAAYE
MIDNA WAA MUGDIGA INAAD GUDOO GAWRAC MARISAAYEE
MIDNA MACAGAG MEESHUU QABSADO LAGAGA MAGAAYEE
MIDNA WAA INAAD MURUQTANTOO MAARE SIDATAAYEE
MIDNA WAA QABIILNIMO MUTAXAN OO MARQAATI LEHEE
ADIGAA KA MARAN DIINTA OON MEERIS KA AQOONE
ADIGAAN MATALI-KARIN KITAAB MAALIG SOO DIRAYEE
ADAA LOOX KA MEERSADA IBLIIS MARIN HABOSHA AHEE
ADAA MAGACA DIINTEENU KUU YAHAY MAQAAR SAAREE
ADAA IGAR MAQAAR LOO SIDIYO SIDIG WAR MOOGA AHEE
WAXAA MUUQDA MOOYEE ADAAN MEEL KA DHEER ARAGEE
ADIGAA MASAAJID UGU DHACA MUUMINIIN GALAYE
ADIGAA MAGOWSADA XINJIRO MAALIN RAMMADAAN
MISKIIN AAN MANFACA HAYSAN OO GAAJO MACALUULAY
MIISHAAR ADAA QAATA OO MIDIGTA GOOYA AHEE
MURWO SHARAF LEH MAXAJABAD MID AAN WELI MILKEED GARIN
ADIGAA MARYAHA KALA HAROO XOOG MALOOLIYA AHEE
ADAA RUUX MARYADAHAYA IYO MAGANTA LAAYA AHEE
ADIGAA MACRUUF KU AH WAXAAN UUNKA SOO MARINE
ADAA JIINGADAHA MURUXSADOO MOOLALKOW DHACAYE
ADIGAAN WAXAAD MILICSATAA MIRIRA SII OOLEE
ADIGAA MASAAFA UGU BAXA MEELO KALA DHEERE
ADIGAA MURAADKAAGU YAHAY MAALIN TAAJIRIDEE
ADAA MAYIYO HAAH MEEL KU DHAHA MAALIN GALINKEEDE
ADAA MAGACYA BADAN OO SHABEEL QAATA MIDABKIISE
ADAAN MAAMUL IYO DOONAHAYN XAQ IYO MIISANE
MAAWEELO ADIGAA KU NOOL MAALIN IYO LAYLE
MUFTI SHIIKH AH ADIGAA DILIYO KII MUWAADIN AHEE
MUSLINIMADA KAA MUUQATAA WAA MADOW DAHAYE
ADIGAA IS MIIDAAMIYOO MIINA AASA AHEE
ADIGAA QABUURAHA MIRTOO MEYDKA IIBSADAYE
ADAA UUNKA MAQASHIYA WAXAAN MUDAC KA DAABNEYNE
ADAAN MIISKA SOO DHIGIN WAXAAD MIHINDISAYSAANE
MADOOWGIYO CADAANKUBA ADAY KAA MURMAHAYAANE
MUSLINKA IYO GAALADU ADEYN MAARO KAA HELINE
ADAA MEHERAD LAAWE IYO TUUG KUU YIHIIN MADAXEE
OO MAANTA MEHER XADAY KUWAAD SHALAY KU MAAGTEENE
SHARCI MADAL LA KEENIYO RUNBAA LAGU MIDOOBAYE
ADAA RABA KITAAB MALA-AWAAL KUUGU MEEL MARAYE
HORTA YAA KU MAAMUSAY OO MADALKU SOO TAAGEY
ADAA MADAXA DUUBTAYE KUMAA CAANO KUGU MAAAXSHEY
MUQDISHIYO SHABEELIYO MARKAAN HELININ MAAMUUSE
OO NABAD MA MA MALAAN INTAY MURUGO BEELAANE
MACNAHA IYO UJEEDADA KU JIRA KUMA MARAYAAN
INTAAD DHIIG KU SOO MAYRATAAD BOOR IS MARISAYEE
WIXII EEBAHAY MAANACAA KUU MACAAN ADIYE
MAADIYO MADIIXIYO ORKAA KALA MAGAC WEYNE
MUSLIMIINTA WAXAA LOO0GU DIRAY XAQA HA MUUJEENE
MID MALAASAN MAAN GARAN WIXII EEBE MAANACAYE”
“MUSLINIMO NINKAAN KUGULA SOCON MUUMINO QAAS AH
GAAL MAXASTA KUU DHOWTRA OOD MAGANGASHAA DHAAMA”
ADIGAA MASRUUFKAAGU YAHAY MAAL DADLEEYAHAY
MASKA KUGUU CANDHUUFIYO ADAA MICI KU DHIIGLAA AHE
MALIS IYO KUWAA MOOY DUL TUBAN OO DEYDKA LAGU MEERSHEY
MURUG- MAARUG ADIGAA KA DHIGAY OON U MEEL DAYNE
IN MIDNIMADA SOOMALIYEED MUXUBO KAA HAYSO
OOD MAAMUL DIINIYA RABTAAN WAA MAR LOO NOQOYE????
ZUBEYR MACALIM CABDULQAADIR
Naadiga Juventus oo Iskoor Caalami ah ka jabisay Kooxda Ugu guulaha Badan Aduunka EE Ac Milan iyo Alessandro Del Piero oo dhaliyay Goolkiisii 289-aad intii uu sitay Maaliyada Juventus
Tartanka  Serie A oo la soo gaba gabeeyay waxaa Iskoor Caalami ah jabisay kooxda Juventus oo xili Ciyaareedkaan ku dhameeysatay iyada oo aan weli laga badin . Iskoorkaan waxaa horay u heeystay naadiga Ac Milan oo sanadkii 1991/92 ku dhameeysatay horyaalka Talyaaniga iyada oo aan weli laga badin.
Kooxda Juventus oo xili Ciyaareedkaan dhan kasta ka dhisneed waxay kulankii lagu soo afjarayay horyaalka Talyaaniga 3-1 ku qaarajiyeen naadiga Atalanta Bergamo. Goolasha kooxda Juventus waxaa u kala saxiixay Luca Marrones daqiiqadii 10-aad Alessandro Del Piero oo dhaliyay goolkiisii 289-aad intii uu watay Maaliyada kooxda Juventus (daqiiqadii 28-aad). Waxaa Goolka sadexaad oo rigoore ahaa raacsaday Ciyaaryahan Andrea Barzagli halka Goolka Atalanta uu ka ahaa mid uu kooxdiisa Juventus si qalad ah uga dhaliyay Xiddiga Qaranka Switzerland Stephan Lichtsteiner (daqiiqadii 83-aad).
Sidoo kale waxaa horyaalaka Talyaaniga Guul ku soo afjartay The Rossoneri Ac Milan oo 2-1 ku tuntay naadiga Novara .Goolasha Ac Milan waxaa u kala saxiixay Mathieu Flamini daqiiqadii 56-aad iyo Filippo Inzaghi daqiiqadii 82-aad.
Horyaalka Talyaaniga kooxda Juventus 4-dhibcood ayay Ac Milan kaga qaaday waxaa xili Ciyaareedkaan Mucjiso qabsatay naadiga Inter Milan oo laga reebay koobka Champions League ka dib markii ay SS Lazio 3-1 ku suul daartay. Naadiga Udinese ayaa koobka Champions League u soo baxday waxaana dhanka Serie B-da horyaalka Talyaaniga loo diray kooxaha kala ah Lecce, Novara iyo AC Cesena.
Kooxaha Napoli , SS Lazio iyo Inter Milan oo ceeb qabsatay sanadkaan waxay ka ciyaari doonaan koobka Europa League waa Ex-UEFA Cup halka As Roma oo xili Ciyaareedkaan Laacibiin fara badan soo aruursatay ay xitaa Europa League boos ka weeysay.
Horyaalka Talyaaniga Kooxaha waxay isku macsalaameeyeen qaabkaan :
Juventus Atalanta 3:1
AC Milan Novara 2:1
Fiorentina Cagliari 0:0
Cesena AS Roma 2:3
Parma Bologna 1:0
Catania Udinese 0:2
Lazio Inter Milan 3:1
Napoli Siena 2:1
Chievo Verona Lecce 1:0
FC Genoa Palermo 2:0
Kala horeenta kooxaha
1. Juventus 38 23 15 0 68:20 84
2. AC Milan 38 24 8 6 74:33 80
3. Udinese 38 18 10 10 52:35 64
4. Lazio 38 18 8 12 56:47 62
5. SSC Napoli 38 16 13 9 66:46 61
6. Inter Milan 38 17 7 14 58:55 58
7. AS Roma 38 16 8 14 60:54 56
8. FC Parma 38 15 11 12 54:53 56
9. Bologna 38 13 12 13 41:43 51
10. Chievo Verona 38 12 13 13 35:45 49
11. Catania 38 11 15 12 47:52 48
12. Atalanta Bergamo 38 13 13 12 41:43 46
13. AC Fiorentina 38 11 13 14 37:43 46
14. AC Siena 38 11 11 16 45:45 44
15. Cagliari 38 10 13 15 37:46 43
16. US Palermo 38 11 10 17 52:62 43
17. FC Genoa 38 11 9 18 50:69 42
18. US Lecce 38 8 12 18 40:56 36
19. Novara 38 7 11 20 35:65 32
20. AC Cesena 38 4 10 24 24:60 22
Qalbigii dhumay!!! Qiso jeceyl xanuun badan,, Q,41aad
Madoobe siduu qorsheystay buu kudhaqaaqay waxuna Aaminay hooyaded ushegay inu qada sharaf qabo eyna muhiim tahay iney imaado  wayna ka aqbashay, qadadu cidkale ma quseyn waxa u usameya ahayd iyada iyo gabadheda sidu ukulmi lahaa.
waxa lagaray waqtigii  waana ey soo xaadirtay maamadi iyado walibo kutala gashey ine wax ka shaqeyso waase laga diiday loguna yeeray ine qolka fadhiga tagto waxaana ku wehlinaye madoobe oo ey dhexmartay sheeko aad u xanuun badneyd kana hadlaysey waayihii kala orodka  iyo waxee ku arkeeyn waqtigaa aadka uxumaa,  maamada oo shekada wadata aya tiri Madoobe waa jirtay maalin aad anaga dhan alle ka sakoow aad inaga  hor istaaktay  xumaantii mooryan ee inagu soo weerartay gurigeena  uuna dhaawacu kaa soogaray  illaah ba mahada iska leh ka bogsiiyey dhawacii kugaaray,  intaa kuma ekayn dhibti ee waxa ku weynay gabadha yadii,  ma aha anaga kaliya waxa dareemay dhibki wadanka kadhacey ee Qoys kastuu  ugu tagay meeshu  joogay illaahow inta inooga sin, aye warki kuso gabagabeyse maamadi Aaminay hooyaded ahayd.
Aamina waxe kala socotay shekada qol kudhagana midka ey fadhiyen waxayna heeyn waysey ilin ka borqoneysey indhaheda  iyadoo ka xanuun satay erayada hooyaded.
Madoobe aya isaguna warki qaatay kuna yiri, hooyo waxkasto dhacey waa ey qornayen  lamana dhafi karo qadarta alle,  hada waxa un inogu daran gabadhan iska maqan ee anan nolol iyo geeri midna inogu tirsaneyn,  laga yaabe in iyada laftedu u murugsan tahay sa anaguba uga xanuun saneyno maqnansha heeda hada iyo  dan  iska cafi  hooyo  niyadana ufur  insha allah waa ey ino imaane hada ifka si joogno, maamadi aya laso booday alla wa ufuran tahay niyadeydu  waqti kasto aan gutana wajibadka alle wa ka baryaa ina mar un arko gabadheyda,  illahow mar indhaha iisaar,  markee halka wax marayaan aye is hayn waysey Aaminay  iyado gaari cuuryankii riixanaysa aye so istaaktay iridii qolka fadhiga  waxana afkeeda kaso yeeray, hooyn mcnto i cafi  wa ku imaaday walibo ano aan socon karin  awalna ka dhuntay  anigoo ordaya,  halmar aye maamadi istaaktay kuna dhagtay gabadheeda iyo ku dul ooysey, halmaraa waxa cirka kudhagay balaw iyo  qeeyla dhaan eey ku larneyd  ooyin farxadeed.
Wargalin  akhirtiyaasha qaarkood ayaa inoo soo diray  codsiyo  ku aadan sheekada qeeybaheedii hore  waxaa  usheegeeynaa  inaa ka daalacan karaan    qeeybta  qisooyinka  jaceeylka  ee wep ka .  mahadsanidiin.
Hidaha.com
Lasoco axada dambe iinsha allah.
W/Q.  Mohamed abdi  ali ,  fadxi
teeyson@hotmail.com
Abdi Weli Gaas~Faroole waxa uu ka hadlay fikirkiisa”
Muqdisho–Ra’iisul wasaaraha xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya ayaa ka jawaabay go’aankii Madaxweynaha Puntland uu kaga soo horjeestay dastuurka.
Prof. Cabdiweli Maxamed Cali oo la hadlay warbaahinta ku hadasha afka DKG ah ayaa waxa uu sheegay in go’aanka uu kaga soo horjeestay Madaxweyne Faroole dastuurka in uu yahay mid u gaar ah oo ah fikirkiisa.
Waxaanauu intaas ku daray in eedeynta Puntland ee ku aadan Dastuurku aysan ahayn mid wax u dhimi karta geedi socodka lagu dhamaystirayo Road map-ka.
Hadalka Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa imaanaya xilli maalintii shalay ahayd uu madaxweynaha Puntland sheegay in Dastuurka qabyada ah uu yahay mid aan Soomaaliya u qalmin.
Dhinaca kale dowladda Puntland ayaa maanta shaacisay qodobada ay ka walaacsan tahay ee Dastuurka, kuwaasoo ay soo diyaariyeen guddiga dib u eegista Dastuurka dowladda dhexe ee Soomaaliya.
Milkilaha Mancity Sheikh Mansour Oo Qardaraaska U Kordhinaya Tababare Roberto Mancini Si Uu Kooxda Usii Hogaamiyo Muddo Dheer
Macalinkan talyaniga ah ee hogaamiya kooxda Manchester City ayaa heshiiska uu kooxda Manchester City  kula jiraa ku egyahay bisha june ee 2013 ka hase yeshee milkiilaha kooxda ayaa ku adkaysanaya in uu heshiis cusub  lagali doono Mancini hadii uu ku guulaysto horyaalka iyo hadii kaleba. Wararka ayaa sheegaya in Mancini uu la kulmi doono Sheikh Mansour iyo waliba Khaldoon Al Mubarak marka uu xili ciyaareedku dhamaado. Labada dhinacba waxa ay rajaynayaan go’aan dagdag ah iyada oo laga yaabo in habeenka ku xigana heshiiska la kala saxeexdo. “Heshiiska waxa lasiin doonaa Mancini, qofkastaa waxa uu ku mashquulsanyahay ciyaarta axada ee go’aamin doonta in Manchester City in ay hanato Horyaalka, hase yeshee marka uu dhamaado xili ciyaareedku Mancini waxa uu la kulmi doonaa Sheikh Mansour iyo Al Mubarak” ayuu saxaafada u sheegay qof katirsan maamulka kooxda oo aan magaciisa lasheegin.
Inkasta oo uu Mancini hore u dalbaday in lafuro wadahadlo ku saabsan heshiis hadana milkiilayaasha ayaa u sheegay in aan wada hadal la furi doonin ilaa la gaadho xagaaga. Mancini oo kooxda yimid 2009 kii ayaa ku faraxsan in uu sii dheereeyo heshiiska uu kula jiro kooxda laga yaabo in loo caleemo saaro horyaalnimada dalka ingriiska. Heshiiska cusub oo ah $ 6.2m ayaa ah mid uga lacag badan Mancini kii hore ee uu kooxda kula joogay oo ahaa $ 4.3m sanadkiiba.